Gaso, Ganuun iyo Gasiin Q:23AAD W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed


Gaso, Ganuun iyo Gasiin Q:23AAD 

Sheeko, sheeko!Sheeka Xariir!

Jabaq ayaa hoosta ka yiri, “Aqool xumidi aad ka dhaxashay abootadaa aad rabtaa in aan ununkana ama annagana ku dhaxal weyno. Xeey isu keey dhaamaan daffo deris ah iyo tu dool ku timid?” Ninki ayaa qoslay oo yiri, “waa aqaannaa waxa hadda ku meermeeraaya maskaxdaada iyo laabtaada.” Jabaq oon weli ka jawaabin hadalki ayaa ninki hor boodaayaey qowleysatadii bilaabay in ow u heeso sicci:

  •  Sacaan xoolo leeyahay
  • la yiraahdo samofale
  • sumaddiisu ay tahay
  • toban iyo sagaal naas
  • caanuhuna sunsumayaan …

Sicci ayaa kor u booday oo lugaha dambe kala fidiyey ama kala taagay. Ninki ayaa qosol la dhacay, raggi la socdayna ku yiri, “Nataka maziwa.” (Caanaan rabaa.) Waxa uu hadalkiisii ku daray, in sasabashadu ab u tahay soo xerogelinta heedadaw muddo dheer ay dilatay bayhoof iyo bidhaan la’aan. Waxa uu ninkii isku dayey in ow hinifsado. Jabaq ayaa laabta ka yiri, “Ma hinifsatid, idin Eebe.” Siccii oo aad u qabto in ow gartay inkaarta Jabaq laabta ka xooray ayaa hal mar ganuunki iyo kii islahaa liso labo meel u kala tuuray. Sal ku juglow u dhacay. Hal ka mid ah kooxdiisa ayaa soo cabbaystay lixlihii garabka u saarnaa.

“Wafanya nini?” (Maxaad sameyneysaa?), waa kii gadashiisa ka maqlay. Minow gadaal deymooday, waxaaba meesha taagan nin xiran lebis aan hore loogu arag Ceelcadde iyo agagaarkiisa. Waxa uu xirna macawis aad u qabtay in ay ka sameesneyd meyrax la saloogay. Qaarka kore waxaad u qabtey in ow ka qaawanaa. Koofi mudacyo badan ka taaganyihiin ayaa kugta u saarnaa. Kii lixlaha cabbaysanaayay ayaa anfariir awgii qoragi kula jeestay ninki aad u qabtey in ow adduun kale ka yimid. Waa kii bisqinta haraati kala dhacay, qorigiina ka maroojistay. Kii madaxda u ahaa qowleysatadi ayaa isku dayey in ow u soo danaansho ninki laga haraatiyey bisiqleyda. Haddana waa kii isbeddelay oo meeshiisi kadaloobsaday. Ninki meyraxda lebisnaa ayaa yiri, “Lete maji.” (Keen biyo.) (Lammo, lammadiis kale, lita, litaa buure, looja. Qawleysatadi mid ka mid ah ayaa ka yaabay waxa cayaarihi gebdhaha xaafadiisii dheelijireen ninkaan weyn meesha u keenay. Goorba mesha ow ka yimid ayaa wiilasha iyo gebdhuhuba dheelaan God-ka-bixiska.) Ninki qawleysatada madaxa u ahaa ayaa u soo taagay Aw Meyraxle buraashad biyo ku jireen, usuga oo isleh ku maslax. Aw Meyraxle ayaa qoslay oo buraashaddii afka la aaday oo ka heensaday biyihii ku jiray. Qawleysatadi ayaa indhaha ka mirigmirigsiisay. Inta ow afka gacanta ku tirtay ayuu meel bariga ugu aaddan rabti ay joogeen u dhaqaaqay. Qawleysatadi ayaa mar qura neecaw qabow soo gashay. Ninki horjoogaha u ahaa ayaa mar labaad isku dayey in ow salsalaaxo sicci.

Jabaq ayaa yiri, “Wixi taas ka dambeeyay ma aqaan saan uga sifeeyo. Sicci aa mar labaad, sida neef ruq ah, dhulka habashaq ku yiri. Waxaad arkaysay in nimankii oo dhan uu saaqay dhirif aan xad lahayn. Wax yar ka dib, aabow, sicci ayaa sida dhar milmay oo kale u misisiqay. Waxaan arkay naasihi oo halba ama midba meel ku dhacay. Oogadiisi oo lafo noqotay. Waxaan arkay sicci aad ogeed oo qalfoofoobay. Waxaa taas ka darneyd sumadihi sida roobsugow oo kale hal mar shux ka soo yiri. Waxaan tiriyey sumado ka badan dhowr iyo sagaashan. Waxaa ka mid ahaa: hilfaaq, idin, dhaad, dheg-jeex, sakamad, heensaraar, shumme, taraar, birqaab iyo mareeg. Haddana waxaad u qabtay in saccu misisiqay usuga oo qoslaaya. Qawleysatadi ayaa kor iyo koonfur u kala oroday. Muggaas ayaa iigu dambeysay war, wacaal iyo wax ogaalba.”

Iyaga oo meeshoodi fadhiya ayaa hiindadi guriga oo luudeysa soo ag joogsatay. Iyada oo hundhurta ayay tiri, “Xaad meesha la qandhoobtaan. Ka kaca oo baadidoona dadka iyo duunyada naga maqan.”

Odaygi ayaa yiri, “saacaddaan saacad wax la doono maaha. Dhulku waa nagu cusubyahay, meel aan wax ka jirinona ma naqaan. Foogta subax dhadhaboodki ayaan baadigoobidoonaa. Ee hiindooy, wax ay ilmuhu afka ku qabsadaan meel ma ku haysaa?”

“Wax yar oo heraa ah oon u qaso ama aan u qoosho aa ii yaal.”

Habeenkaas wax jiif ah laga ma helin kobti ay ciddu tiil ama fadhiyeen. Waxay dhararaayeen inta ow waagu ka beryo.

La soco qaybaha kale
W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed
ali.ahmed@qc.cuny.edu

SHEEKOOYIN