Gorfeynta Dhiganaha BILAN W/Q: Xasan Cabdulle Calasow ”Shiribmaal”

Gorfeynta Dhiganaha BILAN

  • Magaca dhiganaha: BILAN.
  • Magaca dhigaha: Cabdirisaaq Xasan Jidhi (Aqwaan).
  • Bogagga dhiganaha: 112-bog.
  • Guga la daabacay: 2019.
  • Aslidda daabacaadda: Yalax Print, Muqdisho-Soomaaliya

BILAN waa dhigane dheeheed, dhabbaha u xaaraya: “Odoros bulsho”, laguna saabxiray kas lagu baanay iyo kasmo aqoonyahan. Waa dhigane kooban misana ka qara weyn kun buug oo aadan ku daaleyn baal-geddintiisa bilicdasan lagu biyaamiyey. Waa dhigane ku baraya wacaal tegay (sooyaal) wadci jooga (sabayaal) iyo waaya dhimman (siiyaal). Intaas baa dhexdiisa ku kulantay. Qoraagu waxa uu farfiiqayaa dhaqan qalloocaday, una baahan in laga haro, mar haddii uu yahay mid aan la socon karin waayaha adduun ee la gaaray iyo aayaha dambe ee la muuqsanayo. “Dhimaal dhaqan”. Dhanka kale wuxuu bidhaaminayaa, dhaqan toosan oo kaa lidkiis ah, balse, u baahan turxaan bixin iyo toosin hagar la’aaneed. “Dhaqan dhowrasho”. Ha moodin in dhiganuhu kuu sheegayo wax aad ogtahay, hana u qaadan inuu siyaasaddii sirgixneyd iyo kuu suuraynayo siyaasi ham-hamle ah. Maya! Intaasba maahan ee waa sheeko maantuujis ah, qoraaguna go’aansaday inuu garaadka bulshada ku dhiso. Waad ila garatay in dhiganuhu sido “maandhis bulsho” haah! Waa intaas oo qura!.

Ma jirtaa adiga oo ku talagalay laba arrin middood in ay kugu soo baxdo talo seddaxaad oo aan qorsha kuugu jirin? Waa wayddiintii uu dhiguhu ku iba furay qisada BILAN. Qofka ama qolada marka aad dooneyso inaad wax u tilmaanto ama u sheegto waxa jira qaab fudud oo dadkaas dareenkooda lagu soo jeediyo. Sheeko walba milgeynteedu waxay ka billaabataa albaabka koobaad ee laga galo sheekada. Haddaba, qoraaga sheekada BILAN inta uusan kuu warramin ayuu dareenkaaga si toos ah ula falgelayaa, kolka aad is ballaqdo oo masxakdaadu ay is furto ayuu sheekadii maceyd qac kaaga siinayaa. Guud ahaan sheegidda warku, gaar ahaan tebinta sheekadu waxay milgo iyo mudnaan ku yeelataa shan arrin middood:

  • Cidda sheegta
  • Cidda loo sheego
  • Goorta la sheego
  • Goobta lagu sheego
  • Habka loo sheego.

Haddaba, sheekada BILAN waxay kulansatay shantaas hab, maxaa yeelay, ciddii ku habbooneyd inay sheegto ayaa Ilaaheey ayaan iyo hoodo uga dhigay. Ciddii loo sheegi lahaa oo annaga ahna waa loo soo bandhigay. Goortii ku habboneyd in la sheegona waa la soo tebiyay. Sidoo kale goortii ay mudneyd in la sheego waa ay ku soo aadday. Habkii loo baahnaa in loo agaasimana waa loo iba furay.

Qisada BILAN waa sheeko si farshaxan leh la isugu falkiyey. Sheekooyinka waxa kala weel duwa hadba sida loo meeriyo ee sheekada BILAN waa mid qof nool uu hortaada ku marinayo oo kale. Waa sheekooyinka ku dalxiisiya ee jiraalka carra-edeg kugu soo wareejiya. Waa sheeko isaga tallaabeysa dhowr waddan. Soomaaliya, keenya ilaa ay koofurta koofureed ee Afrika (South Africa) kaaga sinto ee haddana ay isla Soomaaliya dib kuugu soo celiso. Waa sheeko marka koobaadba Baar ubax baabuur caasi ah kaa saareysa. Marbaan is iri: Qoraagu cidda uu qisadooda tebinayo waa adiga, maxaa yeelay, inta ay sheekadu mareyso ayaan anna si dhab ah u maray.

Sheekada BILAN waa qiso lagu iidaamay hal-muceedyo ashqaraar leh oo uu qoraagu kolba dhinac ka soo gelinayo. Dhiganayaashu midna qofku asiga ayaa aqriya, midna asiga ayaa is aqriya ee buugga Bilan waa mid isagu is aqrinaya, maxaa yeelay, adiga oo aan ogeyn goorta aad geddisay bogga kale ayaad baalal-rogiddiisa kaga duseysaa si dhaqso ah. Waa sheeko mar kaa farxineysa, mar kaa oohinaysa, mar aad la murugooneyso, mar wayddiimo aan si fudud looga warcelin karin maankaaga ku kala fureysa, mar waa oddoros iyo hilaadin, mar kalena waa tilmaan iyo talo siin. Si kale kuma garatid ee waa nolol dhammeystiran oo macaan iyo qaraar ba leh.

Dalmar ayaa koofur Afrika ka soo laabtay. Wuxuu jiidaal dheer usoo gooyay si uu u arooso Bilan. Hoodo iyo ayaan badanaa. Dalmar waxa lagu nikaaxiyay Bilan. Alla bilanaa oo boqranaa maalinka dadab-galkaagu uu billow yahay. Bilan waxay ka soo baxday magaalada Marko. Waxay safar usoo tahay magaalada Muqdisho oo Dalmar ku sugayo. Ballanta waxa lagu gooyay inay casirka ka hor ku wada qadeeyaan guriga cusub ee arooska loo taban-taabiyay, balse, maxaa dhacay? Dhiganaha BILAN ka doon wixii dhacay! Ilaahow ha na joogin mahaas! Habkaas iyo habab kale oo ka sii horumarsan ayuu qoraagu sheekada noogu soo tebinayaa.

Jilaaga sheekada hoggaaminaya waa Dalmar. Jiridda ay ku arooreysana waa BILAN. Bilan waa gabadha dhiganaha dhamba loo magac daray. Ha illoobin sheekada waxa dhex ceegaaga jilayaal kale oo qolaba ay si uga qeyb qaadaneyso. Aqriste ii oggoloow inaan kula wadaago dhacdo yar oo kaa qoslin doonta, kana mid ah qisada Bilan.

Haweeneey ayaa waxay buufis u joogtay magaalada Nayroobi muddo seddeed sano ah. Maalin baa nin ay qaraabo soke yihiin oo ingiriiska ka yimid wuxuu u keenay baasabboor ay leedahay haweeneey kale oo waxoogaa u yara eg, balse, hal il ayey la’dahay haweeneyda baasabboorka iska lihi. Marka waxaa qasab noqotay inay iyana il isku qabato marka ay ka dhoofeyso eylaboorka. Dadaal dheer ka dib, way u suuragashay in ay kenya ka soo dhoofto, waxayna ka soo degtay garoonka diyaaradaha ee magaalada London. Waxay ku mashquushay quruxda iyo bilicda uu garoonku u dhisan yahay. Waxay illoowday in ay isku qabato ishii ay la’eed ee lagu ballamay inay isku qabto. Wax yar ka dibna, waxaa ka hor yimid sarkaal waaxda socdaalka ah wuxuuna si degdeg ah ugu yiri: “Keen baasabboorkaaga?” wayna u dhiibtay. Markii uu sarkaalkii kala furay baasaboorkii ayey iyaduna soo xasuusatay ballankii ahaa in ay hal il isku qabato, isla markiina dhab ayey isku tiri ishii. Sargaalkii oo yaabban! Ayaa mar labaad islaanta wajigeeda eegay. Saa waxay isku heysaa il ay sikinno ka hor wajigiisa ku fiirinaysay!. Mar kale ayuu sargaalkii baasabboorkii eegay, isla sikimahaas ayey haddana ogaatay in isha ay isku qabatay aysan aheyn ishii lagu ballamay, markaas ayey si degdeg ah haddana ishii kale isugu qabatay!.

Qisooyinka gaagaan ee farxadda iyo qosolka leh ayaa sidaas ugu iidaaman sheekada Bilan. Qiso walba waxay sheekada ka soo gelaysaa boos ku habboon oo uu qoraagu si ildheeri ah uga baaraandegay, taas oo aan ka garaneyno sheeko aqoonnimada, af-dhilidda, eray dhayidda iyo shaqal tooxidda qoraaga. Sheekada gudaheeda waxa ku jira; xigmado gaagaan, balse, farriin mug leh gudbinaya. Tusaale:

“Qofku marka uu faraxsan-yahay wuxuu dhageystaa muusigga, marka uu murugeysanyahana wuxuu fahmaa erayada”.

Waa murti kooban, misna farriin mug leh gudbinaysa. Waxay ka mid tahay xirmoodhinka yaabka leh ee dhiganaha Bilan dhex bilqan.

Waxaa halheys ii ahaa: ”Buur ahaaw ama buur ku tiirsanow, balse, maanta xaalku waa sida wadnihii la wayddiiyay maxaad la boodbooddaa ee ku warceliyay wax xun baa ii deris ah waa sambabe”.

