GEELA & GEESKA AFRIKA W/Q Bashiir Cali Barre

 

35arlw6.jpggfsdvg

GEELA & GEESKA AFRIKA

 

Waraabinta geela iyo hees hawleedyada u gaarka ah.

 

Waraabinta, biya siinta ama shubista geelu waa hawl aad u mug weyn una baahan aqoon, xoog, daacadnimo iyo agabka u gaarka ah waraabinta geela.

Aqoontu maahan mid jaamacadeed ama mid dugsi sare ee waa inuu shubuhu xirfad sarreysa u leeyahay habka qabatinka dowliga iyo jabinta wadaanta kolka ay karkaarta soo caga dhigato, xirfaddaasina kama maarmayso xoog aan hagar lahayn oo lagu fuliyo, sidaa daraadeed ayaana aqoonta, xoogga iyo daacadnimaduba u ahaayeen isi suran aan looga maarmin kulansigooda, goobta ama ceelka laga waraabinayo geela.

Jawaabka iyo hees hawleedku waa lagama maarmaan kolka xoolo la waraabinayo ama la kaxaynaayo, walibana waxaa sii xallad iyo xiiso badan marka la waraabinaayo xoolaha.

Xoolo waraabinta ayaase sii kala duwan oo tan geel waraabintu waa midda ugu xamaasadda iyo xiisaha badan, ragga majaraha u haya hawsha adag ee shubaasha geela ayaa si aad iyo aad ah ugu jeela jiibta iyo isla jaan qaadista gooraysan kolka kadinka geel ee waraabintiisa loo dhaaraansaday uu kuraygu soo horo isla markaana hormada ugu horreysa uu soo daayo.

 

Heestaan soo socota iyo kuwa kale oo qaabkeeda oo kale leh ayaa kamid ah heesaha bilowga u noqda hees shubaaleedka geela.

 

  • sidii sagal roob
  • oo si san u da’ay
  • waan sugeynaye
  • geelu sabadii
  • maysi soo simay?

Kolka hormada koobaad ay kaalinka timaado, darkana afka darto ayaa haddana heeskan ducadu ku laran tahay iyo kuwa la qaab ah loo raacsiiyaa.

  • wax shiddeeyiyo
  • sharba necebeey
  • shifa ku afsaar
  • oo shar kuumaleh

 

Halkaas waxaa ka bilaabantay hawl adag oo aan nasasho lahayn iyo heeso hawleedyo u gaar ah shubista geela. Heesahaas waxaa kamid ah:

 

  •  Soddon inaad qadi
  •      Sool inaad tagi
  •      Saa biyaha kucab.

 

  •  Wiil magaalada
  •      Soo maraanmarey
  •      Oo maryo cas helay
  •      Oo mar furey xalay
  •      Wallee maydhoo
  •      Meesha kama diro.

 

Habka layskula helo jiibka, jaanta iyo jebinta wadaanta kolka geela la waraabinayo, iyo qaabka qurxoonee ay u soconayso marba hormada kaalinka lagu soodaayo  ayaa abwaan soomaaliyeed si aad ah ula dhacay!,

wuxuuna ka yiri:

 

  •   Kolka laba majiire uugu dhoco’ maaxda xoogga leh,
  •   Millateri sidiisay hormadu’ maash u socotaaye,
  •   Marka midigta lagu tuurayooy’ midina qaadayso,
  •   In makiinad iyo wiish sideey’ badowdu mooddaa!.

 

Abwaan kalena wuxuu yidhi:

 

  • Jilaal muddada dhigay dhulkoo, Mudhux abaaroow
  • Markii adhigu mayti u batoo, Lo’ina Maafowdo
  • Madiix waxay ku fooftaa Gobliyo, Meerisyada hawed
  • Maraagiyo waxay goosataa, Midhaha dhaameele
  • Mahwigii bullaaley cabtaa, Laba mataanoode
  • Markaasay raggii maali jirey , Ugu majiiraane
  • Martidiyo ninkii soconayaa, Maalintaa dhama e
  • Mid mid uma fushoo sida gubney, Maash u socotaaye
  • Iyadoo Makaawi u eg buu, Mayeygu hooraaye.

 

Sida caadiga ah geela marka la waraabinayo ama la shubayo, laba mar ayaa la biyo siiyaa.

Labada mar mid waa marka hore ee bilowga ah ee hadda aan sadarada kore kusoo sheegay, marka uu sidaa ku biya cabbana xoogaa dhawr saacadood ah ayaa la nasiyaa, ayadoo ragguna u shaah cabo ama u caano dhamo.

Markaas kadib ayaa shubaal labaad loo saaraa, shubaasha dambe waxaa loo yaqaan RAKAAD waana mid aan sidaa u badnayn maadaama horey loo waraabshay geela ee rakaaddu ay tahay wax dhammaystir aan ku tilmaami karo.

Rakaadda ayaa leh heeso u gaar ah oo ay kamuuqato cabaad iyo eed sheegad ay gudbinayaan raggii bilow illaa dhammaad ku yaxoobnaa biya siinta geela oo markaan aad u daallan, waxaana heesahaas kamid ah:-

 

  • May rakaabane
  •      Ma rakaad buu
  •      Isku soo rogay
  •      Anna ruuxii
  •      Way riddamayoo
  •      Way rig leeyahay!.

 

 

  • Adna dheehooy
  • Feera dhimman bay
  • Dhaami leedahay,
  • Anna dhabarkiyo
  • Meel dhexdaasoon,
  • Jeer u dhacay baan
  • Dhawr is leeyahay.

 

Ragga geel waraabiska ah mararka qaar waxaa kamid ah rag aan geela la shubaayo  wax ku lahayn ee tolnimo ahaan u gacan siiya ama qaab xoog maalnimo (xoog kiraysi) wax uga waraabsha, ragga caynkaas ah waxaa heesa hawloodkooda kamid ah:-

 

  •       Hablo kama qabo
  •       Halna kuma lihi
  •       Habeen uma hoyan
  •       Wuu i helayoo
  •       Waa igu habsaday.

——————————

 

  •       Caloolweynaa
  •       Oo cir badanaa
  •      Caska waagiyo
  •     Casar dabadii
  •       May cabaysaa?.

 

 

          Gabaabsiga Geela Geyigeena.

 

Maanta muuqaalka geelu waa ka duwan yahay, sidii hore waayo geelu maanta Gaadiidkiisiina waa sii gabaabsi oo baabuurta casriga ah ayaa meesha ka saartey,   Magtiisiina waa sii gabaabsi oo hanti badan oo kale ayaa ilbaxnimadu keentay oo lacag ayaa loo kala qaata,   dhaqaashadiisii iyo Cadkii iyo caanihiina, waxaa beddelaya qudaar iyo cagaar badan oo maanta hilibka malaayga ayaa laga jecelyahay kan geela.

 

Haddaba Soomaaliya oo ah umadda ugu geel dhaqadka badan, laguna qiyaaso geela ku nool, 83 Milyan oo geel ah, adduunka aysan jirin dal cadadkaas oo kale leh, maxaan filan karnaa haddii baahiyihii sababayey in geela la dhaqdo ay meesha ka baxdo, WAXTARKII GEELA iyo dhaqashadiisii saw iyaguna is beddeli maayaan ?

Miyeysan habbooneyn in la furo, Maxjaryo lagu dhaqaaleeyo caanihiisana lagu warshadeeyo, iyadoo dalka iyo dibaddaba loo iibgeeynayo, sidoo kale la ilaalinayo taranka iyo tayada geela si aannu u dabar go’in maadaama Kaymihii uu ku dhaqnaana la gubey oo xaabo iyo dhuxul laga dhigay, Dadkii dhaqan jireyna magaalooyinka soo galay oo xeryo qaxoonti ku jiraan.

 

Ma idinla tahay 50 sanno ee soo socda in laga waayi doono dalka Soomaaliya Geel,   aniga haa, sababtoo ah, Haddaba dalkeena waxaa ka nabaad guurey ama gabaabsi qarka u saaran  Gammaankii fardaha, Ugaartii iyo habar dugaagtii,

Duruuftii kuwaas rarteyna hadda waxba iskama beddelin waayo ma jirin cid xil iska saartay ilaalinta Maroodiga iyo Libaaxa Soomaaliya ku noolaa, haddana ma jirto cid xil ka saaran yahay Geela iyo meesiyada kale ee xoolaha ee dalkeena ku dhaqan, taasina waxay soo dedejin kartaa inuu geelu sida ugaarta, habar dugaagta iyo gammaanka oo kale geyiga ku yaraado ugu dambayntana kaba dabar go’o dhammaan dhulka soomaaliya.

DHAMMAAD

W/Q : Bashiir Cali Barre

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.