Gorfeynta Gaso, Ganuun iyo Gasiin W.D: Maryan Ciise Cilmi

Gorfeynta Gaso, Ganuun iyo Gasiin

Dhigane: Gaso, Ganuun iyo Gasiin

Dhigaha: Buuni Cali Jimcaale Axmed

Baalasha: 219

Sanadka; 2018

Madbacaadda: Laashin.

 

Waa sheeko-suugaaneed curiskeedu ugub yahay, aadna la anfariiri doonto suugaanta ku dhex jirta dhiganaha Gaso, Gasiin iyo Ganuun. Wuxuu ku faltamay qoraaga dhiganahan afyaqaannimadiisa weelayn ama waayeeleed, maxaa yeelay, waa waayo-arag dhul, dhir iyo dhaqanyaqaan ah. Mugga murtida, suugaanta dhallaanka, haweenka iyo dhawridda erayada dhalanrogmay ayaa hadba dhan kuu qaadaya inta aad dheeganayso dhiganahan. Dhumucda erayada, dhigidda qoraalka iyo iskudhafidda tebintu waa mid aad la dhacayso markaad akhrinayso. Waa hal sheeko oo mararka qaar kugu dhex tuuraysa dhawr kale.

Habka curadka ah ee sheeko-sugaaneedkan lagu tebinayo ayaa ah saddex tebinood; sheekeeye, laga sheekeeye iyo qoraha sheekada oo isku dhex furan ah mararka qaarna aadan kalasaari karin. Waa ku talogal qoraagu u doortay hab qorista sheekadiisan ugubka ku ah qaab qoridda sheeko-faneedka Soomaalida.

Marka aad akhrinayso intiinnaba waad is horfadhidaan. Markan adiga aqristaha ah ayaa ku afar ah. Waxaad markhaati ka tahay sheekeeyaha oo inta taraaraxo sheekada kaala baxaya ka dibna mid kale iska bilaabanaya. Qoraha sheekada ayaa soo qabanaya oo ku oranaya halkee nala aadday? Soo noqo oo sheekadayadii noo sii wad. Koobin cajiib ah ayuu ku gelinayaa kolkaa buu haddana bilaabin isagoo is gartay se ka gungaaray inuu sheekooyinkaas oo dhan iskumar kuu tebiyo. Dhexgelin yeelatay gudbinta ogaal kale oo aqoonteeda uu rabay qoraagu in uu halkaa kuugu soo gudbiyo.

Sheekadu waxay dhacaysaa 24saac; maalin qura. Waxay bilaabanaysaa barqo waxayna dhammaanaysaa barqada kale -barqo ka barqo- waana farshaxan si fiican loo mala’awaalay.

Sidoo kale waa sheeko faneed sarbeeban, dhambaalka ay siddana Indheergaradka dhuuxa unbaa fahmi kara kan kalase kama daadagto kumana duxdo halkuu qoraagu u danlahaa. Indheergarad keliya yaanan ku ekayne aqoonbaare walba oo u dhabar-adayga raacraaca sadarrada sheekada ayaa hela furaha sheekada, maxaa yeelay dhab ahaantii ma fududa aqrinteedu.

Anigu sheekadan waxaan ka dhexhelay magacyo dhireed oo aanan weligay maqal, erayo aan hadda la adeegsan oo ku haray miyigii kaliya ama raacay facii hore, xilligii ay ugu wacnayd Muqdisho ee subaxa hore safka loo geli jiray si loo helo wargeeyskii Xiddigta October iyo sheekedii caanka ahayd ee Maana faay uuna qoray AUN Dr. Maxamed Daahir Afrax. Dhaqankii wanaagsanaa ee miyiga ka jiray iyo mushkiladihii magaalada loogu yimid. Kuma soo koobi Garfeyn dhambaalka ay sheekadani gudbinayso ee adba goob oo ka soo hel intan iyo in kaloo garaadkaaga iyo garashadaada ba kobcin doonta.

Gunaanad; Sooyaalka prof Cali Jimcaale Axmed

Cali Jimcaale Axmed waa Borofaysar wax ka dhiga Queens College, oo ka tirsan Jaamacadda magaalada New York ee dalka Maraykanka. Waa madaxa qaybta is barbardhigga suugaanta (Comparative Literature); waxa uuna dhigaa suugaanta Afrika, Yurub, Maraykanka, Aasiya iyo tan Caalamka Islaamka. Waxa uu ku takhasusay, buugaag badanna ka qoray halka ay iska qabtaan suugaanta, dhaqanka, bulshada, iyo siyaasadda.

Waxa kale oo uu qoray gabayo iyo sheekooyin ku qoran af Ingiriisi iyo Soomaaliba. Buugaagtiisa waxa ka mid ah:

(The Invention of Somalia)

(Daybreak Is Near) (Fear Is a Cow)

(Diaspora Blues)

(The Road Less Traveled) iyo (When Donkeys Give Birth to calves).

Waxa kale uu Prof Cali ka mid yahay aasaasayaasha iyo tifatirayaasha Journal of Somali Studies (JOSS) oo ka soo baxa dalka Ingiriiska. sidoo kale, wuxuu barnaamijyo ka soo jeedin jirey Warlaliskii Radio Muqdisho halka uu bare ka ahaa Jaamacadda umadda.

Dhammaad.

W.D: Maryan Ciise Cilmi

SHEEKOOYIN