Gaso, Ganuun iyo Gasiin Q:45AAD W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed

Gaso, Ganuun iyo Gasiin Q:45AAD 

Sheeko, sheeko!Sheeka Xariir!  

    

Shuushuumow shibiliqsi!

 

Qorihi ayaa durbadiiba ka soo dhexgalay oo yiri,” Shuush ku gal! Xaa shuushaaminna meesha keenay? Adigu mugwalba waxaad jeebka kala soo baxdaa wax cusub oo horleh.”

Kii sheekada sheegaayay ayaa yiri, “Shurugaa ku raac! Hayga soo dhexgelin sheekada. Waxaad ii sheegtay in uu safar kugu jiro, asaan isiri u xirfadee xirmo lagu sagootiyo. Calaa kulli xaal, inta aan sheekada gudagelin, bal aan akhristayaasha sabarka iyo dulqaadka badan oo nacnacda in ku dhow 52 usbuuc naga guraayey u soo bandhigno dhambaal nooga yimid qof isku tilmaantay in ay tahay geesaxir, magaceedana ku sheegtay Kabto Kabaabyo.”

Qorihi ayaa yiri, “Aniga bac ayaad iga siisay, ee bal ka soco. Mug waa shuushuumow iyo shibiliqsi, mugna waa kabto iyo kabaabyo. Nin kastaba dhibkiisa dharab Allaha u saaro. Mug dambese ila ma aha in ay wadashaqayn na dhexmari doonto. Bal soo gudbi wixi Daliiq ay kuu sheegtay.”

Sheekoole ayaa hoos u yiri, “Daliiqna intow ka keenay? Goorba meel bugta iyo fartaa is-ogti la sheegi jiray waaye. Shuruglow waa iila egyahay, waqtise uma haayo midi mindi ku taag.”Isaga oo si qabow u hadlaaya ayuu yiri, Abbaayo Kabto Kabaabyo ayaa tiri:

Waa salaamantihiin maqaawiirta muddooyinkaan badan sheekada Gaso noo soo tebinaayey. Salaan dabadeed, waxaan ahay dadka sida ba’an ugu taxan sheekadiina oo rukun idiin ah. Waxa keliya oon rabaa in aan idiin sheego in aad marmar qaldaad yaryar ah oo higgaadda la xiriira aad gashaan. Laba usbuuc ka hor, waxaan arkay wax aad u qorteen “kabdibna” inta aad qorilahaydeen “kadibna”. Waa runtiin in Af-Soomaaligu u baahanyahay turxaanbixin mug leh, laakin waxa aan ka hadlaayo waa higgaadinta xarfaha iyo in la iska sugo waxa aad qoraysaan.

Dhinaca kale, ma helo in la idiin soo sheegay iyo in kale, laakin Kaawadi waa la dhisay, dadki meeshaa deggenaana mar hore ayay ka baqooleen ruunkaas. Waxaa laga dhistay saro. Waxa ay kuu sheegaysaa in ruunku muggi muddo dheer la degganaado dadku yeesho dabeecaddiisa. Kaawooleey waxa ay u fikireen sidi kaawadi oo ay garanwaayeen in ay ka dhigtaan dhul asturan oo degaan istaahila. Waxaa soo degay dad leh indho cusub oo raq, maya, naq raac ah. (Ma arkaysaa sida marmar qalinku kuu ilduufiyo, iyada oo weliba ilduufkaasi aadan ku eedaynkarin qalindaar shisheeye.)

Waxaan hadalkayga ku soo afjaraa, haddii aad buug ka samaynrabtaan sheekadaan, in aad xirmo hore oo aan hadda xusuusan tiradeeda dib ugu noqotaan. Waxaan xasuustaa wixi aad tiraahdeen: Wajaclnaa minal maa’i kulli shayin xayyin. Ku beddela: Wa khalqnaa, meesha aad ka tiraahdeen: wa jacalnaa. Waxaan isleeyahay Af Carabiga waxuun ayaad ka taqaanaan, ilayn labada eray ayaa yeelankara macno isku dhow.

Ugu dambaystii, waxaan isiri goorba waxaa habboon in kaawoolaydii hore iyo kaawoolayda hadda nooli ay ku kala baxaan mubaahalo.

Khayr ayaan isku ognahay,

Kabto Kabaabyo

Qorihi ayaa yiri, “Aw Sheekoolow, bal hadal hee.”

Sheekoole ayaa yiri, “Waxay walaashayn ka dhawaajisay wax run ah. Xaa hee laga sheegaa? Waxaan filaayaa in aad i leedahay u jawaab oo aad adigu, sidi caadadu ahayd aad raabto in aad ka siibato…”

Isaga oon sugin jawaabti qoraaga ayuu yiri:

Walaal Kabto, marka hore, mahad badan. Mugga xiga, waxaan ku faraxsannahay in aan qaadano talooyinki aad noo soo jeedisay. Waa hogatus iyo tusaalayn meesha ku jira. Waana iska saxayna meelihi aad soo tilmaantay. Waxa keliya oo aanan fahmin waa meesha aad ku sheegayso Mubaahalada. Taa waxaan u dhaafaynaa akhristayaasha kale iyo duul kaloo nooga fiican.

Mar labaad, waad mahadsantahay. Warsan . (Raalli noqo minaan higgaadda erayga qalday. Ma hubo in loo qoro War iyo san iyo warsan isku dheggan.)

Qorihi iyo kii sheekada sheegaayay ayaa isku raacay in sheekadi dib loogu noqdo.

Hooyadii reer Jabaq ayaa go’aansatay in ay dib uga hilhilato Kaawadi. Waxay isugu yeertay qaraabadi meesha degganayd oo ay ka dalbatay in loo durraanto xigtadi meesha ku hartay oo dhan. Toddobo maalmood kadibna waxay iyada iyo seddaxdeedi ilmood u guureen Ceel Cadde xaggiisa. Waxay weli xirnayd asaay. Waxay istiri, “Waxaa dhici karta geberti ri’di la duushay in ay soo noqoto iyada oo na baadi goobaysa. Waxay ka soo bilaabidoonta mihi ay nagu ogayd.”  Waxaa gaari dameer u soo qalqaalshay Fiqi Falliir oo inta badan aan dadka soo dhexgelijirin. Waxa uu degganaa meel aan ka fogayn Kaawadi. Sheekadiisu waa mid dheer oo aan hadda waqti loo hayn. Waxa keliya oo aan ka sheegaynaa in uu ahaa 80 jir weligii mar qura guursaday. Waxaa la sheegaa in uu yiri, “Mug dambe ma anaa arkidoona xaaddi iyo xulusti Xamaro Xamakow.” Waxaan la ogayn meel ay ku dambaysay Xamaro. In laga sheekeeyo xiriirkooduna waxay u baahantahay baaritaan iyo dabagal aan yarayn. Sheekadu ma aha iska hadal oo wixi afkaaga ku soo dhaca iska sheeg. Haddii aadan rabin in ay kugu baarto, waxaa lagaaga baahanyahay in aad dhug u yeelato qaab tacabkeeda, oo aad haddana beekhaamiso, kasbayso inta aadan bilaabin beegisteeda. Marka, haddii ay nala noqoto in aan sheegno sheekada Falliir iyo Xamaro dib ayaan idiinkugu soo sheegi doonnaa. Waxse taa ka horreysa in aan aniga iyo Aw Qore horta isla garano in aan mar labaad isla shaqaynkarno. Inta uusan qoruhu afka kala furan, bal aan dib ugu noqdo sheekadi.

Aw falliir ayaa reerki ay Toxob iyo curradkiisi ka bexeen u soo kireeyay gaari. Waxaa kale oo wehliyey laba nin oo iyaguna watey gaari dameer kale oo ay saarnaayeen alaabo dhismo. Waxay sooo gaareen Ceel Cadde inti aan casirki la gaarin. Waxaa Falliir iyo labadii nin oo la socday bilaabeen in ay reerka u dhisaan aqal Soomaali. Maqribki mug ay tahay ayay ka faraxasheen dhismihi aqalki. Inta ay meeshoodi ku tukadeen ayay diiq raashin ah aqalkii muskiisa u dhigeen. Marki ay soo bixi rabeen ayay hooyadi asaayga xirnayd ku tiri, “Mugga u kaadiya aan bun sharuur yar idiin dubee.”

Falliir ayaa yiri, “Maandhaay, waa kaa qabnaa, waana mahadsantahay. Waase sii socohaynaa. Mugga hee, minaad wax u baahato fartiin ii soo far, ama aniga ayaa marmar cagta xaggiina u soo qaadaaya.”

Falliir ayaa u sheegay raggi ay isla socdeen in isaga iyo Maymuun Suge aabaheed sedddax oday oo keliya kala tirsadaan. Waxa ow ka sheekeeyay berigi ay tuuladii Saciid Maxaad Raage ahayd tuulo bilan oo cammiran. Waxay lahayd balliyo biyo hilac ka yihiin, waxay lahayd ugaar noocba nooc. Waxaa dadki loo sheegay in ay mamnuuc ahayd in ugaarta qaarkeed la ugaarsado. Waa dad iyo xaalkoodee waxaa lama huraan ahayd in wax loogu sheego dhawaq iyo siiqad ay fahmikaraan. Waxaa la yiri ugaarta qaarkeed waa ka caaggannahay. Qiil maangal ah ayaa loo soo daliilshay. Muggi ay aabaarxuni dhacdana waxaa loo sheegijiray in ay mubaax ahayd in ay ugaartii laga caagganaa la ugaarsado si loo badbaadiyo dadki deggaanka. Waxa uu ka sheekeeyey qaabki loo aslay loona unkay deris wanaag ku dhisan turmo iyo xigto ka dhexeeyay duulki wada degganaa tuulada. Waxa uu sheegay in ay deris wanaaggaasi ab iyo isir u ahaayeen Wabarki Wabarrada iyo Gobeey ina Biyow. “Bilcaanti aad hadda soo aragteen waxay magaca ka dhaxashay ama lagu samiyey Maymuun Biyow. Waxaan shaki lahayn in hal karnimadi iyo aftahannimadi Maymuuna wax uun ay ka dhaxashay. Waana taas waxa aan isleeyahay waxay aad uga soo dhalaalidoonta xilka culus ee saaran.”  Waxyar kadibna, oday Falliir iyo akhyaarti kale ee la socday ayaa yimid kaawadi. Inti aan la ismacasalaamayn ayaa nin raggii ka mid ah weydiiyey Oday Falliir waxa uu kala socday inkaar shalay barqadii nin maqaayad wax ka cunaayay lagu tuuray.

Falliir ayaa yiri, “Waxaan ahaay goobjoog. Waxay ahayd wax la maago. Xaadse hadda ku soo xasuusatay?”

Ninki su’aasha weydiiyey ayaa yiri, “Ma helo wax ixasuusiyay. Goorba sheekadi aad noo sheegtay ayaa meel iga taabatay. Adduunyo sey ahayd iyo hadda sey tahay waa kaaf iyo kala dheeri.”

Falliir ayaa yiri, “Igaarkeeyow, adduun waa adduun. Minaan ku iraa tii shalay aa caano iyo malab ahayd beenaan kuu sheegay. Kumase lihi tan hadda jirtaa ayaa iyaduna ah i qarso. Maalin walbood joogto waxay leedahay sha’nigeeda. Qodaxna waa qof iyo itaalkeed.”

 

 

 

La soco qaybaha kale
   
W/Q. Prof. Cali Jimcaale Axmed 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.