Geeska Afrika iyo loollanka webiga Niil W/Q:- Cabdiraxmaan Dhuxul iyo Barkhad Cabduqaadir

Geeska Afrika iyo loollanka webiga Niil

Tan iyo markii uu xafiiska yimid Abiy Ahmed waxa uu xoogga saaray siduu u hanan lahaa kalsoonida Geeska Africa uguna guuleysan lahaa siyaasadda webiga Niil oo ay horay Masar u soo dhex mari jirtay waddamada deriska la ah sida: Sudan iyo Eritrea. Si uu marinkaa Masar uga soo xiro, markiiba wuxuu heshiis nabadeed la saxiixday Eritrea−taas oo dhaxalsiisay billadda nabadda oo bishay sumcaddiisa caalamiga ah, wuxuu isu furay xudduudaha labada dal oo iyagu xirnaa in ka badan 20 sano. Wuxuu hantay kalsoonida shacabka Khartuum oo dib u heshiisiin ayuu u sameeyey kooxihii ku herdamayey dalkooda; kadib markii meesha laga tuuray Omar Al-Bashir. Intaa oo keliya kuma dhammaan sheekadu e, Abiy waxa uu maamulka Suudaanta ku qasbay in ay iska fogeeyaan bayaanka wadajirka ah ee ay soo saareen dalalka Jaamacadda Carabtu, dabcan wayna yeeshay, Soomaaliya in jidkaa Suudaan ay qaaddo ayuu Abiy ku dirqinayaa. Bayaankaas oo ay dalalka JC ku dhaliileen Itoobiya, iyagoo ku tilmaamay mid keliyaysanaysa arrinka webiga, isla-markaana diiddan in si loo dhan yahay la isula meel dhigo.

Sidoo kale, wasiir hore oo Suudaani ah oo hadlay ayaa yiri: hadal macnihiisu uu ahaa: “Haddii biyaha Nile-ku ay Masar ka imaan lahaayeen, Masar biyaha waxay ku iibin lahayd dhallooyin”. Suudaantu waa dad la qahray oo waxaa muddo dheer dhallada kaga fadhiyey nidaam keligii-talis ah oo dadka gaarsiiyey xaalad caqasho daran ah, sidaas awgeed iyagu waxay guul weyn u arkaan korontada raqiiska ah ee ay Itoobiya ka heli doonaan kolka uu biyo-xireenku hawlgalo sannadka dambe. Abiy waxaanan meesha ka maqnayn oo uu saaxiibtinimo dhow la samaystay Soomaaliya iyo Jabbuuti; in-kastoo Jabbuuti iyo Itoobiya ay horay u midaysay cadaawadda kala dhaxaysay Eriteria. Dedaalladaasi waa kuwo bilay sida ay Itoobiya u egtahay kolka la joogo maxfallada siyaasadeed ee caalamiga ah, waxaa intaas dheer, Abiy si uu u loodiyo xoogagga mucaaradka ah ee aadka looga daba dhacay oo uu aadka uga baqayo doorashada uu 5 bilood kadib la geli doono, in uu u kabo illaday samaysashada sumcad siyaasadeed oo gudaha dalkiisa ah; isagoo doonaya Itoobiyaanka ay macaluusha iyo saboolnimadu isu laba-murqaynayaan in uu u muujiyo sida ay uga go’an tahay baahitirkoodu.


Waxa uu dhawaan dib u billaabay dhisamaha biyo-xireenka, waxa uuna qorsheynayaa in roobabka xagaaga ka hor (bisha todobaad) uu Juun dhamaystiro buuxinta kaydka koobaad ee biyo-xireenka (first reservoir) oo qaadkiisu dhan yahay 74 milyan oo mitir kuyuubik oo biyo ah. Isla markaana noqonaya kaydka u weyn qaaradda Afrika. Olole siyaasadeedka arrimaha dibadda ee ay wadday xukuumadda Abiy Ahmed wuxuu kalsoonidarro ku riday dowladda Kenya oo iyadu majaraha u haysay siyaasadda geeska. Isla isbuucaanna Kenya waxay soo saartay bayaan ay sheegtay in muranka Niilka ay Masar ku taageertay. Sababtoo ah, Itoobiya haddii ay biyo-xireenka ku guuleysato waxay gacanta ku dhigi doontaa awoodda dhaqaale ee gobolka, iyadoo misana noqonaysa midda xakamaysa nalka ifinaya guryaha gobolka, isla markaana matoorrada u daaraysa warshadaha gobolkeenna. Goortaas, Kenya waxaa u muuqata cabsi daran oo ah in ay si fiican shafka dhulka ugu garaacan doonto.

Soomaaliya waxay saaxiib dhow la ahayd Masar iyo Kenya iyadoo kala shaqaysay soo-noolaynta qaranka Soomaaliya, iyagoo qayb ka qaatay shirkii Qaahira ka dhacay 1997 ee dhicisoobay iyo kii kale ee Eldoret ka dhacay 2003-dii oo labaduba ay dedaal ugu jireen helidda xal waara oo ka dhasha gudaha dalka. Haddaba, waxaa muuqata inay saaxiibnimadaasu wiiqantay oo siyaasada arrimada dibadda ee Soomaaliya ay u weecatay dhanka Itoobiya. Haddaba, maxaa sababay in Soomaaliya ay la safato dhanka Itoobiya? Masar waxay xiriir aad u dhow la leedahay waddamada Maraykanka iyo Sucuudiga halka xiriir aanan wanaagsanayn uu kala dhexeeyo Turkiga iyo Qatar. Masar qudheedu hawl badan bay wajahday, muranka webigana si ay taageero ugu hesho lacago laaluush ah ayey bixisay, wasiirkeeda arrimaha dibaddu, mudane Sameh Shoukri waxa uu waayadan ba meeraysanayey dalalka carbeed, si dalalkaasi ay arrinta Niilka ugu garab noqdaan. Iyadoo ay ka doonayaan in dalalkaasi ay si gaar gaar ah u soo saaraan bayaanno taageero ah oo ka dhan ah dalka Itoobiya. Xiriirka aadka u adag ee Soomaaliya kala dhexeeya Turkiga iyo Qatar ayaa ah mid shidaal siinaya in Soomaaliya ay u dheellido dhanka Itoobiya.

Khilaafka baddda ee cakiran ee saameeyey xiriirka diblomaasiyeed ee Kenya iyo Soomaaliya ayaa ah mid u dhaweyey dhankaa. Doorashada Soomaaliya ka jirtaa ma saamayn doonaa khilaafka webiga? Dorraad ayey Raysal wasaare Kheyre iyo Abiy Ahmed isku arkeen Addis Ababa iyadoo qodobbada ay ka wada hadleen labada masuul ay ku jirtey doorashada Soomaaliya. Sideedaba, dowladda Itoobiya ma rabto isbeddel siyaasadeed oo ka dhaca dalka Soomaaliya, inta ay walaaca ka qabto dhisidda dowlad cusub oo Soomaaliyeed oo anan ka shaqaynayn danahooda beddelkeedna waxay rabaan in qolada hadda joogtaa ay sii joogaan si ay garab ugu noqdaan qadiyadda muranku marka ay taallo maxfalka JC, dowladdaas oo ugu dambaysta la meel dhigta kiiska Niil iyo murankooda Masar. Taas ayaa sababaysa in Itoobiya ay aad ula shaqayso soo noqoshada dowladda hadda jirta.

Ma tahay go’aan saxsan inay Soomaaliya ku biirto loollanka webiga? Aragti ahaan, qoraayada maqaalku waxa ay rumaysan yihiin in degdeg diblomaasiyadeedi uu ka muuqdo dowladdeenna Soomaaliyeed. Sababtoo ah, haddii aynu Itoobiya ku kaalmayno dhammaystirka wejiga koobaad ee dhismaha biyo-xireenka ABAY, waxa aynu gacanteenna ku dallacsiinay saraakiishii masiir ahaan inoo deldeli lahaa. Hadhowna sanado badan baynu dib farta dhexda uga qaniini doonnaa.


Maxaa xal ah?


Soomaaliya, inkastoo ay sanadihii dambe samaysay isbeddello gudeed iyo kuwo caalami ah oo wanaagsan, misana weli waxaa marar badan la inoo arkaa boorso gacameed ay Itoobiya kilkilada ku sidato, sidaas awgeed waa in dowladdeennu ay la timaaddo caqli siyaasadeed oo ka fog soo laabasho doorasho oo quraata. Beddelkeedna, waa in aynaan innagu sinnaba qayb uga noqon guul dhaqaale oo Itoobiya gaarto. Sababtoo ah, guushaas dhaqaale waa midda mustaqbalka dhow Itoobiya dhaxalsiin doonta mulkiyad buuxda oo siyaasadda gobolka ah, mulkiyaddaas oo awood dhaqaale ku qotonta. Mustaqbalkana in badan rikaato ina ku noqon doonta, dabadeedna ina ka calwin doonta wax badan oo hanaqaadkeenna siyaasiga ah. Ugu dambayn, haddii Abiy uu dhamaystirka biyo-xireenka ka raadiyey sumcad gudeed iyo doorashadoo uu soo laabto, innagu maaha in aynu ka raadino doorashada Xamar oo lagu soo laabto oo keliya; innaga tallowsiinayna dowladdii u wayneyd ee aynu tartanka taariikheed iyo midka masiiriga ah kula jirnay ee dowladda Soomaaliyeed waa in ay feejignaan badan ku gasho wax ku darsiga hawlahaan degaan-siyaasadeed (Geo-politics). Sidoo kale, walow uusan inoo muuqan, misana waa in ay diyaariso qorshe-istaraatiijiyadeed oo aanan deriskana ina ku dirayn, isla markaana u qaaraamaya aayaheenna dambe.


W/Q: Cabdiraxmaan Dhuxul iyo Barkhad Cabduqaadir

  • NAGALA SOO XARIIR:
  • laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN