Gorfeynta: GASO GANUUN IYO GASIIN Qore: Maxamed D. Ciise 

Gorfeynta: GASO GANUUN IYO GASIIN

Dhiganahan sheekada ah ee uu qalinka u qaatay mudnaha sare ee aadka ugu xaraggooda qoraalka guud iyo midkiisa suugaaneed prof Cali Jimcaale Axmed waxa uu sheekadan sarreysa ku soo bandhigayaa  aqoon durugsan taaso laguugu soo gudbinayo jaadad kala duwan oo suugaan ah, oo ay wehliso qaab qoraaleed aad u heer sarreeya.

 

Markaad doonto dhiganahan inaad baalashiisa kala furto oo aad doontid inaad indhahaaga la raacdid sadarrada madow ee ku dhex lifaaqan xaanshiyaha, maankaaguna doono inuu si miyir leh u fahmo misana u dhuuxo murtida miisaanka weyn ee qoraagu doonaayo inuu soo bandhigo,waxaa durbaba xujo kugu noqoneysa inaad fahanto macnaha erayada jaldiga hore ku xardhan ee magaca buugga loogu wanqalay; GASO,  GANUUN IYO GASIIN.

 

Ammintii aan heley dhigaalkan waxa uu horteyda yaallay maalmo, sababtuna aheyd iney dabar adag igu noqotay fahmidda magaca jaldiga ku qoran ee qoraagu u doortay uguna wanqalay buuggiisa. Ogaalkeyga ereyo ayaa aad u yar af aqoon ahaan iyo kalkeygii hore aanan aheyn dhal baaddiyo ama dhulmar toona iyo inaan ahay dhal magaalo ayaa iskaashaday oo keenay inaanan fahmin erey bixinnada seddexleyda ah ee weerta magaca buugga ka unkameen.

 

Sheekada;

 

Gaso, ganuun iyo gasiin waa sheeko isku dhisan oo aad isugu habeysan, misana aad ka dhex arkeysid sida reer Jabaq oo ah inta ugu badan reerka ay ku socoto sheekada.

 

Si kale haddaan u dhigo waxaad ka dhex heleysaa magaca buugga reerka uu aad ugu qotomo. Reer Jabaq sida ay uga hayaamayaan mooradii ay ku negenaayeen oo ugu dhabbo galayaan guureeyn iyo socod dheer xero kale.

 

Sheekada waxaad aad uga boganaysaa uguna riyaaqeysaa sida ay reer Jabaq iskugu tiirsanyihiin, hagaagsanaantooda, heybaddooda iyo sida ay u kala habeynayaan howlaha reerka iyo kuwa uu qof walba oo xubin ka ah qoyska masuuliyad gaar ah iskaga saaraayo.

 

Fariidnimada heerka sarreyso ee uu Jabaq ku soo bandhigayo sheekada dhexdeeda iyo sida uu ficiisa uga sarreeyo waa mid ku dayasho mudan, siiba dhallinyarada aan anigu horreeyo u tilmaamaysa xilkasimada qofeed abuur unuggeeda. Howlkarnimada iyo iyo hagaajintiisa reerka ayaanba jirin wax la siisto iyo qiimo gooyo. Odeyga reerka ugu weyni waxa uu sheekada ka ciyaarayaa door waayeelnimo oo ku dheehan maskaxa wadaagis iyo dhaqan tusaaleyn sarreyso uu ku soo bandhigayo qaab xasuusin ah, si uu wacyiga iyo ogaalka wiilkiisa Jabaq u dhiso.

 

Markaad dhex mushaaxeyso sheekada waxaad aad uga boganaysaa aqoon kororsi ballaaran oo ku saabsan afka, suugaanta iyo weliba dhaqan baaddiyeedka. Sheekada dhexdeeda waxaad ku dhex arkeysaa ineysan heyn hal dhigane, se aad ku arkeyso sheekooyin kala jaad ah oo isla sheekada dhexdeeda laguugu soo gudbinaayo. Aqoon ku laran aqoon kale. Si kale u dheh; ogaal lagu gudbiyo ogaal kale. Maskax dhishid qaabkii u sarreeyey.Suugaanta iskugu jirta nuucyada kala duwan ee aad sheekada ka dhex heleysid waxa ay ku siinayaan aftahamo afeed iyo hodannimo sare. Milicsiga tagtadii ee uu ku soo bandhigaayo odeyga reerka qaab xasuuseedka waxaad ka dhex arkeysaa ciyaar dhaqameedyo aad u kala duwan misana kala macaan. Ciyaaraha bulsho tiradooda badan iyo sida aan loo ogayn aqoonna loogu lahayn waa arrin kala dheer anfariirna abuuraysa!

