GODOB IYO GALLAD WAA BUUG CAJAA’IB BADAN OO MARNA KAA OOYSIINAYO MARNA KU FARXAD GALINAYO. W/D: Shiiqaalow Xasan

GODOB IYO GALLAD WAA BUUG CAJAA’IB BADAN OO MARNA KAA OOYSIINAYO MARNA KU FARXAD GALINAYO. W/D: Shiiqaalow Xasan

Waa lagu kala xariifsan yahay habka wax qorista, hibo ayay qorayaasha qaarkood u leeyihiin fanka qoraalka, macaanka, qiimaha iyo xiisaha qoraalku wuxuu ku xeran yahay hadba sida loo qurxiyo.

Runtii qoraalku waa xirfad aan cid walba yeelan karin, qorayaasha lagu bartay hal-abuurka inta badan waxay si farshaxannimo ah wax uga qoraan arrimo ay ka mid yihiin Jaceylka, Taariikhda, dhaqanka, Sheeko run ah ama Qiso maan-abuur ah.

Sharaf ayay bahda qoraalku ku dhex leeyihiin ummaddooda, si baahsan oo macruuf ah ayaa loo yaqaannaa, tirsi ahaan qorayaashu waxay safka hore kaga jiraan dadka Caanka ah ee la qiimeeyo, dhaqan ahaan qorayaashu marka la arko si xushmad leh ayaa loo soo dhaweeyaa, fadhiga ayaa looga kacaa tixgalinta loo hayo awgeed.

Ruug-caddaayaasha Soomaaliyeed ee la jecel yahay fanka qoraalkooda waxaa safka hore kaga jiro qoraaga buugga loogu wanqalay Godob iyo Gallad Al-ustaad Xuseen Maxamed Cabdulle {Waddaad}, Magac-ahaan qoruhu waa macruuf wuxuuna leeyahay hibo hal-abuurnimo oo qoto dheer, qoraalka waxa uu soo wadey illaa waagii ay Dalka ka arriminaysay Dawladdii Kacaanka ee Jaalle Maxamed Siyaad Barre, xilliyadii bariisamaadka wuxuu soo bandhigay sheekooyin aan qaarkood walli ka go’in maanka intii akhrisatay.

Taxanaha buugga uu haatan soo saarey ee Godob iyo Gallad waa dhigane aan caadi aheyn oo u qoran hannaan casri ah oo aqriste walba soo jiidan karo, bilowga illaa dhamaadka sheekadana waa mid aan laga xiisa dhaceyn oo ku illoowsiinaysa hawl kasta oo aad hayso.

Waa sheeko nafsadda akhristaha ku dhalinaysa hiyi-kac la yaab leh oo mar kaa yaabinaysa, mar kaa ooysiinaysa, mar kalana ku farxad galinaysa, xaqiiqdii buuggaan cajaa’ibka badan hal (1), labba (2) iyo seddex (3) mar oo aad akhriso ugama dhargi kartid inaad ku laa-laabato mooyee.

Curinta sheekada ayaa waxay ka hadlaysaa dhacdo loo baahnaa in wax laga qoro, qeybaha kala duwan ee uu buuggu ka kooban yahay ayaa si baahsan waxaa loogu faaqiday dhinacyo iska soo horjeedo oo si weyn isu diiddan, akhriste kasta oo nasiib u yeesha inuu daalacdo buuggaan ayaa ka kororsan doono macluumaad xiiso badan oo la xiriira dhanka garsoorka iyo arrimahiisa, tariikh ahaan waa markii ugu horreysay ee buug noocaan oo kale ah la soo saaro.

Ma sahlano in la qoro buug jaadkaan oo kale ah, hambalyo iyo bogaadin waxaa mudan qorahii u qumay inuu sheekada buuggaan nala wadaago, hoodo iyo ayaan waxaa leh ruux kasta oo hela nuqul ka mid ah buuggaan aan marnaba laga xiisa dhaceyn akhriskiisa.

Qof ahaan aad ayaan ugu faraxsan ahay inuu i-soo gaaro buuggaan oo iminka ii noqday Wehel iyo Dugsi aan ka bartay Taariikh jirtay, aqoon afeed, mid dhaqameed iyo mid ummaddeed, amaan iyo duco aan la soo koobi Karin waxaan u hibaynayaa qorihii dhaxda u xertay soo saarista buugaan qiimaha badan.

W/D: Shiiqaalow Xasan

SHEEKOOYIN