Geedka iyo Garsoorka.

Geedka iyo Garsoorka.

quotescover-JPG-60 

 

Bulshada Soomaaliyeed waxay ahaayeen kuwo gob ah oo ka madax bannaan wax walba oo xuquuqdooda iyo sharaftooda liidaya,waxay lahaayeen, dhaqan gobeed qotodheer dhammaana ka soo horjeeday caddaalad xumada, sinnaan la’aanta iyo xadgudubta qof iyo mid bulshoba.

Haddii gef iyo godobi dhacdo, waxaa jirey geed weyn oo damal ah oo laysugu geeyo guurtida iyo waxgaradka,   waxaana halkaa lagu gorfey jiray GAR, gartu waa kala saarida iyo kala soocida godobeysanaha iyo godobtirsadaha ama eedeysanaha iyo eedtirsadaha,  labadan ayaa waxaa loo saari jirey, gudi dhexdhexaad ah oo gasha arrintooda iyadoo weliba la eegayo ku qanacsanaanta labada dhinac.

 Gudigaas waxaa la yidhaahdaa “ Xeer beegti” waxaana lagu soo xulaa, dad lagu yaqaanno, dhawrsani, codkarnimo, garaad iyo garasho dheeri, dhaqan yaqaanimo, iyo xeeldheeri aqooneed dhinaca garsoorka ah.

 Xeer beegtidaasi inta badan 90% waxaa lagu go’aamin jirin, go’aan sax ah oo farax geliya kuna qancaan labada dhinacba, go’aankaasoo reeba dhaxal ah Xeer dhigasho ah, oo labada dhinac ay ka dhigtaan, Xeer ay ku kala baxaan, haddii arrintan mid la mid ahi soo noqoto.

Garsoorkii ina Sanweyne.

 Waxaa is qabtay nin dhoobi ah” Qawsaar” iyo ninkuu geela u raaci jiray, ninka shaqaalaha ah, waxaa heshiis lagula galay, in gu’ walba la siinayo HAL geel ah, ka dib ninkii muddo 15 sanno ku dhaw ayuu la joogay ninkii waxaana tarmay oo farcamay geeliisii, Maalintii dambe ayuu ku yidhi waan guurayaa, oo waxaan u guurayaa deegaankaygii, ninkii markuu Geeliisii soocday, ayaa Odaygii uu geela u raaci jiray, damac galay, wuxuuna ka diiday inuu geeliisa kaxaysto, isagoo muran ka geliyey geel badan oo uu lahaa, Sababtuna ahayd geela oo isku summad” Astaan xoolaad) iyo Baadisooc ahaa, maadaama ninka Dhoobiga ahi geela ku dhigan kareyn Summadda geelooda, ka dib ayaa hadalkii ka taagtaagmay, waana is mari waayeen, waxaana laysku af gartey inay raadsadaan cid kala saarta.

 Ninkii Geelraaca ahaa iyo ninkii ayaa isa soo raacay , waxayna u yimideen, Nin inanlayaal ah “Ninka la degan reerka uu gabadha ka qabo” oo Odayga geela loo raacayey gabadhiisa qabo, isaguna Soddog u yahay.Ninka waa nin dhallinyaro ah, hase yeeshe waxgarad ah, markii uu dhegaystay doodii labada nin ayuu afti ka qaaday, inay ku qancayaan go’aanka uu qaato, waana yeeleen labadooda, iyadoo weliba waxoogaa madmadoow ahi ku jiro ninka Geelraaca ahaa oo uu is leeyahay armuu kaa hiiliyaa, haddana waa aaminey.

Ninkii Dhallinyarada ahaa oo lagu magacaabi jiray” Ina Sanweyne” ayaa gartii ku billaabay:” Gari Alley taqaan ee Aabbe iyo Sodog midna ma taqaan” Wuxuu u abtiriyey geelii, isagoo Hal walba ilaa saddex gaadhsiiyey faraceeda, waa habka geela loogu abtiriyo,” Hebla waa ina dhaadhan, Dhaadana waa ina Cartan, Catana waa ina waayeel, Firkii waayeel waxaa ka jooga intaas, Firkii dhaadana intaas, markuu Abla-Ableyntii iyo Abtiriskii geela dhameeyey, Odaygii soddogiisna daawanayo, ninkan labada sanno la deganaa sida uu ku bartay geela iyo firkiisa, ayuu yidhi, Geelaas sidaan ku maqlay kana hayo Afkaaga Adeerkayoow waxaa iska leh, ninkaas Geelraac ah.

Odaygii waa iska quustay waana xishooday maadaama wiilkii gabadha ka qabay garta ku moosay tuseyna inuu xaqdarro doonayo.Ninkii Geelraaca ahaa ayaa yidhi: “ Ninyow kaama fileyn inaad sidaa garta u dhigaysee, ma Halbaan ku siiyaa mise Halbaan kuu idhaahdaa” wuxuu yidhi ina sanweyne: “Hal ii dheh” ninkii Geelraaca ahaa markuu deegaankiisa tegay, wuxuu geed walba ka sheegay, siduu ugu garnaqay Ina Sanweyne isaga iyo soddogii,   waxaa halhays iyo sheeko mahadho ah noqotey, erayga aynu maanta wada naqaan ee ah” Garta inna Sanweynee loo geeysan jiray” haddaba sida halkan inooga muuqata, waxaa jirey dadka marka loo garqaaddo, inay ku qanci jireen, waxaana jirta murti iyo maahmaah badan oo arrimahaas ka hadlaya.

Gar dabadeed guu guu baa nacay.

Gari Alley taqaan

Gari laba nin kama wada qosliso

Gaalka dil gartiisana sii

Geedjoog gartiisa waa yaqaan.

Soomaalidu waxay wax walba ku dhammeysan jireen inta badan wada hadal iyo wada tashi, waxay lahaayeen, Xeerar iyo qaab ka duwan dunidda kale oo ay uga xaaltamaan, arrimaha iyo dhacdooyinka ku soo kordha.Sida dhacdadii ina Sanweyne, waxaynu ka soo hadalney laba qof oo arrini dhex martey ka dibna ku kala baxay hal meel, haddaba waxaan doonayaa inaan bal dhinaca kale ka eegno, sidee loo xalin jirey arrimaha laysku mari waayo.

 Dig ma tahay( Dhacdadii Geenyadii isha la’ayd)

Waxaa hadda ka hor dhacday in Geenyo il la’(Cawaran) ay ka dhacdey meel qaw ah ama jar ah, ka dib ninkii geenyada lahaa wuxuu raadraac ku sameeyey iyo dabagal, qaabkee iyo sidee bay geenyadu uga dhacdey meesha? Isla cagtiiba wuxuu helay Raadkii ugu horreeyey ee meesha oo ahayd Jid suqduuda ah dhinacna buuri ka saarantahay dhinaca kalena Jar dheer oo haaddaan ahi ka hooseeyo, in raadka Geenyada iyo raad qofeed meesha ku kulmeen.

Raadkii markuu raacay wuxuu ula galay nin deegaanka ka mid ah, ninkii ayuu ka wareystay geenyadiisa inuu arkay, ninku waa qirey inuu geenyada arkay laakiin inay meesha ka dhacdey ma sheegin, arrintii Geedbaa la geeyey, Guurti baa loo xulay, guddi baa loo saarey, muddaay soo daba jiitantay, maadaama uusan marag jirin, ninkii waxba waa lagu waayey.

Gartii markii la naqay ayaa ninkii geenyada lahaa yidhi, hal su’aalba iigu dhiman, ee ma weydiin karaa? Gudigii baa yidhi haa, wuxuu yidhi, “Inaadeeroow hadda gartii kugu waayey, Arrinkeeniina dhammaaye, markii Geenyadu kaa hor timid, DEEG ma tidhi, deeg waa odhaah loo adeegsado Fardaha marka aad iska hor weecinayso, sida Dameeraha loogu adeegsado KIR, Adhigana loogu adeegsado JII, lo’daha loogu adeegsado, YAX, Geelana loogu adeegsado DOOH, ninkii arrinka loo haystay oo aan dhaadin ayaa yidhi Haa DEEG waan idhi, ka dib ninkii Geenyadu lahaa ayaa yidhi haddaba DIG MA TAHAY? Isagoo ujeedkiisii, gaadhay, ayuu gartii dib u furay oo yidhi, Geenyadeydu waa cawarneyd, ninkana dhinac isha fiican ayuu ka socdey, Geenyaduna waa ka hor timid, Dhinaca jarkana waa xigtey markuu deeg yidhi ayay booday, balse, waxay u booday dhinaca jarka, sidaasay uga dhacdey ee ninkan ha layga qaaddo Geenyadayda qiimaheedii.

 Guddi baa loo saaray arrintii rogrogta waxaana soo baxday in arrinku dhab yahay, markii ninkii la xog wareystayna iyadoo laga foggaanayo, xukun aan marag lahayn waa qirtey, sidii baana lagu xaliyey.Dhacdooyinkan iyo kuwa badan oo kale waxay inoo caddeynayaan, dhinaca Garsoorka iyo gudoonkeeda inay Soomaalidu ka gaadhsiisnayd heer aad u sareeya.

La Soco Qaybaha dambe.

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

Galayr1977@hotmail.com

SHEEKOOYIN