GUBISTII BUUGTEYDA Q3AAD | W.Q. MAXAMED D. CIISE

GUBISTII BUUGTEYDA  WAXAA QORAY MAXAMED D. CIISE

 

3

 

Gaarigu meel uu ii wado ma garan karo, jihada loo socdana ma qiyaasi karo oo indhaha ayaa la iga xiray. Socod kaddib waxa aan ka war helay gaarigii oo istaagay iyo codadka rag kala duwan, gaarigiina waa la iga soo dejiyay; bal se intii aanan indhaha la iga furin ayaan maqlay cod xanaaqsan oo ku leh wiilkii i soo qabtay “Yahuudigaan xaggeed ka keenteen?” Waxa uu sii raaciyay “orod oo i dhaafi.”
Galabtii waxa la igu xareeyay qol xun oo isaga dhan dhiig iyo arxan darro ay ka muuqdaan. Shaatigii ayaan garbaha saartay jilbahana isu dhaafsaday si aan u fakaro. Waxa ugu weyn ee aan la anfariirsanahay ayaa ah: sida aan isu moodey iyo sida aan halkaan ka noqdey. Yaab! Macallin jaamacadeed sow ma aheyn markii aan soo raacaayay gaarigaan? Haddana maxay ahayd wiilkaan yar ee usha la dhacaya macallinkii dhammaa? Anfariir iyo fajac dheer kaddib waxa iridda i soo galay wiil yar oo cod kulul igu amray in aan bannaanka u soo baxo. Abbaaro salaaddii casir kaddib ayey ku beegan tahay. Wiilkii waxa uu i soo geliyay qol ay fadhiyaan rag wada indho duuban, badankood wey taagtaagan yihiin marka laga reebo axad gar weyn oo qiyaas ahaan da’diisu tahay afartameeyo. Kursi yar oo buluug ah ayuu wiilkii ii dhigey iskana dhaqaajiyay. Wiilkii waxa uu ii noqdey wehel intii aan la so socdey oo dhaqsiba waxa aan u darsaday la jooggiisii kaddib indhahaan galkoodii soo dhaafay markii aan ka naxay. Waxa uu uu igu billaabay in uu wax badan iga weydiiyo shaqadeyda magaalada iyo tan waxbarashadeyda. Warcelinno badan kaddib waxa uu si toos ah ii su’aallay: “Boorsadaada maxaa ka buuxiyay darooggada?” Indho kulul oo aad u naxariis daran ayuu igu soo eegayaa isaga oo ay hortaallo boorsadeydii misana gacantiisa ku haya baakaddii sigaarka aheyd iyo jantaha.

Garaaca wadnaheygu wuu sii kordhaya, huuf tiro badan ayaa iga yeereysa. Markii hore oo ay baakaddan sigaarka ah i soo galeysay sidaan si la mid ah ayuu wadnuhu ii garaacmayey se markaas gacmihii naxariista badnaa ee Hindo ayey ku jireen laakiin tookadaan waxey ku jiraan gacmo ugaarsade duurjoog ah. Aniga oo isla maqan ayaan ku dhahay “Amiir, aniga waxa aan ahay dadka qabatimey sigaarka ee waan joojinayaa markaan lee ma i cafisiinoo.” Codsi ayaan durbaba dhiibtey. Cabsida daran waxaan ka sii qaadayaa addoomadaan dusheeda taagan iyo indhahaan xeyndaabkoodii soo dhaafay eegmadooda.
-Boorsadaada waxaa kale oo ku dhex jira buug ay qoreen gaalo duqowday oo qaarkood dhinteen naartana lagu cadaabaayo, maxaa kugu qasbey in aad akhriso buugta ay leeyihiin kuwa Rabbi ku kufriyay kana jeestay diintaan suubban?” Ayuu i weydiiyay isaga oo kor u qaadaayo buugga sheeko fanneedda ah ee uu qorey GabrielGarcía, indhihuusan muujinayaan caro aad u daran oo uu u qabo nin aysan weligood kulmin. Muxuu u dhimay waa yaabe? Mooji!

