GOOS-GOOS dhiganaha ARXAN-GOYS

GOOS-GOOS dhiganaha ARXAN-GOYS

Waabaa beryay aan bilicsameyn, waa arooryo aan suubbaneyn. Waa goor hiiro ah, cadceedduna ay dhulka u qeybisay fallaaro aan falxad iyo yiddiilo u sidin aadanaha ku nool carra-edeg. Qaddarta Eebbe waa xaq oo lama diidi karo, haddana anigu kuma kalsamaan karo tiiha iyo wareerka meel kasta ka oogan ee aadanaha soo wajahay gugaan 2020 ee ayaanka daran.

Waxa aan ku dhacadiidaa kursi aan maalmo badan ku fadhiistay aniga oo samaan iyo fayoobi dareemaya, barqadaan jimcaadse wedkii ayaa iridda igu soo garaacay, wuxuuna i leeyahay: soo bax!. Haddii aad farid Eebbe ku socotay tashi iyo taloba iima taallo ee howshii lagu soo faray gudo, balse, haddii aad tahay: ”Riyo iyo malo-awaal, waadba tahay ee soo bixi maayo”. Dareenkii kacsanaa ayaa sidaas ku aftideystay. B-1aad…
_______________________________
Carra-edeg maalinba wax baa cusboon ee tanina waa tu kale oo kaa yaabin doonta. Ma yaab ayaa weli ii dhimman?! Haah! Waa kuu dhimman yahay, in aad dhimataba waa yaab kuu dhimman ee sow mar uun dhedhemi meysid geerida?! Haah! Waa aad dhedhemin doontaa dhawaa iyo dheeraaba.

Dhowr mirir ayaan ka aamusnaa, hadalna igama soo bixin. Kolkii aan in cabbaar ah aamusnaa ayaan cod aad u hooseeya ku iri: “Ma dhab ayaad ka hadleysaa, mase dheel? Waa maxay hindhisyadii sheyddaanku?

Dheel ma aha dhawaqeygu dhabna uma dhawa haddana kama dheera, maxaa yeelay, xilligii dheeshaba kuma jiro, saw uma jeeddid madaxayga cirrada ku taal? Ma dheel iyo dhur la’aan ayaa iga suurtowda? Dhabna uma dhawa, sababtoo ah, ma joogin halkii ay hindhisada Sheydaanku ka dhaceysay. Haddana kolka aan indha fiiqan meel fog ku dhugto, waxa aan u jeedaa dhagar adiga kaa gedman anigana igu go’an, dhammaanteenna dabar go’ noo ah. Sidaas ayaan dooddeydii ku soo qabbiray!.

Hadda taasina ma kaa dhaay baa, mise waad i maaweelinaysaa? Waydiintiisi dareenka wadatay ayaa sidaas aheyd. Sow aniga hore kuugu sheegay; in aan joogin gugii maaweelada. Waa ku sidee dareenkaagaan siranow?.

Aan sirnaado ama aan saxsanaado ee horta salabkaagu ha tooso. Intaas ayuu dareenku hadalkiisii ku soo koobay. Salabkee? Ma wax baa i dul saaran? Ayaan ku iri. Haah… Haddii aysan wax ku dulsaarneyn maxaa kaa hadalsiinaya? Ayuu si boobsiis ah ii waydiiyey. B-37-aad…
___________________________________
Aadanuhu waxay u qeybsamaan laba qeybood xagga dhiifoonaanta iyo feyjignaanta colaadda. Qolo wacaalka dalkooda marka ay meel ku hubsadaan hurda, kuwaas oo wararka idaacadaha dalkooda ka bogta inta aysan jiifan, isla markaana iyaga oo og xaaladda guud ee dalkooda iyo adduunka kale seexda. Subaxdii marka ay soo toosaanna aan afka cadayan iyaga oo aan ogaan waxa dalka iyo dunida guud ahaan ku soo kordhay intii ay xalay hurdayeen. Waa dad garan kara cadaawadda gaamuurtay ee aadanaha carra-edeg is kula nool dhextaallaa, taas oo asalkeedu uu yahay awood iyo dhaqaale kala riixasho, isir sifeyn ay wehliso aaminsanaansho caqiiddo iyo aragtiyo kala duwan oo qolo waliba ay toodu la saxan tahay. Kuwa kalana waa qolo aan waxaas dheg u dhigin oo aan kala jecleyn duunyo, dal iyo danihiisaba.

Warside ma aqriyaan, warlalis ma dhegeystaan iskaba daa in ay muuqbaahiye daawadaane. Waa qolo aan haba yaraatee wax colaad ah qabin. Wararka iyo wacaalka cusub waxa ay ka soo xansadaan bannaanka, isla markaasna falanqeynta waxyaabahaas kuma sii fogaadaan. Hawlahooda kale ee nololeed ayaa uga muhiimsan. Dalka iyo duunyada kaleba ma hurdisiiyaan, sidoo kalena sooma toosiyaan. Dagaal dhacay, dad is laayey, dalal isku duulay iyo duumo soo korortayba shaqo kuma lahan. Haddii ay soofaan iyaga oo nabad qaba, soona gurya noqdaan iyaga oo nabad ah, waxay u heystaan inay nimcadii adduunyada ku jiraan. Burkaba balaayo kama fishaan. B-48/49-aad….
_______________________________________
Aadanaha ku nool carra-edeg, waxay ka koobmaan waayeel iyo dhallinyaro. Xiriirka ka dhexeeya labadaas qolo waa talo ka timaada waayeelka iyo xoog lagu fuliyo taladaas oo dhallinyarada ka yimaada. ”Xikmad waayeel iyo xammaasad dhallinyaro”. Labadaas ayaa aadanaha lagu hoggaamiyaa. Sidoo kale, waayeelka dowladaha waaweyn waxaa uga baxa miisaaniyad aad u badan oo sida ay u heystaan liddi ku ah nolosha jiilasha soo koraya. Waxay aaminsan yihiin in waayeelku mar haddii uu howl geb noqdo uu soo kordhinayo dhaqaala-darro oo kaliya.

Kolkii xog-baaris is barbardhig ah lagu sameeyay dhallinyarada iyo waayeelka, waxaa 900 milyan oo dheeraad ah noqday waayeelka, taas oo iyana u guuridda nidaam cusub dhabar jab ku noqotay, kolkaasna ay lama huraan tahay in booskaas la banneeyo, si dhallinyarada loo dhallan-rogo garaadkooda, ka dibna, loola wareego dhaqaalaha iyo milgahooda. Waa nolol qiyaali ku dhisan, waana waayo wax walba dhuuntu hageyso. Haddii si wada jir ah loo maareyn lahaa carra-edeg way deeqi laheyd aadanaha, balse, dad baa jira dheeraad inay helaan waayo walba u jiiraya. Nin shirbaa wuxuu yiri:

“Inta dhiggeyga meel dhigtaan
Dheeraad rabaa dhibaa agyaal!”

Bogga: 116-aad…
______________________________________
Horta ma ii jeeddaa?”

Maya! Bisinka iyo burdaha e. Sidaas ayaan ku iri.

Dhanka aan kaa xigo haddii aadan ogeyn sow dooddaadu kuma dhisna mala’awaal uun? Sidaas ayuu i waydiiyay?

Dareenka ayaa ku arkaya, maankuna waa ku daalacanayaa, balse, dhaayuhu kuma soo qabanayaan. Taasina dhib ma lahan, maxaa wacay, qofku isaga oo hurda ayuu la doodaa qolo uusan arkeyn. Kolkaasna marka uu hurdada ka soo tooso ayaa haddana isla dareenku u soo bandhigaa wixii uu sheegay kolkii uu hurdayey oo idil. Adiguna waxba kama duwanid sidaas. Hummaniska iyo hilaadinta ummado badan ayaa lagu dhaqaa. Mala’awaalkuna waa qeyb ka mid ah oddorosidda joogtada iyo timaadada. Sidaas ayaan isaga celiyey. Dooddeennii dhammeyd ma waxa aad ka dhigtay mid riyo ah? Sidaas ayuu i waydiiyey.

Fikirka iyo hal-abuurka dunidu marka hore ayey riyo ka soo billawdaan, ka dibna riyadaas ayaa waxaa loo rogaa ficil sidaas ayey wax walba ku dhashaan. Sidaas ayaan ugu jawaabay mar kale. B-135-aad…

______________________________________
Iduhu cirka ma fiiriyaan ilaa laga gowraco. Aadanuhuna meelo badan ayey idaha uga egyihiin, maxaa yeelay, dhibta lagu haayo iyo dhagarta lagu dabar goynayo ma dareemaan ilaa iyo kala bar ay ka dhintaan. Marka aniguna dhegooleyaal ayaan wacdinayaa, si ay u dareemaan balaayada ku hareereysan, adiguna dhagar-qabayaal ayaad u doodeysaa si aad uga dhigto kuwa baraare iyo bidhaan wanaagsan u horseedaya inta kale. B-140-aad…
______________________
Intaasi waxa ay ahaayeen darfa-goys aan ugu talo galay inaad fikir guud ka qaadataan dhiganaha: ARXAN-GOYS.

Adduunyo uur lahaan arkaa
Umulisaanse loo arkeyn”.

Laashin: Faarax Nuur Qaboobe (Faarax Seefeey AUN).

Waa duni asmeysane halkeey, ku indha-beeleyso
Allow iil an ley dhigin intaan, dhab u ogaanaayo.

Laashin: Cabdulle Raage Warsame “Taraawiil” (AUN).

ARXAN-GOYS (Hindhisadii Sheydaanka)

Ka dalbo halkaan:

  1. cuute23@hotmail.com
  2. +46700345789
  3. laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.