Gaso, Ganuun iyo Gasiin Q:33AAD W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed

Gaso, Ganuun iyo Gasiin Q:33AAD

Sheeko, sheeko!Sheeka Xariir! 

Cagoole ayaa yiri “Qowleysato meel kasta ayay joogtaa oo markasta lama waayo duul dhac iyo duudsi wax ku doona ama raadsha.”
Cagoole ayaa bilaabay in uu ka sheekeeyo nin ay saaxib sokeeye yihiin oo la yiraahdo Maxaad Cali oo waayahaan dambe dhibaatooyin badan la soo derseen. Waxa uu yiri,” Jaalkeey Maxaad Cali ayaa horta laga xiray xuur uu isagu dhalay. Iyada oo muruugadaasu jirto ooyna meeshi taal ayaa haddana tuugo aan ilaa iyo hadda saantooda la hayn u soo dheceen gurigi ow deganaa iyaga oo meeshaas ka qaatay soopraloogooyin uu lahaa iyo wixii kale ay gacanta la heleen…”

Toxob ayaa ka soo dhexgalay oo yiri, “Soorboloogana xey tahay?’
Cagoole ayaa bilaabay in uu sharraxaad kooban ka bixiyo waxa erayga loogala jeedo ama macnihiisu yahay. Waxa uu ku soo gebagebeeyay, “Waa wax xaqiijiya in aad adigu tahay milkiilaha dhul ama guri jira oo dhisan.”

Toxob ayaa yiri, “Yaa yah, xow uga baahanyahay wax caddeeya in ow isagu dhulkiisa leeyahay? Ma wowsan maha ku nooleyn? Mase meeshaa ahayd meel uusan ka dhaxlin walcankiisi hore oo aan si xalaala markii horeba ku soo gelin?”

Cagoolaa mar labaad isku dayay in uu sharraxaad dheer haddana ka bixiyo dhaqanka magaalada iyo sida xaanshiyuhu u caddeeyaan lahaanshaha wixi aad leedahay. Inta uu qoslay ayuu ku daray, “saccaagi misisiqay summad ma ku tiil?” Isaga oon sugin Toxob jawaabtiisi ayuu yiri, “Soopraloogadu waa summad caddaysa cidda leh lahaanshaha dhul ama dhismo.”

Cagoole ayaa inyar aamusay. Waxaad u qabtay in ow dhulka fiirinaayay. Inta oo wejiga kaduuday ayuu yiri, “Waase adduun oo lajiifiyaana bannaan. Marmar ayey dhicikartaa in lagula sheegto wax kuu summadaysnaa.” Waxa uu Cagoole bilaabay in uu Toxob uga sheekeeyo dhaqan cusub oo magaalooyinka hadda ka jira oo loo yaqaan “Ku qabso ku qadi meyside.” “Waa dhaqan muujaaya sida ay arrimuhu u dhabqeen. Barakaccu agtiina oo keliya kama dhicin. Waa dhaqan aan wax saasa kaga duwanayn kii burcaddi idin xandhotirtay.” Waxa uu hadalkiisi ku soo gebagebeeyay, “Toxobow, tan waa sheeko dheer, mar kalaanse baabkeeda kuu gelidoonaa, minow Eebe idmo. Marka walaalkeygi jirow, ma waxaad i leedahay wax ay ilmahaagu cunaan beriga ma haysatid. Muggi ay yicisyo qadaan ayaa waayeelku wareeraa oo wax aysan hore u suubinlahayn u sameeyaan. Waxaan dhahnaa haddaan reer magaal nahay ‘Calool baahan dhego wax maqla ma lahan …’”

Toxob ayaa ka soo dhexgalay oo yiri, “Baahi maa hee kala bahsoocda reer beled iyo reer baadiye? Midaanse kuu sheegaa: Shalay ka horow maankeyga kuma soo dhicin in aan wax soo loodin karo, waana ka naxay in ay nafteydu ku taanto in aan xoog kula soo noqdo wax layga dhacay. Waxaase taas ka daran muggaad ogaato in owsan kuu furnayn jid aan ahayn wajaan iyo waran la maciinsado.”

