Gorfeynta Buugga ”No time for goodbye” (Majiro wakhti laysku macsalaameeyo) W/Q: Hodan Hilmi

Wax aqrintu, waxa ay kobcisaa garaadka qofka. Dadkuna waxa ay ku kala duwan yihiin sida qof walbaa wax u aqriyo una dhuuxo. Hormar kasta oo la gaaro waxaa sal u ah wax aqrinta. Waxaa muhiim ah in qof kastaa waxa uu aqriyay ka helo nacfi isaga anfacaayo oo uu ka soo dhex shaqshaqday waxa uu aqriyay. Yaanan hadal kugu daalin ee ku soo dhawaaw buugga magaciisu uu kor ku xusan yahay.

Waxa aan halkaan ku soo gudbinayaa gorfayn (falaqayn) kooban oo ku saabsan buugga la yiraahdo: “No time for goodbye”, (Majiro wakhti laysku macsalaameeyo) oo uu qoray: Linwood Barcaly, lana daabacay: 25-sebtember 2007, waxaa daabacay Orion Publishing Group. Buuggaan oo af ingriis ku qornaa asalkiisu ayaa lagu turjumay 20 luuqadood, ayna ka mid tahay luuqadda swedish ka, ahna taan aan anigu ku akhriyay. Buugga oo luqadda Swedishka ah la yiraahdo: “Utan ett ord” (Kalmad la’aan) Waa sheeko faneed mala’awaal ah oo uu qoraagu si aad ah u buun buuniyay si uu xamaasad ama xiiso sare ugu yeelo sheekada.

Musiibooyin kala duwan, haddana kala daran ayaa dunida daafaheeda ka dhaca maalin kasta, musuubooyinkaas mid ka mid ayaa nasiib darro haleeshay gabadha uu buuggu ku saabsan yahay oo la jiraahdo: Cynthia.Yaa daran, inaad hurdada markaad ka soo toosto, ka war heshid in addunkii oo dhan ayba dad kugula noolayn iyo in reerkaagii oo dhan aan la garanayn meel ay cirrib iyo jaan dhigeen? Hadaba, buuggu wuxuu ku daah furmayaa Cnytia oo 14 sano jir ah, kana toostay hurdo barqadadeed oo isku boobtay dhar, una soo carartay xaggaa iyo jikada ka dib markii ay garatay inay saakay schoolkii ka habsaantay. Mise waa jikadii ood ba mooddo in aan cidi cagta soo dhigin wali, raashin iyo dhaq-dhaqaaq kalena warkiisaba daa. Hadba dhinac ayay u oroday, qolalka jiifka iyo musqulihii soo eeg eegtay ka dib sheekadu waxay isugu soo biyo shubatay in aabaheed, hooyadeed iyo walaalkeedba aan la ogayn meel ay cirrib iyo jaan dhigeen oo mindhaa sidii qiicii ayey cirkaa isku shubeen. Waxaa Cynthia halkaas uga billaawday musiibadii ay ka baqayday in badan, Cyntihia waxaa madaxeeda dhex maaxay su’aalo qof kasta is waydiin lahaa oo ay ka mid ahaayeen: Toloow miyey nool yihiin reerkaygii? Hadayse noolyihiin, sabab ayey iiga tageen aniga, mise cidbaa habeenkii inataan hurdayay nagu soo dheelmatoo dishay dhammaantood anigase i hareer maratay? Maxaa xalay dhacay taloow?

Cynthia oo war iyo wacaalba aan ka helin sidii ay wax u dhaceen ayaa go’aansatay: 25-sano ka dib in ay ka qayb gasho barnaamij telefeshinka ka baxa oo laysku dayo kiisaskii xabaalmay oo la xallin kari wayay beri hore in la iftiimiyo, Cnythia ujeeddadeedu kaliya waxay ahayd in ay kiis kii la xallin kari waayay 11-sano ka hor ay bal bulsahda la wadaagto, lana kaashato si ciddii war iyo wacaal ka haysa waxa ku dhacay qoyskeedii habeenkii ay hurdada dheer ku jirtay ay soo wargeliyaan iyada. Waxay Cynthia hadba meel la aaddo su’aalaheeda jawaab la’aanta ahaa muddo dheer oo ku aaddan waxa ku dhacay qoyskeedii oo ay ayada iyo ninkeedii ku sigteen in ay ku kala tagaan maadama ay ka samri la’dahay asna qaatu ka taagan yahay su’aalahaan aan jawaab loo helayn inay sii bataan mooyee. Haddana nasiib wanaag buugga gabagabadiisa waxay ku guulaysteen Cynthia iyo nikeedii Terry in ay jawaabo u helaan su’aalohoodii waliba ay ogaadeen in aysan reerku sidii qaac oo kale cirka isku shareerin oo ay wax dhaceen habeenkaas, haba noqdaan jawaabuhu kuwo aysan haba yaraatee cisho uun sawiran inay sidaa wax noqon karaan.

Qodob ama farriimood aan is iri; way ugu mudanyihiin in laga qaato buuugga waa:

  1. Ha u arkin reerkaaga ama qofka aad jeceshahay in uu yahay mid waligii jiraya, waayo; markaad u aragto sidaa waxaa yaraanaya in aad ilaashato u gallad hayso iyo waliba in aad Alle wayne uga mahadnaqdo in uu kugu mannaystay adiga uun. Aragtidaas ayada ah sidoo kale waxa ay sababtaa in aadan dareensiin dadka aad jeceshahay abaalka aad u hayso iyo waliba in aadan ku oran erayada ay kaa mudan yihiin maadama aad u aragto in ay waligood agtaada uun iska joogi doonaan. Marka, ku baraaruga waxa aad haysato oo Alle adiga uun ku siiyay intaadan wayn waa muhiim.

  2. In aan markasta hadalkeenna ugu fiican ku niraahno qoyskeenna ama dadka aan jecelnahay, waayo cidna nooma ballan qaadin in aan fursad u helayno “Macsalaamayn” waana waliba qodob aniga Hodan ahaan gaar ii taabanaya ka dib markii aan ka marag ahaa in Cnythia eraygii ugu dambeeyay ee ay ku tiraahdo aabahed intaysan seexan habeenkii ugu danbaysay uu ahaa: “ Inaad iska dhimataan jeclaan lahaa”, eraygaas oo ahaa mid iyada aad u gubay xitaa ayadoo sannado badan ka soo wareegeen musiibadii aan la garanayn oo ku dhacday qoyskeeda. Haddana, tani waxaan oran karaa waa mid aniga iyo adigaba nagu dhici karta maadama markuu qofku xanaaqo uu erayo aan ka dhab ahayn, balse, dhaawac galinaya isaga iyo qofka kale uu iska soo tuuri karo, sababtaas darteed ayaan jeclaystay inaan nagu baraarujiyo in “Macsalaamayn” meel noo saarnay ayna tahay in aan u fiirsanno erayada ugu dambeeya ee dadka aan jeclenahay aan ku oranyno hadwalba.

  3. Wax kasta oo dhibaato ah oo qofka soo wajeha in uu dhanka wanaagsan uun ka eego, kana fogaado fikirka ama suuradaynta xun ee shayddaanku u qurxiyo taas oo waxba terin in ay qofka dhaawacdo mooyee. Cyntihia ma aysan sawiran xaalado xun xun ee waxay markasta ku taaagneyd in uu qoyskeedii noolyihiin, balse, sababo ka celinaysa in ay la kulmaan iyada weli ay jiraan. Taasna waxaan oran karaa waa sifo wanaagsan oo qofka muslimka ah ay muhiim u tahay inuu leeyahay waayo waa tuu Alle na yiri: “Waxa aan ahay waxa ay addoomadaydu iga malaystaan”.

Gebegabada, buuggaan waxaan ku boorrin lahaa in ay akhristaan cidkasta oo jecel sheekooyinka ay ku jiraan xamaasad, dembi iyo qarsoodi daan-daansanaysa hab xallintaada caqliyeed. Ugu danbayntii waxaan idin leeyahay ogoow hadii aad haysato qoys ama qof ku jecel adna aad jeceshahay waxa aad la mid tahay qofka haysta waxa ugu qaalisan adduunyada oo idil ee si fiican u ilaasho Allena uga mahadnaq.

Home | My Site 4 (wixsite.com)

W/Q: Hodan Hilmi

NAGA LA SOO XARIIR: Admin@laashin.com

SHEEKOOYIN