Gaso, Ganuun iyo Gasiin Q:28AAD W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed

Sheeko, sheeko! Sheeka Xariir!

Odaygi ayaa haddana cabbaar aamusay. Inta uu farta kor u fiiqay sida qof wax tilmaamaaya ayuu yiri: “Horta waxaan kaa ilaabay– ma ilaabine, dhiillaa na soo gashay– in aan kuu sheego wixi aan shalay ku soo arkay sahanki aan aaday. Waxaan isku soo baranay nin aanan magaciisa weydiin asii u ekaa nin toosan. Waxaan ku kulanay goob kabdhood lagu dheelaayey. Waxaan kale oon goobta ku soo arkay hal aad u qabtay Aw Urunlihi xaaxda naga dhameeyey. …”

“Igaarki kabdhoodka idiin kaga adkaanjirayaa? Kii nafta idiin keenay, oo aad u caal iyo caynweyseen …”
“Xaad hee abaayooy iiga gilgileysaa? Waxaan ku iri hal aad u qabtay. Kaan arkayse waxaa la iigu sheegay in ow ahaa nin afka Carabiga ku gabya. Waana ka tigaad roonaa Aw Urunle. Xaan hadda taas ku keenay…Haa, shaki ayaa i galay marki Jabaq ii sheegay in horjoogihi qawleysatadii soo weerartay ilmaha iyo labadi neef oo xooloo dhan nooga soo haray…in ninkaasu yaqiin magacyadi naynaasta u ahaa sacceyni.”

Hooyadi ayaa tiri, “Goorba waxay ku gambanaayeen meel, meesha u dhow…waxay goorba maqleen Jabaq ama geberti oo ugu yeeraaya sicci magacyadii aan ula baxnay.”

“Maya, walaasheey, kuma lihi waxow ahaa Aw Urunle waxa mooroduugga nagu ridey. Waa uun iga haloosin. Waana runtaahoo hubsiino hal ayaa la siistaa.”

“Eebow, goorba waxaa dhaamilahaa in la dhageysto waxa ay hooyo kasta u sheegto ilmaheeda, weliba mugga ay muluqyaha yihii” …

Odaygi ayaa ka soo dhexgalay oo yiri, “Muluqna xow wax ka ogyahay ama ka gartaa?”

“Minaad si fiican u dhugato indhaha ilmaha muluqshadaa, saas ma dhahdeen. Hooyadu marka ay la hadleyso ama huwaayeyheyso dhallaanka waxaa kuu muuqanaaya sida mulquhu indhaha ula raacaan codka iyo erayada iyo weliba dareenka la socda dhawaqa huwaayeynteeda. Minii uun hooyo wax la weydiiyo, wax badan oo iska daba wareeg ah waa laga raysan lahaay.” Weliba waxaad ogtahay inta halxiraale ay iyagu fureen.

“Xeey hooyadaa kuu sheegtay oo la xariira waxa aan ka hadlayno?” ayuu weydiiyey.

Jabaq hooyadiis ayaa si toolmoon u tiri: ‘Waxay hooyadeey i tiri, “Hubsiino horteed, ha haloosinin.”’ “Ha degdegin, degdegsiimo door ma dhasho”.

“Walaasheey, labadu mawaaneey isku macno ahayn? Waxaan maqli jiray, Ood qaadid iyo jiidid waa isla gurigeyn. Isku meel aan wax u wadna. Waxaa keliya oon rabaa in aan ku xasuusiyo in Aw Urunle aan la aqoon meel ow ku dambeeyay iyo rab ow cag iyo cirib dhigay. Taasna ula ma jeedo in ow nala derisyahay ama uu saanteyna ku rogo. Wax gaar ah oo aan isku qabanayna ma xasuusto. Waa uun danni iyo tuhun waxa aan ka dhawaajihaayo. Danniguna, sida aan ka maqlay wadaadki safiinada iyo naxwaha na baray, waa laga fiicanyahay. Waa tii Qur’aanka lagu sheegay in danniga qaarkiis ow xambarsaanyahay dembi …”

Hooyadi ayaa ka soo dhexgashay oo tiri, “ Waa runtaa, laakin waxaan anna ka maqlay Aw Cimaamad Cadde in aan la dhihin Danni oo dhan waa dambi, balse, Rabbigey yiri, “Inna bacda Danni ithmun.” Haddana waxaa reeban in aad ruux kale bido waxa uusan ahayn ama aad u nisbayso qadaf ama aflagaaddo uusan muteysan.”

