Geeridi Awoowe W/Q; Ibraahin Maxamad Sheekh Cabdi

12935221_1271122729569346_611870079_n

 

 

 

 

 

Geeridi Awoowe.

Nolosheyda saameeynta ugu badan waxa ku lahaa Awoowgey, waxaan ku dhashey dalka Sacuudi Carabiya sanadka markuu ahaa 1989 ki, waxa dalka nimid 1996 anagaw ka kooban seddex gabdhood , labo wiil iyo hooyo , aabbena waxa nooga so harey dalka sacuudiga oo uu ku haystey shaqa fiican.

Aabbahay markaas aan heysanay oo nala jooga ahaa Awoowe, waxaana kala daganeen labo guri oo isku dhagan, awoowe wuxu ahaa qof jeclaa ilmihiisa dhan ,wuxuun ugu si jeclaa aabbahey oo aad ugu duceeyn jirey, ana waxaan ahaa curadka dhanka wiilasha ee aabbe , awoowe wuu iigu sii jecla ilmaha uu awoowaha u ahaa.

Ilminimada waa heer la soo maro qof walba door lixaad leh ugu jiro noloshiisa , laakin carruurnimadeeda waa ka gadisneyna caruurta kale, waxaan u tagi jirey markaan ka so baxo dugsiga qur’aanka ama iskuulka awoowe oo markaas lahaa bakhaar lagu gadi jirey qalabka dhismaha, waxaan ahaa odey la jooga, oo awoowe waa ag fadhiisan jirey odayaal dhaqan iyo miyiba ka sheekeyn jirey , ana markaas waxa ka boodey nolosha carruurnima oo ku dhisnayd dheesha, oo fursad uma helin dheesha carruurta kale ku mashquulaan .

Inta badan waxa aan caawini jirey awoowe oo waxa kasta oo u baahdaba waan u dooni jirey , Awoowe shaqsi aad u naxariis badan ayuu aaha aadna wuu i jecelaa, wuxuu ahaa dhiiragaliye wanaagsan marka ka soo tagno baqaarka oo usoo socono guriga wuxuu ahaa ruux la istaago qof walbo uu yaqaan waqti badana waa uu siin jirey, mana ahayn qof ka faana dadka heer walbo oo ay ahaadaan , markey isa bariidiyaan wuxu ku billaabi jirey ” wiilka yar awoowe u ahay wiilkeyga oo aan jeclahay ayaa dhaley ,waa duca qabe aabbihisa waa duca qabe kale, waa wiilka I biilo waa u duceyaa, wiilkaan yarna wuu i caawiyaa marka masjidka ka nimaano casharka tafsiirka iyo salaada cisha ka dib asaga isoa wado oo godadka iga celiyo” .

Markaan xanuunsado awoowe aad iiga walwali jirey subixi waa isoo mari jirey wuxu isaari jirey qur’aan, markuu aado goobta ganacsiga wuxu awoowe i warsan jirey ruux walbo oo dhanka xaafada ka imaado “wiilkeeygi ibraahim su noqdey”, markuu shaqa ka so caraabana waa iso mari jirey asagaw haddane i qur’aan saari jirey .

awoowe wuxuu ahaa ruux caawinaad badan, wuxuu ahaa ruux naxariis badan, wuxu ahaa ruux macrifa badan, dadka dhan aad ee u ixtiraami jireeyn ,wuxuu ku caanbaxey ammaano iyo dacaadnimo, labadi is qabato waxey dhihi jireyn no geeya Sheekh Cabdi , xataa kuwa qoys ahaan is qabta sida nin iyo xaaskiisa haddey is qabta , wuxuu ahaa ruux wax ku xaliyo dhaqaalihiisa oo ku dabara arrimaha bulshada xalinta khilaafyada iyo iwm.

Awoowe wuxuu jeclaa aqrinta qur’aanka , maalinti seddex juz waa aqrin jirey, waxa xasuusta markuu aqrinaa qur’aan odayasha la fadhiyo u fasiri jirey macnaha meelaha qaar uu ku hakan jirey, awoowe wuxuu ahaa shaqsi deeqsi ah oo sadaqa badan masaakinta ay ku tashan jireen,wuxuu ahaa ka warqabe qof qof dadka ugu warqabo xaaladaha hoose..

Intaas marka uga gudbo inta ka aqaaney awoowe oo aan so koobey awoowe wuxu ahaa u diyaar garoobe geerida asagaw caafimaad taam ah qabo ayuu so iibsadey shan karfanood, naxashka meedka lagu qaaddo, badiilka carrada lagu bixiyo, garweynta godka lagu qodo iyo marada la saaro meydka oo ku qoran saliga Nabiga (Naxariis Iyo Nabed galyo Korkisa ha Ahaatey), intaasba waxey guriga yaaleyn muddo sannado ah, uu awoowe caafimaad iyo shaqaba u kalahayey una soo hoyanayey asagaw caafimad qabo.

Waxa soo guurey aabbe oo shaqadi laga so ruqseeyey mudda ka badan rubac qarnina ku maqnaa qurbaha, go’aanka uu qaateyna ahaa joogista dalkiisa , waxaan ku tixaneyn kitaab tafsiir qur’aanka kariimka masjid no dhawaa, aabbe waxaa caado u ahayd marka ka imaano tafsiirka inuu soo maro awoowe oo u so sheekayo, sheekada awoowe ka gadisan kuwi hore caawa, wuxu u badna dardaaran markas awoowo caafimaad taam ah haystey goobtiisa shaqadana asagaw so xirtey dardaaranki awoowe u badnaa dardaaran ah dhanka diinta wuxuuna ku dhahay “quraanka hala aqriyo habeen walbo”

Habeenki dhammaadka nolosha awoowe ,habeenki oo dhan wuu faraxsana wuxu u sheekaynayay xaaskiisa yareed ama ayeeyo yar habeenki dhan dardaaran wadey awoowe iyo sheekooyonkin xasuus ah, saqdhex habeenki anigoo jiifo guriga, qol gees ah, ayaa mar qura maqley dhawaq ooyin dumar ah, waa soo boodey waxa moodey dumarki kalihi jirey ee qudaarta oo tuuga dhacdey oo ooyaya, marka ka so boodey sariirta waxa dhawaaqi iso galey oo gurigi igu so galey waabe hooyo oo ooyeyso wax kale ma dhihin” hooyo awoowe maa dhintey” ereygi igu horreeyey ee aan dhahay, haa i dhahday ma aqoon marka xalaadeeda se noqotey

Qeeylo iyo ooyin is qabsadey, bannaanka guri u baxey waxaa indhaheyga qabtey awoowe oo saaran tarjiin cida dariska ah oo neefti ugu dambeyso ka sii baxeyso ,waxa markaas dultaagnaa wiilal daris ahaa, awoowe waxa ku so boodey xanuun, waxaa qabtey naqaska wuu neefsan kari waayey, waa sakaraad iyo xaraarug xaalkiiye, awoowe wuxuu muddo xanuunkii hayoba nafta ayaa ka baxdey ..

Waxa loo diyaar garoobey sidi awoowe meydkisa lo aasi lahaa, waxa la raadiyey nin dhaqa agabki kale hore guriga ugu diyaarsana oo wata hore ugu soo sheekeynay, waxa la galey in laga tashto goobta lagu aasi laha laakin aabe waxuu qaatey go’aan ahaa dardaaran uu awoowe hore u dhahey qabuuraha musliminta ee u badan yihin ha la igu aaso, maalinti duugta waxa isku soo baxey dad aad u fara badan oo isku jiro qaraabo macrifo iyo dad kale oo badan ,meydki la dhaqey salaadi subax waxa la geeyay masjidka Weyn ee Heliwaa waxa lagu dukadey Salaadii janaasada oo dad badan ka so qeyb galeen , ka dib waxaa loo anbabaxey dhanka qabuuraha barakaat.

Waxaa ka mid ah dadka ka so qeyb galey aaska nin awoowe balansanaayeen kuna balansanayeen arrin islaax ah , maalin ayaa awoowe gabar u timid oo ooyeyso waxa dacwo ka tahey nin dhacey ka dib safrey ninkaas oo marka awoowe ku qabiil kore ahaa dartiisa ugu so ooyeys in lo raadiyo lacagtaas , awoowe ayaa u balan qaadey in uu ku raadiyo cidiisa sida lacagta looga siiyo ninkaas, wuxu raadiyey nin ku jufa ahaa , subaxa awoowe iilka qabriga la dhiga waxaa dul taagan ninkii ay ku balansanaayeen in ee ku sii raadiyaan dadki hoose usii xigey ninka dhacey gaberta xiligii ballanta oo ahayd tobanka subaxnimo waana xili la dhigayey iilka qabriga..

Dadka ka soo qeyb galey waxa ka mid ahaa haweeney da’ ahayd haddana wax dhalin, waxa garab u ahaa awoowe oo ka warqabi jirey maalinti aad u ooysey ayadow ku cataweyso waxa iga dhintey qof iga warqabi jirey maanta ka dib wax iga warqaba ma jirto, waxa kale dadka ooyayey ka mid ah nin muruq maal ah kana so jeedo dadka beelaha la heyb sooco ah ninkan wuxuu yiri: “Maanta waxa dhintey aabbahey oo wuxuu aha ninki i garab qabtey oo igu hayey suuqa maxaa yeeley wuxu aha nin aamin ah shaqadana aad u yaqaan , awoowe wuxu aha qof ee dadka aaminsan yihin .

Waan la socdey xaalada dadka awoowe garabka u ahaa uu kaalmeyn jirey,   waan yaraa anigu waxaanse dareemayey in dadkaas kaalin ku bannaanatey aanan ka qayb qaaddan Karin,   dadka waaweyn, waxay hayaan masuuliyad culus, dhallinyaraduna ma dareensana, masuuliyadaas oo ah, mid baylahda oo dayacanta haddaanay helin qof u tababaran oo kaalintii buuxiya, Aabbahay waa joogey, balse, dadkaas oodhan isma aysan aqoonin, waayo ma ahayn nin dalka ku noola oo xaalka la socdey.

Ugu dambayn waxaan dhallinta kula dardaarmayaa inay wanaajiyaan xiriirka kala dhaxeeya waalidkood iyo waalidkiis, Awooweyaasha iyo ayeeyooyinka waa in la siiyaa waqti lagula sheekaysto, haddii ay guriga kula joogaan, haw arkin qof daalan oo gaboobey ee u arag maskax iyo garaad kaa weyn oo wax badan kuu kordhinaya oo waayo arag ah.

Waanada iyo talada waalidkaagu waa sahayda beri ee mustaqbalkaaga, haka santaagin ee u ahoow mid dhimirsan oo u raariciya garabka, sida alle na farey, Waalidkeen waalidkiis wuxuu ilmihiisa ka jecel yahay inaga, waxaadna dareemi doontaan markaad da’diisa gartaan.

Awoowgey  waxaan ka bartey :

  1. Samafalka bulshada taagta daran
  2. Dhimrinta iyo naxariista
  3. Xushmeynta iyo xaqdhawrka
  4. Deeqda iyo taakullada
  5. Daryeelka iyo dedaalka danyarta
  6. Xariirinta ehelka
  7. Hufnaanta iyo daacadnimada
  8. Dhexdhexaadinta bulshada
  9. Ka dheeraanta isla weynida
  10. Aqriska quraanka subaxii iyo habeenkii
  11. Adkeynta waqtiyada salaadda
  12. U ceeb qarinta dadka aad xogtooda hayso IQB

Haddaba adiguna intaas iyo ka badan ayaad ka baran kartaa waalidkaa iyo waalidkiis ee noqo mid had iyo goor dhegta u raariciya hadalkooda.

W/Q; Ibraahin Maxamad Sheekh Cabdi

SHEEKOOYIN