Gaso, Ganuun iyo Gasiin Q:31AAD W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed

Gaso, Ganuun iyo Gasiin Q:31AAD

Sheeko, sheeko! Sheeka Xariir!

Odaygi ayaa war bixin kooban ka bixiyey wixi ay soo arkeen iyo wixi u soo qabsoomay iyo weliba kulanki ay shimbirihii kala jaadka ama nooca ahaa kula galeen geed dalluuggi buurta korkeeda ku yiil. Waxa uu ku soo gunaanaday hadalkiisi, “Jabaq ayaa inta hartay iyo wixi kale oo aan dhaafayba kuu dhameystiridoona. Walaasheey, wax waa soo aragnay. Waa uun ruux adduun ku noolow maxaa aragti kuu laabanti la sheegi jiray. Waa tahay, aniga waxaan mugga baadigoob u gelaayaa ninki aan idiin sheegay oo usuga ahaa. Mugga hee, faataxada ii soo mara in Eebe ii soo sahlo muraadkayga.” Isaga oon sugin jawaabtii, waa kii jidka cagaha saaray.

Muddo yar kadibna, waxa uu ku soo dhacay jiiradii geyheysay kobti kabdhoodka lagu dheelaayay. Waxyar kadibna waa kii soo ag istaagay dhowr qof oo isu qaabsameynaayay daawashada kabdhoodka. Waxaa fallaarotuur bilaabay kabdhoodlaydi qaarkood iyaga oo iskululaynaaya. Qaar kale ayaad iyaguna arkeysay iyaga oo faro jucsanaaya. Kurtigoodna waxay ku hawlanaayeen jimicsi isugu jira jirka iyo maskaxdaba. Jabaq aabihii ayaa sheedda ka arkay ninkii ow raadinaayay oo aad u qabtay nin hadaafaaya. Waxa uu soo xasuustay maalinti isugu horreysay oo ay ku kulmeen goobtaan iyada ah. Waa maalintii dooradii ilmuhu eryanaayeen ay ber aan la aqoon u kala dirtay raggi goobta joogay. Markii orodki iyo kala firdhadki berdedku dhaliyey la galay ayuu Jabaq adoogiis is yiri, “Halkaan waa ismalure.” Waxa uu u ekaa nin qun yar socod ah. Ninkii ayaa ku soo dhowaaday goobti kabdhoodka. Jabaq aabihii ayaa indhaha biriirsaday sida ruux raba in uu qumaati wax u arko. Waxay ula ekaatay in uu ninku waxoogaa dhutihaayay.

Ninki ayaa gartay Jabaq aabihii oo salaan kula soo booday, usuga oo leh, “Ar igaar, ii warran ismoogeyni?”

“Eebow, waa nabad. Horta maalinti dhoweyd waa tii hee la kala kuday e, waxaan xataa ku weydiinin magacaaga.”

“Magac laga miskiin maahee, magacaygu waa Cagoole Baxnaanshe. Waxaanse ku magac dheernahay Reer Toobin. Mugga hee, kayga kuu sheegay e, adna kaaga ii sheeg.”
Jabaq aabihi ayaa waxyar aamusay, sida qof hakanaaya oo raba in uu wax iska hubiyo. Cagoolaa qoslay oo yiri, “Goorba hee ima lihid magac ma qabo.”

“Qof aan magac qabin maahee jirto, eebow? Waxa iga aamusiyey ayaase jira…Beriga ka horow leyma weydiin magacayga. Mug waxaa ley dhihi jiray Ina hebel, muggi aan anigu reer yeeshayna, waxay dadku bilaabeen in ay iigu yeeraan magaca curadkeyga iyaga oo i leh, waa Jabaq adoogiis…”

Cagoolaa yiri, “Taas hee, intaba waa ka jirtaa oo nin aan derisnahay ayaa inta badan lagu magacaabaa ‘Abuu Curfaan’ oo ah aabihii Curfaan. Sidoo kale islaanta igaarka dhashay ayaa iyadana la yiraa ‘Umm Curfaan.’ Waa dhaqan Carbeed oo waxaa af Carabiga lagu yiraa kunya. Waxay uun ii sheegeysaa in xuurkaagu yahay igaar fariida. Waxaanse isleeyahay adiguna magac aabahaa kuu bixiyey ayaa jira.”

“Magacaygu waa Toxob Samasuge, waxaanse ku magac dheernahay Reer Sarriigo. Waxaan maalmo yar ka hor ka soo baqoolnay dhul la yiraa Saciid Maxaad Raage.”

