Gaso, Ganuun iyo Gasiin Q:34AAD W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed

 

 

 

 

 

 

 

 

Gaso, Ganuun iyo Gasiin Q:34AAD 

Sheeko, sheeko! Sheeka Xariir! 

Toxob ayaa xasuustay qalfooftii sheekadi maankiisa ku soo maaxday. Aabbihii Samasuge ayaa sidi caadadu ahayd dhaqdhaqajiyey jocorti kuusnayd sida ruux wax dhunxinaaya ama qof wax ku sixday oo kale. Waxa uu ku bilaabay sheekadi:  

Waxaa beri ku noolaa tuulo aan ka fogayn geedki Lebedsaar ee koonfur ka xigay tuuladii Laabxaar igaar rajay ah. Waxa uu wiilku hooyadii ka dhaxlay geenyo sida aadmiga u hadasha. Muddo markii la joogay ayaa ninkii wiilka dhalay go’aansady in uu mar labaad guursado. Bilcaanti labaad ayaa igaar dhashay. Muddo kadib waxaa soo muuqday ama soo if baxay in rajaygi uu ka fariidsanaa kii hooyada lahaa. Eeddadii ama aayadii odaygu qabay ayaa ka biyadiidday in ay aqbasho in keey iyadu dhashay laga firfircoonaan karay.

Waxay maalin maalmaha ka midihi u tagtay hooyadeed oo lagu yaqiin in ay ahayd faaliso ku xoogsata curraafnimo iyo fiijaan akhris. Markii ay islaantii dhegaysatay hadalkii gabadheeda ayay qosol-qaniinyo qososhay. Waxay tiri, “Wax dhib badan maaha waxaad ka dhawaajisay.” Inta ay gacanta u ridatay qandi agteeda yiilay ayey ka soo bixisay calallo duuduuban. Waxaa ku jiray wax u ekaa deeb ama dambas. Waxay tiri, “Subbaxdi marki ay aadayaan dugsiga u sheeg rajayga in uusan illan ama gashan kobahiisa. Mugga ay soo dhowyihiinna deebtaan ku sayri illinka ay guriga ka soo gelaayaan. Waxaad aragto ila soo socodsii.”

Eedddii rajayga ayaa gurigi ku soo noqotay. Duhurki markii la gaaray oo ay wiilashi soo dhowyihiin ayay dhulka ku firdhisay ama ku daadisay danbasti hooyadeed u soo dhiibtay. Waxa rajayga caado u ahayd inta uu guriga soo gelin in ow marka hore u tago geenyadii uu ka dhaxlay hooyadii. Waa tii geenyadii hadashay iyada oo uga digeysa wiilka in uu ka digtoonaado deeb aayadiis dhulka ugu firdhisay. Ka tiltalaabso, ayay ku tiri. Wiilki ayaa sidii sameeyay, sidaana ku badbaaday.

Eeddadi oo meel laga saro lahayn ayaa isku qaadday gurigi hooyadeed. Duqdi ayaa garatay in ay carro nabad ahayn. “Xaad la kulantay,” ayay weydiisay.

“Wax ku dhacay ma jiraan. Waxaad u qabtay in uu ogaa waxa sugaayey. Waxaan arkay isaga oo ciribdhiibsi iyo taagtaagsi u socda. Waxuu fataq noogu soo yiri gurigi usuga oo shoobshoobaaya.”

Faalisadi ayaa indhaha ka mirigmirigsiisay. Yaa jinni ah oo la shaqeeya, ayay isweydiisay. Inta ay dhoollacaddeysay ayay tiri, “Dhib maleh, hooyo.” Inta ay dambiil tiir ka soo laallaada saas u laacday ayay wax bac yar ku jira gacanta u gelisay. Waxay tiri, “Maanta qadada marki la gaaro suntan u eg burcadka ugu biti saxanka. Ii soo sheeg wixi aad aragto.”

Rajaygi eeddadiis ayaa sidi la faray yeeshay. Sidi caadadu ahayd Rajaygi ayaa inta uu gurigi soo gelin ku leexday mooradi ay geenyadu ku jirtay. Waxay u sheegtay hagardaamadii aayadu la damacsaneyd. “Waxaad ku tiraa ‘Maanta waa dheregsanahay oo wax dambe iima naqdaan.’ Haddii ay baahi xunse ku hayso waxaad wax aan ka badnayn cantuugo ka qaadata weelka walaalkaa.”

Rajaygi ayaa sidii la faray suubiyay. Waxaa islaanti guriga ka soo haray yaab iyo anfariir. Iyada oon ogayn waxa ay ku hadlayso ayay gurigi hooyadeed isku qaadday.

Hooyadii iyada dhashay ayaa iyaduna ku taqraarneyd albaabka gurigeeda iyada oo sugi la’ waxa soo yeeridoona. Muggi ay sheedda ka aragtay geberteedi oo sintool iyo geesgees u socotay ayay hoos u tiri, “Carro nabad maaha.” Rajaygi eeddadiis ayaa iridki isku soo qaadday oo marki ay soo gashay daashki hal mar ka wareegtay cabaad iyo taah aan kala go’lahayn. Faalisaa u adkaysanweyday manuunsigi geberteeda. Waxa ay weydiisay wixi dhacay.

