Gaso, Ganuun iyo Gasiin Q:30AAD W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed

Gaso, Ganuun iyo Gasiin Q:30AAD 

 Sheeko, sheeko! Sheeka Xariir!

Jabaq iyo aabihii ayaa aad ula dhacay habsamidi shimbiruhu ugu soo dhaweeyeen geed dalluuggi salkiisa. Waxaa dhammaan ka muuqday qiiro aad u qabtay in ay mar hore degaankooda ka suushay. Waxaad u qabtay hiil laga soo minguuriyey sicci maguraha ahaa iyo ri’di hebedda ahayd. Waxaa odaygi soo xasuustay inta fac-ka-fac oo xumeey iyo dhii aan yareyn kaga soo gudubtay tabantaabadii iyo godlashadii sugneyd ee labada neef oo xooloo dhan uga soo haray. Gadaal ayuu u tiriyey inta aaran iyo jiilaal uu isagu xasuusankaray. Waxaa qalbigiisa ku soo dhacay wax uusan hore uga fikirin. Inta uu laabta ka qoslay ayuu si hoose u yiri: “Goorba shimbirahaan na hortaagan qaarkood waa sicci iyo ri’di oo isaga keen soo dhigay haad duula. Ri’di waaba hee tii iyadu duushay oo gebertina hore u xambaaratay.” Waxaa ka soo fakaday qosol aan loo qasdin. Jabaq ayaa isna qoslay, isaga oo u qaatay in odaygu u riyaaqayey habsamida dhebeddu garabkiisa bidix ugu fadhiday. Allow garab la’aan hana dhigin. Allow garabciil hana badin. Allow alle. Odaygi ayaa haddana hoosta ka yiri: “Shah, wey doqonimadaas! Minaan saan ogahay waxaan soo qaadi lahaa—soo baryaa iyo soo helaaba—diiq aan hor dhigo duul xigaal ah. Waxaanse nidir ku gelaayaa in Kulankaan kiisa xiga, geedkuu doono madashu hanoqotee, in aan faro marnaan goob la imaandoonin.” Jabaq ayaa indhaha ugu tilmaamay aabihi qandigi uu ku siday naasihi siccii dushiisa muddo dheer reerkoodu ku dangiigeen.

Odaygi ayaa qandigi u garaarsanaa dhulka soo dhigtay oo bilaabay in uu si taxadir ah naasihi midmid u soo bixiyo. Baalfallaarti garabkiisa midig ku dul fadhiday ayaa dhulka lugaha dhigatay. Sidoo kale dhebeddi Jabaq garabkiisa bidix ku fadhiday ayaa ag istaagtay Baalfallaarti. Waxyar kadibna toban iyo toddobo shimbir oo kala nooc ah ayaa ku soo biiray. Odaygi ayaa si teelteel ah naasihi dhulka u dhigay. Waxay u ekeeyd in shimbiruhu ogaayeen hawl qaybsiga iyo waxa mid kastaa laga sugaayay. Odaygi ayaa dhulka ku xarxariiqay wadar koobaab iyo sagaal iyo toban dhibcood oo aad u qabtay in ay kala guri ahaayeen. Inta uu istaagay ayuu sida canug liif dheelaaya toddobo mar dhibcihi ka tillaabsaday. Mar labo lug ayuu ku booday, haddana hal lug ayuu ku booday, markalena, waa laba lugootiyey.

Jabaq ayaan isagu garan waxa odaygu uga danlahaa bootinta iyo iskadaba wiifka. Waxa ay la noqotay in aabihii fulinaayey wixi sicci faray, asii asagu uusan u war hayn. Waa kuray aan weligii ka shakin niyad samida aabowgiis. Marki ow odaygii dhameystay wixi aad u qabtay in ay tacdaad ahayd ayuu qandigiisi soo garaartay. “Maandhow na soo kici,” waa kii si sahlan u yiri. Shimbirihi ayaa mar kale bulxan iyo baal haatis isku daray. Jabaq iyo aabihiis ayaa ka maqlaayey bulxanki shimbiraha marki ay ka sii gudbaayeen jid caddihi ay markii horeba ku yimaadeen.

Jabaq ayaa su’aalay aabihiis waxa ay ka dhignaayeen koobaabyadi iyo dhibcihi uu dhulka ku giirgiiray. Odaygi ayaa ku jawaabay, “Waxaa saas i soo faray sicci. Marmar waxaa roon in aadanba ogaan waxa waxkasta oo la falo loogala jeedo. Ma ogi, mana weydiin, waxa ay u taagnaayeen awaamiirti saccu i soo faray. Waxay iga aheyd uun ballan gudasho.” Odaygi ayaa ku daray, “Maandhow, waa duhur ee bal aan gurigi ku noqonno si aan hooyo u siino warbixin wixi aan soo aragnay iyo wixi noo qabsoomay. Muggaas kadib waxaan rabaa in aan baadigoobo ninki aan kuu sheegay oo aan dheeshi kabdhoodka ahayd isku soo baranay.”

Socod boob ayaa bilowday. Socod aan orodna ahayn, asii marmar ruclays ama gulfis noqday. Jaanqaad jiho wata ayaa ka muuqday qaabki ay lugta isula helaayeen. Ugu dambayntii waxay soo gaareen kobti ay saakay ka soo kallaheen. Waxaa weegaarki hortiisa taagneyd hooyadii guriga oo uu ka muuqday korasho hammuun iyo filasho faranaqsi lagu iidaamay. Waxaa indhaheeda ka muuqday in ay meeshi saakay looga tegay aysan meelna uga dhaqaaqin.
Odaygi ayaa yiri, “Hay dhihin waxaad weli taagantahay mihi aan saakay kaaga tagnay.”
Iyada oon rabin in ay u muujiso baqihi galay marki ay jarmaadeen ayay qosol dirqis ah dhoolla caddaeysay. “War i siiya ina ragoow,” ayay ka horgeysay. “Xaad soo aragteen. Xaad soo qabateen. Xaa idiin qabsoomiwaayay oo weli naga qabyaa?”

La soco qaybaha kale
W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed
ali.ahmed@qc.cuny.edu

SHEEKOOYIN