GUBISTII BUUGTEYDA Q2AAD | W.Q. MAXAMED D. CIISE

GUBISTII BUUGTEYDA
(Sheeko Gaaban)
Waxaa qoray Maxamed

 

Shanta Subaxnimo ayaan hurdada ka toosey, macawis xun ayaan dhexda ku xirtay, bannaanka ayaan u soo dhaqaaqay. Dhool ayaa shaah bannaanka ku karineysa. Waan subaxeeyay. Isla mar kaasna dhinaca kale Fallis ayaa xaaqeysey deedka weyn ee guriga. Biyo qabow ayaan isku soo daadiyay, salaaddii subaxna iska boobsiiyay.

Boorso dulufowday buskuna uu dooriyay midabkeedii madowga ahaa ayaan ku gurtay shaatiyaal, surwaallo, macawis iyo buugaag sheekooyin ah. Kobashiinno bacaysan oo bac yar ah iyo bakeeri ayaan soo qaatay, Dhool ayaan ka codsadey in ay bakeeriga biyo kulul iigu shubto si aan ugu darsado kofeega caanaha leh; isla markiiba waxa aan gudaha u galay qolka, baakaddii ayaan kala soo baxay xabbad sigaar ah, kofeegii ayaan soo qaatay, kursi ayaan deedka dhexdiisa dhigtay, sheekadii García ayaan kala furtay si aan u akhristo; subaxdeydiina iigu billaabatay si deggan.

Waxa aan isa soo taagay bosteejadii gaariga leyla calaawiga ahaa aan ka raaci lahaa. Alaab saarid iyo islaamo qeyladoodu daran tahay kaddib waxa aan fadhiistay shirka hore ee gaariga weliba dhanka daaqadda gaarigiina waxa uu billaabay safarkii. Hindo ayaa i soo wacdey i na nabadeysay ii na rajeysay in aan nabad ku soo noqdo. Afartii Subaxnimo ayuu gaariga waddada cagta saaray.

Xamar markii aan ka baxnay waxa aan galnay dhul cidlo u badan. Duhurkii ayaa la gaaray gaarigiina waxaa la istaajiyay geed qurac ah hoostiisa. Dadkii oo dhan waxaa loo degay in salaadda duhur la tukado. Salli yar oo ay odoyaal ku tukanaayeen ayaan dhinac kaga tukaday. Intii salaadda dadka qaar tukanaayeen ayaan istaagay gaariga dhiniciisa, waxa aan lasoo baxey xabbad sigaar ah si aan u qiiciyo, balse mid ka mid ah safarleydii ayaa igu la soo boodey:

-War ma waalan tahay? Sow ma ogid in cabbaar kaddib aan mareyno baarista Al Shabaab, sigaar haddii lagugu qabtana ay dambi tahay?

-Xabaddaan ayaan shidanayaa inta kale waan qarinayaa!

Intaas kolkii aan is dhaafsannay ayuu darawalkii gaarigu dhinaceyga isa soo taagay iguna boobsiiyay “aryaa madaxa maad dab ka rabtaa mise adoogaayaa Amiir ah?”

Dood dheer kaddib gaarigii ayaa la soo dhaqaajiyay. Waddo jajaban ayaan dhex jibaaxnay. Goor ay tahay seddexdii galabnimo ayaan mar keliya ka war helay gaarigii oo istaagay geedo qurac ah hoostooda iyo laba wiil oo xiran qamiisyo Bakistaani ah cimmaamadana wejiga ugu duuban yihiin. Jeedal ayuu midkood sitaa halka kan kalana uu wato usha geellayda oo ah mid aad u adag; mid kastana qori AK ah ayaa garabka u suran. Gaarigii goortii uu istaagay ayuu midkood isa soo taagay dhanka daaqaddayda iguna bilaabay: “Salaamu caleykuma yaa Akhii.” Inta aan ka naxay indhaha tooshka ah, dharka busta badan iyo kalsoonida ka muuqata wiilka ayaan ugu warceliyay: “Wacaleykum salaam yaa akhii.”

Rikaabkii ayey fareen in ay soo wada degaan; qof kastana si fudud ayuu usoo degay haba ugu darnaatee islaan hilboon oo war badneyd, darwalkana aad ugu qeylineysay laakiin hadda waxaan la yaabay sida degdegsiimada badan ee ay u soo degtay. Waxey dumarkii ku amreen in ay u tagaan gabdho geed kale hoostiisa taagan. Waa gabdho aad u xirxiran kuna cabbeysan dhar madow iyo indho-shareerro waaweyn. Labo nin oo aad u xoog weyn ayaa durbaba lagu amrey in ay alaabta dhulka soo dhigaan. Waaba rag deggan degaanka aroor walbana u soo shaqo taga in ay gaawirada rarka ka dejiyaan baarista kaddibna saaraan.

Intii alaabta la dejinaayay ayey labadii wiil u dhaqaaqeen in ay wareystaan raggeennii. Nin kastana waxey weydiinaayeen waxa uu qabto. Labo wiil oo dhallinyaro ahaa ayey ka xiireen madaxa dharbaaxo daranna labada daan kaga dhejiyeen; darawalkiina waxa uu u dhaqaaqay in uu soo bixiyo lacagta boonada jid marka.

Waxaa dhinaceyga ku soo aaday mid dheer oo caato ah. Kolkii ugu horreysay ee uu i arkay ayuu igu dhahay “Muslim miyaad tahay mise Yahuudi, maxaad shaarbaha u deysatay?” Aragtidiii ugu horreysay ayuu igu xukmiyay. Aniguna waxa aan ugu warceliyay “Muslim ayaan ahay, oo timo aad deysataa kaama dhigayaan Yahuudi!” Filashadeydiiba ma noqon sida aan ka filaayay. Waxa uu daankeyga qaadsiiyay/qabadsiiyay dharbaaxo daran; gacmo kaaki ah oo sidey ul iyo qori u sideen adkaaday ayaa mar keliya daankeyga jawigiisii beddalay. Inta uu aad u caroodey ayuu ku qeyliyay: “Yaa ximaar gees u bax waa lagula xisaabtamayaaye, waxaad ka mid tahay kuwa Mustashriqiinta ah.” Waxa aan salka dhigtay geed xun hoostiisa.

Dhinac waxaa madaxa looga xiiraa dhallinyaro kala duwan, dhinac kale waxaa dharbaaxo iyo gooni soocid lagu wadaa kuwa isticmaala tubaakada, dhinac sheedda kale ahna dumarkii ayaa lagu kala soocayaa. Dhinac kasta oo aad eegtid waa uun wiil jeedal la dhacaya oday aabbihii oo kale ah. Mid dharbaaxo ku dhufanaaya nin isaga ka weyn, gawaari alaabta laga daadinaayo, darawal xun oo bac lacag ah la sii ordaaya. Mar keliya ayaan is dhahay ma bankii qiyaamaha ayaad joogtaa, xisaabta iyo ciqaabta wadajira daraadood!

Alaabtii dhulka la soo dhigey ayaa lagu billaabay baaris. Waxaa gebi ahaanba la daadiyay boorso walba iyo jawaan waliba wixii dhex qotomay. Boorso weliba sidii loo gedgeddinaayay waxaa uu wiilkii la soo boodey “yaa iska leh boorsadaan buska badan ee buugta gaalada iyo baakadaha sigaarku ka buuxaan?” Meel gees ah aniga oo fadhiyo ayaa cod sii dhimanaayo ku dhahay “aniga ayaa leh akhii.” Cid kasta indhaha ayey igu soo fiiqeysaa. Isaga oo indho aad u kulul igu soo eegaaya ayuu mid kale ku dhahay “yaa musharraful mujaahid ninkaan geey xarunta Amiirka si xukunkiisa loo marsiiyo, ninkaan Ilaahiisa ayuu ka furtaye.”

Neef dheer ayaan qaatay. Waa duul doonistiisa Rabbi kuugu xiraaya doonistiisana Rabbi kaaga furaaya. Markaas ayuu mid indho duuban ii yimid ushii geela lagu raaci jirey ayuu garabka iiga dhuftay iguna amray in aan kaco. Indhaha ayuu cimaamad uu watay iga ga xiray, shaatigii aan siteyna garbaha ayuu iga ga duubey. Dhawaaq meel dheer ah ayaan maqlayaa darwalkii oo ku qeylinaayo in aanan la i geyn saldhigga ee lacagta aan halkaan ku bixiyo balse waxaa lagu amray in uu dhaqaajiyo haddii kale isagana la igu dari doono.

Boorsadeydii iyo aniga oo indhaha ka xiran ayaa dusha la iga saaray gaari Cabdibile ah oo markii hore yaallay qorrax dhaca halkii baarista, la iina kaxeeyay saldhigga oo aanan garaneynin jihada uu iga xigo.

 

La soco qeybta xigta

SHEEKOOYIN