Gaso, Ganuun iyo Gasiin Q:35AAD W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed

Gaso, Ganuun iyo Gasiin Q:35AAD

Sheeko, sheeko!Sheeka Xariir! 

 

Faalisadi ayaa haddana ku celisay: “Kulmi maankaaga! Waxna ha dhaafin oo waxba ha dhaafin.”

Gabadhi ayaa cabbaar aamustay iyada oo isku dayeysa in ay qummaati u xasuusato qaabki uu rajaygu gurigi u soo gelijiray. Madaxa ayay ruxday oo haddana indhaha kor utaagtay. Hal mar ayay qaylo afka furatay. “Waxa na helay waa geenyada baas oo ay hooyadiis uga tagtay! Guriga sooma galo isaga oon marka hore ku leexan moorada ay ku jirto geenyada. Halka aan dhalay ayaa beri fog ii sheegay in uu arkay rajayga iyo geenyada oo sheekeysanaaya. Waxaan ahaa sida qof ogaaldiid ah. Ma ahayn in aan jikaaro muluqa aan dhalay. Hooyooy, waxaan u haystay in aad faalisoo dhan facood ka reebtay, ee xaad hee u arkiweysay geenya hadasha?”

Hooyadi ayaa tiri, “Maandhaay, mug walba oo aad ii timaad waxaan kuu sheegijiray in aad isha ku hayso waxa uu sameeyo goorta uu soo galo xayndaabkiina. Moorada geenyadu ku jirto waxay ku dhextaal xayndaabkaas. Haddase igama hayso in aan kula xifaaltamo ee waxaad yeelaysaa sidaan soo socota. Marki aad hadda gurigaaga ku noqoto, mug alle marki aad illinka lugta geliso, dhulka isku dhufo sida qof qallaliso qabta. Aadaar iyo kidirdhis aan kala go’ lahayn isku dar. Marka uu seygaaga ku weydiiyo waxa aad qabto, u sheeg in ay qandho xun beryahaanba ku haysay. U sheg in aad la tashatay sancayaqaan badan oo kurtigood ay kuu sheegeen in waxa keliya ood ku badbaadikarto ay yihiin beer iyo wadne laga soo gooyay fardo.”

Gabadhi ayaa iyadoon eray kale dhihin gurigeedi u soo hilhilatay. Waa casirliiq. Mar’alle marki ay soo gashay daashki ayay dhulka isku xoortay iyada oo qaylo iyo taah isku daraysa. Odaygi iyo labadi wiil ayaa muska guriga isla mar ka soo baxay. Odaygi ayaa xanbaaray oo saaray jiinbaar daashka dhiniciisa koonfureed tiil. Ilmihi ayuu u sheegay in ay qolkoodi ku noqdaan. Isaga oo madaxa u salsalaaxaaya ayuu bilcaantiisi weydiiyey waxa ku dhacay.

Waxay tiri, “Maalmahaan oo dhan waa kaa qarinaayey ee qandho xun ayaa i haysay. Marki hore waxaan u qaatay in ay naago masayr qaba igu daarteen mingis ama baraakiin ama wadaaddo iyo wax la mida. Marki xigay waxaan isiri waxaa lagaa helay naarki geenyada biyaha loogu shubijiray oo ay ka tagtay bilcaantaadi hore. Waxaa tuhunku igalay marki aan arkay wax ay indhahaygu ka maageen. Waxay ahayd maalin barqa ah oo adiga iyo igaartaba aad guriga ka maqneedeen. Waxaan indhaha ka qaaday naarki aan afgembiga  u dhigay oo biyo afka la ceegaaga. Waxaan isiri maadaa biyaha ku shubay. Haddana waxaan xasuustay mihi iyo kobti aan dhigay iyo qaabki aan u dhigay. Kuuma sheegin e, waxaan qashinqubka ula orday naarki oo ay biyuhu ka dililiqleeyihiin. Waxaan ka yaabay marki ay islaan jidka maraysay i weydiisay ‘Yaa dhintay ood biyaha dhulka ugu sayrinaysaa?’” Rajaygi eeddadiis ayaa bilowday in ay u qufacdo sida muluq xiiq dheer qaba. Seygeedi ayaa yiri, “Aashaa walaashey. Iska dhaaf in aad xasuusato wax tegay. Tagto daa ee timaado qabo.” Wax tegey tiigsimaad ma leh.

