Gorfeynta dhiganaha Jamashada Haweenka W/Q: Cabdiraxiin H. Galayr

Gorfeynta dhiganaha Jamashada Haweenka

Dhiganaha Jamashada haweenka ee uu qoray  Qoraa, Hal abuur Ibraahim Cismaan Afrax Nolosha, Dhiganahan oo  uu deeq ahaana uu iigu soo direy qoraagu mahadi haka gaadho ayaan u helay haleeltiin wanaagsan iyo kansho inaan dhex dabaasho xogaha iyo farriimaha togan ee uu xambaarsan yahay

Jan iyo Jamasho.

Waxaa jira erayo inta badan kala leh lab iyo dhedig oo haddana mararka qaarkood laysku kaho oo ay jiraan dad labada dhinacba u adeegsada  haddaan tusaale usoo qaadano waxaa ka mid ah MASAYR IYO HINAASE. Masayr waxaa si gaar ah u leh dhediga, halka Hinaase uu gaar u yahay labka.

Bal haddaba aan is dul taago  dulucda magaca oo yara qeexno inta aanan gudaha u gelin biya dhaca iyo dulucda dhiganahan magaciisu yahay JAMASHADA HAWEENKA.

Jamasho: Eraygan ayaa ah wax naftu raadiso oo ay  baahi iyo jeel weyn u qabto hanashiidaa,  inta badan erayga Jamasho ayaa ah mid u gaar ah dhediga halka raggu loo adeegsado Calmasho, oraahdan calmasho labaduba waa adeegsan karaan, balse Jamasho waxay gaar u tahay dhediga.

“Ruux hadduu ku jeclaado ku jantey baa la yidhaah” Eray weliba wuxuu leeyahay duluc uu xambaarsan yahay, waxaa jirta dhaqan soo jireen ah oo haweenka Soomaaliyeed marka ay uurka leeyihiin ay jaman jireen, haddii haweenaydu wax jamatona waxaa lama huraan ahayd in la helo, Jamashaduna waxay ahayd mid alaaba dadka qaarkiis rumeysnaayeen haddii la waayo waxii gabadhu jamastey in halis ay keeni karto iyo dhimasho, waa habdhaqankeeni bulsho ee hore.

Jamashadu waa rabitaan xeeldheer oo fog  xambaarsana dareen mug weyn oo baahi iyo lagama maarmaan ka dhigaya waxaa qofku jantey. Haddaba haddiiba Jamasho la yidhi Haweena la raaciyey, waxa uu dhiganuhu ina baraya, haweenka iyo habdhaqankooda, doorasho, xulasho, filasho iyo hanasho.Haddaan intaas ku koobo qeexida iyo qaada dhiga Magaca dhiganaha waxaan rabaa hadda inaynu gudaha u galno oo bal aan wax ka taataabto farriimaha uu xambaarsanyahay ee uu qoraagu ku gudbinayo dhiganahan.

Farriinta dhiganaha

Dhiganaha Jamashada Haweenka oo uu qorey, qoraa dhallinyaro ah aadna u da’ yar ayaad moodaa sida uu u faalleynayo habdhaqanka wadaaga nolosha iyo haasaawaha hore inuu konton gu’ reer soo dhaqayey, waxaa uu si hufan oo anshax iyo dhawrsooni ku dheehantahay u qaadaa dhigay sida iyo habka ugu wanaagsan ee laba  gayaan isku xulan karaan, arrimaha uu saldhiga uga dhigayna waa kuwo dhammaantood carra edeg ilma aadanka ku nooli isku raacsan yihiin oo uusan muran ku jirin.

Cutubyada dhiganaha

Cutubyada uu xambaarsan yahay dhiganuhu maaha kuwo qormo iyo faallo lagu koobi karo waxaanse ka soo qaadan doonaa intii aan is iri waa haldoorka.

 Waa kuma ninka haweenku doonayaan?

Cutubkan ayuu qoraagu si quman wuxuu farta ugu fiiqaya midka uu yahay kan inan ama gabadh weliba saadaalineyso inuu noqdo lammaanaheeda ay nolosha la wadaagi lahayd, halkaas laba arrimoodba qoraagu wuu is dul taagay.

  1. Tababar quman oo uu siinayo ragga
  2. Hiilo dhanka haweenka.

Qoraaga ayaa waxa uu si weyn u lafa gurey arrimaha ma dhaafaanka u ah lammaane nolol wadaaga oo hadda wadajira iyo kuwa doonaya inay hadda dadabgalaanba, waxaana ka mid ah arrimaha uu lama huraanka uga dhigay inay a yimaadaan:

  •  Wada hadal ama Is af garad  dhexmara labada qof iyo in ninku si aad ah uga war hayo gabadha uu gaclooday taasoo ah in xiriirkoodu uusan noqon mid gabargaal ama kala baadis dhexgasho ee noqdo mid si weyn laysaga war hayo.
  • Jacayl dhammeystiran oo si wadajir ah laysula waldaamiyo qof weliba dhankiisa ka ilaaliyo iyadoo weliba midba isku dayayo kan kale inuusan dhankiisa u ciirin, si haddii dhan qura noqdo aysan u iman burbur iyo kala tag keena guuldaro.
  • Is weheshi,in labada qof noqdaan kuwa si weyn isu kaashada dhib iyo dheefna wadaaga iskuna tiirsan tanoo ka dhigeysa kuwa isaga dhaw dadka kale.
  • Kalsooni: Qodobkan ayaa ah mid uu si weyn u lafa gurey qoraaguna ku tilmaamey inay tahay xariga isku haya lammaanaha iyo midka keliya ee keeni kara in wadajirkoodu waaro haddii ay ka siman yihiin dhanka kalsoonida. Kalsoonidu waa inaad run ka sheegto xiriirkiina sidoo kalena aad rumeysantahay aragti iyo oraahba lammaanahaga oo aan tuhun iyo madmadoow kaa gelin, kan kalena sidaa si le’eg u yahay mid kuu rumeysta oo ka run sheega xiriirka iyo nolosha lammaanihiisa.
  • Dulqaad: Dulqaadka ayaa ah mid saldhig u ah is Afgarashada iyo heshiiska lammaanuhu inuusan burin oo waaro, ha wada noolaadaan ama markaas haasaawe ha wadaagaane.
  • Tixgelin: Qodobkan ayaa ah midka ugu weyn ee lagu hanto lammaane is jecel, haddii qofba qofka kaleishiisa, dhegtiisa iyo  dareenkiisa ka ilaaliyo wax dhiba oo naafeeya gacalkooda.

Qodabbadan dhiganaha qoran ayuu si weyn isu dul taagan mid walba dhacdo iyo sheeko la xiriirta ku soo bandhigay si weyna u hannaaniyey una haaneeday.

Bogaadin.

Ugu horreyn horta qoraaga waxaan ku bogaadinaya hawsha weyn ee uu isu xilqaamey ka hadalkeeda ahaydna irid awdnaa oo u baahnaa dabool ka qaadid iyo lafa gurid, waxa uu ku dhiiraday arrimo aan si quman oo qotodheer looga hadlin, kuna saabsan xulashada gayaanka iyo habdhaqanka lammaanaha, kuwa markaas wada jira iyo kuwa baadi doon ku jiraba.

Waxyaabaha aadka ii soo jiitey ee buugga ku jira  ayaa ah inuu qoraagu is dul taagay qodob walba oo uu ka hadlay tusaale iyo dhacdo muujinaysa keenay, waa hannaanka hadal gudbis ee bulshadeena in dhacdo lagu kabo gudbinta arrin si hoga tusmeyntu u yeelato marag iyo  xog ogaal muujiya.

Qoraagu wuxuu ku fara yareystay haba tebineedka sheekooyin badan oo dhiganaha iyo halkudhigiisa la halmaala, Cutub walba iyo  halkudheg walbana wuxuu dul dhigay  suugaan mid hal abuur  tixeed ah iyo mid hawraar sheekeed ah.

Waxa uu 97% ka dheeraaday inuu habka dhallinta cusub ugu milmeen reer galbeed uu xigto dadyow shisheeye iyo araah bulsho kale, waxa uuna si mug leh ugu saleeyey guud ahaan gudbin duluceedka dhiganaha dhaqanka iyo nolosha bulshada Soomaaliyeed.

Dhiganaha Jamashada Haweenka ayaan dhihi karaa waa midkii ugu muga cusla uguna mucda iyo miilanka weynaa ee laga qoro, hannaanka nolosha lammaanaha iyo lama huraankooda. Waxaanan kula talin lahaa wiil iyo gabar walba,  qoys walba oo wada joogaa inay gurigooda dhigtaan kuna dhaqmaan habka iyo hannaanka wanaagsan ee uu qoraagu bulshada ugu hagarbaxay, hubaal dhiganahan ayaa baraya bulshadeena wax badan, qof  weliba markuu aqrisanayo waa iska dhex arkayaa ama lammaanihiisa ayuu ka dhex arkayaa.

Dhaliil.

Qoraaga ayaa awoodda saaray in keliya uu soo bandhigo Jamashada Haweenka iyo doorka looga baahan yahay raggu inay ku hantaan gabdhaha isagoo si qotodheer aad  moodo inuu ugu janjeedhsaday dhanka haweenka, waxaan u soo jeedinayaa in Aslida iyo daabacaada labaad uu ku daro qodobbada haweenka looga baahan yahay inay ku hantaan kuna xasiliyaan lammaanahooda ragga ah.

FG: Waxaa hubaal ah inaan qoddobo badan oo dhiganaha ku saabsan ka tegay, intii aan anigu mudnaanta siiyey ayaan kula wadaagay waxaanan doorbiday inaad adiguna dhankaaga kala xulato. Mahadsanidiin

Cabdiraxiin Hilowle Galayr

SHEEKOOYIN