“Waa diidyey in uu saxankiisi taabto. Waxa uu cantuugo buuxda ka qaatay saxanki halki aan dhalay.”

Faalisadi ayaa yaabtay oo haddana ka maagtay xoogagga la shaqeeya rajayga. “Maanaa u haystay in ay jiraan wax ila tartamikara. Waxay rabaan ha ahaadeene, waa in aan tusaa in aan ley daandaansankarin. Arreey yaa u sheega! Arreey yaa u warrama! Yaa u sheega yaa ogeysiiya…” Haddana shaki ayaa galay. Hoos ayey u tiri ”Ma anigaa goorba wax isdhaafiyey. Waa beer wax dhaloo waxaa dhicikarta in aan gododki faalku lahaa dembi ka galay.” Waxoogaa ayay hakatay oo haddana is weydiisay: “Seey hee taas ku suurtowday anoo intaas oo gu’ ku soo dhexjiray oo aan u haystay in aan moorooyinkiisa u aqaan sida calaacashayda? Waa adduun iyo walwelkiisee, ma waxaan isweydaariyay mininki ay lahaayeen Daaxig oo Naari ah iyo Qabqable oo Arliya ah iyo Minsubagle oo Hawaa’I ah?”  Waxa ay la noqotay in ay maqashay codkii xabeebta lahaa ee macallinki faalka baray Aw Toombirow Duddumadunshe. Waxay ka maagtay dhawaqi Aw Toombirow oo ka guuxaayay meel u dhaxaysa labadeeda dhegood. Inta ay geberteedi indhaha ku gubtay ayay tiri “Hoo suntaan. Muggaan waa kama dambays. Waxaad caano ugu shubaysaa koobka aabihiis adiga oo si fiican ugu qasaaya alaabta aan kuu dhiibay. Haysku milmeen caanaha iyo budada gacantaada ku jirta. Ciyow igu soo war celi. Sii kud oo soo kud.” Sida qof la sagootinaayo oo kale ayay la timid illinka daashka, markaas ayay raacisay, “Orod oo cagta wax ka day!” 

Gabadhi ayaa soo xasuusatay muggi ay yarayd iyo hadal halhays u ahaa hiindadeed marki ay u dirayso in ay wax ka soo qabato dukaanki agtooda ahaa. Inta candhuuf yar dhulka ku tufto ayay hooyadu dhihijirtay, “Orod isku xaabi oo soo naqo inta aysan candhuuftaan qalalin ama engegin.”  Waa tahay inta ay tiraa ayay fagax iyo orod aan kala go’lahayn isku xaabinjirtay.  

Rajaygi ayaa haddana ka cudurdaartay in uu caanihi loogu shubay koobki adoogiis dhammo ama fuugsytho. Iyada oon weydiin sababti ow u diiday, ayay u kuday gurigi hooyadeed.

Duqdi ayaa tiri, “Ii sheeg in ay naftaba dhulka la gaarin.  Waxaan kuu dhiibay wax tarta looga dhameeyo.”

“Hooyo, wax rubad ka baxday ma arkin. Waa ka cudurdaartay in uu xataa koobka kor u qaado. Xaan hee suubeynaa, mugga?” Waxaa laga dhedhansankaray codkeeda quus iyo rajabeel.

Talaa ku caddaatay Abooto Faaliso. Yaab iyo lama arag. Inta ay dhulka deymootay ayay tiri “Yaa la taliya? Ma hooyadiis ayaa ahayd mid faalisa? “ Waxay soo xasuusatay rajaygi hiindadiis. Waxaa la yiri waxay ka soo guurtay ardi ama arli fog oo aan hadda si fiican loo xasuusan dhinici uu degaankooda ka xigay. Kuwaa yiri: qorraxsin. Kuwa kalaa ku diiday oo yiri: Qorrax kasoo-bax. Kuwo seddexaad ayaa ku dooday in ay maanyada madow ka soo baxday. Waxaase si fiican loo xasuustaa muggi ay degaankooda soo gashay. Dad badan ayaa ka cowdibilaystay marki ay arkeen islaan asaay xiran oo saaran geenyo medebkeedu yahay cawl iyo caddaan isku daran. Kuwaa ku dooday in uu milaygu ahaa jiilaal. Dadka intooda badan ayaa sheegay in ow amminku ahaa cir-gaduud. Ina Daa’uus oo berigaas shan jir ahaa ayaa ku dhaartay in daruur-jiid ama caasha-carrabdheer ama qaansoroobaad aan hore loogu arag aaggaasi ay cirka isku-gudubtay.

Ayeeyo Faaliso ayaa jiriricyootay. Sida qof dhaxamooday ayay ilkaha isku qabatay. Talaa ku caddaatay oo haddana ku ciirtay. Waxay bilowday in ay guryanto (Hunnu hunnu hadal maaha!). Inta ay dhinacyadeeda deymootay ayay shanta cad iyo calaacasha ku dabooshay afkeeda. Wax yar ka dib ayay wax soo gocotay. Iyada oo aad mooddo qof maahsan ayay tiri, “Ii sheeg waxa uu suubiyo inta uusan mininka soo gelin. Waxbana ha dhaafin.” 

La soco Q.40aad    

SHEEKOOYIN