GORFAYNTA GACAL IYO GAYAAN W/Q: Muxyadiin Xuseen Ciid

GORFAYNTA GACAL IYO GAYAAN W/Q: Muxyadiin Xuseen Ciid 06/02/2021

Waa buug uu qoray Qoraa ahna hal-abuur Xasan Cabdulle Calasoow (Shiribmaal), caddadka buuggu waa 281. Sida ka muuqata magaca buugga, sheekadan waa mid xambaarsan jacayl iyo kalgacal ka dhex abuurmay labo dhallinyaro ah, lana kala yiraahdo: Dheeho iyo Dhaashane, ayadoo nuxurka sheekadu ku qotantaa taas tahay, ayaa haddana sheekadu kula mareysaa meerisyo iyo godod kugu qasbaysa in aad ku hakatid, hoos u fiirisid, kuna noqnoqotid, waayo waxa aad ka heleysaa albaabbo haddII aad furtid ku dhex gaynaya durdurro ay qulqulayaan dhaqan iyo suugaan, kuwaAs oo aad u baahanaysid in aad wax ka baratid, marka aad aragtid sida farshaxanka leh ee qoraagu kuugu bayaaminayo.

Kuma eka sheekadaan Gacal iyo Gayaan, cishqi, dhaqan iyo suugaan kaliya ee waxaa barbar socda casharro dheeraad ah oo qoraagu rabo in aqoontaada deegaanka, duunyada, dugaagga, haadda iyo xiddigahaba, kor ugu qaado. Waxaa intaas dhinac socda hab dhaca tabinta uu sheekada u wado qoraagu oo laftigeedu ku kaxaynaysa ilaa ay kaa dhexsaarto buugga.

Sida aad ka dheehan kartid sheekadan, waxa ay ka dhacday baadiyaha xilli hore, tanoo iftiiminaysa noloshii Soomaalida qarniyaal ka hor. Dhulka ayaa ahaa mid iskugu jiray oomasoore, aan dad iyo duunyo midna joogin, balse hoy u ahaa dugaag halis badan iyo halaq iyo mid doog, daaq iyo dareenba leh oo colaad iyo dhac ay u dhaxaysay dad deegaan wadaag ahaa.

DAREENKA IYO SHEEKADA:-

Dhowrka bog ee ugu horreeya buugga ayaa waxay ugu qasbeen in aan hore u socon waayo, waayo? ereyada uu qoraagu u doortay in uu buugga ku ibo furo ayaaba waxa aad moodaysaa in uu kugu imtixaanayo heerkaad af-Soomaaliga ka taagan tahay, taas oo aan dareemayo in uu ogyahay, maadama uu qaybta hoose kuugu sharxayo ereyada uu is leeyahay bulshada akhrin doonta sheekadan u bayaami. Tani waxa ay ku tusaysaa in buuggani uusan sheeko kaliya kuu soo bandhigayn ee uu kaa caawinayo barashada afkaaga hooyo.

Barashadu kuma eka luqadda kaliya ee dhirta, duunyada, dugaagga, halaqa iyo xiddigahaba, ayaa ayaguna ah cashar, aan ku bartay noocyo badan oo aan hore u aqoon, qoraaguna si mug leh u sharaxayo. Tan iigu muhiimsan oo ah qisada sheekadu ku fadhido ama ku salaysan tahay, ayaan waxa ay tahay mid ka qaraweyn inta kuu muuqan karta marka aad akhrisid.

ANIGA MAXAA II MUUQDAY?

  1. In xiddigta sheekadu ay tahay gabadha Dheeho.
  2. In sheekadu ay ku qotonto aqoondarrada loo lahaa ILMAHA UUR-KU-HARKA AH iyo sida loola dhaqmi jiray.
  3. Nolosha abtiyaasha oo aad kala qabiil tihiin, xilli colaad ama marka abtiyaashaa u arkaan in dhaqanxumo gabadhoodu ku kacday aad ku dhalatay (Wacal).
  4. Is-helitaankii Dheeho iyo Dhaashane.
  5. Bixinta gabdhaha ayada oo xoolo la eeganayo.

Afartaas qodob ee kore ayaa sheekada xuddun u ah, waana sababta aan ugu doortay Dheeho in ay tahay xiddigta sheekadan Gacal iyo Gayaan. Ilmaha uur ku harka ah ee dhasha xilli ka badan 9-bilood, haddii ay ninkeedii naagtu la nooshahay dhibi kama taagna, markase sida sheekadu uu qoraagu nagu tusayo, uu aabbuhu dhinto ama ay kala tagaan hooyada, haddii ilmo uur ku har ah yimaadaan muddo dheer ka dib, waa halkaas meesha mushkiladdu ay ka imaanayso, qoraaguna doortay in uu soo bandhigo dhibta iyo ihaanada laga galay dumar badan oo Soomaaliyeed, nana xasuusiyo xunuunka ay leedahay.

