Gorfeynta Gaso, Ganuun iyo Gasiin W/Q: Jaabbir Carab

Gorfeynta Gaso, Ganuun iyo Gasiin

Inta aanan u gudagelin fanlanqeynta halbeegga xogta aqooneed ee ku duugan baalasha dhiganaha Gaso, Ganuun iyo Gasiin, marka hore, waxaa iftiimin u baahan, si aan wax u ga ogaanno nooc ahaantiisa dhigaaleed, inaan is dul-taago hab-qoraaleedka buugga oo ay ka muuqato farshaxannimmo qoraaleed ay tayadeedu aad u sarreyso. Waxyaabaha uu buuggani gaar la yahay oo uu uga duwanyahay kuwii ka horreeyay, waxaa ka mid ah, in uu kulansaday labo jaad oo kala duwan oo sheekooyinka loo tabiyo, kuwaas oo kala ah: hab-tabinta sheeko dhaqameedka soojireenka ah iyo habka labaad ama jiilka dambo ee sheeko-faneedda casriga ah loo tabiyo. Tusaale ahaan: qoraagu wuxuu iba-furey isku dhafka sheeka dhaqameedka iyo sheeko-faneedda casriga ah oo ay mid waliba leedahay halbeeg iyo habraac loo maro oo waajib u ah taabbagelinta hab-qoraaleedkeeda oo loogana qiyaas qaato qiimeynteeda awoodda iyo farshaxannimada sheeko ay humaagiso.

Marka aan u gudagalno nooc ahaanta qoraaleed ee dhiganaha; waa sheeko-suugaaneed tiraabeeysan oo mug iyo miisaan culus leh oo aan sinnaba looga bogan karrin dhumuc weynida aqooneed ee ku xardhan baallasha sheekada. Waa sheeko, dhankasta oo laga eegaba ay ka muuqato xeeldheeri farshaxannimo iyo hal-abuur oo uu qoraagu ku farayareystey oo ay adag tahay in si sahal ah loo fahmo falsafadda ku dheehan sheekada. Keliya waxaa dhuuxi kara sheekadan, fogaan arag ku dul fakaray dhiganaha oo si fiican ula sheekeystay sheekada oo waqti geliyay akhriskeeda, sababtoo ah waa sheeko maldahan dhacda-tebinteeda, isku xirkeeda oo wejiyo badan yeelaneysa iyo macna-gudbinteeda tiraabeed. Dhanka kale, waxaa xusid mudan akhriskeeda sheekadan. Marka aad gudaha u gasho waxaad ku arkeysaa, Wax aadan horey ugu arki jirin dhammaan sheekooyinkii horey ugu soo baxay afka soomaaliga oo kugu qasbaya inaad dhammeyso akhriskeeda oo qoraaga aan ku boggaadinaya inuu daah-furay hab-dhigaaleed cusub oo loo qoro sheekooyinka oo aan isaga hortii la adeegsan.

Farriinta sheekada:

Sheekadaan waxay ku bareysaa hab-nololeedka miyiga iyo magaalada. Haddii ay ahaan lahayd nolosha reer-guuraanimada ee ku dhisneyd beelaysiga intii aan la magaaloobin ee aaney bulshadu yeelan hoggaan dowladeed oo mideeya. Sidoo kale, sheekadu waxay toosh ku ifinaysa kala duwanaashaha nolosha baaddiyaha iyo tan magaalada. Sidoo kale,waxa ay dib u soo noolaynaysaa ereyo badan oo uu adeegsigoodu yaraaday, kaddib markii erayo qalaad laga doorbidey oo adeegsigooda si uun la isaga hilmaamay. Sheekadaan markaad si wacan u dhugato, waxaad ku arkeysaa; billow ilaa dhammaad ereyo badan oo Af-soomaaligii asalka ahaay ah oo uu waa hore maqalkooda ama adeegsigooda ay kuugu dambaysay, sidaa awgeed, waa sheeko aqriskeeda aan ka baran karno qeyb weyn oo ka mid ah afkii hooyo ee sii luudaya. Taas oo uu qoraagu mudan yahayn in lagu bogaadiyo marar badan. Eray ka mid ah afkeenna oo sii lumaya qofkii soo nooleeya adeegsigiisa wuxuu la mid yahay qof afkii oo idil soo nooleeyay, iskaba daa wax kale ee waxaa caddeyn noogu filan magaca dhiganaha, kaas oo cajabtiisa leh, isla markaana iska saaran seddex eray oo dhammaantood afkeenna meel sare uga yaalla. Tusaale: erayga ugu dambeeya ee GASIIN ayaa adeegsigiisu afkeenna ka sii dhammaanayey, balse, hadda borofaysar Cali Jimcaale Axmed ayaa ku libin sheegtay, taas oo uu ammaanteeda qaadanayo qoraagu, isla markaana magacyada buugga ka dhigeysa kuwa aan laga xiisa dhicin.

Maxaan sheekadan ka baran karnaa?

Sheekadani waxay gudbineysaa aqoon iyo waayo-aragnimo dhinacyo kala duwan ku jiheysan oo aan si sahlan guntooda loo fahami karin. Aqoonta bulsho ka sokow, waxay xambaarsan tahay falsafad ku dhisan fogaanarag cilmiyeysan iyo sooyaalkii dheeraa oo ay soo martey bulshada soomaaliyeed. Dhanka kale, sheekadu waxay si farshaxannimo leh u qaadaadhigaysaa bulshooyinka ku dhaqan dunidaan aan ku noolnahay iyo loollanka dhexdooda ka socdo ee kuwa taagta daran lagu dulminayo.

Si kastaba sheekadu waa dhaxal aqooneed wax weyn ka taraysa wacyi dhisidda jiilka maanta. Waa mala-awaal fahankiisa aan xeel-dheeri looga maari karin oo xambaarsan aqoon, dhaqan, suugaan iyo murti mug leh. Isku soo wada duuboo, sheekada waxaa ka buuxa kasmo faneed fara badan oo ay ka mid yahiin; magacyo ciyaaro dhaqameed, magacyo geedo, dhirta iyo xoolo. Waa dhaxal maan-kobc leh oo ku biiranaysa sheeko-faneedda hab cusub. Waana sheeko soo bandhigeysa curinta garashada iyo waayo-arganimo tabaalaysan ee faca nool.

W/Q: Jaabbir Carab

Jabircarab1@gmail.com

SHEEKOOYIN