GEELA & GEESKA AFRIKA Q1AAD W/Q Bashiir Cali Bare

12806243_784355218363060_436533545019865238_n

GEELA & GEESKA AFRIKA Q1AAD

                                35arlw6.jpggfsdvg

ARAR & HORDHAC KOOBAN

Qowmiyad walba ee caalamka ka tirsani waxay leedahay wax noloshooda kaga jira kaalinta koowaad, si kale haddaan u dhigana dalkasta wuxuu leeyahay wax dhaqaalihiisa rasmiga ah udub dhexaad u ah, mararka qaarna waxyaalaha dhaqaalaha dal dunida ka mid ah uu ku tiirsan yahay ayaa ahmiyad iyo kaalimo kala leh, waxaana ahmiyadda iyo kaalinta koowaadba leh shayga ugu muhiimsan illaha dhaqaale ee dalkaasi leeyahay.Haddaba soomaalida dhaqaalaheeda koobaad wuxuu ku qotomaa xoolaha nool ee la dhaqdo, inkastoo ay xoolo wada yihiin isku sina loo wada dhaqdo haddana kala muhiimsan xagga dheefsiga iyo waxtarka kalaba, geela ayaana ah kan ugu dheefsi iyo waxtarka badan,wuxuuna mar ahaa isha koobaad ee dhaqaalaha soomaalidu uu ku tiirsanaa haatan se, wax baa iska baddalay balse, hadda dulucda qoraalkaygu kuma saabsana waxaas is baddalay maadaama aysan qusayn waayaha aan ka sheekayn doono.

Geelu waa laf dhabarka xoolaha soomaalidu ay dhaqato ee siyaalaha faraha badan looga nacfiyo sida :- Hilib laga qasho, Caano laga maalo, badeeco ama lacag lagu badasho(iibsi/iibin) iyo Xooggooda oo laga faa’ideysto(la rarto), ayadoo qodobka danbe ee rarashadu uu geela gaar u yahay,Halka saddexda kalena uu la wadaago duunyada kale inkastoo uu ayagaba wax ku dheeryahay. Qormadaan maahan mid aan dhammaan xoolaha soomaalidu dhaqato kaga warrami doonno laakiin taas baddelkeeda waxaan ku qaadaadhigi doonnaa geela oo kaliya, oo aan ku doortay laba arrimood dartood :-

B)) inuu geelu yahay boqorka xoolaha soomaalidu dhaqato isla markaana uu mudan yahay inta aan aqoon in wax uun looga bidhaansho,

T)) inaan doorbiday inaan bal bulshada la wadaago, aqoonteyda ku saabsan geela, waayo dadka Soomaaliyeed oo markii hore ahaa 70% reer guuraa hadda waxay noqdeen 50% reer magaal, markaa waxaa jirta dhallin badan oo aan aqoon u lahayn, geela iyo kaalinta uu ugu jiro bulshada Soomaaliyeed.

Soomaalidu ma dhaqato keliya geel, sidoo kale ma wada aha xoolo dhaqato, oo waxaa loo kala saara noloshii horre ee miyiga Saddex,

  1. Raacato( Xoola dhaqato)
  2. Beerato( Beeraley)
  3. Dabato(Ugaarsato iyo Kalluumeysato) Berriga iyo badda.

Waxaa hadda ku soo biirey,

  1. Ganacsato
  2. Xoogsato

Haddaba inkastoo aqoonta aan geela u leeyahay ay jiraan dad iiga waayo aragsan haddana taasi maaha mid iga reebaysa inaan la aamuso intaan ogahay, Soomaalidu xoolaha oodhan way dhaqataa, aniguse waxaan doorbidayaa oo qoraalkan u xushay waa geela oo keliya. Waao waa kan aan ugu aqoon roonahay dhammaan xoolaha Soomaalidu ay dhaqato.Ujeeddada ugu weyn ee aan kaga gol leeyahay qoraalkaan waa in dhallinyarada soomaaliyeed ee aqoonta aan u lahayn geela iyo dhaqashadiisa ay ka wax ka korodhsadaan xogta yar ee EEBBE weyne igu duway inaan sadarradaan kusoo gudbiyo.Waxaan si buuxda uga cudur daaranayaa wixii aan ilduufo oo indhaha aqristuhu ay qabtaan anigoo og inaan intii tabartey ah aan ka taxadarayo, haddana ina aadan baan ahay oo qaladku sibiq ayuu iiga dhici karaa sidaa darteed wixii aan seego surma seegtaa keentay, wixii aan haleelona waa halkii la rabay.

Qodobbada qormada.

1-Macluumaad dhinacyo kala duwan taabanaya oo ku saabsan geela.

  1. Geela iyo dhaqamadiisa
  2. Geeljiraha iyo geela
  3. Suugaanta geela
  4. Waxtarkiisa iyo wax dhimaalihiisa.

         Geela iyo dhaqamadiisa

Oraah-suugaaneed ayaa ahayd:-

Ninaan geel lahayn,Gaajaa dishaye,Geeridaa u roon”Taasoo ay ka muuqato sida ninka geela leh uu uga qiima iyo qaddarin badnaa kan aan geela lahayn.Geelu waa hanti taranta oo ay soomaalida iyo Carabtuba ku dhaadan jireen waayo hore haddase aad mooddo in isbadalka guud ee dunida iyo horumarka nololeed hoos u dhigeen kaalintii shalay ku jirey oo ahayd mid lagu faano maanta dadka qaarkiis ka faanaan dhaqashada geela, magaalada waxaaba laga dhigey astaan laysku liido waa “ Geeljire” taasoo gaartay heer xitaa ninkii raaci jiray ee ku soo dhex weynaaday uu yiraah waligeey geel ma raacin!!.

Cimriga geela waa laysku qilaafsan yahay, inta aan qoraalkaan wadayna waxaan ka warreystay waayo arag kala duwan oo aan ku tuhmaayo xoogaa aqoon geeleed ah, balse natiijo isku mid ah kalama soo noqon, waxaana qodobka ay intooda badan isku raacsan yihiin uu noqday in neefka geela ah cimrigiisu illaa 20 sano gaaro ama uu kuba dhawaado.Sidoo kale Neefka dheddig ee geel badanaaba wuxuu ku curtaa markuu Lix sano jirsado, taasna wxaan usoo daliishan karnaa tixdaan oo aanan hayn abwaankii curiyey, lixda sadar ah oo tilmaamaysa bilowga marka nirigtu dhalato illaa marka ay curato waana tan:-

  • Gugay dhalatay geed lagu xiryeey’ xarigga loo gaabi
  • Guga xigana goofaadhidooy’ maraqa googoyso
  • Guga xigana uur gulun-gulcooy’ geelasha hor meedho
  • Guga xigana gaaleensatooy’ dhogorta qaar goyso
  • Guga xigana awr garabsatooy’ goojo la amaadho
  • Guga xigana good nirig dhashooy’ gaawe laga buuxi.

Geelu waa xoolaha kan ugu muhiimsan isla markaana ugu manaafacaadsiga badan, xoolaha la dhaqdo, wuxuu la wadaagaa labbo manaafacaad kuwaas oo kala ah in caano laga maalo hilibna laga qasho ‘’CAD & CAANO’’, laakiin yaanan illaawine duunyada kale ee sida Geeloo kale cadka iyo caanahaba laga helaa marnaba CAD iyo CAANO kuma dhamma oo kuma gaadhaan, BOQORKA xoolaha la dhaqdo oo kana caano badan kana hilib badan (waxaa laga yaabaa in LO’du ay mararka qaar la caano egtahay geela, xiliyada barwaaqada ama xili roobaadka   Gu’ga iyo dayrta, balse,   geela caanihiisa ayaa dhigmi kara in ka badan muddo dheer, halka kuwa lo’da iyo adhigi aysan muddo dheer dhigaal gelin.

Ammaan geel.

Nin geela aad u ammaanay oo Xaya Galayr la oran jirey ayaa yiri:-

  • Amranaa ma nabaa?
  • Udgoonaa ma xajbaa?
  • Awranaa ma sangaa?
  • Aaddanaa ma ninbaa?
  • Adagaa ma birbaa?
  • Dhego aalad lamoodiyo
  • Labaduu waxku eegiyo
  • Afartuu ku dhaqaaqiyo
  • Ibaha xoorku kaduuliyo
  • Abxad weyntiyo feedha
  • Iyo meesha uusku fariisto
  • Ma alwaax hindi keeniyo
  • Alaab laysku dhidbaa?
  • Markuu keynta abaara
  • Andaleel ku maraayo
  • Ma adeegyada cayntiyo
  • Ayax meel fog kaduuliyo
  • Ugaar laysku didshaa?
  • Markuu aarku kumeero
  • Indheer buu kagartaaye
  • Il dheeraa ma jinnaa?.

Abwaanka waxay ammaanta geelu la gashay inuu Xajkii iyo Nabiyadii ALLE hab weydiineed kula meel dhigo geela! cajiib ALLAW danbigiisa dhaaf.Geelu sida uu xoolaha kale uga waxdheef badanyahay ayuu uga dhib badanyahay ninka raacistiisa, waraabintiisa iyo xannaanayntiisa u xil saarani waa nin hawl iyo dhibba kulansaday, sideedana nolosha geelleeydu waa nolol aad iyo aad u ad-adag.

Heesta Geela.

Heeso hawleedyo muujinaya ad-adayga geel la dhaqanka ayaa waxaa kamid ah, suugaantani muujineysa maalinta hawshu adag tahay ha ahaato shubaal, xero u oodis ama hawl kaleeto’e in wiilka aan dhaaraansan ‘’dhar hawleed xirasho’’ uu yahay habaar qabe xoolo mabadar ah:

  • Maalin hawleed
  • Oo rag kala haray
  • Wiil hagoogtaa
  • Waa habaar qabe.

Mid kalena waxay leedahay:

  • Adoo suu tuban
  • Nin ku tiriyaa
  • Waa nin tegayo
  • Turugyo lahayn

Mid kalena waxay leedahay:

  • Wiil magaalada
  • Kaa maraanmarey
  • Oo mar furey xaley
  • Oo Minja cas helay
  • Wallee maydhoow
  • Maalintii ceel
  • Kuu mijili waa.

Heesta tan siday u yartahay uma xigmad yara ee waxaa ka buuxa xigmad iyo tusaalayn qotodheer oo xaqiiqda ku salaysan, bal ila dhugo:-

  • Haleey heliddaa
  • Hoodo loo lehe
  • Yaaku hayn kara?

Ninkasta oo soomaali ah wuxuu nasiib u yeelan karaa inuu geel yeesho ALLOW muu laba tuldoodna ahaado’e laakiin waxaa heestu gadaal iska waydiisay ninka inta nasiibkiisu geel siiyay haddana haysan karaa waa ninma? Taa oo jawaabteedu noqoneyso (waxaa hayn kara ninkii dhaqan yaqaan).Waayo ninka aan geel aqoonka ahayni kama bixi karo shuruudaha dhaqista geela suu maba yaqaane.

Tusaaleba aan dul dhigo, haddii nin aan waligii geel yeelan aqoon dhagood gaar ahna aan ka haysan intay gabari u kacdo laga guursado, 20 Halaad oo yarad ahna laga siiyo waa hoodaale geel yeeshay, balse, badanaaba ninka caynkaas ah kuma sii waaro geelu, oo waxaa laga yaabaa inuu xerada ariga mid kale uga gees oodo ee uusan aaf-daaq ka dhigin hallaha uu yardaha ku helay, marbana haddii geela laga dhigo ari la daaq, maalinkaas ariga lala daajiyo ayaa geelaasi galay xabsi jaan oo korka ka faydan waxaa qasab ah in intiisa badan la dabro sababtoo ah haddaan dabrin, waxaa laga yaabaa inuu dhulyaallo oo aaddo meel fogfog oo uu daaqi jirey kuna ogyahay deegaantiisa iyo dhirtuu daaqo.

LA SOCO QAYBTA 2aad

W/Q:- Bashiir Cali Barre

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.