Geela iyo Geeska Afrika W/Q Bashiir Cali Barre

Geela iyo Geeska Afrika.

 

 

Bashiir Cali Bare

 

Waxtarka Geela.

 

Geelu waa xoolaha kan ugu muhiimsan isla markaana ugu waxtarka badan, xoolaha kale ee la dhaqdo geyigeena Soomaaliyeed, xoolaha kale wuxuu la wadaagaa labo dheefood, oo kala ah in caano laga maalo hilib ahaana loo qasho ‘’CAD & CAANO’’, laakiin yaanan illaawine duunyada kale ee sida Geeloo kale cadka iyo caanahaba laga helaa marnaba CAD iyo CAANO kuma dhamma BOQORKA xoolaha la dhaqdo oo kana caano badan kana hilib badan (waxaa laga yaabaa in Lo’du ay mararka qaar ka caano badantahay ama le’egtahay geela balse taasi maaha mid joogta oo waa mudada kooban ee naqa iyo nagaadhku jiro wuxuu yidhi Gabyaagii faalleynayey adkaysiga geela iyo inuu wax dheeryahay adhiga iyo lo’da.

 

  • Jillaal muddada dhigay dhulkoo, Mudhux abaaroobey
  • Markuu adhigu mowti u bate, Lo’ina maafoowdo
  • Madiix waxay ku fooftaa gobliyo, Meerisyada hawd
  • Maraagiyo waxay goosataa, Midhaha dhaameel.

 

Sidoo kale heesta geela ee caan baxday ayaa tidhaahda.

 

  • Soddon inaad qadi
  • Soolna aad tagi
  • Saa biyaha ku cab

 

 

Geela oo waagii horre.

 

 

Geelu wuxuu ahaa, saddexda meesi ee xoolaha kan loogu jecelyahay, waxaana keenaysay, duruufta bay’ada dadka Soomaalida oo ah, eek u dhaqan geeska afrika, waayo dhulkeenu waa kulaalo, roobku ku yaryahay, sidaa awgeed, gobollada qaarkood, lo’da iyo adhigu way adagtahay inay ku filnaadaan nolosha qoyska.Geelu dhinacyada aan horre usoo sheegney wuu kaga wanaagsanyahay lo’da iyo adhiga, Caannaha geelu waa dhigmaan in ka badan saddex bilood, Hilibka geela oo loo yaqaan Oodkaca(Muqumaduna) waa dhigmaa, balse, Caanaha lo’da iyo adhigu ma dhigmaan mana laha kayd dhaafsiisan   afar caano maal. Abwaan Cumar Austareeliya oo ka hadlayey wuxuu yidhi:

 

  • Dhool caano laga soo lisay, oo yara dhanaanaday
  • Marka aad dhadhamisaa jidhkaba, dhididku qooyaaye
  • Nin dhadhamiyey wuu garanayaa, dhul ay qaboojaane
  • Waxa dhaba habeenkaa ninkii, dhama galxoorkooda
  • Qodxihii dhalaanimo ku galaa, kaaga soo dhiciye.

 

Dhinaca dhiiqda, adhigu muddo kooban weeyaan irmaankiisa iyo lo’da halka lo’da aanay shan billood gaadhin, Balse geella waxaa hashaas la maali karaa dhaqayadeeda oo ay caano leedahay ilaa ku dhawaad laba gu’ iyo labadooda dayrood, Abaar iyo Aaran, ilaa ay ka rinto.

 

Waxtarka kale ee geela waxaa ka mid ah.

  1. Gaadiidka
  2. Yaradka
  3. Magta

 

Saddexdan qaybood waa saddex qaybood oo aysan buuxin Karin,   meesiyada kale, waana kuwa looga doorbidi jirey xoolaha kale, waana tan ay ku kala mudnaayeen,ninka geela leh iyo ninka geel laawaha ah.

 

Geelle iyo Geel laawe.

 

 

Ninka geel laawaha ahi, ama aan tolkiis iyo sokeeyihii geel la lahayn, wuxuuba mararka qaarkood iyo deegaamada qaar halis u ahaa inuu guur seego, waana tan sababi jirtey nin ku dhashay, Gobollada waqooyi inuu socod dheer oo jiidaal ah intuu galo, kana hayaamo dadkiisa iyo deegaankiisa uu la toloobo, dadyoow kale oo aan geelay ahayn, halkaana uu dhaqan iyo dhur ka helo.

 

Waayo, waxay tahay sababtu inaanu gabadh guursan Karin geel la’aan waxaa laga doonayaa ugu yaraan 25 halaad, Magtu ma aysan lahayn dhibaato, waayo waa arrin iyo caymis toleed u yaalla beesha oo dhan.

 

Ninka geel laawaha ahi, kuma lahayn beesha dhexdeeda mudnaan iyo muuno midna waana nin aan inta badan laga wicin golaha iyo geedka, maadaama, haddii farta la taago, oo xoola laysku qoro iyo geel, isagu tuludna ma carabaabi karo.

 

Sababta kaliya ee sababi karta, in ninkaas geedka tolkiisu fadhiyo looga woco waxay ahayd inuu labo midkood yahay :-

  • Wadaad kutubo ruug ah oo aan looga maarmin inuu ku kala saaro diinta fiqiga iyo axkaamta waxyaabha laysku qabto, ama uu Faataxa & Iqlaas ku gunaanadka talada tolku geedka ku gu’doonsaday ka aqriyo.

 

2- Nin cod kar ah ama oday gar-cadde ah oo aan taladiisa laga maarmin ee kaliya golahana looga wacay inuu talooyin murti iyo tusaalooyin badani ku lammaan yihiin kasoo jeediyo, ama garta halkaa taal lagu yaqaan waayo aragnimo iyo indheergaradnimo oo uu kala saaro, wixii laysku hayey, “Sifaha danbe inta badan ma dhici jirin ama dhif iyo naadir bay ahayd oo nin islaanta uu qabo yaradkeeda loo qaaraantay amaba geel la’aan darteed wali la guurla’ badanaaba uma suura galaynin inuu helo dhiiranaan ka dhigi karta nin codkarnimadiisa laga maarmi waayo.

Waa halkuu ka lahaa Abwaan Cabdi gaheyr ka yidhi:

 

Idinbaca awrkay dhashiyo, Aarankiyo wadatey

Aakhiro nimaan geel lahayn, Lama ammaaneyn.

 

Ujeedka iyo dulucda tixdan ayaa ah, inuusan muuqaal buuran GEEL LAAWUHU ku lahayn bulshada dhexdeeda.

 

 

Sida aan kor ku soo xusney ninka aan geela lahayn, laba arrimood midkood ayuu samayn jirey, inuu ka dhulyaalo deegaankaas oo dad kale la toloobo, sida beeralayda webiyada ku xeeran oo ka dhaqan duwan geelayda, ama inuu noqdo, nin dagaal u jooga, “ COL U JOOG” oo geel qaadda,   si uu uga baxo liidniamda geel la’aanta, taasoo sababi jirtey, dhimasho iyo colaad daba dheeraata.

 

 

Gabaabsiga geela iyo geyigeena.

 

Maanta muuqaalka geelu waa ka duwan yahay, sidii hore waayo geelu maanta Gaadiidkiisiina waa sii gabaabsi oo baabuurta casriga ah ayaa meesha ka saartey,   Magtiisiina waa sii gabaabsi oo hanti badan oo kale ayaa ilbaxnimadu keentay oo lacag ayaa loo kala qaata,   dhaqaashadiisii iyo Cadkii iyo caanihiina, waxaa beddelaya qudaar iyo cagaar badan oo maanta hilibka malaayga ayaa laga jecelyahay kan geela.

 

Haddaba Soomaaliya oo ah umadda ugu geel dhaqadka badan, laguna qiyaaso geela ku nool, 83 Milyan oo geel ah, adduunka aysan jirin dal cadadkaas oo kale leh, maxaan filan karnaa haddii baahiyihii sababayey in geela la dhaqdo ay meesha ka baxdo, WAXTARKII GEELA iyo dhaqashadiisii saw iyaguna is beddeli maayaan?

 

Geelu wuxuu ahaa xoolaha la wada leeyahay, nin walba oo Soomaali ahina ku hammiyo,   waxaa taas kuu caddeynaya,   Suugaanta geela oo aan halkan lagu soo koobi Karin, bal aan eegno.

 

Heesta xalaashiga dhaca iyo boobka geela.

 

Meel xabbado badan

Oo xinjiri taal

Xayaad ololaay.

Xalaal iyo xoog

Suu ku xero gelo

Midna kuma xuma.

 

Marka laga hadlayo geela iyo dhaqaaleyntiisa.

Adoo soo tuban

Nin ku tirayaa

Waa nin tegayo

Turugii qalaley

 

Marka dhallinyarada lagu gubaabinayo inay waraabshaan.

 

Wiil magaalada

Soo maraanmarey

Oo maryo cas helay

Oo mar furey xalay

Wallee maydhoo

Meesha kama diro.

 

Marka wiilka dhaqdaa la hadlayo hasha isagoo lexojeclada iyada ka haysta iyo tan naftiisa ahba uu tilmaamayo wuxuu ugu heesaa.

 

Adna dhuuboow

Meelo dhimanbaad

Dhaamineysaa

Anna dhabarkiyo

Meel dhexdaasaan

Dhawr is leeyahay.

 

 

Geela gabayada iyo suugaanta loo curiyey maaha kuwo xadi iyo tiro lagu koobi karo, wuxuuna ahaa xoolo aad ugu dheer loogana jecelyahay geyiga Soomaaliyeed, haddaba gebagebada iyo gunaanadkayga ayaa ah, maxaa qorshe ah oo aan u diyaarsanay Geeleenii inuu la jaanqaaddo nolosha iyo xadaaradda cusub inaga oo ka faa’iidaysanayna waxtarkiisa!

 

Miyeysan habbooneyn in la furo, Maxjaryo lagu dhaqaaleeyo caanihiisana lagu warshadeeyo, iyadoo dalka iyo dibaddaba loo iibgeeynayo, sidoo kale la ilaalinayo taranka iyo tayada xoolaha geela si aannu u dabar go’in maadaama Kaymihii uu ku dhaqnaana la gubey oo xaabo iyo dhuxul laga dhigay, Dadkii dhaqan jireyna magaalooyinka soo galay oo xeryo qaxoonti ku jiraan.

 

Ma idinla tahay 50 sanno ee soo socda in laga waayi doono dalka Soomaaliya Geel,   aniga haa, sababtoo ah, Haddaba dalkeena waxaa ka nabaad guurey, Gammaankii fardaha, Ugaadhii iyo habar dugaagtii, duruuftii kuwaas rarteyna hadda waxba iskama beddelin waayo ma jirin cid xil iska saartay ilaalinta Maroodiga iyo Libaaxa Soomaaliya ku noolaa, haddana ma jirto cid xil ka saaran yahay Geela iyo meesiyada kale ee xoolaha ee dalkeena ku dhaqan.

 

W/Q: Bashiir Cali Barre

 

 

 

 

SHEEKOOYIN