GORFEYNTA GACAL IYO GAYAAN W\Q:- Garaad Nuur Xuseen Maxamuud

GORFEYNTA GACAL IYO GAYAAN

Waa buuggii Gacal Iyo Gayaan. Buuggaan waxaa qoray, Xasan Cabdulle Calasow Shiribmaal, run ahaantii waa buug aan aad ula yaabay xaqiiqdii, haddii aanan buuggaan xog ka hey laheyn ama aanan la socon amminkii la qoraayey waxaan dhihi lahaay waa minguuris, qarniga hadda la joogana ma jiro qof sidaan wax u qori kara, balse, buuggaan xilligii la qoraayay ayaan si taxane ah ula socday. Haddii aan ka sheekeeyo buuggan, waa buug sheekeed la yaab leh! walina aanan arag qoraa nuucaan wax u qoray. Waa buug ka sheekeeynaayo hab-dhaqanka ay dadkii hore u sheekeeysan jireen ama laysku shukaansan-jiray ama leysku xod-xodan jiray, waa buug dhaqan fog ka sheekeeynaayo kuna qoran afsoomaali barax tiran oo aad u anfacaayo da’yarta maanta iyo kuwa berriba.

Buuggu kama hadlayo shukaansi iyo xodxodasho kaliya ee magaca buugga oo ka turjumayaa jaceyl ayaa waxa ku hoos duugaan adduun kale oo aynaan ununku arkin, balse, laga yaabo inay dadka soomaaliyeed soo mareen. Gacal iyo Gayaan waa sheeko ka waayo warrameysa dadka soomaaliyeed oo kaligood ah af kale iyo ummad kalena aysan la joogin. Waa sheeko dal barasho ah, waa sheeko dad barasho ah, waa sheeko duunyo barasho ah, waa sheeko duurjoog barasho ah, waa sheeko dabjoog barasho ah, waa sheeko xammaarato iyo baalalleey barasho ah. Intaas marka laga yimaado haddana waa sheeko af barasho ah. Sheekada waxa aan dhexdeeda ka marneyn oo ay weliba si mug leh u xeerisay, garta, magta, daqarka, guurka, beerashada, dhaqashada xoolaha, colaadda iyo sidoo kale nabadda. Waa sheeko si asluub iyo anshax leh loo qoray oo haddii dhankaas aan ka fiiriyana ah mid wacyiga diimeed kor u qaadeysa. Sheekada dhexdeeda waxaad ka baranaysaa in dadka soomaaliyeed ay haysteen inta ay jirtay diinta Islaamku, waa marka aad dhedhenka sheekada ku baraxdo hagaagsanaanta diinteenna suubban.

Waxa aad ii soo jiitay, hormada shanaad oo ka sheekeynaya qofka labaad ee sheekada jilaya waa Dheeho. Sheekada waxa ku jira boqollaal qofood oo kala duwan, weliba magacyada uu qoraagu u doortay ayaa leh ashqaraar u gooni ah. Sheekada xooggeedu waxay ku socotaa wiil iyo gabar wiilku waa Dhaashane, gabadhuna waa Dheeho. Haddaba Dheeho ayaa leh: “Waxaan dhashay gugii Isniinaad oo afar gu’ ka dambeeyay gugii Arbaco koombaaley iyo khamiis kala haad. Yaab! iyo Cajiib!! Arbaco Koombaaleey oo kolba abaar iyo harraad jiray dartiis loogu bixiyey magacaas aniguna aan u heysa jiray wax khiyaali ah, ayaa sheekadu waxay dhaafsiiyey khiyaalinimo iyada oo ay Dheeho leedahay waxaan dhashay afar gu’ ka dib gugaas arbaco koombaaleey.

Inta aad sheekada ku dhex socoto ayaad arkeysa adiga oo dhinacyada fiirinaya inuu Libaax ku soo weeraray iyo in kale. Waxa kusoo jiidanaya habka ay u dagaallamayaan Libaaxa Kowkabaha ah iyo Dhaashane iyo sidoo kale habka ay wacadka u wada gelayaan. Weligaa miyaad aragtay Libaax lugtiisa hore 3-jeer dhulka ku xarriiqaya asiga oo ku leh: “Aan is nabadgelinno”. Cajiib!! weligay waan maqli jiray Libaaxu qofka dilaya dadka waa uu ka yaqaan, haddana sheekada buuggaan Gacal iyo Gayaan ayaa ka dhigtay run. yaab kale! iyo fajac hor leh! Haddii aysan sheekadu ahaan lahayn khiyaali uu qoraagu allifay, waxaan u qaadan lahaa wax dhab ah oo dhacay, balse, waxaan aaminsanahay inay sheeko dhab ah oo dhacday tahay. moogi!!

Buugga Gacal iyo Gayaan wuxuu igu reebay xusuus gaar ahaaneed, ma ogi inay tahay wax ay ila qabaan dadka soo aqriyey iyo inay aniga uun kaligeey igu tahay, weliba wuxuu i dareensiiyey inaan aniguna wax qoro.

Sheeko haddii aysan kulbeegga dareenkaaga kicin inta aad aqrineyso sheeka ku saameysay maahan, balse, sheekadaan GACAL IYO GAYAAN ayaa i geysay adduunyo aanan anigu hore u arag meelaha qaarkoodna aananba maqal oo igu cusub. Waxase aanan inkireyn inay bulshada soomaaliyeed soo mareen waayo wacan dhibkoodaba ha lahaadeene, sida colaadda iyo biyo la’aanta baahsan oo qarniyo fog jirijirtay dadkuna ay ahaayeen kuwa biyaha u doonta ceelal loo soconayo 3-maalmood iyo ka badan.

Isku soo wada duuboo sheekadaan ayaa isku fuuqsatay, wax aan dhicin, wax dhacay iyo wax dhiman intaba. Haddii aad hore u aqrisay buuggaan fadlan ila wadaag sida uu kuu saameeyay iyo waxa uu istaahilo qoruhu iyo buugga laftiisaba. Anigu buuggaan waxaan u aqoonsaday buuggii qarniga 21-aad ee afsoomaali lagu qoro ee adna? horese ma u aqrisay? haddii aadan hore u aqrin hadda raadso haddii uu noloshaada saameyn waayana amminka iyo wax-dheefka kaaga baxay labadaba anigaa kuu ballan qaadaya inaan dib kuugu soo celiyo.!

W\Q:- Garaad Nuur Xuseen Maxamuud

SHEEKOOYIN