GORFEYNTA BUGGA GASO, GANUUN IYO GASIIN W/G: Cumar Dheemoow

Magaca buugga: Gaso, Ganuun iyo Gasiin
Qoraaga buugga: Buuni Cali Jimcaale Axmed
Gorfeeye: Cumar Dheemoow
Tiradda baalasha buugga: 110 baal, 219 bog.
Hordhac:
Gaso, Ganuun iyo Gasiin waa buug sheeko suugaaneed ah. Buuni Cali Jimcaale Axmed oo heerkiisa iyo qofka uu yahay ogaanshiyiheedu ay kugu riixayso akhrinta buugga ayaa ah qoraaga qalinkiisu xaanshiyaha dulsaaray. Waa buuggii ugu sarreeyay ee aan sannadkii galbaday ee 2020 aanu wada shaax cabnay. Dhugashadaada hore ee magaca buugga ayaa aad ka garan kartaa saadaasha iyo filashadaada buugga dhexdiisa ah, magaca buugga oo ka kooban saddex eray oo guun ah macnahoodana aan adiga kuu deynayo. Qoraaga buugga oo ah nin sugaaneed ayaa buuggan u qoray si ka duwan siyaalaha loo dhigaaliyo sheeko faneedyaddii hore, gudaha buugga waxa aad ku arki doonta intaan oo aan anigu ka gaclooday iyo in kale oo aad adna ka gacloon doonto.
  1. Waxa aad gudaha buugga ugu tagi doontaa ruwaayad ka dhaxaysa qoraaga iyo tabiyihiisa, is qabqabsi akhriyaha faa’iido u ah, tusaalaynta dunida iyaga oo ku siin doona furaha.
  2. Buuga dhexdiisa waxaad ugu tagi doontaa erayo, dhaqamo, lahjado, sheekooyin baled iyo baadiyaba ah ( miyi iyo magaal). Halxiraaluhu kama marna (Magacaba ka garo).
  3. Buugga macallin Cali waxa uu kuu oggolaan doonaa in aad noqoto badmaaxe cilmi baare ah, maxaa yeelay, erayada qaarkood oo aad u adag ayuu soo gudbin doonaa asaga oo aan wax macno ah saarin, taaso kugu dhalin doonta goobidda erayga si aad u fahanto nuxurkiisa. Halkaas anigu waxay ii ahayd ibo fur aqooneed oo aan gadaasheed ku bartay goobidda erayada guunka ah.
  4. Reer jabaq oo ay sheekadu ku socoto, hab maamulka hooyadda reerka, musiibada iyo u adkaysigeeda, aaminaadda reer baaddiyaha rabbi ku kalsoonyihiin iyo weliba dugaagga oo kaa heybaysta marka aadan dulmiga aqoon. “Sir maqabe saab baa biyaha u celsha”. “Alle qabe ma qowfo”.
  5. Qiyaali iyo qiso, dhugasho iyo dhaygag, cilmi iyo camal, waa walxaha aad ka kordhisan doonto akhriskaaga buugga.
  6. Ka falcelinta iyo soo qaadashada aaraahda akhristayaashiisa farriimaha lasoo wadaagay, ka warcelinta cilmiyaysan ee aad ka dhex heli karto.
  7. Maahmaahyo qaar badan oo ka mid ah ay adagtahay fahankooda ama aadanba maqal, erayo saadaal iyo sifayn ah.
  8. Soo gudbinta buugaagta cilmiyeed ee laga yaabo inay wax ka dhaheen kob uu marka asagu marayay ama ka hadlayay, faaf reebidda beenaha faafay oo ay buugaagta gudbinayaan oo ay ka mid tahay arrimaha soo helidda qaaradaha, samaynta luqadaha oo lagu sunto qof habaawsan oo ay dad soo dhaweeyeen. Sheeko uu dhallinimadiisa kubbad ku dhex qabsatay asaga oo warinaya, tafaafulloow ama kitaab gaabloow ay u tageen iyo wixii kala maray, ayuu soo gudbinayaa diidmada iyo macquul ahaansho la’aanta tabinnada qaar ee soo helidda ummad Rabbi meel dhigay.
  9. Kuguma filna gorfayntaydu, waxaanna kugula talinayaa inaad soo dhugato gorfaynta uu buugga ka sameeyay, Dr. Maxamed Daahir Afrax (Qoraaga sheekadda Maana-Faay), kaaso uu kaga warramay, halxidhaalayaasha uu fasirka u sameeyay, erayada buuggana u rogay hab aad weelayn karto fahankeeda.
  10. Aan kuu soo gudbiyo erayada aan buugga ka faa’iday qaar ka mid ah, aanna kuu oggolaado inaad qaarkaaga soo hesho.
Erayada yaabka leh ee aan buugga ka soo dhex helay:
  1. Macyuub
  2. Xilliga tacdaadda iyo waaqdhicinka.
  3. galliin, heshiisiin.
  4. Wantafo.
  5. Fantaatiir, wantaatiir, xoog iyo dadaal badan iska doonid.
  6. Gasarii, arxandarro, abaar daran.
  7. Jooxaarsho.
  8. Walcankaa, waalid, ab iyo isir.
  9. Yicis, muluq.
  10. Fijo, hadyad xoolo raacahaaga la siiyo.
  11. Dhabad, galaw ama fiin, shimbir cod dheer oo colaadda sheega, buurta halka ugu sarreysa.
  12. Marras iyo maxaas, ad ama duunyo da’ darteed la itaal yar.
  13. Or. dhar, hadal, laan ka baxda meyrta.
  14. Caayibnimo, gacan hoorsi. Caayib qof caajisloow ah oo shaqada ka wehsada.
  15. Is hariifitaan, is shariifaan.
  16. Wajaq iyo waalli, waalli daran oo qofka lala qaban waayo.
  17. Bayhoof, busaarad iyo baahi la kulmid.
  18. Wafanya ninni: maxaad sameynaysa.
  19. Nataka maziwa: caano ayaan rabaa.
  20. Lete maji: keen biyo.
  21. Misisiq, dhalaal.
  22. Hilfaaq, idan, dhaad, dhegjeex, deel cakaar, galool, sakamad, heensaraar, shumme, taraar, birqaab, dhig, kabaal, laam’alif iyo mareeg. Waa summadaha roob sugoowga xoolaha.
  23. Qawed, saluug.
  24. Ku jilan, ku xeran.
  25. Dhadhab, qaraw, ku dhegdheg.
  26. Bbirmad, gargaar degdeg ah oo meel dhibaato ka dhacdo kaalmo ahaan loo geeyo.
  27. Kushugle, la faqid.
Haddaba, haddii aad ka mid tahay dadka daneeya af-soomaaliga, waxa aan si hagar la’aan ah kuugu sheegayaa soo akhrinta buuggaas macallin Cali.
W/G: Cumar Dheemoow
NAGA LA SOO XARIIR: laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN