GORFEYNTA BUUGGA “HIBAAD” W/Q: Aw Cabdiqani Xasan Muxumed

GORFEYNTA BUUGGA
“HIBAAD” 

Weligoodba indheergaradka bulshadu waxay ku foogganaayeen oddoroska aayaha dadkooda, u sahminta nolol wanaagsan iyo weliba inay u gogolxaaraan jiilasha dambe. Wax walba waxay leeyihiin unug ay ka askumaan ama bar laga anbaqaado. Si kale haddii loo dhigo, unuggu waa halka cudurka iyo caafimaadkuba ka billowdaan. Waxaa aad iisoo jiitay buugga la yiraa: “HIBAAD – kaabaha horumarka qoyska” ee uu qoray bare sare Dayax Cabdi Kulmiye. Geedka manka iyo miruhu buuxiyeen ee galka buugga ka muuqda iyo magaca Hibaad xaqiiqdii waa labo astaamood oo ififaale qurxan naga siinayo milgaha buugga oo dhan.

“Hibaad waa eray la adeegsado marka wax hagaagsanaa uu hagaas galo, balse, muddo kaddib billaaba in ay qayaayadii gashay dib uga kabsadaan. Iima sahlanayn iswaafajinta magaca iyo muuqa jaldiga buugga intii aanan ka bogan akhrintiisa, balse, goortii aan dhammeeyay ayaan gartay falsafadda uu aqoonyahanku adeegasaday iyo inuu cabbirayo aragtidiisa ah in Soomaalidu dhibtii ka soo yara kabsanayso uuna rajaynayo haddii unugga bulshadu helo garab iyo garasho uu magooli doono. Sida uu qofka jirrani u bogsado marka uu helo dawadiisa, si la mid ah ayaa aadanuhu hadduu helo hillin wanaagsan oo ay hormuud ka yihiin aqoonyahan garasho iyo damiir wanaagsan leh ayey bulshaduna u hibaaddaa oo ay barwaaqo-sooran u gaartaa. Tani waa aragtidii koowaad oo aan ka dheegtay jaldiga buugga.

Dhiganuhu wuxuu uga horreynba ifinayaa dhibaatooyinka bulshada, arrimaha sababa iyo sida ay u saameeyaan qoyska. Aragti kasta oo uu soo daliishado ayuu qoraagu isku deyayaa inuu waafajijo diinta iyo dhaqanka Soomaaliyeed oo buuggiisa u ah tiirar iyo tixraac. Cilmibaarista uu qoraagu sameeyey ka sokow, buuggu wuxuu dhinacyo badan ka eegayaa qoyska iyo arrimaha saameeya, si gaar ahna wuxuu u bidhaaminayaa arrimaha la xiriira xulashada lammaanaha, guurka, maamulka dhaqaalaha qoyska, horumarinta iyo baraare gaarsiinta qoyska. Raacidda hannaan aqooneed oo ku abtirsada dugsi la aqoonsaday waa mid bisha qoraaalka, tiirdhexaadna u ah habka gudbinta aqoonta.

Intii aan buuggan akhrinayey waxaa aad iisoo jiitay habka kala hormarinta farriimaha uu gudbinayo oo la moodo kaabe waxbarasho oo aad looga baaraandegay. Qoraagu wuxuu buugga ku billaabay inuu u iftiimiyo akhristaha dhibaatooyinka bulshada iyo sida ay u saameyso qoyska iyo weliba sida qoysku saamayn ugu leeyahay horumarka iyo dibudhaca bulshada. Dhiganuhu wuxuu sawir ka bixinayaa habdhaqanka Soomaalidii hore u yagleeli jireen qoyska iyo kuwo dhowaangalka ah ee hadda soo kordhay. Keliya kama sheekaynayo qoysaska ku dhaqan dalka hooyo ee weliba wuxuu u tallaabayaa qoyska qurbaha iyo xaaladda uu ku sugan yahay. Waxaan ku ammaanayaa qoraaga sida uu tooshka ugu iftiimiyay dhibaatada haysata qoysaska barakacayaasha isaga oo tilmaamay haddii aan la daryeelin inay saameyn taban ku yeelan doonto qoysaska kale.

Buuggu wuxuu ku qoran yahay af fudud oo cilmiyaysan iyo tusaalayaal sahalaya fahanka; waa sheekooyinka loo yaqaan sheeko-cilmiyeedka oo akhristaha aqoon iyo waaya-aragnimo ku biirinaya. Ugu dambayn waxaan bogaadinayaa dadaalka qoraaga iyo sida uu u soo bandhigay aragti horumarin karta qoyska Soomaaliyeed iyo guud ahaan bulshada. Waxaan sidaas oo kale ku boorrinayaa qoysaska Soomaaliyeed ee hore u jiray iyo kuwo haatan dhismayaba in ay ka faa’iidaystaan buuggan. Cidna dawgeeda ma aha in ay ka qaddo aqoon iyo xigmad laga soo tuujiyey cilmibaaris sannado badan qaadatay oo si dadban ama si toosa u xoojinaysa akhristaheeda.

W/Q: Aw Cabdiqani Xasan Muxumed

SHEEKOOYIN