Dheeho oo ah gabar ku dhalatay Uur-ku-Har, dhibta ay kala kulantay abtiyaasheed, marka ay hooyadeed dhimatay iyo intii ay noolaydba, ayaa ahayd ayada oo loo haystay in ay wacal tahay, ayna foolxumo iyo nabar madow ku tahay abtiyaasheed, ayaga oo isku dayay dhowr jeer in ay dilaan, balse dhagartii ay maleegayeen ayaga ku laabatay, tanoo salfatay abtiyaasheed iyo habayaraheedba. Dhacdadan ayaa ayaduna ah uur-ku-taallo kale, oo qoraagu noo bidhaamiyay in ay bulshadeenna ka dhexdhacdo, anoo sooba xasuustay sheekooyin dhowr ah oo i soo gaaray 30-kii sanoo danbe. Tan oo aanba u qaatay u qoraagu wax ka maqlay dhacdooyinkaas.

Labadaas dhacdo iyo dhimashada ku timid ayeeydeed, oo ahayd qof nafteeda u hurtay samatabixinta gabarta, ayaa ku qasbay Dheeho, in ay gasho hayaan, ay go’aansatay in ay u babac dhigto wax walba oo ku imaan karay nafteeda, geeriba ha ahaatee. Tani waxay ku tusinaysaa hurgumada iyo ciilka ay badeen abtiyaasheed gabartaas. Midda Rabbise waa mid, awoodihiisuna waa ka sareeyaan mu’aamaradaha iyo dhagarta ay maleegaan inta xumo ka taliska ah. Hadii ay socodkeedii dhulka bahalo galeenka ah cagta saartayna, Eebbaa u soo diray geesi uu xijaab uga dhigay, kaas oo ahaa DHAASHANE, halkaasna uu ka billaabmayo safar, marka hore is garabsasho ah, markii danbase cishqi iyo kalgacal isku rogay. Qoraagu si hufan ayuu iskugu xiray intaas oo raad, oo midba meel ka soo saanqaaday. Waxa uuna na tusay awoodda Ilaah iyo talo saaradkiisa in aan lagu qasaarin. Intaas ka dib waxaa furmaya wajiyada kale ee nolosha, sheekaduna waa ay kula sii durkaysaa.

Haddaan u boodo qayb kale oo aanan xusin, balse aan jeclaystay aqoonta uu qoraagu u leeyahay ama uu rabo in bulshada uu ku baraarujiyo, ayaa waxa ay tahay, marka Dhaashane weydiiyey gabarta “Dheddig iyo Dhuunyaal maxaa ka dhaxeeya?” Tan oo uu kugu barayo halka uu ka soo jeedo GUDNIINKA FIRCOONIGA AH, waxaanan ka helay sida uu iskugu xirayo Dhuunyaalka iyo gudniinka fircooniga ah.

GABAGABO:-

Qoraagu waxa uu soo bandhigay sheeko faneed uu si fiican u haaneediyay, kuna laray dhaqan iyo suugaan aan la soo koobi karin nooc walba oo ay tahay. Gacal iyo Gayaan, waa sheeko dareen leh, diirinaysana damiirkaaaga qofnimo, marka aad aragtid tacaddiyadii aqoondarrada ku dhici jiray, qisada sheekadan ku fadhidana ay koow ka tahay.

Waxaan ku bogaadinayaa buuggani in uu yahay malahayga kii koowaad oo mowduucaas ILMAHA UUR KU HARKA AH, wax looga qoro, kuna baraarujiya bulshada mahadhadaas aanba loo warhayn xanuunkeeda. Sidoo kale ayuu buuggani aqoontaada af-Soomaaliga sare ugu qaadayaa, waxa uuna kuu iftiiminayaa in luqaddu intaa aad u haysatid in aad taqaannid ka qaraweyn tahay, runtiina aniga cashar lama illaawaan ah ayaan ka helay, ruux walboo akhriyana waan qabaa in uu ka heli doono.

Waxaa cad in qoraaga buuggani uu dadaalay, oo aan qabo in uu waqti iyo tamar aad u sarreysa galshay, tanoo ii diidday markaan dhinaca kale wax ka fiirshay, in aan ka helo wax aan oran karo waa nusqaan, aanan ka ahayn in uu ku soo bandhigayo sheekada dhexdeeda aqoon iyo sharaxaad uu tafaasiil dheeraad ah ku bixinayo, meeshii uu ka soo koobi lahaa, tanoo, marmar aad sheekada u macaansatay, oo aad rabtid in ay sii socoto, kaasoo dhexgalaysa, halkaasna wax kaa kala go’ayaan.

Ugu danayn buuggaan Gacal iyo Gayaan, waxaan kula talin lahaa ruux walba in uu akhriyo, waana hubaa in casharro badan oo dhaxal gal ah laga faa’idayo. Haddii ay ahaan lahayd barashada dhaqanka iyo af-Soomaaligaba. Dhinaca kale qisada uu qoraagu sheekadan ku qotamiyay ayaa ah mid aad u mugwayn kuna xiiso galinaysa.

Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa Qoraa buugga: Xasan Cabdulle Calasoow (Shiribmaal), in uu soo bandhigay buuggaan qaaliga ah.

Darajada aan siinayo waa 9/10

W/Q: Muxyadiin Xuseen Ciid
muciid@gmail.com

NAGA LA SOO XARIIR:

laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN