GOBANNIMO-(Maanso)

GOBANNIMO-(Maanso):

 

 

 

quotescover-JPG-49

 

Maansadan GOBANNIMO, waa Maanso guubaabo ah,  waxaab tiriyey  badhtamihii sanadkii 2008dii,  Maansadan oo dadka Soomaaliyeed faraysa inay heshiiyaan oo gacmaha is-qabsadaan, si guudna ugu wada adeegaan qarannimo iyo gobannimo buuxda, maaddaaba; hooyo kasta oo Soomaaliyeed geerida wiilkeeda la-tusay, iyo qax iyo balanbal. Taas oo keentay dhibaato joogta, haddaba waxa waajib ah in barbaartiyo dhallinta baaqigooda hadhay la-badbaadiyo.

Maansadi waxay tidhi:-

 

In dhowaale Gabay iyo

Gorfaynteeda Suugaan

Gudbintii murtida iyo

Tirintiisa Geeraar

Waa taan ka gaabsaday,

Waxse gooha Maansada

Galabtaygu dhaliyee

Maanta aan u guda galay

Ama uga gol leeyahay,

Gar-naqsiga ujeeddada

Xalay gelin-dhexaadkii

Gaafaha intaan deyey

Keli jiif-galgaladkii

Qaban waayey gogoshoo

ILaa galacdi waabberi

Soo-jeed ku gaadhoo

Gama’ li’ida igu ridey;

 

Xaajadan guracantee

Kala-gaaf wareegga ah,

Guul-darraanta taalliyo

Gobonnimada dhimatee

Godka hoose lagu ridey,

Gulufkiyo colaadaha

Galabtii timaaddaba

Maxastiyo ma-geynada

Hubka lagu garaaciyo

Gantaalaha sidii nacab

Loo laba-gacmoodshiyo

Lagu tumayo gacalkee

Kala-gaabshey  shacabkii

Birtu aanay geyi jirin,

Ayuunbaa gubtaxanyada

gooha  iyo taahiyo

Galiilyada i-geliyoo

Guuxaan jiriidkiyo

Gawsaha u kala-furay

Een Gabayga u holladay

Ciil gaaxdey weeyaan!

 

Ma godladey sidii mayey

Iyo sida gud-gudihii

Geydh iyo ladh soo kaca

Sida jibinta maw ganay!

Gocommaale Aar iyo

Maw reemay sida Goray!

 

Gedihii abwaankiyo

Raggii gaarka u lahaa

Suugaanta guunka ah

Maw ganay sidoodii!

Geesigii cabdulle iyo

Geedanaar hogtiisii

gedihii Jimcaaliyo

Mawgelbiyey sidii Gacal!

Sida shiikh gadiidkii

Eedaamay Duhur galay

Xaqa inaan la-garab marin

Mawgu goohay Maansada

Ma gorfeeyey xaajada!

Intaan gano sawaariikh

Guud-ahaan dad-weynaha

Debedda iyo gudahaba

Haw gudubto heestani.

 

Xilka gudasho beeliyo

Arrimahan gar-diidka ah

Gadh-wadeennadeenniyo

Inta garasho dheerbaa

Kolley geli karaysoo

Gedmadkiyo mugdiga jira

Ka gar niqi karaayoo

Sida loo gorfeeyiyo

Sida ay u kala guri

Abwaanka iyo guurtidu

Kama gaabsan doonaan

Inay guudka saaraan

Waajibkooda gaarka ah.

 

Anna godobta taalliyo

Guul-darrida munaafaqa

Iyo gacan-ku-dhiigluhu

Midho geedo dhabatiyo

Waxay gocondho beereen

Aan goonni sheegoo

Kudka lagu-go’aankiyo

Gawracato iyo Ciin

Waxay gedefka saareen

Aan go’a ka rogo’oo

Gulcubaha tilmaamee

Gobi may maqlaysaa?

 

Garashada ablowdiyo

Gurraciyo xumaantiyo

Geba-gebada taalliyo

Geeddiga jahligu wado

Mid noo gaara weeyoo

Geeskuba ku caan-baxay.

 

Dadka kii garaadliyo

Guurtidoo la-laayiyo

Gawraca Or-qaadkiyo

Suxufigoo la-gaadiyo

Marba Geesi noo kaca

Iyo biri ma-geydada

Godka loo banneeyiyo

Odayada gabooboo

Gadhka ciidda loo daro

Iyo gawawar joogto ah,

Gobannimada dhimatiyo

Falka inan-gumeedkiyo

Gefkoo layku raacaa

Midnoo gaara weeyoo

Geeskuba ku caan-baxay.

 

Ubadkiyo gurboodkoo

Loo gumaado tarab-tarab

Oo godadka lagu guro

goblanka HOOYadeena

Gabaahiirta joogtee

Geeridii ninkeediyo

Gogoshii tacsidu taal

Oo garan wixii diley,

Gooheeda hibashada

ILmadeeda gabax liyo

Garan-waaga yaabka leh

Weli gocashadii hore

Maankeeda kula gigan

Dil wuxuu ku galabsaday

Ee loogu daw galay

Odaygeedi Guuleed,

Goor kale warkaw yimid

Loo sheegay ganatadi

Misna inay dileen Gacal

Wiilkeedi Gaaxnuug

Iyo guri-danbayskii.

 

Goblan tala adduunyooy!

Gawl lagama waayoo

Ged kastaba ged uun baa

Ka garaadda badatee

Ba’aydeedu Gaasira

Midnoo gaara weeyoo

Geeskuba ku caan-baxay.

 

Ummadyahaw garaad-xumo

Iyo taliye gocoroo

Ka gabnoobey naxariis

Baa ina go’doonshee

Waa inaynnu garannaa

Inay nabaddu guul iyo

Gogol lagu negaadiyo

Gaaf iyo aroosiyo

Guri lagu nimcaytiyo

Xareed galacle ay tahay.

 

Waa inaynnu garannaa

Gebi-dhaca colaaddiyo

Gubashada guryaha iyo

Warmahaa la-ganayiyo

Madfaciyo gantaalaa

Dadka lagu garaaciyo

Gefka aad dugsanaysaan

Guntadiinna naar iyo

Cadaab inaad ku gelaysaan.

 

Gabaldhaciyo waabberi

Goob-yaalka dunidee

Geeddigeeda lagu jiro

Gun-dhiggeedu waa meel,

Halkase guushu ay tahay

Marka laysla garabsado

Gees qudha la-wada maro

Kala gaaf-wareeggana

Layska soo gunaanado,

Gobonnimo dadkaygoow

Waxa gaadhi kara uun

Ummad garashadeediyo

Garaadkeedu wacanyahay,

Guurtida warkeediyo

Gar-yaqaanka raacdoo

Kala-garata samahiyo

Gefka iyo xumaatida.

 

Gulufkiyo colaadaha

Ummad geed ka fuushoo

Gaadh ka haysa nabaddoo

Ku gadaaman samahay

Gobannimo u qalantaa,

Kuwase geeridiinniyo

Gumaadkiinnasii raba

Inaan weli u guuxdaan

Waydiin garaad-xumo

Iyo gumaro-beelkiin!

 

Ummadyahay gumaystii

Weli nagama guurine

Isagoo ged kale iyo

Magac gaara yeeshoo

Idiin guud ekaaduu

Gosha iyo hareertiyo

Gondihiinna joogaa,

Idinkuna ma garataan

Gendigaa dushiinniyo

Gadh-wadeenka leexdiyo

Halkuu yool-ku-guur yahay!

 

Derejiyo garoommiyo

Maskab wuxuu ku gaadhaa

Waa gororka dhiiggiyo

Golfofaha carruurtee

Goor maad dadkaygoow

Kala-garan so’ iyo seed?

 

Dadka oo la-gaabshoo

Gelin dhexe habeenkii

Gebo-gebo la-geliyaa,

Iyagoon guhaad iyo

Kala-geysanaan iyo

Guluf-weerar qabinoo

Guri nabada joogana

Colaad loo gorfeeyiyo

Godob laguma dhaliyoo

Guul laguma gaadhee,

Ummadyahaw is-garabsoo

Goob qudha isugu taga,

Garnaqsada dhammaantiin

Oo godob dhexdiinniyo

Gef wixii idiin yiil

Diga-xaadh ku gura’oo

Go’aandhaxal galoo adag

Oo laga guurin yeeshoo

Ka xorooba gocorkiyo

Taladiisa gufadhka ah,

Gacmahays qabsada oo

Samahana ku gaardiya.

Waa haddii uu GUULLUHU

GUULLIHIINNA yahay ood

GUULLIHIIN taqaanniin!

Haddii kale gumowde’e

Godka aakhiraad iyo

Cadaab guuna weheshada!

 

ALLAA MAHAD LEH.

Cabdiraxiim Hilowle (Galayr).

galayr1977@hotmailcom

 

 

FIIRO GAAR AH:

Intan danbe ee Maansadu, waa ABHIN, oo dadka ayey abhinaysaa, kuna adkaynaysaa, inay ka fogaadaan wax kasta oo ifka gunnimo iyo guul-darro u hor-seedi kara, iyo wax kasta oo ay cadaabta ku geli lahaayeen ka dib dhimashada. Waxayna la macne tahay:-

Waa hadduu ILaahay

Allihiinna yahay ood

Allihiin taqaanniin.

 

SHEEKOOYIN