Odaygi ayaa yiri, “Walaasheey, waa kula socdaa. Mid aanse ogahay in aysan jirin wax xun oo na dhexmaray aniga iyo Aw Urunle. Ma helo waxaan u geeystay oo aan ahayn in aan kahsado raysmadiisi isdaba jooga ahayd. Waana uun waxa ay qof kasta ka qiiroolahayd. Anigu weli ma arag Qof rabta ama jecel in mug walba la sukulo. Minaad hee adigu aragtay ma ogi?”

Hooyadi ayaa tiri, “Yeelaa waa ilaabaa, la yeelaase ma ilaabo. Mugga minaan wax ku samaynayna Rabbi ha naga cafiyo, minii kalena shartiisa Eebe ha na dhinac mariyo.”
Iyaga oo sidi u haasaawaaya ayaa Jabaq bilaabay in ow haddana isla hadlo. Wax yar kadibna waa kii indhaha kala qaaday. “Aabow, na soo kici,” waa kii yri, isaga oo isla mar ahaantaasna kor u hilhilahaaya.
Odaygi ayaa yiri, “Maandhow kheyr qabe, aan salaadda subax bal tukano.” Salaaddii ka dib, waxaa Jabaq iyo aabihiis ku duceysteen in Eebe u sahlo hawsha ay u baqooli rabeen. Inti aysan u jaanqaadin kobti ow saccu ku habsaday, ayey hooyadii guriga dhaal yar oo meel qotomay gacanta gelisay kana soo bixisay hilib salool ah. Odaygi ayaa yaabay oo yiri, “kanna intow kuugu qarsanaa? Dhaalkuse intaad ku haysay? Walaasheey, Rabbi ha ku dhaafo. Wallee waa laguu dhameeyay dhaquur iyo dhabiilba…La’aantaana abaar”.

Jabaq iyo aabihii ayaa isdaba galay, isaga oo wiilku hoggaaminaayo odayga. Muddo yar kadbina waxay ku soo dhaceen jid luuq ama diqdiq ah oo koofur ka xigay jidweyne carro jaay ama qururuc ah. Jabaq ayaa yiri, “Waa kaas geedki aan geberta u sheegay in ay ku dhuumato.” Wax yar marki ay soo dhaafeen geedki ayuu xuurki yiri, “Mugga waa joognaa meeshi saccu ku habsaday.” Odaygi ayaa weydiiya in jabaq tilmaamo barti ay la ahayd in sicci naasihiisu ku aasmeen. Igaarki ayaa labo mar iska daba wareegay asaga oo dhulka indho fiiqan ku deymoohaaya. Meel aad u qabtay in ay godantahay ayuu farta ku fiiqay. Odaygi ayaa kadaloobsaday oo bilaabay in uu gacanta ku xaarxaaro dhulka. Jabaq ayaa isna kuraankurrada dhulka dhigtay oo gacanta si debacsan u la raacay carro aad u qabtay in ay dhedo ku dhacday. Wax yar ka dib, waxaa Jabaq iyo aabihii ciidda ka soo bixiyeen sagaal iyo toban naas oo aad u qabtay in ay weli caano ku jiraan. Jabaq ayaa niyadda ka yiri, “Goorba waa saas waxa ay ciiddu u qoyantahay.” Odaygi ayaa qandi yar uu watey ku guray naasihi, isaga oo ay ka muuqatay xanuun iyo ciilkaanbi aad u mug weyn. Waxa uu isku canaantay in uu meesha ka maqnaa marki ay qawleysatadu soo weerartay ilmahiisa. Laabta ayuu ka ferdamay oo yiri, “Gummud idin kama haro oo idin Eebe hule aan raysan idinku dhac! Xuun ama xoon nacabihi idinku soo heemay ama shamuumay. Dhiil aad haysaanna goror kama dhiiqo.” Odaygi ayaa u ekaaday ruux daalay oo itaal dareeyey. Daal waxaw daran kan ay naftu daasho. Usuga oo sii tiicaaya, qandho muuqatana aysan hayn, ayuu yiri, “Maandhow, aan wax yar mahaan fadhiisano.”

La soco  qaybaha kale 
W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed
ali.ahmed@qc.cuny.edu

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.