Cajiib! Waa sarbeebo iyo erayo dahsoon oo aan si daalacan ah loo garan karin gunta hoose ee ay ku tolan yihiin ama macno ahaan ay daaran-yihiin. Kaliya waxa aad farriimahaas warcelintooda ka wabxi kartaa kolka aad aqriso dhiganaha Bilan.

”Waxaan diyaar u ahay inaan noqdo Yaxaaskii afka haddii uu la waayo, seynta ku raadin jiray ee uma diyaarsani sida Waraabihii yiri: haddii dacas la ii helana Alxamdullillaah, haddii la ii waayana Rabbil caalamiin”.

Haddaba, hal-muceed walba oo sheekada Bilan ku iidaaman wuxuu daaran yahay, dhacdo ay ku habboon tahay in lagu tusaaleeyo. Qooraaga BILAN Cabdirisaaq Xasan Jidhi (Aqwaan) waxa jira dhigane oo uu qoray lana yiraahdo: 707-Xikmadood. Dhiganaha BILANNA wuxuu igu qasbay inaan buuggaas kale raadiyo, maxaa yeelay, waxa aan dareensanahay xigmadaha iyo hal-muceedyada aan ka helay buugga Bilan waxaan filayaa kuwa ka sii culus inay ku jiraan buugga: 707-Xigmadood, isla markaana ay xigmadaasi ka maqan yihiin nolosheyda. Run ahaantii qoraaga Bilan qof ahaan waan u aqiinnay weliba muddo dheer, balse, kolkii aan idleeyay dhiganaha Bilan mar kale oo sidii hore ka culus ayaan sii bartay.

Ma ahan buun-buunin aan buugga u sammeynayo run ahaantii ee waa dareen hadal uu buuggu iga keensaday. Haddii la i dhihi lahaa magac u bixina waxaan ugu wanqali lahaa sheekadii qarniga. Waa sidaas oo dhab ah oo waa sheekadii qarniga. Sida la isugu soohay ee haddana la isugu libxiray ayaa waxay tahay milgo gaar ahaaneed oo qoraagu gooni la yahay. (Hibo rabbaani ah).

”Lacagtu waa cad waraaq ah oo laysku af gartay in wax la isku dhaafsado, haddaba, is af garadkaas kuma jirin in la iibiyo rajooyinka dadka nool. Dheemanka iyo luulku waa la mid waana dhagxaan xarrago ahaan loo xirto ee ma jiro ruux marka ugu dambeysa ku gaajo bixi doona”.

Is waafajintu culusaa oo tebinta sheekadu macaanaa! Maxaa kugu soo dhacaya marka aad intaas isu aqriso. Inaad aqriso kama wado ee waxaan ula jeedaa inaad isu aqriso, ujeeddadana aad fahamto, ka dibna, aad dareen soo jeeda kula falgasho.

Waa sheeko leh bar billow, isla markaana leh bar dhammaad. Waa sheeko si toos ah loo tebinayo oo inta toos laguugu billaabo isla markaana toos laguugu dhammeynayo. Waa sheeko aad mooddo in qof kaa soo horjeeda uu kuu sheekeynayo. Sideeda ba sheeka qoristu ama tebintu waxay wax badan la wadaagtaa bulsho dhisidda, dowlad dhisidda iyo dad dhiska intaba, maxaa yeelay, sheekadu waxay leedahay gole yaal kala sarreeya, tebintana ku kala mudan. Sidaas ayaa sheeko qorista loo la xariiriyaa dowlad dhisidda.

GUNAANAD:

Dhiganaha BILAN, waxa uu mudan yahay in loo dhigo madallo tiro badan, si looga doodo dhaqan dhilidda bulsho ee uu gudbinayo. Waa hubaa haddii aad dheehato inaad ka dareen celin-doonto, garaadkaaguna furfurmi doono. Aqri Bilan oo baro noloshaada bar ka mid ah. Waan hubaa in qeyb ka mid ah ay ku saameyn doonto e.

AFEEF:

Haddii aan daawga garan waayay ma ahan ku talogal ee waa ilduuf ee ii cudur-daar, ha na ila yaabin falaqaynta iyo gorfeynta aan ku sameeyo buugaagta waxay ifisaa dhiganaha dhankiisa san iyo meelaha uu anfaca ka leeyahay. Wixii aan dhexdiisa ka tebo oo dhimaal ahna si toos ah ayaan qoraha ula wadaagaa. Waa shaqo la kala leeyahay. “Wixii dheef ah bulshada ayaa leh.” Wixii “Dhimaal ah na qoraha ayaa leh.”

W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

NAGA LA SOO XARIIR:

laashin77@gmail.com

admin@laashin.com

 

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.