Gaso, Ganuun iyo Gasiin Q:24AAD W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed

 

Gaso, Ganuun iyo Gasiin Q:24AAD

 

Sheeko, sheeko! Sheeka Xariir!

Inta aanan dib ugu noqon dhafarki dheeraa ee reer Jabaq la soo dersay iyo sheekada inteeda kale, bal aan idiin soo gudbino labo dhambaal oo ay soo direen akhristayaal u dhuunduleela sheekada. Halka hore waxaa soo diray akhriste magaciisa ku sheegay Jidhaan. Waxa uu yiri:

Waxaan aad u xiiseeyaa sheekadaan aad nala qaybsataan. Waxaan filaayaa in ay tahay sheeko naga wada dhexaysa oo kurtigayn aan saami ku leenahay. Saas ooy tahay, marmar waa idin qawedaa ama saluugaa, khaasatan marka aad labadiina sheekada garwadeenka u ah aad is qabqabataan. Calaa kulli xaal, qormadii ama xilqadii usbuuci la soo dhaafay ayaad waxaad ku soo bandhigteen wax aan aad ula dhacay. Waxaan xiiseeyaa oo aan in muddo ah baadigoob ugu jirey firsooca iyo macnaha ka dambeeya sumadaha Soomaalidu u isticmaasho xoolaha. Waa marka horee, Soomaalidu waxay tiraahdaa, idinkuna aad qorma hore ku sheegteen, “Magac laga miskiin maaha, madane xooluhuu ku yaal.” Si kale u dhig oo waxaad ogaaneysaa in ay sumaduhu yihiin wax fac laga soo gaaray oo Soomaalida u sahla ama fududeeya baadigoobka neefka ambada ama dhuma. Sumadihi aad carrabka ku dhufateen waxaa ka mid ahaa “dheg-jeex.” Keliya waxaan rabaa in aan xuso in sumaddaanu ka duwantahay waxa Af Carabiga lagu yiraa “Baxiira.” Waxaan filayaa in aad waxuun ka taqaanaan Qur’aanka kariimka ah. Suuratul Maa’ida, aayadda 103aad, ayaa lagu sheegayaa dhaqan jaahiliya oo ka jiray Jaziiraddii Carabta ka hor imaanshihii Islaamka. Baxiira waxaa la yiraahdaa hal ama qaalin la dhaqdo oo qaalmo badan dhashay. Waxay Carabtii berigaa joogtay samaynjireen oo caado u ahayd in ay dhegta ka jeexaan neefkaas iyada ah ama mid ka mid ah qaalmaha ay dhashay, iyaga oo u hibeeya mid ka mid ah waaqyadi ay caabudijireen. Isla aayadda aan soo sheegay ama xusay ayaad ku arkaysaa in lagu sheegay qaalmo kale, sida Saaiba oo qof ama ruux safar dheer ku maqnaa, nabadna ku soo noqday, ama qof cudur ama bugto ka bogsooday uu u hibaysto, iyo Wasiila oo ah qaalin mataano dhashay oo loo hibeeyo waaqyadii markaa ay duulkaasu caabudijireen. Waxaa asagana jiray Xaam oo ah Baarqab loo hibeeyo isla waaqyadi aan hore u soo sheegay.
Mar labaad iga guddooma salaan iyo qadderin mug weyn.
Walaalkiin, Jidhaan

(Walaal Jidhaan, aad iyo aad ayaad ugu mahadsantahay ammaanta iyo dhaliisha aad noo soo jeedisay amaba gudbisay. Qoraalku, sida aad sheegtay, waa wax naga wada dhexeeya, cid gaar u lihina aysan jirin. Qawlkuna ama oraahdu, sidi aan xirmooyin hore ku soo sheegnay, waa merge oo kale. Waxaan hubnaa in annaga iyo akhristayaasha kaleba aan wax badan ka faa’iideysanay dulucda dhambaalkaaga. Mar labaad, mahadsanid.)

Dhambaalka xiga ama labaad waxa uu ka yimid akhriste magaceeda ku sheegtay Xareedo, waxa ayna tiri:

Waa idin salaammay. Ma aqaan waxa aad kaga jeeddeen xirmadii usbuuci hore, gaar ahaan qaybti sumadaha ka hadleysey. Si kastaba ha ahaatee, waxa aan rabey in aan idin la qaybsado baaritaan aan in muddo ah ku hayey arrinka la xariira sumadaha iyo falanqayntooda. Waxa aan beri hore meel ku arkay Dottoor Jaamac Ina Muuse oo ka hadlaaya mowduucaan asaga ah. Waxa aan anigu in muddo ahba isku mashquulinaayey, kuna hawlanaa in aan soo saaro Far u gaar ah Soomaalida oo ku salaysan sumadaha ku yaal xoolaha. Waxa arrintaan igu dhaliyay labo arrin. Waa tan hore e, waxaan beri hore ka mid ahaan jiray dugsileey ku jilnaa goob lagu barto far ka mid ah farihi Soomaalidu waa hore curisay. Waxaa nalagu magacaabi jiray Ardaydii Goosanka. Waxaan xasuustaa Macallin Ina Magan oo si qurux badan u xardhi jiray fartaa iyada ah. Waxaan qol ama fasal noo ahayd qol yar oo ku yiil meeshii markii dambe noqotay xarunta U.DH.S. Qolku waxa uu, haddii aanan khaldanayn, ku aaddanaa dhinaca bidix marki aad soo gasho dhismihii asaga ahaa. Waxaan kale oon xasuustaa in milay dambe aan sheeko uu qoray Macallinku oo cinwaankeedu ahaa “Duq iyo Duub,” aan ku akhrinay farti ay ku qornayd. Waxaan berigaa dambe ku sugnaa Marko Cadday, minan Aw Cusmaan, aniga oo ka imid Ceel Axmad oo labo beri nagala soo aftaxay. Waxay ahayd sheeko mug weyn, oo runtii sii saadaalisay dhacdadii na keentay Ceel Axmad. (Ma rabo in aan waqti badan idinka dhumiyo, laakin haddii aad Af Carabiga waxoogaa ka taqaanaan in aad asagana akhrisaan buug ka hadlaaya siyaasaddii lagu magacaabijiray “Cadmil inxiyaaz” oo ay ku abtirsanjireen dawladihii isku bahaystay dhexdhexaadnimada iyo ka madaxbannaanida labadii isbahaysi ee berigaa jiray (Galbeed “NATO” iyo Bari “WARSAW”). Waxaa buuggaa Af Carabi ku qoray Dottor Ina Tuuryare. Sadraha u dambeeya ee buuggaas ayaan xasuustaa in Dottoorku kaga hadlaayey majaxaabin ku soo socotey ama ku soo food lahayd duubyadii dalka ka arriminjiray.)

Aan u soo noqdo dulucda fartiintayda. Hammuunki aan u qabey curinta far Soomaaliyeed oo ka duwan tan hadda aan wax ku qorno ayaa igu dhaliyey in aan fikirkaygi mesder iyo asal u raadiyo. Waxaan 2002dii meel ku arkay wax laga qoray Far ay leeyihiin dadka la yiraahdo Zaghaawada oo deggan Suudaan balse badankoodu ku noolyihiin waddanka Jaad. Ma hubo in ay macne ku fadhido, balse Madaxweynaha Jaad, Idriis Debi ayaa ka mid ah qawmiyaddaas iyada ah. Nin la yiraahdo Aadam Taajir oo macallin ah ayaa aslay fartan u gaarka ah Zaghaawiyiinta, oo ku salaysan sumadaha xoolaha ay dhaqdaan, gaar ahaan geela. Waana sidaas daraadeed waxa fartani mararka qaarkood loogu magacaabo “Far Geel” ama waxa Af Ingiriisiga lagu yiraa “the Camel alphabet.” (Iga saxa haddaan tarjumaadda ama eraybixinta khaldo. Aqoontayda Af Ingiriisiga ayaan gaarsiisnayn heerka luqadaha kale oon ku hadlo, sida af Carabiga iyo Talyaaniga.) War iyo dhamaantii, waxaa sanadki 2da kun soo baxay nin la yiraahdo Siddiiq Adam Ciise oo naashnaashin iyo dhameystirba ku sameeyay Farti uu curiyey Macallin Aadam Taajir. Waxaa xusid mudan in uu naashnaashiyuhu bartay cilmiga daaweynta xoolaha, balse, sida aan filaayo, hiwaayad ka sukow, isu xilsaaray in uu u xayto in uu qabyodhameystiro farta Zaghaawiga oo marmar kalena la yiraahdo “Beria ama Biiryaa Gray Erfe.”

Ugu dambaystii, haddii akhristayaashiina ama idinkuba aad doontaan in aad wax ka ogaataan fartaan yaabka leh, waxa aan idiin tilmaamayaa buug uu qoray Dottoor Haaruun Sulaymaan Yuusuf oo ka hadlaaya taariikhda iyo hiddaha dadka Zaghaawiga. Wax badan oon ka sheego ma haayo maadaama aan akhrinta buugaan bilaabay labo maalin ka hor. Waxa aan rabaa in aan maqaal ka qoro buugaan iyo labo buug oo kale oo midka hore lagu magacaabo “Alphabetical Africa,”oo uu qoray Walter Abish, kan kalena la yiraahdo “La scoperta dell’alfabeto” oo uu qoray Luigi Malerba. Waxaan rejaynayaa in aan idin la qaybsado marka aan dhameeyo maqaalka qoraalkiisa.
Mar labaad, waxaan idinka raalli gelinaayaa tororogtaan dheer. Tixgelin.
Walaashiin, Xareedo.

(Walaal Xareedo, mahad badan. Tororog iyo dhambaalkaagu kala dheer! Waxa aad soo bandhigtay wax naga maqnaa, kolleey ka maqnaa aniga iyo qoraaga. Dhambaalkaagu waxa uu daliil u yahay in waxa qofku yaqaano ama aqoonta u leeyahay ay tahay wax ka yar dhibic xareeda. Walaal jirta.)

Ahkristow, ilama aha in aan isku dari karno sheekadi Jabaq iyo labadaan farriin oo si cuddoon loo soo xardhay. Waase maalinta noo xigta.

La soco  qaybaha kale
W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed
ali.ahmed@qc.cuny.edu

SHEEKOOYIN