Gudban! W/Q: Seynab Xaaji Ugbaad

Gudban! W/Q: Seynab Xaaji Ugbaad

Daruur iyo xayaabo mugdi ah baa samada ku saynsaaban. Guryo badan oo isasaaranay deggan yihiin reero isku raran baa qol gees ah kaligiis albaabku u xiran yahay, waxaana ka dhex socda yoon iyo yulqan aan badankiisa la wada fahmayn, adigoo dhegnuuga ma aha e. Haddaad u sii dhawaato, waxaad maqli kartaa cod dheddig oo gunuunacaya. “Maxaad u aamusan tahay?”

“Umm. Uh. Ummm. Hooyo… Umm.” Salaado, iyadoo hadal yarayd markeedii hore ayey haddana maanta sii xanuunsanaysaa.

Waxaad tahay qaangaar, wax kastana waad fahmaysaa Salaado. Ayeeyo Casey… ereyga ayeeyo, wuu dhibay nafteeda siduu u dhibay dhegta ayeydeed Casey. Labadooda, midna raalli kama ahayn, ereygaas.
Sidii loogu keenay iyadoo saddex sannadood jirta, maantadaas ay qaangaarayso, weligeed hooyo ma aha ee wax kale ma oran. Waayo, labadoodu mid kastaa kan kale, naxariis iyo ixtiraam wuu uga baahnaa.

Dhegayso Salaado! lafteedu, magaca Salaado wuu dhibay. Siday u sheegtay ayeydeed Casey iyo deriskoo dhan, waxay ku talaggalsanayd inay magaca Salaado iska beddesho. Inkastoo ayeydeed magaca Salaado la jeclayd, Salaado qudheeduna magaca qaddarin u haysay, maadaama ay hooyadeed ula baxday, subax salaad hore ah ay dhalatay awadeed, haddana wuu u dhadhami waayay. Magac galti ah buu la noqday. Xataa, waxay ka yaxyaxdaa, haddii dhallinyara dhexdeeda looga yeero, Salaado.

“Filsan i dhegayso”, waa magacii labaad ay Salaado kala dooranaysay. Sidoo kale, magaca Nimco qorshaha ayuu ugu jiray. Labada magacba, midba saamayntiisa iyo sammaantiisa ayuu ku leeyahay Salaado. Filsan ilbaxnimo ayey u raacday, Nimcana magac diineed ayuu ula ekaaday.

Ma ila socotaa, hooyo Casey? Labada jilbood oo xanuunayay beryahan dambe ayey Casey soo fidisay. “Kaalay lugaha ii riiriix. Waxaan kuu sheegayaa in aad yeesho guurkan.” Ayeeyo Casey, guur ma doonayo. In aan wax barto ayaan rabaa. Ninkan hantida uu qoyskaada siinayo, ma garan kartaa? Gadaal bay Salaado u fadhiisatay. Isheedu waxay haysaa wejiga ayeydeed Casey, umase jeeddo.

Dhegayso! Qoyskaadu ma sugi karaan hanti aad shaqayso. Qoyskeeda aan hooyadeed ku jirin, carruurta aabbaheed uu ku dhalay waayeelnimada ee yabadhaalada ah, danta hayso, kuma simayso intay ka weynaato kana waxbarato. Taasi, Salaado way la yaabtay wayna la calooljilicday!. Waayahay ayeeyo.

Intii ay soo korinaysay, galabgaabkan, waa markii u adkayd oo ay Salaado la garranto. Ereyga ayeeyo, wuxuu Casey xusuusiyay gablannimadeedii ay aastay. Labadeeda dhegood ayuu ereygu sidii birtii qaw ka siiyay. Jabaq baa isa soo celisay. “Ayeeeeyo.” Aroos iyo buuq ma gelayno. Waayo, kharashkaas aabbahaa baa u baahan. Salaado, inkastoo ay ilbaxnimo u arkaysay arooska iyo arrimihiisa, haddana markaas waxay ku aamustay baahida iyo abaarta reer aabbaheed laga soo sheegay. Baaddiyaha kuma soo barbaarin, haddana dhimashadii hooyadeed ayaa aabbaheed laba jeclaysiisay. Adduun iyo hanti, waxay ka doorbidaysaa aabbaheed oo cimriga u dheeraado, baahidana ka baxo.

****
Waa weliba xaalkiisa leh. Salaado waxaa aroosay nin oday ah oo ay gurigooda in badan ku arki jirtay. Waa nin diineed, siday tusbaxiisa iyo wardigiisa badan ka aragtay. Isla guriigii ayeydeed Casey baa qol looga hagaajiyay.
Odaygeeda cusub, awalba guriga dhinac ayuu kaga noolaa, hayeeshee, tay la yaabtay sina uga fajacisay Salaado, waa isagoo habeenkii arooska aad u faraxsanaa, ka dibse, culays badan iyo cabsi wejigiisu buuxisay. Habeenkaas ay aqalgeleen ayuu salaan iyo barasho ugu yimid. Subaxdii ku xigtayna safar iyo siyaaro ayuu u baxay.

Toddobaadkii hore markuu soo noqday, inkastoo marti xer u badan guriga ku soo kordheen, haddana in uu qolkeeda sooba geli waayo, waa arrin sideeda u silloon.
Dhaqankan cusub, Salaado, wuu dhibayay. Waayo, inkastoo ay odaygan iyo guurkiisa dan u gashay, haddana waxay doontay, inay mar uun gudato waajibkeeda marwanimo. Intee habeenood ayay isku diyaarisay uu cabsi nafta kagaga gooyay, ka dibse iman waayay. Intee habeenood ayey sugtay haddana ka samirtay. Intee habeenood ayey si kale u fekertay. Iyadoon garanayn si ay ayeeyadeed u warsato, sababta ninkani sidan u samaynayo ayaa maalintii dambe, iyadoo duhur tahay looga yeeray qolka ayeeyadeed.

Salaado, way arkaysay ninkeeda, markuu salaadda duhur ka soo noqday. Daaqadda ayey kala socotay, bixistiisa iyo soo noqoshadiisa. Siduu u yimid, daaqaddaas ayey ka daawataa, ninkan ay ku diintay kana yaabsaday!. Sidii ay u soo cagajiidaysay ayey iridda qolkii ayeeyo isa soo taagtay. “Soo gal Salaado.”

Laabteeda ayey naxdin hardisay. Dabayl xoog leh baa saablaydeeda jugaysay.
“Ayeeyo!” kollayba war culus baa loo sheegayaa.

“Xaggan kaalay.”

Markay fadhiisatay ayey eegtay wejiga ayeydeed. Canaab badan baa ka muuqata. Daalka da’da, waxaa u raacay maanta, dareen gibilkeeda beddelay.
Ninkeedii halkan ayuu soo fadhiyaa. Isagoo laftiisu xasilloonidarro weyn dhaqdhaqaaqiisa badisay. Laba nin oo xerta cusub ah baa gadaashiisa kadallooba. Cirbahooda ayey ku fadhiyaan. Qolka duqda, agabka laguu fadhiisto, waa ku yaryahay.

“Salaado.” Waa markii ugu horrasay oo uu si dhiirran magaceeda ugu dhawaaqo.
‘Hadduu rabo in uu kula hadlo, muxuu qolkaada u iman waayay? Mise wuu iga dacwoonayaa! Muxuu iiga sheegan karaa? Weysada ma ii keento miyuu dhahayaa, mise sariirta iima gogosho! Sideen ugu goglayaa, sariir intaas oo nin dhex taal?!

“Waxaan rabaa in aan madaxaagii ku siiyo.” Naxdin baa sidii jibintii laabtii Salaado ku dhufutay. Jirkeedii oo dhan baa gariiray. Way dawakhantay.
“Imm, um, uummm.” Waan ogahay in aan xaq kaa gelayo, haddana waxaan ka badan waayay sidaas.” Illin baa qabatay Salaado, masa ooynin. Furriin sidee ah, innagaaba is guursaday! Ayeeyadeed ayey il nac leh ku eegtay. Haddana way u ilnuglaatay, sababtoo ah, ayeeyo Casey, xanuun iyo murug badan baa wejigeeda iyo goomankeeda jactadiyay. Waad iga furan tahay ayuu dhawr jeer isaga daba celiyay.

Salaado way istaagtay. Isagiina intuu u kacay xaggii ayeeyo Casey, ayuu labada gacmood ka dhunkaday. Waa markii ugu horraysay ay Salaado aragto, isagoo ayeeyo Casey gacanta ku salaamaya. Isagoo kor ka bariidinaya ayey arki jirtay. Way soo baxday, iyadoon nolosheeda meel ku tirin karin, ma nooshahay mise way sirxantahay! Waa ku furay, sidaas fudud ma war baa?!

***
Qolkeedii oo sidii god maseed ula madow ayey iriddiisa fadhiisatay. Inay baxdo, meeshay doontaba ha aaddee ayey ku fekertay. Ayaydeed iyo odaygaan inay u tashteen, dad la’aanteeda ka faa’idaysteen ayey ku sahwiday. Iyadoo maqan ayey maqashay cod rageed oo leh: Salaado, ha ku fekerin xumaan. Gurigaada iska joog. Markaad cuddo baxdo, wiil aan adeerkiis ahay oo dibadda ka imanaya ayaan kuu guurinayaa. Waanan u sheegay arrinta dhexdeenna ah. Macnaha aad ii guursatay adigu, muxuu ahaa? Geesinnimo cidlo heehaabaysa ayey ku weydiisay?.

– Ma doonayo in aan arrintaas gelo!.
– Waayahay! Waayahay! ayey si rajabeel ah ugu celcelisay.
– Markaas ayuu intuu gambar soo qaatay ka soo horjeestay.
– Sheeko dheer oo ayan Salaado horraanteeda iyo dhammaadkeeda fahmi weyday ayuu ka soo sheekeeyay.
– Wuxuu ku soo abyay:

Siday ayeeyo cusub kuu soo korisay ayey anigana ii soo korisay. Si aan abaalkeeda u gudo ayaan adiga kuu guursaday.

– Intay eegtay bay ka jeesatay. Ma iyadaa igu kaa qasabtay?

– Maya! Maya! ayuu yiri: isagoo fekersan.

– Haddaad abaal u gudayso ayeeyo, waad i haysan lahayd.

– Salaado, dad ehel ah baan nahay ee maxaad igu furtay waayahee?!

– Ha i colaadsan Salaado.”

– Adigu, colaad iyo cadaawad ha ku celcelin ee ii sheeg sababta aad ii guursatay?

– Salaado, iga raalli ahaw.” intuu yiri buu soo istaagay. Qolkii duqda xaggiisa ayuu aaday, isagoo tallaabsanaya.

– Salaado oo qaharsan baa si quus leh u sii qooraansatay.

Daruur kasta ma da’do!.

W/Q: Seynab Xaaji Ugbaad

SHEEKOOYIN