Maxaa tiri? Bal akhristow in yar ii kaadi, waxaa gadaashayda ka soo ciyaaya Aw Qore oo aad mooddo in ow ciil la mirdhifaayo.
“Wegerey weger!” Qorihi ayaa hal mar fuqa tuuray. Isaga oo la hadlaaya kii sheekada sheegaayey, ayuu yiri, “Yaa bixiyey magacyadaan? Ma adaa ula baxay? Mawaxaad ismooday in aad adigu sheekada leedahay marka aad u waqlaleyso kuwi aan anigu sannifay?”

“Qorow u kaadi oo shaydaanka iska naar. Qof kula sheegata sheekadaan ma jirto, waxaadse moogtahay in dadka aad leedahay anigaa sannifay ay labadeynaba naga madaxbannaanyihiin. Waaba kuwo sheeko ku jiro e, kuwi aad dhashay ayaan laga yaabin in ay kaa yeelaan ‘Waa ku dhalay e, i soo raac.’ Kuwaanna waaba kuwo aan ka soo maaxin tagoogaaga! Marka awkeey, tartiibso oo qashqashaadda naga dhaaf. Yay akhristayaashu nala yaabin, weliba mar aan ku dhownahay in aan sheekada soo gebagebeyno. Boqol soomihii bakhtiga ku affuray oo kale ha noqonin.”

Qorihi ayaa yiri, “Ma kuwi aan anigu hindisaa saa iigu abaalgudaaya? Waa adduun iyo xaalkii. Calaa kulli xaal, mar haddaadan adigu ka dambeyn gaboodfalkaan…taas lafteedaa guul ah.”

“Arreey u kaadi. Xaad ka waddaa taas nafteedaa guul ah. Haddaan anigu ahaan lahaa kii magacyada bixiyey goorba kaama ammaan galeen. ” Kii sheekada sheegaayay ayaa hoos u hadlay oo yiri, “Canbaar ku gashay, kanna waxaan ku nacay caraadiska aan la muunayn. Nin tartan aan mehered lahayn ku jira haddaad aragto waa hal aan wax isku falayn. Xow dhaamaa ri’ isnuugtay oo kale?”

Qoraagi oo aad u qabtay in ow uurkubbaalle yahay ayaa si kaftan ah ugu jawaabay, “Waxaan anigu allifay saan ula dagaalaa? Ma heeryo cun ayaan noqdaa? Far yareey halaawday filfiliq kaagama herto. Mugga ka gudub oo ku noqo sheekadi.”

“Waa tahay ee inta sheekada ka hartay fadlan ha lagaa nabadgalo. Akhristow, raalli naga noqo haddii marmar aan aniga iyo kan qalinka caarradisa ku dheggan aan bilowno in aan xifaaltano. Haddana inta badan aniga ayaa tanaasula. Carrab iyo ilko iyagaa isugu dhow, haddana waa is-qaniinaan, waa tii la yiri. Yaah? Yaa yiri, maa i weydiisay? Maya, waa runtaa, haddii aad akhristow i tiraa: carrabku wax ma qaniino ee kulli fidna waa cindi ilko. Saas ooy tahay, waa maahmaah, duulka aan nahayna been ma maahmaaho. Marka adaa lagaa rabaa sidi aad isu waafajilahayd maahmaahda iyo waxa aad gocaneyso. Yaa yirise waa baab ama wax kale oo jawaab dheer u baahnaaheysa, asii aan hadda loo hayn waqti iyo tabar lagu qaadaadhigo.”

Qorihi ayaa yiri, “waa tahay waqti ayaa nagu socdo e, bal dib ugu noqo labadi oday ee gadoodka ku tashaday ama ku hishiiyey.”

Cagoole ayaa yiri, “Oo marka beledka waa ku cusubtahay. Intaa xarun kuu ah?”
Toxob ayaa ku jawaabay, “Meel mahaas ku taal ayaan xaarxaaranay aniga iyo bilcaanteyda iyo kuwo muluqyaahoon dhalnay.”
Cagoole ayaa weydiiyay, “Intaa idiin bartilmaameed ah oo aad ku jeediin? Ilmuhuse bannaan cidlaa saad ugu haysaa?”
Toxob ayaa yiri: “Eebow taas waa nalooga daranyahay oo waxay hadda taagantahay, ‘adoo xun xuun ku qaniin.’ Waxaan Ceel Cadde la soo galnay sac iyo ri’ hebed ah oo xooloo dhan nooga soo haray. Uyugiina shalay ayaa noogu dambeysay. Maantana xerig aan hayno xoola kuma jiraan. Sicci sidi dhar misisiqay oo kale ayuu u milmay oo isagu kuma haayo. Ri’dina waxaa la yiri waa haaday iyada oo weliba sii xambaaratay geber yar oo aan dhalnay. Mugga hee, Cagoolow, talaan kuugu imid. …”

La soco qaybaha kale
W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed
ali.ahmed@qc.cuny.edu

SHEEKOOYIN