Gorfeynta dhiganaha: WAAYIHII WARSAME W/D: Ina CUBTAN

Gorfeynta dhiganaha: WAAYIHII WARSAME

Mareegta iyo madbacadda Laashin oo hormuud u ah waxsoosaarrada Soomaalida ayuu ka mid yahay dhinagaha ‘Waayihii Warsame’, waxsoosaarkeeda, oo soo baxay dabshidkii 2019, uuna qoray: Cali M Diini.

Waa dhigane sheekeed ah, -oo si marka loo fiiriyo-, haddana, ay madbacadda Laashin horseed u tahay jaadkeeda, kuna salaysan maancuris iyo maantooleyn, haddana, aan jiraalka dhabta ah ka dheereyn nolosha lagu jiro ama dhawaan la soo dhaafay, oo ay ku jirto waanoqaadasho iyo milicsiga waayeed.

Qoraa Cali M. Diini, oo ka mid ah dhallinyarada faca cusub ee qalinka iyo qoraalka fufkiisa ka dhexmuuqda, wuxuu dhiganahan ‘Waayihii Warsame’ ku saabiyey sheeko werinteeda xogo badan ku jiraan, uuna si sare oo suugaamaysan ku suubbiyey.

Dhiganaha ‘Waayihii Warsame’, wuxuu faallayn, falanqayn iyo faaqidaad isugu darayaa heer iyo hab nololeed oo ay adag tahay, inuusan soo marin soddonjir maanta ku nool Soomaaliya ama geeska Afrika, haddii asoo weyn uu tagay dibadda fogna uu kuwaa la dareen iyo habdhaqan yahay.

Dhanka kale, wuxuu tebinayaa miyi-ka-guurka iyo magaalowga, oo ah hayaanka Soomaalidu wadday barka boqolleydii la soo dhaafay iyo labaatanka hore ee boqolleydan, oo ah sheeko laga dheehan karo aragtiyo bulsheed cusub, oo ugub ku ah hab nololeedka Soomaalida, xeerarkooda, ilbaxnimadooda, warhelkooda, hoggaankooda iyo guud ahaan qaababka kale ee bulsho u dhaqanto, ee suugaan, curis, hal-abuur leh.

Waa Warsame oo noloshii miyiga qawaday ka dib markuu arkay asaaggiis oo ka laalaabtay qaxarkii xoolaraacidda miyiga una digarogtay tu magaalo oo u muuqata mid ka dhib yar kana dheef badan, balse, Warsame intaas waxbaa u wehliyay, oo ahayd u sahminta qoyskiisa nolol ka bilan tan ay markaas ku sugnaayeen. Waxa uuse Warsame moogaa in nolosha magaalada si walba oo ay uga bilan tahay tan miyiga, haddana ay ka halaq iyo halis badan tahay, haddii aadan lahayn maskax iyo muruq aad ku maarayso.

Malaha haddii uu dhugmo u yeelan lahaa sarbeebtii ay warinaysay sheekadii Galaal iyo Waraabe ee Maryantiii ay Abuu Xaniifa isku barteen uga sheekaysay maanta ka ma uu calaacaleen gambarka yaalla qarka badweynta Baasifigga, oo Maryan ayadu ma uurkubaalle ayay ahayd?

Dhiganaha ‘Waayihii Warsame’, waxaan dhihi karaa, waxaa dhextaal u ah, haddii uusanba ku dulwareegayn ka sheekaynta ISDIIDDOOYINKA bulshada ka dhex aloosmay horraanta burburka, ka dibna faafid ka sokow, aad u sii xoogaystay, ee kooxaysiga diineed, is-urursiga wadaaddo iyo dhaqdhaqaaqyada dhawaangalka, ee Soomaalida u la falgalay fawdada iyo hannaan la’aanta.

Wuxuu qoraa Cali M Diini, si ogaal iyo aqoon ku dheehan tahay u kala dhigdhigayaa, sida ay bulshadu dhib ugu qabtay, welina ugu qabto aragtiyaha dhawaangalka ah ee diineed, haddana, gabbaadka ka dhigta baahida jirta, saboolnimada iyo wax la’aanta, oo dad badan u gudbisay, inay ku dagmaan dabinnadooda.

