Gorfeynta “Godob iyo Gallad” W/Q: Maxamad Abubakar Macallin

Gorfeynta “Godob iyo Gallad

Dhiganahan la magac baxay: “Godob iyo Gallad” wuxuu soo bandhigayaa sheeko faneed aad u qiima badan oo wax badan ifineysa. Wuxuu qoraagu si xirfad leh u soo gudbinayaa aqoon dhinacya badan taabaneysa, haddii ay ahaan laheyd dhanka afka, dhaqanka, bulshada, dhaqaalaha iyo sharciga iwm. Si kooban, waxa ay sheekadaan ku dul wareeganeysaa qolo awoodda ku tagri faleysa, una adeegsaneysa dulminta, daneysiga iyo danbi dusha ka saaridda kuwa aan waxba galabsan, iyaga oo difaacaya kuwii dhibka geystay ee dimbiilayaasha ahaa. Markaad akhrisato sheekadaan waxaad ka kororsan kareysaa casharro muhiim ah. Casharrada la gala dhex-bixi karo waxaa ka midah:

  1. Xaqu in uu ka guuleysanayo xaqdarrada, haba soo daahee! Maxaa yeelay, waxaad arkeysaa dhammaadka sheekada in xaqu uu guuleysanayo.
  2. Dadku ineysan wada xumeyn, balse, ay ku jiraan dad wanaagsan oo u taagan garab istaagga dhibbanayaasha, haddii ay ahaan laheyd aqoon, hanti, iwm. Sidoo kale, sheekada waxa aad ka dhex arkeysaa dedaalka iyo caawimaadda ay fidinayaan Maamma Dahabo iyo Garyaqaan Cosoboow.
  3. Culeyska dabadii in fudeyd jiri doono, kaliyase loo baahan yahay sabar si looga gudbo culeysayada iyo dhibaatooyinka jira. Waxaa aad sheekada ku dhex arkeysaa sida ay dhibaatooyinku isaga daba dhacayaan reer Maxaad Cali oo xaalkooda aad ka arkeyso, sida: “MISKIINAA MISKA LA FUULO LEH” oo iyagu sabar, dulqaad iyo Alle talo saarasho ku jiray. (Inna Macal cusr yursa).
  4. Waxaa dhimman oo uu qoraagu innoo hambeeyay masiirka dembiilayaasha dhibka geystay, balse, qoraagu waxa uu sheekada ku afjaray; xaqu waa kii dillaacaa dhawaa iyo dheeraaba “AAJIRAN AMA CAAJILAN”. Taas oo iyana run biyo kama dhibcaan ah. Soomaalida ayaa hore ugu heestay: “Xaqi dhab la saaraa qonyar soo dhawaada”. Mar kalena, waxay ku mahmaahaan: “Xaqi madaxa looga joogsado, majaha ayuu nuuxnuuxiyaa”. Taas oo ah wax dhacay horena loo arkay. Suubbanaha (SCW) ayaaba xaddiis ah ku yiri: “Innallaaha laa yumlaa lil-daalim”. Ilaaheey dulmifalaha waa u kaadiyaa, waa uu dib dhigaa, balse, qabashiisa ayaa ah mid daran! Oo aan laga baxsan karin. Qoraaga dhiganaha: Barbaariye, Xuseen M. Cabdulle “Wadaad” iyo dhiganaha GODOB iyo GALLADNA isla sidaas oo kale, waxay farriin toos ah iyo mid daahanba u dirayaan kuwa dulmiga, xadgudubka, xaqdarrada, xaasidnimada iyo xilalka ay sidaan ku awood sheegta, iyaga oo aan ogeyn soo daahiritaanka garsoorka Eebbe.

Qof walba oo daneynaya inuu wax badan ka ogaado hab maamulka dawladeed, xaaladaha xabsiyada, fal-dambiyeedyada, maxkamadaha iyo garsoorka waxaan kula talinayaa inuu akhristo dhiganaha: “Godob iyo Gallad”. Maxaa yeelay, haddii uu jiro dhigane laga qoray abaal ama gallad la galay ee haddana abaaldarro ama godob lagu guday, waa uun dhiganaha GODOB IYO GALLAD. Haddii uu jiro dhigane ka faalloonaya in bulsha meel deggani ay caddaalad iyo garsoor hesho waa uun GODOB IYO GALLAD. Kama dhigna inaan dhiganaha kuu xayeysiinayo ee cajabta uu leeyahay iyo halkudhegga uu qoraagu u doortay ayaa ah; kuwa mudan in wax laga barto isla markaana qoraaga billad sharafeed lagu siiyo.

Inta nool ee naftu ku jirto oo aadanuhu uu horjooge u yahay iyo inta kale ee aan nooleynba waxay ku sii jiri karaan inay caddaalad helaan oo ay garsoor xalaal ah kuwada noolaadaan. Haddii garsoor la waayo, waxay ka dhigan tahay in nololna la waayay. Haddaba waa taas midda uu dhiganha GODOB IYO GALLAD awoodda saarayo in garsoor la helo, si nolol loo helo. Isku soo wada duuboo, waxaan dhihi karaa waa dhigane qaanad bannaan noo buuxiyey, isla mar ahaantaana marjac iyo meeleeye u noqon kara howlaha garsoorka iyo heerarka dembi baarista ee kala duwan.

GEBAGEBO:

Waxa aan halkaan uga mahad naqayaa qoraaga buuga, baraabiye: Xuseen M. Cabdulle (WADAAD) oo aan wax badan aan ka faa’iday, waxaanna leeyahay: Rabbi ha kaa abaal mariyo u adeegidda qiyamka bulshadaada iyo qaabeynta kobcinta garaadka ummaddaada. Soomalida ayaa tiraahda:

  • “Ninkii timir abuuriyo
  • Kii tiin tallaalaba
  • Taariikhdu way werin!”

W/Q: Maxamad Abubakar Macallin

mahamadkheyr@gmail.com

NAGA LA SOO XARIIR: laashin77@gmail.com

SHEEKOOYIN