Bilcaanti ayaa haddana kidirdhis iyo qarqaryo xuni qabteen. Iyada oo jaraynaysa ayay tiri, “Waxaan rabaa inta aanan dhiman in aan kuu sheego wixi aan ku sameeyay naarki rajayga hooyadiis kala timid meeshi ay ka timid. Qashinqubka oo keliya kuma tuurine, waxaan lacag siiyay ilmo ka qaraabanaayey kobtaas oo aan weliba weydiiyey in ay xaarshomursho ka dhigaan oo falliir kastaba meel mahaan ka fog ku duugaan.” Ninki ayaa yaabay oo isyiri, “Xey kaloo iga qarisay oo gurigaan moogaantey ka dhacay? Haddase xaa keenay in muggaan ay soo gocoto naarki ay budaagtay?”  Shaki ayaa galay. Haddana waxaa isu qabanwaayay in ow iswaafajiyo shakigi galay iyo hadalkeedi u ekaa in uu salka ku haayey qirasho qiyaamo ka cabsi. Waxa uu weydiiyey in ay u tagtay culumo iyo sancayaqaanki degaanka iyo wixi ay ka yiraahdeen qandhadeeda.

Waxay tiri, “Waxaan seddax beri ka hor u tegay waxgarad dhowr ah oo buulal ku leh Waxara’Cadde agtiisa. Waxa ay kurtigood ii sheegeen in aan qabo cudur baantiisu ku jirto beer iyo wadne faras. Marki hore waa ka cowdibillaystay. Waxaan is iri waa kuwo turraaxad been ah soo hugtay ama huwday.” Inta ay neeftuur iyo hingood ama hiqqy isku dartay ayay tiri, “Mugga hee eebow…mugga hee eebow, nolosha meel la isu soo jiro lama ogee, xaad ku talinaysaa?”

Ninkii ayaa hundhursaday. Waxaa u muuqday in faraska keliya ee gasadooda ku jiray ay ahayd geenyadi rajaygu ka dhaxlay hooyadiis. Waxaa la xumaatay in uu dhaxaltiro wiilkiisi rajayga ahaa oo weliba xundhurtiisu ku xirnayd geenyadaa iyada ah. Dhanka kale, waxaa ku adkaatay in ow diido samatobixinta ooridiisi reerka oo dhan isku haysay. Waa see xeero lagu xagta, ilkase ku nabadgalaan. Ma tanaa deysma leh, ma taasaa deysaa. Inta ow foolka iyo foodshareerka u salsalaaxay ayuu ku yiri, “Bal inta berri ii kaadi si aan ula soo tashado rajayga. Bal waxoogaa hadda indhaha isku qabso.”                                                                                                                                        

 Odaygi ayaa daashki ka baxay. Cabsi horleh ayaa gashay. Fardo la cuno maan weligeyba maqlay. Sancoole ku taliya in hilib geenyo la cuno faraa ku taagan. Kaaf iyo kaladheeridaanu xey ahayd. Goorba waa kuwi lagu sheegijiray qooto qootada. Goorba waa qalinshubato. Intaanse ku aragnay hadda ka hor qootaalayaal buulal ka samaysta Waxara’Cadde.  Saan yeelidoonaa minow kuraygu diido in la qalo geenyadiisa? Bal Eebe ha i gaarsiiyo foogta.  Muggi ow isyiri daashka ku noqo ayuu saa u bacleelay mooradi ay ku jirtay geenyadi. Waxa uu u qaatay in ay xaggiisa fiirinaysay oo ay welibana indhaha ku gubaysay. “Bissinka iyo burdaha,” ayuu afka ku boobay. “Xey tahay ma leygu soo jiraa saanhee goorba kuma fiyoobiye?” Haddana gacanta ayuu kor u taagay sida qof qof kale salaamaaya. Waxa ow isaga oo yaaban dib u galay daashki. 

La soco Q.41aad    

 

W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed 

 ali.ahmed@qc.cuny.edu 

 

 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.