Wuxuu qoraa Cali M Diini si xog-ogaalnimo ah u werinayaa loollanka u dhexeeya dariiqada weyn ee Suufida iyo ururradii diineed ee dalka ka hanaqaaday burburka ka dib oo magacyada badan yeeshay, markii ay kala falliirmeen oo dano ku qaybsameen, isla iyagiina ku kala tageen aragtiyihii cusbaa ee ay wadeen.

Midda ugu xanuunka badan ee uu qoraa Cali M Diini si qumman u haaneedinayo, waa sida aragtiyihii cusbaa uga qaybqaateen xagjirnimada dadka qaar gaarsiisyey, inay qof Muslin ah oo Salaad soo oogay, guri Eebbana ka soo baxay, hortiisa taagan ama weli ku dhexjira, ka darane, weli dukanaya, misnana ka sii halis badane sujuudsan inay DILAAN!

Qoraa Cali qaab dhaqankan diineed ee ugubka ku dhex ah bulshada ayuu si waafi ah uga warbixinayaa, maxaa yeelay, way adag tahay, in la helo soddon jir aysan saamayn mid dadbanba ha ahaatee ay ku yeelan, taasna ay dhashay bulsho wada seef-la-bood ah, oo arrin walba diineynaya ama xukun walba oo sharciyeed ka warcelinaya. Dhanka kale, qoraa Cali wuxuu isdultaagayaa hayaanka miyiga ka jira iyo magaalo u guurka, oo dhaqankiisa iyo dhalandoorsoonkiisa wata, maxaa yeelay, hadda dhaqan ahaan Soomaalida weli miyiga ku harsan iyo kuwa magaaloobay si loo kala saaraa way adag tahay, oo hadda magaaladii ayaa ah miyi ay dhismayaal keliya ka dhisan yihiin noqotay.

Arrinta mugga leh ee dhiganaha ‘Waayihii Warsame’ aad ku arkayso waxay tahay sida uu qoraa Cali ugu xishay erayo fudud, weero furan iyo aragtiyo dadka dhan wada garan karaan, oo aniga i soo xusuusisay qoraagii weynaa ee reer Masar Daaha Xuseen (Duqa Suugaanta Carbeed), oo qalin fududeydka iyo qoraal fidsanaanta uga soocnaa qorayaashii kale ee ay isku da’da iyo waayaha ahaayeen sida Cabbaas Maxamuud Caqaad.

Qodobkan waxay dhiganaha u dhaweynaysaa dad badan oo dhignayaal kale uga diday inay ku qoran yihiin af suugaaneed adag, dhanka kalana, ka faallooda arrimo si ahaan uga durugsan facacusub iyo garaadkooda nolol ama magaalo.

Midda kale ee Waayihii Warsame sii bilaysaa waa halka qoraagu sheekada ka amaamuday: Warsame oo dhexmaquuranaya xasuuso hore oo xunuun badnaa, godobyo uu galay iyo gaboodfallo uu ku kacay iyo kuwa asaga lagu la kacayba, waxa uu na waydiin; in imaanshihiisii dunidu uu sax ahaa iyo kale, markaas buu haddana xasuusanayaa in taasi ahayd awood ka sarraysay oo aan cidina ka talagalin. Sidaa oo kale ka tagista adduunkana aan wax talo asaga looga baahnayn, xataa aan ogaysiis la siinayn marka laga siibayo nafta. Waxaaba la oran karaa dulucda sheekada oo dhan waxaa soo koobaysa heesta uu Warsame kolkaas dhagaysanayo ee Ammaanooy ee uu qaaday hoobaylkii waynaa, Cabdalla Yuusuf Hanuuniye.

Ugu dambayn waxaan qoraa Cali M Diini ku bogaadinayaa sida quruxda badan ee uu dhiganahan u haaneediyey, halka mareegta iyo madbacadda Laashin ugu hambalyeynayo buuxinta kaalin qaran iyo qowmiyad ay ka gaabiyeen, oo dhabtii dhaxal bulsheed oo loo aayayo reebiddeed ka sokow, haddana faca hadda nool u ah dhaayafur iyo dhigaal aqoon iyo ogaal u kordhinaya.

W/D: Ina CUBTAN

NAGA LA SOO XARIIR:

laashin77@gmail.com

admin@laashin.com

 

SHEEKOOYIN