Gefkii Gaamuray! W/Q: Sagal Maxamed ”Qarandoon Dhiirran”

quotescover-JPG-22

Gefkii Gaamuray!

Hooyo Suuban waa da’ cid daryeeshana maheysato, yaraanteedi waxa ay soo tacabtay hanti badan, waxa ay u hurtay nafteeda, xilligeeda, iyo tamarteedaba korriimada 5-teeda wiil, waxa ay u gogol xaartay horumarka noloshooda iyo ubadka ay dhali doonaanba. Waxay ku hamiyi jirtay in ay noqdaan waraso bulaashay, oo dunida u gu tanaadsan. Dadaalkii hooyo Suuban ay soo sameysay ilaa yaraanteeda maantay wuxuu noqday hal bacaab ku  lis , magaca iyo muunada ay ku yaqiineen dhammaan dadyoowga hareeraheeda degganaa maantay ma ay lahan. Sharaf-dhacaas ku yimid waxaa hormuud u ahaa wiilasheeda dhoohanayaasha ah ee ay ku hawlaneed tolista kabahooda. Walaalo kala irdhoobay ayey ahaayeen carruurteeda, ifka ayey iskuugu necbanaayeen, oo biyo iyo baad midna iskuma aysan ogoleen. Kaaga daranee wiilasheeda waxaa ku jiray mid Curyaan ah oo ay aad u heyb sooci jireen, waxa ayna ka xigsan jireen hooyadood, isagunna waxa ay ula dhaqmi jireen sida mid aanan la dhalanin ee duurka laga soo helay. Waxa ay u yaqiineen adoonkoodii yaraa, waxa ayna ku loolami jireen had iyo goorba in ay ka fara-maroojistaan xaquuqdiisa, sida najaasadana waa ay iskaga dhawri jireen. Nacabkii waxa uu noqday dhaxal sida, hiddo sidaha oo kale waayo waxa uu ku talaalmay xididada dhiigmareenka ee ubadkooda iyo dhammaan jiilasha ka dambeeyay ee ay dhaleen, xaalkoodu wuxuu ku sifoobey ” Walaalo is neceb waa  cuud iyo cudud yareeyaan

Waxa ay deganaayeen dhul baaxad weyn Berri iyo Badba leh, waxa ay dheefsan jireen kana ganacsan jireen dallaga ay beertaan iyo xoolaha ay dhaqdaan. Astaamaha la gu yaqiinay waxaa ka mid aheyd deris wanaag iyo marti-soor wanaag. Maalin maalmaha ka mid aheyd baa reerkii waxaa ku soo duulay cadow awood ciidan iyo hub heystay, taasina ma cabsi gelin wiilasheedii waayo dagaal waxey u ahaayeen reer-guuraa aan marnaba hilmaamin toorida iyo waranka ay ku dagaalamaan, ee wey iska caabiyeen lana dagaalameen cadowgoodii inta ay awoodeen. Inkastoo dhib weyn ka soo gaaray oo halkii guri ay ku noolaayeen midba gees ka xariiqday, oodna ku deertay. Guri aan hooyo lahayni waa lama deggaan, hooyo Suuban waa ay iska indhatiri jirtay waxyeellada soo gaaro balse taas beddelkeedii waxey ku boorin jirtay in ay midowbaan, isna jeclaadaan, ilbaxnimona gaaraan, oo ay la jaanqaadaan sida   dadka kale u dhaqmaan . Wiilashii oo dareemaya in ay dhaawac gaarsiiyeen wadnaha hooyadood baa waxey isku dayeen in ay ka soo laabtaan hagardaamadii ay dhexdooda isku hayeen, waxeyna u ambaqaadeen dhabihii ay ku doonayeen in isbedel ay ku sameeyaan naftooda, kuna xaal-mariyaan hooyadood. Muddo dheer ayay soo hirdamayeen waxa ay ku guuleysteen in dhaqaalahooda sara u qaadaan, oo qaarkood baa bartay farsamada agab wacaleedka halka kuwo kalana ay ka noqdeen kalluumeysato. Tilaabadaas wanaagsan ay qaadeen ma noqon mid raagto, iyagaa isku xoog weyn, waxey fooda iskula galeen labo labo, heer waxa ay gaareen caruurta iyo xaasaska ay iska laayaan, ardaagana ay iska gubaan. Hallaaga soo gaara midkood kuwa kale waa u guul, sidoo kale hantidii raasamaalka u aheyd ay wada la haayeen waa ay dayaceen, waxaana dheefsada dadyaw qalaad ee aan ka naxeynin ba’a heysto. Libaaxiintii ilma Suuban maanta ahaa geesinimadoodii iyo garaadkoodii midnana ma ay awoodaan inay yac ka dhahaan shimbirka ka cunaya hadhuudhka ama habardugaaga ka leenaya xoolahooda. Dad feejigan ma aysan aheyn balse waxa ay ku kacaan dharbaaxida gaarto dhawaaqeeda, ma awoodan in ay iska moosaan haddii uu webiga ku soo fataho biyaha.

Gefkii gaamuray ay ka galeen ayey hooyo Suuban maantay la sakaraadeysaa, way arradantahay, oo maro ay dhaxanta ka huwato ma heysato iyo hoy toona. Haggoogteedii weyneed waxaa kala jarjartay wiilasheeda oo hadba qad qurxoon ku xardhadeen sida qaansoroobaadka oo kale. Ayaan xumada ku dhacday qoskaas waa mid aad u xanuun badan, hantidoodii  waa beylahsheen  waana   ka baahanyihiin, baabaca hoorsi iyo dawarsi ku nool weeye,  calooshood u shaqeystayaal danahooda gaarka ka doorbideen tan ay wadaagaan oo ay walaalaha ku yihiin. Haddii Eebbe deeq siiyo daruur caafimaadna u da’do ku heshiini maayaan intii yareed oo waxey u kala qeybsadaan afar dhibic shan (4.5), kan curyaanka ah markasta waxa uu leeyaha barka ah hambada iyo calyada kuwa kale. Waa ninka u gu wax soo saarka badan, hadduu heli lahanaa cid ku dhiirigeliso dunida cusub ee teknoloojiyada ayey ku soo biiri lahaayeen, balse waxaa lagu yasay hibbada iyo hal abuurka uu la haa. Garabrarato gacal ah ee aan is gargaarsan waa gunnimo iyo garaadxumo, ”viruska” ka dilaacay deegaankooda kana leynaya maxastooda iyo waxgaradkoodaba ma karaan in ay ka suuliyaan dhulkooda, ilbiriqsi kasta dhinac buu ku siqaa, marka cudurka billaabanayey si wada jir ah la iska gama difaacin ee waxa ay u arkeen dhib u gooni ah midkood. Badbaado ayey u baahanyihiin xilligaan waa ay garawsadeen in mu’siibo loo soo diray ay tahay. Xiniinyahooda ma fuushana waxa ay ku tiirsan yihiin samafalo yaal garab ku siinaya ciribtirka cudurka ee ka kala yimid dunida daafaheeda, balse qorshaha dabargoynta ” viruska” waa uu sii daba dheeraanaya waxyeeladeedana ay sii kordhismeysaa.

Bukaan socodnimada hooyo suuban waxa ay kaga bixi kartaa: gacalkeeda oo garabka is qabsado iyo in ay garawsadaan jiritaankooda, oo ay habarwadaag, hantiwadaag, dhulwadaag, dhiig, dhaqan iyo afwadaagba yihiin. In haggoogtii hore ee hooyo Suuban hoos harsadaan, kagana gabadaan ugaadhsatada, abaaraha, cudurada, jahliga, amni darada. Sidoo kale in si cadaalad iyo sinaan ku jirto dheefta u wada dhuuqaan, hal dherina dhuuniga ku karsadaan. Hayinkana aysan isku dulmin. Waa hubaal in hagoogtaas ay tahay astaanta muujineyso aqoonsiga jiritaankooda, sharaftooda, midnimadooda iyo qarannimadooda.

W/Q:Sagal Maxamed ”Qarandoon Dhiirran”

khayro.mohamed@gmail.com

SHEEKOOYIN