Gaso, Ganuun iyo Gasiin Q:26AAD W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed

 

Sheeko, sheeko! Sheeka Xariir!

Jabaq ayaa yiri: “Hooyo iyo Aabbo, wax yaab leh aa ley tusay cawada. Waxaan riyo ku arkay sicci naga maqnaa. Muddow ila hadlaayay. Waxa ow ii sheegay in aan Aniga iyo Aabe aadno meeshi ow Saccu ku habaqsaday marki ay qawleysatadii gaadmada nagu soo qaaday.”
“Xow ku yiri,” ayaa odaygi weydiiyay, usuga oo raba in ow hubsado in uu si qumman u maqlay qarawgi Jabaq.
Jabaq ayaa ku soo celiyay wixii saccu faray. Naasihi, meeshi ay ku aasnaayeen, goobihi iyo geedihi la kala geynlahaa. Jabaq ayaa ku daray, “Aabo, waxaa saccu ii sheegay in aad adigu taqaan meelaha laga kala helo geedaha uu tilmaamay.”

Hooyadii ayaa tiri, “Dhadhabkaaga waa wada maqalnay. Waxaanse maqal in ow saccu wax ka sheegay geberti iyo ri’di hebedka ahayd oo naga maqnaa. Ee wax aadan qarawga ku sheegin, ma jiraan? Maandhow, mineey jiraan bal dib u xasuuso.”
Jabaq ayaa wejiga mug kale kaduuday. Inta uu indhaha isku qabsaday ayow yiri, “Ma helo wax ow ka sheegay geberti iyo ri’diba. Balse waxaan filaa in hal mar ow soo qaaday magaci geberta. Waxaanse kobiwaayay ama qabawaayay wixi ow lahaa oo u ekaa wax maldahan. Yaab, waxa ow marka geberta magaceeda sheegaayey u ekaa sac carrab gojo ah. Waxaan u maleyhaa in aan maqlay eray u eg … birmad. Markalena waxow eraygu iila ekaa … biimo. Goorba walaxaa iska keey dhexgalay. Ma helo waxa aan maqlay…”
Hooyadii ayaa tiri, “Aashaa, minaad xasuusatana waa kheyr, minii kalena faraj kalaa Eebe furidoonaa.”
Jabaq ayaa yiri, “Aabow na soo kici oo aan ku geeyo meeshi ow hororku nagu helay.”
“Waagu ha noo baryo,” ayaa odaygi iyo hooyadi mar qura is la yiraahdeen. Waxay Jabaq u sheegeen in ow hurdadiisii ku noqdo ilaa waagu ka soo iftiimaayo. Waxay ogaayeen in dhulku ku cusubyahay, ciidan kale oo wehliyana aysan haysan. Waxaa kale oo ay ka shakiqabeen in qawleysatadii caanka ku ahayd hulkujirka aysan weli goobti faaruqin.
Dawaco iyo Munkulaalba meeshi ay macaaan ku bartaan ayey macluul ugu bakhtiyaan. Fiirihee, lama dhihin dad meeshi ow macaan ku barto ayuu macluul ugu dhintaa. Laakin, waxaan shaki ku jirin in oraahdu tahay sarbeeb oo haddii laga hadlaayo neeflaha ama nafleyda kale goorba loola jeedo aadmiga. Amaa uun sheeko loo sheegaa waxaan ahayn dad nool. Maya, uma danlihi in nafleyda kale aysan lahayn af iyo astaamo ay isku shinsadaan amaba ay isku af gartaan. Waxaanse hubin in aadmigu weli helay qaab loola sheekaysto xayawaanka intooda kale. Haa, waa jiraan sheekooyiin teelteel ah oo dadku is ku qanciyo iyaga oo u haysta in ay heleen furihii lagu furilahaa maskaxda neeflaha kale. Meel dheerba haka dayin—Waxaan xasuustaa Hassanow oo marka ow gabyo ay lo’di ku xareysnayd mooradii reer Madaq ay dhegta wada taagto. …
