Gobdoonna ma Galbaday? W/Q: Saki Cali Gurey​

12552893_1024280937615109_6111723306979632300_n

Gobdoonna ma Galbaday?

 

“Waa ayaanba ayaan

Duni aakhir sabaan

Ninna aanu lahaan

Dhabna looga idlaan!”

 

Waayadii u danbeeyay ummadda Soomaaliyeed, waxaa hareeyay tiiraanyo iyo murago ay ku reebaysay mar kasta, geerida sidii tusbax go’ay u galaafatay haldoorka ummadda, geeridaas oo si gaar u beegsanaysay rug-caddaagii halabuurka, fanka iyo suugaanta Soomaalida, iyada oo wali lagu jiro baroordiiqdii Allaha u naxariistee Abwaan Cali Sugulle Duncarbeed, ayay geeridu Xaaji Cabdi Gobdoon timid, taasoo sii kordhineysa welwelka laga qabo cimri degdegga ku yimid caqligii iyo garaadka ummadda Soomaaliyeed, iyada oo aan wali laga weeleyn aqoontooda.

Markii iigu horreysay la kulanka Xaaji Cabdi Gobdoon, Alle ha u raxmadee, waxaan nasiib u yeeshay sanad ka hor (20/2/2015) inta lagu gudajiray qabanqaabada xuska maalinta afka Hooyo. Markaa aniga iyo dhallinyaro kale, ayey noo suuragshay, inaan ku la kulanno hoteelka City Palace, oo ku yaal magaalada Muqdisho. Waaya arag Cabdi Gobdoon, wuxuu halkaa nagu la wadaagay, heerarkii ay soo martay qoristii far Soomaaliga iyo dadaalladii laga soo maray hirgalinta qorista af Soomaaliga, si ay ku dheehan tahay laabfurnaan, lagana fahmi karo, inuu jecel yahay, in laga weeleeyo aqoonta ku gaamurtay. Maalintaas ayaan si iskeey ah, maanka is ka iri; talow goormee sooyaalkan taariikheed, laga reebayaa aqoonta, ogaalka, halabuurka aqoolka iyo ammuuraha uu u soo joogay? Isweydiintu igu la ma dhalan, baqdin geeri iyo cabsi dhimasho, ee waxaan xiiso badan u qabay, in keydkan nool la kaydiyo. Maanta waa kaas Gobdoon galbaday, isaga oo aan laga reebin dhigaalkii uu hayay, waxaana halkaas ku iishay ilays aqooneed, waxaa guray maan gaaxsanaa, waxaa guuray maktabad aqoon iyo waaya-ragnimo ceegaagto.

Naxariistii janno Eeebe ha siiyee, Xaaji Cabdi Xaaji Maxamed Gobdoon waxa uu ku dhashay magaalada Jigjiga sanadkii 1938-dii, waxa uuna ku soo dhexbarbaaray qoys aqoontu saldhig u tahay; aabbihii Xaaji Maxamed waxa uu ahaa caalim diinta islaamka si fiican u yaqaan, misna dadka barijiray, waxa uuna noqday agaasimiha waxbarashada ee ururkii gobannimo doonkii SYL. Sidoo kale, Xaaji Maxamed waxa uu waano iyo wacdi diini ah ka soo jeedinjiray raadiyow Muqdisho, inta u dhaxeeysay 1951-1988.

Xaaji Cabdi Gobdoon, waxa uu waxbarashada aasaasiga ilaa dugsi sare ku qaatay magaalada Muqdisho, gaar ahaan dugsiga Leegada, halkaas oo uu macallin ka noqday markii dambana. In muddo ah markuu bare ahaa ayuu u diga-rogtay dhanka warbaahinta ,oo sanadkii 1961 ayuu ku biiray raadiyow Muqdisho.

Horraantii lixdanaadkii ayuu tababbar dhanka warbaahinta ah u tagay dalkii la oran jiray Midowga Soofiyeeti, halkaas oo ka shaqo billaabay laanta af Soomaaliga ee raadiyow Moosko, ka dibna dalka ayuu dib ugu soo noqday, waxa uuna sanadkii 1966 dib uu kaga shaqo bilaabay raadiyow Muqdisho.

Mar labaad sanadkii 1967 ilaa 1971-dii ayuu dib uga shaqeeyay raadiyow Moscow laanta af Soomaaliga, halkaas ayayna is ku barteyn kuna saaxiibeen Georgi Kapchits oo ah qoraa Ruush ah oo ku hadla waxna ku qora Afka Soomaaliga, buugaagta uu Georgi qoray waxaa ka mid ah “Qaamuuska Maahmaahyada Soomaaliyeed” oo ah qaamuuska ugu weyn ee maahmaah iyo oraah Soomaaliyeed lagu aruuriyo. wWaxaa xusid mudan, in Xaaji Cabdi Gobdoon uu ka mid ahaa dadkii ku caawiyay Georgi Kapchits barashada afka Soomaaliga.

1971 ayuu dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii ay u yeertay dowladdii kacaanka. Sanadkii xigay, madaxweyne Jeneraal Maxamed Siyaad Barra ayaa u magacaabay, in uu noqdo wariyihiisa gaarka, waxaa uuna howshaa u igmanaa ilaa 1982.

1982 waxaa Xaaji Cabdi Gobdoon loo magacaabay agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta, inta uu agaasimaha ahaa, waxaa lagu xasuustaa howlo badan oo u qabsoomay wasaaradda warfaafinta, oo ay ka mid ahaayeen aasaaskii TV-ka qaranka, unkiddii kulliyaddii warbaahinta iyo kordhinta bogogga wargeyska Xiddigta Oktoobar.

Xaaji Cabdi Goobdon Inta uu ku jiray howla , waxa uu tababbaro aqoon kororsi ah u aaday waddammo badan, oo ay ka mid yihiin Masar, Ruushka, Talyaaniga iyo Mareykanka. Warfaafinta ka dib markii laga soo tago Xaaji Cabdi Gobdoon waxa uu noqday agaasimaha guud ee wasaaradda shaqada iyo Isboortiga.

Burburkii dowladdii dhexe ka dib, Xaaji Cabdi Gobdoon waxaa lagu xasuusan karaa ka qeybqaadashadii badbaadintii keydka cajaladaha ee raadiyow Muqdisho, asaasiddii wargeyska Dalka, la shaqeeyntii dowladahii ku meel gaarka ahaa ee dalka soo maray, asigoo hadda ku magacaawnaa la taliyaha ra’iisul wasaaraha dhanka warfaafinta iyo ugu danbeyn u hiillinta Af Soomaaliga, oo uu waayihii u danbeeyay ku howllanaa.

 

Eebbow kuu naxariiso.

 

W/Q: Saki Cali Gurey​

SHEEKOOYIN