 

Reer Jabaq socdaal dheer kaddib waxa ay soo gaarayaan meel aan ka fogeyn War Awliyo. Waxa ay meesha ka sameysteen wax leh qaab Waab. Hooyadii ayaa la soo baxday dhiil, markaas ayey siinaysaa muluqa yar ee reerka kuna siineysaa ganuun (eray ka mid ah cinwaanka dhiganaha) ay caano ugu shubtay. Odeygii reerka waxa uu u daliigaya labadii gabdhood. Jabaq ayaa sicii iyo ridii u doonaayo cows ay cunaan. Waxaad moodeysaa sida ay reer Jabaq isku agaasimayaan iney indhaha iskala hadlayaan. Waa agaasin aad u heer sarreeyo oo aan laheyn wax loo dhigo misana lagu qiimeeyo sida wanaagsan ee reerku qof walba u gudanaayo waxa ku aaddan misana xil gooni ah iskaga saaraayo waajibkiisa. Howl miyi malaha sida ay u agaasiman tahay middeennan magaalo uma agaasinna!

 

Sheekada dhexdeeda waxaad ka heleysaa sheekooyin kale oo ku imaanaayo qaab tabinta sheekada qaabab ka duwan taasoo uu keenaayo qoraaga sheekadu si kula gal ah axad (qof) qalin daarasho ku wado. Markaad si wanaagsan u dhex gasho oo aad dhex muquurato badweynta sheekada iyo qalinka farshaxannimada badan ee qoraaga oo ah qalin aad u farsamo iyo mala’awaalid badan ayaad ogaaneysaa dhadhansiga fog ee sheekada.

 

Aw Sheekoole;

 

Sheekada waxaa si gooni ah dhadhan ugu sameynaayo qaab tabinta Aw Sheekoole, kaa oo sheekada u soo tebinaayo qaab aad u hormarsan sidoo kalana leh farshaxannimo. Waxa uu sidoo kale sheekada u yeelayaa xamaasad maxaa yeelay qalin daarashada u wado ayaa ku gelinaya ama kugu abuuraya feker cusub; halkee sheekadu aadday? Axadkan muxuu yahay? Sheekada xaggee ka galay? Muxuu sheegayaa? Qoraagu muxuu kuu sheegi rabaa? Muxuu isaga ugu wakiishay ee uusan isagu toos ugu soo gudbin? Goorma aya dhex taalkiisu dhammaanayaa? Mar kale ma soo laaban doonaa? Muxuu markaa la iman doonaa? Weydiimahaa iyo kuwa kale ayey ku gelinaysaa. Waxaa si heer caalami  xammaasad u leh Sheekada qaabkeeda tabinneed, qoraaleed, suugaaneed iyo dhacdooyinba oo ah dhab ahaan mid ka duwan kana jaad leexsan sheekooyinka kale. Hubaal waa hannaan cusub oo uu jeexay prof Cali Jimcaale.

 

Qoraha Sheekada;

 

Dhammaan qoraayaasha guud ee qaabeeya qoraalka waxa ay dhab ahaan ku kala duwanyihiin hannaankooda qoraalka iyo doorashada gunta hoose. Markaad si indho fiiqnaan leh u akhrisid sheekada uu Prof Cali Jimcaale Axmad qoraa waxaad ogaanaysaa qaab qoraalka sheekada iyo xulnimadiisa qoraaleed ee qoraaga sheekada.

Waxa uu leeyahay hodannimo afeed iyo qaab bandhigis sheekeed aad u ilbaxsan kana duwan waddadii hore.

 

Dhammaad.

Qore: Maxamed D. Ciise

SHEEKOOYIN

DUGUL Q.6AAD

DUGUL Q.5AAD

DUGUL 4AAD

DUGUL Q3AAD