“Xaa tiri?” “Haa, anaa u soo taagnaa. … Waxaa kale oo jira in aan beri ku arkay baxaarro la sheekeysahaaya tiro yaxaas ah oo Webi Wallac jiinkiisa bari ku qondhaceysaayay. Marki aad fiiriso qaabki iyo asluubti ay u fadhiyeen, waxaad u qabtay xir ag fadhida maalling. Sheekaaba sheeko dhalisee, waxaan iyadana xasuustaa filim Maraykan ah oo lagu magacaabo “The Horse Whisperer,” oo afkeenna ku noqonaaya “Faras kushugle.” Waxa ow ka hadlaayaa waxyaabo isugu jira xiriirka iyo jacaylka ka dhexaynkara qof iyo neef ay isku dhowyihiin, iyo weliba sida neef le’ oo dhan u dareemo xanuun kaga dhaca oogada iyo sida xanuunkaasu u saameeyo maskaxda iyo maanka uunka nool. Dabcan, sheekadu intaas waa ka mug weyntahay, laakin muraadkaygu ma aha in aan ka sheekeeyo sheeko kale. Waxa ay iga tahay uun hal qabsi loola jeedo miitaal wax ifiya. Miitaal sheekada siiya xajmi la taabankaro. Ma rabtid in aad iska tororogleysid oo aad dhegaystaha ku harqiso hadal aan milgo lahayn …
Qorihi ayaa yiri: “Afkaaga caano dhaay ah lagu qabey. Waa runtaa, ee marka dib ugu noqo sheekadi hooyadi iyo odaygi reer Jabaq.”
“Waa tahay, balse aan horta hadalka dhameysto. Waxa aan rabo in aan sheego waa kaabad ama buundo isku xiraysa labada sheeko. War iyo dhamaantii, miitaallada aan soo xigtay ma aha kuwo soo koobi kara dulucda hadalkayga. Keliya, waxaan rabaa in aan xasuusiyo dhegaystaha ama akhristaha qaayaha iyo qadderinta mudan, wixi aan ka soo sheegnay shirki Ay Dooro loogu faataxeeyay in ay noqoto wax aadmigu ku tacdaadbaxo, khaasatan marka aan loo baahnayn in la hibaysto ri’ ama orgi, summal ama summeyn ama neef lo’a ama geel ah. Dooro hibaysigu waa ka yaryahay xoolahaas oo la baxsado, waana ka weynyahay kurbin toox iyo ridasho ah. …”
“Waa tahay, ka soco oo sheekadi dib ugu noqo…”
“Yaa waxaan sheegaayo xeey kula yihiin? Horta, adiga waxaan kugu nacay afka aad igu dhufato iyo sheekada aad igu barjarto. Wixi aad qortay ayaan goor kasta afka ku haayaa, haddana mararka dhifka ah oo aan is iraahdo wax ifi, waa iga soo dhexgashaa. Waxaan hadda ka hor si hoose oo aan ka qariyey dhegaystaha, ama akhristaha kuugu sheegay sheekadi xuurka iyo aabowgiis dhexmartay. Waa tii igaarki weydiiyey aabihiis, “Aabow, sey ku dhacday in sheeko kasta oo ku saabsan dagaal dhexmara libaax iyo Ina Wallays uu markastaaba libaaxu noqdo kii laga gacansarreeyey?” Waa kii aabihi yiri, “Maandhow, xaajadu saas ayey ahaan inta Libaaxu soo tebinaayo wixi goobtaas ka dhacay.” Calaa kulli xaal, ma rabo in aan kugu ligligo hadalka, waxaan dib ugu noqonaayaa hooyadi iyo odaygi reer Jabaq oo markaan bilaabay in ay waayawaayo xasuustaan.

La soco Q.32aad
W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed
ali.ahmed@qc.cuny.edu

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.