Isma laheyn weydiin iyo dacwo ayey kugu noqon doonaan buugta aad iibsato mushaarkeygana aan bil walba kaga jarto qoondada ugu badan. Isamaba laheyn taas. Waxaa se kale oo aan la anfariiray in uu diiddanyahay isticmaallidda wax soo saar ay gaalo leeyihiin isaga oo isticmaalaayo hubka, dharka, qalabyada ay soo saaraan. Anfariir! Kuma dhaco in aan kaga warceliyo weydiintiisa si adag iyo macangagnimo, waxa aan ku soo koobay aniga oo hoos eegaayo: “Waan ku qaldanahay se waan ka fiirsanayaa hadda kaddib.” Waxaan sii raaciyay in aan diyaar u ahay wax walba oo la igu amro.
Isaga oo aad u careysan ayuu igu amray in qolkii la igu celiyo hortiisana la iga dhaqaajiyo, waxaana la igu soo celiyay qolkii arxan darrada badnaa.

Goor ay tahay habeenkii qiyaasteydana ay ku beegan tahay kala barka habeennimo ayaan u soo dhaqaaqay dhankii iridda kuna cataabay in aan u baahanahay suuli in aan helo. Durbaba waxaa igu soo dhaqaaqay wiil yar oo af duuban iina soo kaxeeyay dhankii suuliga. Intii aan ku jirey xaajo gudashada ayuu ii soo karay/uray qiic sigaar markaas ayaan isku qanciyay in uu jirkeyga ka soo uraayo, se waxa uu qiyaalkeygii buray markii aan arkey wiilkii oo faraha dhexdood ay ugu jirto xabbad af gaduudan. Waan ANFARIIRAY! Indhaha ayaan marmaray si aan u hubsado, se waaba dhab aan goobjooge u ahay. Waxa aan ka codsaday in uu ii dhiibo si aan iskaga dejiyo xaraaradda daran ee i heysay. Markii uu ii dhiibayay waxa uu iga codsaday in aan boobsiiyo oo ay tahay fal dambiyeed in lala wadaago maxaabiista sigaar. Markii uu i keenay qolkii ayaan weydiiyay sabab uu isagu u cabaayo se dadka kalana loogu diidaayo? Waxa uu iigu warceliyay “annagu muslimiinta ayaan ku difaaceynaa si aan usoo jeedno caawa oo dhan una gudanno waajibka Rabbi.” Waxa aan isaga samray aamusnaanta.

Labadii Subaxnimo ayuu wiil yar oo aan aheyn wiilkii xalay, iridda qolka iga furey iina jiheeyay dhankii qolkii amiirka saldhigga. Waxa uu ku fadhiyaa kursi iyo miis yar, qaanad yar ayaa ka dambeyso hortiisana waxaa taalla boorsadeydii. Waxa uu wiil meesha taagnaa ku amray in la i saaro gaariga ugu horreeyo ee meesha baarista ka baxaayo ee u socdo halkii aan rabey.

Waxaan ka soo baxnay qolkii aniga oo sita boorsadeydii, bal se waxaa innaga daba yimid Amiirkii iyo wiil yar oo la socdey waxa uu amray in shaarbaha la iga xiiro. Hadal ayaan maagay waxaa se daankeyga ku dhacdey dharbaaxsho aad u daran iyo labo ul. Waxaana la iga xiirey gebi ahaanba shaarbihii.
Waxa uu sidoo kale amray in buugta aan sito oo dhan la iga gubo. Horteyda ayuu wiil yar ku daadiyay dabna qabadsiiyay oo dhab ahaantii aan dareemaayay xanuunka qarashkii iga galay se aanan maantay waxba ka oran karin. Baakaddii sigaarka aheyd iyadana waxaa la ii sheegey in ay ku soo jeedayaan naftood hurayaashaan muslimiinta u hiillinaya. Indhaha ayaa la iiga soo xiray shaatigeygii gaarigiina isla sidii oo kale ayaan u soo raacay. Durbaba waxa aan soo gaaray goobtii baarista halkaas ayaan ka raacay gaari kale.

Dhammaad

 

SHEEKOOYIN