Geyllan kii Reer Turbac Calool Wq A. M. Yusuf

image28

Geyllan kii Reer Turbac Calool 

SOOMAALIYA WAAYO ABIDKEED BA lama gumeysan. Dalka keliya weeyaan, oo ay ku noolaayeen reerguuraa ga ugu wada gobsan qaaradda Afrika oo idil; waa se haddii ereyga gobannimo, uu ka dhigan yahay: in loo madaxbannaanaado doorashoda ku saabsan tayooyinka nololeed, dhaqameed, diineed iyo waxii la halmaalo, kuwaas oo, sideeda, dhab ahaan, dadyowga ifka ku nool ba, qabkooda kala duwa.

Muqdisho waa magaalomadaxda Soomaaliya. Dal dhankiisa bari ay taal Badweynta Hindiya; galbeed na uu kaga yaallo carri la yiraahdo Itoobiya; gacanka Cadan na uu kaga soo xeeran yahay xagga waqooyi; iyo dalka Keenya oo aagga koonfureed kaga soohdimeysan. Muqdisho waxa ay mar soo ahayd bandarka ugu quruxda badanaa degmooyinka ku yiil Bariga Afrika oo idil. Gadaalo waxa ay ba kulansatay, ku na midoobay Geesiyaalkii Gobannimoddoonka Afrika.

Walow aan weli la helin daraadda reer Muqdisho ay colaad sokeeye uga dhex aloosantay; sida dhacday se waa in beledkaas la isku laayay, lagu na kala haaday. Hayeeshee geesiyaal weliba ahaa dhaladkii reer Soomaaliya, maleha dhibaatooyin la baday awgood, iyo ciilkoodii ama ilduufkoodii ayaa u geeyay in ay hiil u doontaan nacabkii ugu weynaa gobannimodoonkii Afrika. Nindoor badan ayaa na u galay; sidaas daraaddeed, Itoobiya waxa isu ballaqay irrid weyn, kaas oo ay uga dusi kartay; si ay u qabsato Qurxoon—magaalomadaxdii Soomaaliya. Goor dambe ayaa se waxa dhacday Sarreeyehii ugu dhiirranaa in uu ku biiro xoogaggii u akeekmayay afgenbinta Qaranka Kacaankii Oktoober. Sarreeye Danoone, guri qeyb ka ahaa Madaxtooyodii Iotoobiya ayaa ba la dejiyay. Isla aqalkaas isaga ahaa dhexdiisa ayaa na lagu kala suntaday (saxiixday) ballanqaadyo ku saleysanaa danaysiyo dhagareysanaa; ama labada dhinac ba u kala lehaa ujeeddooyin u kala qarsoonaa.

Sarreeye Danoone waxa uu ahaa abbaanduule la yiqiin. Indho gorgor ayuu lehaa, gacmihiisu na dharas awgii ayay la jarcinayeen. Mingistu Hayla Maryam, Madaxweynehii Itoobiya, ayaa fiiro dheerayd kula dheygagay Sarreeyehii gobta ahaa.

“Warkaaga wanaagsan i sii. Kuma ayaad tahay? Qabiil ma ayaad u dhalatay? Ii sheeg haybtaada, iyo ujeeddoda agteenna ku keentay?”

“Magacaygu,” ayuu yiri Sarreeyehii na, “waa Danoone Colaad. Qabiil ahaan, waxa aan ka dhashay laftida iyo laandheereha Maryooley. Toban sano iyo dheeraad ayaan Sarkaal Sare—haayoo waa wax jira: kol ayaa la iga dhigay Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliyeed, jago magacuyaal iska ahayd; anigu se aan hawloheeda muddaahineyn jiray uun. Qusuusida iyo madaxda dowladda, kuwaas oo u intooda badan isku reer ahaa, ayaa aniga weligeedba aad ii wada necbaa; si godban…, weliba si jurxeyn lahayd ayay na iigu diideen in aan taloda dalka la wadaago. Taas na sharafkayga, iyo milgaha beesha reer Turbac Calool; waa wax ku ahaa lafajebis. Madaxweyne ku-sheegga la yiraahdo Jaalle Siyaad—si ba’an ayuu u xasuuqay reer tolkay: Raggayagii, dumarkayagii, carruurtayadii, iyo hantidayadii ayuu ka dhigay wax la tirtiray, wax la barakaciyay, wax weliba la gummeysto, iyo wax la dhacay. Anigaygan haatan kula hadlayaa, dhowr sano ayuu boojimoda iiga dhigay Xabsiga Lawaatan Jirow. Haatan se waa anigaa ka soo baxsaday; adiga na kuu soo maciinsoday; si aad noo caaqibeyso (kaalmeyso). Anigu na waxa aan adiga kaaga furahayaa daahyoda, xog kasta oo aan xogogaal u ahay… si hagar la’aan iyo weliba na dhagar la’aan ah.”