Cagoole ayaa yiri, “Toxobow, waa wixi nin la dhacay ku taamilahaa oo weliba aan jeclaan lahaa in aan kula furdaamiyo, maantase karkabaa igu jirta oo waxaan u socdaa meel fiddow ka jiro oo aan maha aan hadda joogno ka fogayn. Minaad rabto waa i wehlikartaa adiga oo noqonaaya nin ii martiya. Waxaana dhicikarta in aad meeshaas isku aragtaan oday Maxaad Cali iyo odayaal kale oo waxgarad iyo garyaqaanba isugu jira.”

Toxob ayaa yiri, “Muraad aan adiga ahayn maanta ma lihi ee na wad. Beriga oo dhanna adaan kugu jilnahay. Teeda kale, uma haysan in mahaan laga yaqaan fidaynta. Dadku waa isku dad, degaankaa uun goorba kala duwan.”

Waxaad arkeysay in Toxob Samasuge ay harqisay caro iyo ciil gaamuray. Cagoole ayaa hoos u yiri, “Allow naga haay ciil gaamura oo aan haddana awoodin in uu abuurtiisa liqo ama karaarada jebiyo ama uu helo shiffo qabow oo dejisa. Intaas mugga la waayo waxay u badantahay in ciilkaanbi awgii qofku is rifrifo. Ka megan naf is-cunta!”

Cagoole Baxnaanshe iyo Toxob Samasuge ayaa ka soo tegay goobtii kabdhoodka lagu dheelaayay. Waxay jid dheer oo jaay ah u soo qaadeen koonfur. Waxay soo dhaafeen meeshi akhristayaashu safka ugu jireen sheekadii Maana Faay ee ku soo bixijirtay Xiddigtii Oktoobar. Waxaa labadi oday ka horyimid igaarki Toxob ku boorinjiray in uu barto sida loo qoro Far Soomaaliga. Igaarki ayaa gacanta u haatiyay, isaga oo ku daray, “Adeer waa ku salaamay, welina waa ku sugaynaa in aad ku soo biirto goobta lagu barto qorista Af Soomaaliga.” Toxob ayaa salaan ka qaad iyo celinba isugu daray. “Waa is arkidoonaa, maandhow,” ayuu kaga gudbay.

Cagoole ayaa yiri, “Waxaan u heystay in aadan wax ka aqoon dadka degaankaan…”

Toxob ayaa ka soo dhexgalay oo yiri, “Waa xuur aan maalin dhoweyd kula kulmay dukaaman teelteela agtooda. Waxay taasu dhacday inti aniga iyo adiga aanan kulmin. Waxa ow iila ekaa igaar caqli badan, jecelna in ow faafiyo waxa uu yaqaan. Waxaan is iri bakhiil maaha, sida kuwo badan oo jaalkiisaa ama kuwo aan ku aqoon jiray tuuladaan ku soo koray.”

Cagoole ayaa yiri, “Cilmigu lexejeclo iyo muudal ama bakhaylnimo midna ma galo. Waxa uu ku kobcaa, ku tarmaa kuna waaraa muggi kan wax yaqaannaa la wadaago kii ay wax ka dhinaayeen. Aqoon aan dadka lala wadaagin waa aqoon fadhiid ah. Waxa ay dadweynaha Shiinuhu yiraahiin “Minaad tiraa walaxaan aqaan asii ay adiga uun ku koobantahay, waxay ka dhigantahay adiga oon waxba aqoon.” Mugga hee, Toxobow, marki aad meel degto oo ay ciddu salka dhigto, waxaa lagaa rabaa in aad adiga iyo reerka intooda kale kula tacaasho waxbarasho.”

Toxob ayaan u jawaabin Cagoole. Waxaad moodaysay in uu si’ u maahsanaa, kuna maqnaa tallan dheer. Waxa uu xasuustay gabadhi yarayd ee uu dhalay oo ilaa iyo hadda aan miriqdeeda lahayn. Tolow, inteey ula haadday? Ri’ buubta maanse weligey maqlay. Waxa maskaxdiisa ku soo dhacay sheekooyinki ay waalidku ku tarbiyeeyjireen ilmahooda si loo baro dhaqanki iyo caadooyinki ka jiray tuuladi Saciid Maxaad Raage. Waxaa uu soo xasuustay sheeko aabahiis fiid fiidadkii ka mid ah uga sheekeeyay. Ilmihi aagga ku noolaa ayaa fiid kasta isugu imaanjiray guriga Reer Samasuge. Waa intii aan tuuladi laga kala guurin. Inta dab loo shido ayaa ilmaha lagu maaweelijiray sheekooyin dulheehaama wixi tegay, wixi taagnaa, iyo waxa soo socda. Waxay ahaayeen sheekooyin loogu talogalay in ay kobciyaan maanka iyo mala’awalka dhegestayaasha dhegahoodu curdunka ahaayeen. Oday Samasuge ayaa lagu yiqiin haaneediska sheekooyinka oo weliba lagu xardhay duurxul la jaanqaadikaray heerka dhugashada dhallaankii hareerahiisa fadhiyey.

Waxa uu markasta ku bilaabi jiray sheekooyinka wax xalxiraale u eg. Inta uu dhuunta nuuxnuuxiyo, jocor aad u qabtay in ay ahayd laf ka soo taagan kor iyo hoos u qaado, ayuu dhihi jiray “Sheeka, sheeko!” Isaga oon sugin jawaabtoodi ayuu dhihijiray: Waxaan qabaa doon yar oo aan rabo in aan seddeax wax iyo nafteydaba kaga gudbiyo webiga Xareed Macaan. Seddaxdu waa libaax, ri’, iyo caws. Doontu waxay markiiba qaaddaa aniga iyo labo ka mid ah seddexda kale. Wareer ayaase goobta yaalla: Minaad libaax iyo ri’da isaga tagto, waa hubanti in aadan ri’di nolol ugu soo noqoneyn. Minaad ri’da iyo cawska isaga tagtana waxay ri’du ka laaceysaa cawska. Waxa uu markaas weydiinjiray ilmihi ag fadhiyay, “Yaa halxiraalahaas furikara?”

Inta badan waxaa gacanta taaganjiray kuray iyo foodley is ag fadhiya oo aad u qabtay in ay loollan kasmo ku jireen. Oday Samasuge ayaase farta ku fiiqijiray ilmaha midda ugu yar in ay isku daydo xallinta xalxiraalaha. Tiro ka badan labaatan, waxay mulquhu ku soo goynjireen furdaamiska xalxiraalahaa isaga ah, iyada oo libaaxu ri’di cuno. Tiro ka badan tobanna, waxay xal moodijireen in la isaga tago ri’da iyo cawska. Waxaad arkaysay in ilmuhu weli aysan arag wax is-cuna ama isrifrifa. Waxaad arkeysay in iscuniddu iyo is-hariifku ahaayeen kuwa la barto oo aysan ahayn kuwa lagu dhasho. Tiro ka badan lixdan iyo shan habeen ayay ku qaadatay mulqihi qaarkood in ay gartaan in ri’da iyo cawska horta la qaado oo markii la tago webiga jiinkiisa la dejiyo cawska, ri’dana dib loogu soo celsho goobti libaaxu joogay. Waxay garteen sababta ay ri’du u noqotay tan ugu dambaysa ee laga soo dejiyo daanti hayaanka loo ahaa.

Toxob ayaa xasuustay hadal Aw Urunle maalin si jeesjees ah ugu xooray wiilal geed yaaq ah hoostiisa ku jaraysaayey. Waxa uu yiri, “Xalxiraalihi adeer Samasuge sheegijiray ayaan rabaa in aan nakhtiimiyo. Waxa aan naloo sheegin in ri’du kaalinteedu ahayd raacdareeb. Waxay ri’du u taagnayd kabto iyo kobciso hubisa in aan reerkeeda loo shaftuman ama jooxaarin. Waxa adeer Samasuge uga danlahaa xalxiraalihiisii rukunka noqday in uu baraarug aan hore looga aqoon ku beero foodleydi Saciid Maxaad Raage. ”

Qorihi ayaa yiri, “Sheekoolow, adiga ha isugu keen darin in aad mar tiraa sheekadu waa gebagebo, mar kalena aad nagu harqiso wax la xasuustay ama la gocday iyo hebel ayay maankiisa ku soo dhacday. Mururuqda naga dhaaf oo noo sheeg sheekadii uu xasuustay ninkii isu bixiyey Toxob. Hadda ogow, kuma lihi noo sharax waxa ay sheekadu ku saabsantahay.”

Kii sheekada sheegaayay ayaa ku raacay qorihii in loo baahnaa in sheekada cagta cagta loo saaro. “Waa tahay, waxaan dib ugu noqaynaa Toxob iyo xasuustiisi, “waa kii si deggan u yiri.

Qorihi ayaa qoslay.

La soco Q.39aad
W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed
ali.ahmed@qc.cuny.edu

SHEEKOOYIN