Gorfeynta buugga GARDAADIYE| W/Q: Abwaan Maxamed Cabdi Nuur

Gorfeynta buugga GARDAADIYE

  • Magaca buugga: GARDAADIYE
  • Tirada bogagga: 143-bog
  • Qoraaga: Xasan Cabdulle Calasow (Shiribmaal)
  • Madbacadda: Laashin
  • Sannadka: 2020

Qaraaga buuggan; laashin Xasan waxa uu qoray saddex buug oo kala ah:

  1. Gacal iyo Gayaan 2019
  2. Gardaadiye 2020
  3. Arxan-goys 2022

Wuxuu sidoo kale curiyey suugaan mug iyo miisaan leh oo hirgashay. Shiribmaal waxa uu baahiyey maqaallo, sheekooyin gaagaaban iyo faallooyin uu tobankii sano ee u dambaysay bulshada ula wadaagay siyaabo kala duwan. Xasan waa nin ku fiican diinta, dhaqanka iyo afkaba. Waxaa uu u ololeeyaa dhaqanka iyo horumarinta Afka Hooyo.

Haddaba, Gardaadiye waa buug kooban, fudud, lehna bilic qurux badan, Jaldiga buuggu waa mid adag, waxaana ku xardhan sawirro midabbaysan. Jaldiga hore, Waxaa kaaga muuqanaya, goob doog iyo naq leh, guryo aqal soomaali ah oo sheedda ka muuqda iyo geed wayn oo harac ah oo oday doonyeysan, ubad iyo hooyadood ay wada fadhiyaan (Qoys Soomaalyeed) isla markaana aabbuhu uu qoyska u sheekeynayo. Karbadka dambe ee buugga waxaa ka muuqda xayawaanno duurjoog ah iyo haad samada heehaabaya, sidoo kale muuqaal dhul ban iyo buur ah.

Qoraagu wuxuu sharraxaad ka bixiyey heerarka gardaadinta iyo habka barbaarinta ee ubudku maro. Waxaa aad ii soo jiitay sida uu u kala dhigayo:

  1. Balleyn
  2. Canqarin
  3. Gardaadin (dibadbixin ama barabixin) iyo ilaa uu qaangaaro, dugsi sare ka baxo sida loo wajahayo.

Dhiganahan waxaa ku kaydsan 23-sheeko carruureed ka mid ah sheeko xariirradii soo jireenka ahayd oo uu qoraagu soo ururiyey, waxaana la socda qaybo suugaan carruureeddii ah. Sheeko walba waxaa ku lammaan sharraxaadda dulucdeeda iyo ujeeddada oo faahfaahsan iyo sawirro midab ah oo ka kaalaya carruurtu in ay si fudud u fahmaan xayawaannada, bay’adda iyo dadka ay sheekadu qusayso, (magac iyo muuq is waafaqsan). Sheekooyinka uu qoraagu noo soo xulay waxa ay taabanayaan qayb kasta oo nolosha ka mid ah, diinta iyo akhlaaqda suubban, garsoorka iyo caddaaladda, saaxiibka wanaagsan, khiyaanadda iyo musuqa, waxbarashada, horumarka nolosha iyo talo-wadaagga, midnimadda, Kalsoonida iyo qaybo kale oo badan.

Afka iyo hab-qoraalka; buuggu waxa uu ku qoran yahay Afsoomaali qurux badan, fudud, kuna habboon dhallaanka, dhallinyarada iyo dadka waaweyn ba. Da’ kasta wax bay ka faa’iidaysaa buuggan. Farta, higgaadda iyo qoraalka buuggu waa mid laga jiray khaladaad badan oo aan ku arki jiray buugta Soomaaliga ah, waxaa muuqata in si taxaddar leh loo qoray, loona soo tifaftiray. Waxaa sheekooyinkan ku iidaaman hees carruureedyo dhawr ah oo maankaaga godlinaya, Akhristyaasha qaarkood waxa ay soo xasuusanayaan dhallaannimadoodi, qaar waxay ka baranayaan sheekooyin cusub oo aanay horay u maqal, halka uu kuwo kale u dhammaystirayoo sheekooyin qabyo ka ahaa ama aan isugu qummanayn.

Waxaa buugga ku jira hal-xiraale diini ah oo dhisaya caqiidadda, caqliga iyo garashada ubadka.

Aragtidayda buuggan; waa buug ku habboon wakhtiga uu soo baxay, waxaa baahi wayn loo qabay, loona qabaa buugta carruurta. Waxaan buuggan akhriyey dhawr jeer, markii koowaad kaligey ayaan akhristay, markii labaadna waxaan u akhriyey ilmahayga, fiidkii marka ay jiifka isu diyaariyaan. Iyaga ayaa i soo xasuusin jiray fiid kasta in aan u akhriyo buuggii sheekada ahaa. Waxaan ugu qaybiyey afar waaxood oo aan afar jeer u kala akhriyey. Aad ayey u xiiseeyeen, ula na socdeen dareenka sheekooyinka, su’aalo badan na waa la iga waydiiyeen.

 Anigoo kaashanaya falcelintii ilmahayga iyo taydii shaqsinimo waxaan ku boorrin lahaa, waalidku in ay iyagu akhriyaan buuggan, ubadkana u akhriyaan, kuwa wax akhrin karana ay ku dhiirrigeliyaan akhrinta buuggan. Wuxuu aad u anfacayaa waaliddiin badan oo aan kansho u helin in looga sheekeeyo, sheeko xariirooyinkan markii ay yaraayeen ama aan ba xasuusan karayn sheekooyinkii garaadka, dhaqanka iyo afka ubadka kobcin jiray. Ilmuhu waxa uu ka dheefayaa sheekooyinkaa xikmad iyo kalsooni badan oo ka caawinaysa go’aan qaadashada noloshiisa dambe. Waxaa kordhaya kaydka ereyadiisa, waxaa sidoo kale hagaagaya xiriirka waalidka iyo ubadka u dhexeeya.

W/Q: Abwaan Maxamed Cabdi Nuur

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

SHEEKOOYIN