“Hawraarsan,” ayuu yiri Mengistu Hayla Maryam, isaga oo Mujaahidkii ku sahansonaya indho aad uu feejigan, “Haye, illeyn waan kala ganacsaneynaa e; xogta iyada ah, ii sheeg; qiimeha aad ku doonaysid?”

“Waxa keliya ee aan anigu doonayo,” ayuu yiri Danoone, “waa aarsi, iyo in aan afgenbiyo Qaranka Jaalle Siyaad.”

Mengistu Hayla Maryam na, madaxiisii lahaa jareer la moodo cambuulo gubatay, haareedkiisii dhafoorxiirka gaabnaa, iyo dhegohii dawaco, ayuu hadba gacmoha ku salsalaaxay oo in cabbaar ahayd na aamusay. “Waa qiime la qaadan karo,” ayuu yiri, “waa na aan kaa siisanayaa. Soomaali adiga kaa fiican ba, weligay ba ma arag. Ii sheeg haddaba siyaaboha aad u ridi Qaranka Soomaaliya. Aniga na waxa aan kuu dhisi doonaa ciidan adiga kuu gaar ah, kaas oo rabitaankaaga, amartidaada, iyo reebkaaga ba, eyda Woyanne oo kale, u fulin doona.”

Ololehii, burburinta Qarankii Soomaaliyeed, waa lagu guuleystay. Mujaahiddiintii reer Turbac Calool, ogow, Muqdisho ba ugu ma ayan iman dowladdii la afgenbin lahaa; ama Madaxtooyodii lala wareegi lahaa, iyo shacabkii loo talin lahaa ba. Magaaladii ba waxa ay isu rogtay guri colaadeed—meel cudur, gaajo, geeri, iyo cabsi loogu wada dhammaaday. Jaalleyaalkii, kuwii la dilay, meelohii ay ku kala hoobteen, meydadkoodii, ayaa harame oo kale jidadka u wada xoorxooranaa. Xaafadohii Muqdisho si silloon ayay u marnaayeen. Hal qof ee la aqoonsan karayay ba; mayee saraakiiishii uu agtooda ku mari jiray foorar iyo hoogaansonaan; xabbad qura kama soo harin—raggii Sarreeye Danoone ciili jiray: dadkii isaga ku digan jiray; waxba kama joogin ama se ba waxba kama nooleyn. Xafiisyodii albaabbadooda, isaga, aan laga ba furi jirin, haddii uu haraati ku furi lahaa: haatan kama soo harin hal albaab ah oo la jebin ama se furi karay ba. Xafiisyo wada dunsan. Xafiisyo la bililiqeystay. Ciilkii iyo carodii calooshiisu ay la dibbirsanayd, ayaa haddiiba hoos u degey. Si kale se, raggii maanta oo kale uu baqtiijin lahaa, ayuu ba hilow silloon u wada qaaday. Afgembigiisii waxa uu afka la galay Muqdisho oo cidla’ ahayd. Aarsila’. Ciilow way! Nacabkii, intoodii samatabaxday na, waxa ay ku qaxeen riiq dheer jimicla’aaneed, mayee, waddadii Habaar Waalid.

Farriin ayaa dabadeed looga keenay nin Madaxweyne ahaan loo doortay, loo na dhaariyay. Haddii ay is haleeleen; mise waa nin Jabhaddii reer Turbac Calool, weligeed ba, aan hal gumac na u soo ridin. Kalasoocankii iyo kalaburburkii ugu weynaa ee ku dhaca Maryooley na, halkaas ayuu ka abuurmay.

“Yaa Madaxweyne kaa dhigay?” ayuu weydiiyay Ina Colaad.

Isla-Madaxweyn ayaa yiri, “Ato Meles Zinawi Asres ayaa ii ballanqaaday in aan noqon lahaa Madaxweyneha Beelaha Maryooley, haddii Ololehu guuleysto.”

“Adigaa iga fiican miyaa? Nin iga fiican ba inuu jiray, ma anaa u haystay in uu carrigan ba ka ag dhowaa,” ayuu yiri Sarreeye Danoone, “Waa inoo dagaale, iska kay dhici hadde!”

Dagaal sookeeye ayaa qarxay. Higgoodkii madaafiicda, gugucii hoobiyeyaalka, dhaw-dhawdii rasaasta, hayeeshee, ilaa iyo maanta la joogo, ayan weli maqal dhegoha Bulshada Caalamka. Itoobiya na, Jabhad kasta oo islaweyni lahayd—mayee Turbac Calool kasta—hub aad u waaweynaa, ayay ula soo gurmatay. Haddaba, Soomaalidii iska haysan jirtay nabadda ugu weynayd, ayaa billowday in caasimaddoodii iyo dalkoodii ba ay iskaga qaxaan. Dadweynihii ayaa afartii jaho u kala dalaabay. Dumar iyo carruur, iyo waayeel naflacaari ahaa ayaa Luulkii Bariga Afrika iskaga huleelay.

Sarreeyehii ayaa la tusay dad barooranayay ee baxsad ahaa; hayeeshee waxa loo sheegay in ay u badnaayeen reer Garbo Haarre. Samaacad weyn iyo Tikniko ayuu ka dabo qaatay.

“Maqla! I maqla! Hooy, hooy! ha lay maqloooooy!” ayuu yiri, “cid idin dileysa, ma jirto! Laakiin se ha ku soo laabannina magaalada Muqdisho. Waa saad uga tagteen. Aada, oo jooga oo dhista gobollodiinnii. Gobol kaan waxa iska leh reer Turbac Calool! Maanta waxii ka dambeeya na, halkan waxa la yiraahdaa Turbacland! Turbacland! Turbacland! Haddaad ku soo laabataan, waan idin dili doonnaa. Haah waan idin xasuuqi doonnaa. Taas ha la ogaado!”

Halyeyo daas xagga Soomaaliya u xumaa, xaggii Itoobiya na u fiicnaa, ayuu eersoday Midowgii ‘Geesiyaalkii Gobannimoddoonka Afrika’. Illaayo maanta la joogo, ma jirto beel doonaysa qaran aan ay iyadu madax ka noqon ahayn. Dhammaantood na waxa looga taliyaa magaalomadaxdii Itoobiya—Addis Abeba. Colaaddii sokeeye na, si markii hore ba ka sii daran ayay weli meel kasta ba uga oogan tahay. Illayse waxa keliya oo colaadda ku soo biiray waa ciidaankii Itoobiya iyo Keenya, kuwaas oo meesha loogu soo martiqaaday in ay heshiisiiyaan—halyeyodii Reer Turbac Calool ee kala dhintay. Soomaaliya waa dalka keliya oo aan ay cidna maanta goonni u lahayn. Waa dal la wada leeyahay; waa dal ka dhexeeya quruumoha adduunka; may, waa dal ay Itoobiya na ay qabto in uu iyada kala dhexeeyo Keenya oo qura. Beelaha Maryooley bes ayaa meesha maati, may, liitaa ku ah. Sow haddee ma aha, halgameyaal, adduunka ba, ugu wada gobsan? Walaalaha IGAD, ayaa maanta wada maamulo soohdimohii reer Turbac Calool. Duul baas!

 Qormo: “Geyllan kii Reer Turbac Calool”
 Wq A. M. Yusuf | Sooroga, Luulyo 19, 2008

SHEEKOOYIN