Gef rageed iyo godob haween Q1AAD W/Q: Cabdirisaaq Xasan jidhi(Aqwaan)

 

quotescover-JPG-31

 

 

 

 

 

Gef rageed iyo godob haween Q1AAD

Waxay hurdada ka soo salashay ayadoo dhex maquuranaysa riyo aad u cabsi badan,waxay   aragtey iyadoo goob fagaaraha ah lasoo taagay oo la doonayo in lagu fuliyo xukun qisaas ah.

Malaha waxay ahaan lahayd ilbiriqsiyadi ugu dambeeyay nolosheeda, haddii aysan indhaha kala qaadi lahayn. Inta acuudu billaysatay oo shaydaanka iska naartay ayay si taxadar leh usoo fadhiisatay, qolka mugdiga badan ee haddana aadka cariiriga u ah ayay si tartiib ah ayadoo gacmaha ku raadinaysa boos yar oo ay ka fadhiisato waxay isku santeecisay darbiga, iftiin aad uyar ayaa qolka ay ku jirto kasoo galaya duleel aad aad mood cirbad daloolkeeda ama aan iraahdo Musbaar in le’eg, waa meel albaabka wax yar ka koreeysa, Waana meesha kaliya ee aysan indhaheedu ka jeesaneynin.

Wax yar ka dib waxaa maxaabiista dhan laga wada qaaday oodda, waa xilligi ay qadada cuni jireen, waxayna xabsiga dhexdiisa ka galeen safaf dhaadheer, waa maalinkeedi saddexaad oo ay xabsiga ku jirto welina waxba kala ma aysan qabsan nolosha xabsiga.

Marki ay ku soo laabatay qolki yaraa ee muddada saddexda habeen ah ay seexanaysay ayaa loo sheegay inuu jiro qof soo booqday oo raba inuu la hadlo, waa la soo waday waxaana la keenay meel ay ku taallo daaqad aad u yar oo maxaabiis badan oo dumar ah saf ugu jiraan, qofba mar ayaa lawacayaa oo wuxuu haystaa wax ka yar toban daqiiqo si uu qofka xabsiga ku soo booqday ula kulmo, waxay ka fikiraysaa cidda uu noqon karo qofka xabsiga kusoo booqday, maryama jaamac marki la wacay oo ay daaqaddi yarayd soo istaagtay, waxay aragtay in qofka soo booqday ay tahay AYAAN XIRSI.

Ayaan waa gabar ay maryamo daris iyo saaxiibo ahaayeen, ma aysan haysanin waqti badan oo ay isku waraystaan sidaa darteed waxaa hadalka billaabay ayaan oo ayadoo dhinacyada iska fiirineysa hadalka kubilaawday ” maxaa kugu kallifay inaad waxaan oo dhan samaysid?” 
Maryan oo aan wax jawaab ah bixin waxaa kasoo haray indho ay murugadu buuxisay iyo waji uu isbaddalku daboolay, ayaanna waxay sii wadatay hadalkeedi ayadoo leh ” dadki oo dhan way wada yaabanyihiin, xaafaddina wax kale laguma sheekeysto aanan ka ahayn akhbaartaada”
Maryan inta daaqaddi usoo dhowaatay ayay ayaan waydiisay Waa sidee Xaalada Axmed?

Maryan waxaa gadaasheeda ka baxaya bulxan iyo sawaxan badan iyo hadalo taagtaagan oo aan xushmadi ku dheehnayn, waxaa qeylinayaan dadyoow farabadan oo gadaasheeda saf ugu jira, Ayaan waxay kala furtay boorso ay garabka ku wadatay, waxayna ka soo saartay bashqad xiran, waxayna ku tiri

” warqaddaan waxaa soo qoray Axmed, wuxuuna u qoray ciidanki kusoo xiray iyo maxkamadda berri subax lagu soo taagi doono, wixi akhbaar ah warqadda ka aqriso nabadgalyo”

 

La soco qaybaha kale

W/Q; Cabdirisaaq Xasan jidhi(Aqwaan)

Barta Faysbuugga ee Aqwaan Xasan jidhi.

 

 

SHEEKOOYIN