Gaso, Ganuun iyo Gasiin Q:37AAD
Sheeko, sheeko! Sheeka Xariir!
Inti uusan Toxob hadal ayaa nin dheer oo dhoollacaddayhaaya ka soo baxay gurigi fiddowga lagu qabay. Toxob ayaa indhaha la raacay dhoollacaddaynti ninka. Waxaa u muuqday in uu ninku lahaa ilko kore oo lakab ah. Ninki ayaa yiri, “Cagoolow, soo dhowaada, adiga iyo eebowga kula socda.”
Cagoole ayaa salaan ku celiyey ninki. “Xusuldheerow, waa kaa qaadnay salaanta. Ninkaan waxaa la yiraa Toxob Samasuge oo ka soo jeeda Tuuladi Saciid Maxaad Raage. “
Xusuldheere ayaa ka soo dhexgalay oo yiri, “Yaa shimaa u dambaysay Saciid Maxaad Raage? Sida na loo sheegay waa tii beri hore lagu kala tegay. “
Cagoole ayaa warbixin kooban ka bixiyey reer Toxob iyo qaabki ay u noqdeen reerki ugu dambeeyay oo ka soo hilhisha degaankaas isaga ah. Waxa kale uu ka warbixiyey xandhotirki loo geystay. Xusuldheere ayaa labada gacmood ku salaamay Toxob. Intaas oo dhib ah nin soo maray maa nool, ayuu cod naxariis leh ku yiri. “Eebow, soo dhowaaw. Mininka mininkaada waaye.” Toxob ayaa yiri, “Waa dhowahay. Walaal jira.”
Cagoole ayaa yiri, “Waxaan kaloon Toxob u soo casumay in ay isarkaan odayaal ow ku jiro Maxaad Cali.”
Xusuldheere ayaa ka soo dhexgalay oo yiri, “Nasiibdarro, oday Maxaad cali farrin cudurdaarashaa ayuu soo diray. Toxobse wax ka halaabimaayaan oo waxay is arkaayaan oo madasha fadhiya guurti ow ku jiro Xaaji Filay Dheere. Mugga eebowyaal, soo gudba.” Odayaashi ayaa qolki ay akhyaartu fadhiday gudaha u soo galay. Waxay isa salaameen rag fadhiyay qol haaneed loo goglay. Waxaa meesha lagu goglay kattiifado meelo fogfog laga keenay. Waxaa kale oo meesha ku fidsanaa dhanbalo iyo dermo oo ay farshaxankoodu lahaayeen dumarki xaafadda, bilicna aan ka liidan kattiifadihi meelaha fogfog laga keenay. Waxaa dhanbalaha reedaha ka yiil barkimo ku dhexjiray harqado aad u qurux badan. Toxob ayaa saa isha ula raacay raggi meesha fadhiyay. Waxay lahaayeen odayaal iyo rag kale oo da’dhexaada. Waxaa indhahiisa jiitay shaararka kala noocnooca ah oo ay lebisnaayeen. Toxob ayaa xoogaa xishoodihi galay. Waxa ow hoos u dhugtay calalladi uu xirnaa. Haddana dharki ay xirnaayeen odayaashii madasha fadhiyey ayaa himmo hor leh geliyey. Anna mug dhow ayaan saas oo kale u lebisandoonaa, minii Eebe idmo, ayuu niyadda iska yiri.
Cagoole iyo Toxob ayaa gacanqaaday qaar ka mid ah odayaashi maxfalka fadhiyay, iyaga oo gacmaha u haatiyey inti ay salaanta la gaariwaayeen. Waxay salka dhulka dhigteen meel u dhow mihi ow fadhiyay Xaaji Filay Dheere. Xaajiga ayaa lagu yiqiin aqoonta uu u lahaa degaanno badan oo adduunka ku yaal. Waxaa uu caan ku ahaa tusmo haaneediska iyo daliisha uu soo xigto marka uu rabo in ow qanciyo qof hadal kala dhexeeyay. Marki uu salaamay Cagoole iyo Toxob ayuu Xaajigi sii watey sheeko ow dadki meesha fadhiyay u sheegaayey inti ay akhyaarta dambe goobta imaan.
Waxa uu yiri, isaga oo hadalkiisi sii wata, “Waxaan aniga iyo marxuumka aan fiddowgiisa u fadhino beri socdaal u tagnay dhul aan mahaan ku aallin. Saad ogtihiin aniga iyo eebowgi naga baxay waxaan ahayn geddisley cagahooda meel walba soo taabteen. Waxaan lug ku tagnay meel koonfur kaxigta Bowd Balaayo oo berigaas aysan koronkoradu mooraduugin. Waxaa markii hore la dhihijiray Laan Qoyyan iyo Laamis aan Dhamaan. Waxay caan ku ahayd hab wanaagga hagarla’aaneed oo ay socotada habeendhaxa ahi u martisoorto. Waxaan ka yaabnay sida degaanka looga yiqiin sheeko aan u haysanay in ay degaankaynna uun ku koobnayd. Waxaa hooy iyo martigelin na siiyay qaadigi magaalada oo noo sheegay in uu asal ahaan ka soo jeeday Fiin Gaduud. Waxa uu salaaddii cishaha ka dib nagu casumay in aan muska daashkiisaa fadhiisanno oo aan la shaahno. Waxaa la keenay shaah shaadali ah iyo weliba qaxwe iyo timir busuri bicir dhexda ka noqotay. Aniga shaaha waa leyga badshaa, qaxwadana saas kuma ihi, laakin muggi aan arkay timir busuri gogosha la soo dhigay ayaan goostay in aan shantoo xabbo aan ku baashaalo. Halna yaan timir iyo wax aan loo joogin idinku harfacine, waxaa qaadigi gogosha noo dhigay uu noo sheegay sheekadi aan idiin sarbeebay. Waa mid aad wada taqaanaan.”
La soco qaybaha kale
W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed