Gaso, Ganuun iyo Gasiin Q:38AAD W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed

Gaso, Ganuun iyo Gasiin Q:38AAD 

Sheeko, sheeko!Sheeka Xariir! 

 

Nin goobta fadhiyey ayaa yiri, “Xaajiyow, soo koob hadalka oo noo sheeg sheekadi qaadigu idiin sheegay.”

Xaaji Filay Dheere ayaa yiri, “Intaad u kudaysaa oo kaa horreysa? Sheekaan la bilinse saa loo sheegaa? Mase nin sheekayhaaya ayaa laga soo dhexgalaa?” Inta uu qoslay ayuu yiri, “Waxaan ka maqlay qaadigi sheekadaan:

Seddax dibi ayaa meel duur ah ku noolaa. Waxay u ekaayeen kuwo xigtadoodi soo eryeen. Muddo ka dib, waxaa dibiyadi ku soo biiray waraabe usna goorba la soo deyrshey. Dhulku waa barwaaqo, biyo iyo baadba laga haqab iyo oonbatiray. Waxaa kale oo meesha ku badnaa ugaar kala nooc ah. Waraabaase wacad iyo dhereg toona aqoon. Muddo kadib, waa kii hoos ula faqay dibigi madoobaa iyo kii gaduudnaa. “Talaan idiin wadaa,” ayuu hadalki ku bilaabay. “Mug aan dheerayn waa nala soo weeraridoonaa, dad iyo dugaag ciddi ay rabto ha noqdeene. Mugga waxaan soo jeedinaayaa in dibiga cad ley siiyo, inta uusan habeennada mugdigaa uusan noo soo jiidin in meel fog nagala arko. Waxay labadii dibi si fudud ugu raaceen waraabihi taladi uu soo hindisay. Saas ayuuna waraabihi ku dilay dibi caddihi.

Waa dhurwaa’ iyo xeeladahiisi laqdabee, waxa uu haddana isugu yeeray shir kale oo looga arrinsado halis cusub oo khatarteeda lahayd. Waxa uu ka dhawaajiyey sida loogu baahnaa in la meeleeyo dhibka dibiga madow u keenikaray kutladda. Waxa uu yiri, “Muggi hore afar ayaan ahayn oo cudud fiican yaan lahayn, haddase waxaa nahay seddex oo keliya, taas ayaana kallifaysa in aan cindiga iyo maanka kaashano. Lajirka uu nala joogo dibiga madow waxay keenaysaa in la waayo qaab aan maalinti u nasano. Geedki aan is-niraa ku harsada waxaa meel dheer ka soo sahansanaaya libaax dorraad aaggan soo galay. Shalay waxaan arkay asoo balliga meel aan ka fogayn hawaara. Mugga hee withaay casow, waxaan soo jeedinaa in aad iigu faataxayso withaaygeen madoobe.

Dibigi madoobaa ayaa qosolgariir qoslay. Isaga oo la hadlaaya dibigi kale ayuu yiri, “Waxay ahayd in aan ka fikiro in ay tanu soo socotay. Marki lagu loodiwaayo, waxaa meesha laga saara wixi garab kuu noqonkaray. Shalay ay ahayd in aan saan u fikiro. Dhiiggi dibi walaalkeyn ahaa ayaa hadda nagala gudaayaa. Haddaad maanta i dayriso, waa uun adna muggaaga soo qoyso oo adna balaayo gondahaaga ka damoo.”

Dibigi gaduudnaa ayaa yiri, “Eebow, hadalka uu ka dhawaajiyey withaaygeen waraabe wax ayaa ka jira. Medebkaagu waxa uu halisgelinaayaa noloshayna, marka aniga oo ka xun, waa in aan haddana ku raacaa ra’yiga waraabe talo iyo ra’yi ku qotoma jiritaankayna. Saas awgeed, walaalkey raalli ahaaw.” Isla markiina waxa uu madaxa ka dadbaday in uu markhaati ka noqdo weerarki waraabuhu ku qaaday dibigi madoobaa.

Dibigi madaabaa ayaan si sahlan loo loogin. Isaga oo dirir naf-badbaadis ah ku jira ayuu haddana si dheer u yiri, “Dibi Casow walba haddaad i dhiibtay, indhaha haka qarsan sida lay dilaayo. Walba xaggayga soo daymoo si aad u aragtid waxa adna kuu dambayn doona.” Waxyar kadib, waa kii dibigi casaa usna dhegta dhiigga loo daray. Waraabaa yiri, “withaayow, waxaan rabaa wixi aan bartay. Waxaan isku dayidoonaa in aan si ka xanuunyar sidi aan u loogay xigaalkaa aan adiga ku liqo.” Dibiga ayaa ka qayliyey khiyaanada  gurracan oon sabab loo hayn. “Xaad igu gelaysaa mar haddii aan medabkaygu soo jiidanayn wax na dila?”

Waraabihi ayaa yiri, “Su’aashaasu waxay kuu furnayd muggi aad dayrisay walaalahaa.” Isaga oon sugin hadalki dibiga ayuu hal mar dusha kaga dhegay. Dibigi casaa ayaa ku celceshay, “Anaa isdilay, anaa isdilay ee yaan eedeeyaa?”

Filay Dheere ayaa cabbaar aamusay. Waxaad arkaysay in ay ku soo maaxday xasuus waayawaayo. Raggi madasha fadhiyey ayaan innaba laga maqal juuq iyo jabaq. Waxaa kuu muuqday in ay baadigoob ugu jireen waxa Xaajigu uga danlahaa sheegista sheekadii seddaxda dibi ee waraabuhu dhagray. Inti ay weli ku jireen ruugis iyo rogrogiddi sheekadii ayaa Filay Dheere yiri,” Ma isweydiiseen waxa aan hadda ku keenay sheekadaa iyada ah. Waxaan ku soo xasuustay halyeynimadi iyo dad jecaylki marxuumka aan fiddowgiisa fadhino. Allow kuu naxariiso, marki sheekadi na loo sheegay ayuu inta uu foolka salsalaaxday yiri, “Qaadiyow waxaad noo sheegtay wax ka daran caaqi naloo sheegijiray oo laanti ow ku fadhiyay jarida ku bilaabay, isaga oo leh, ‘Gurigeygaa xaabo iyo dhis looga baahanyahay’.”

Maalintii xigtay marki aan ka soo baqoolnay degaanki qaadigu deganaa ayaan ku iri walaakeen, “Eebow, xaad ku keentay hadalki aad dul dhigtay sheekadii seddaxda dibi?” Waxa uu ku jawaabay, “Dibi tolkiis ka tegoo, Soo tanaada la waa’; Xaabodoon la xabaaloo, Soo xaluusha la waa’.” Waxaan ku iri, “Eebow, weli kuma fahmin.” Inta ow qoslay ayuu si kaftan ah u yiri, “Luuqluuq marow laasum laamigaas imaahaa.”  Waxaan gartay in uu meel fog wax ka tibaaxaayey. Su’aal kalena kuma celin. Waa ninkaas waxa aan u fadhino fiddowgiisa. Rabbi haw raxmado.” Raggi gogosha fadhiyey ayaa mar qura yiri: “aamiin.”

  Waxyar ka dibna waxaa la keenay bariis iyo hilib. 

 

 

 

La soco qaybaha kale   
 
W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed 

 

SHEEKOOYIN