Gu’oow intii xune kugu madlan‏‏! W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Gu’oow intii xune kugu madlan‏‏! W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

Laygana aqoon badan, dadkuna iga ildheer, oo garadsan. Waa mahmaah soomaaliyeed aqriste: Waqtigu woow sucdaa, waayuhuna  weysdaba gurayaan, dadkuna woow hayaamayaaye’e  , waxaan uga socdaa taa, anad siyaasadeedkii lagu madlanaa ayaa lagu guda jiraa waa 2016, wax badan ayey maqlayeen dhegaha ruuxa soomaaliyeed’e, waqtigu waa jiilaal iyo kuleel abaar aad u daran, dadka iyo duunyaduba waa oommane, aaran suge ah, waa xilligii ugu adkaaa, mayee, kal dambeed.

Waxaa loo ka la baxayaa hoomo iyo horweyn. Hoomadu waa xoolaha kuwa aan ceelka gaarin, ee guriga lagu quudiyo lagu nafaqeeyo biyo iyo baadna  meeshooda loogu keeno, Horweynkuna waa kuwa quudiya ambo loo dhaamiyo kuwa aan dhaqaaqa awoodin, mayee iyagu tagi kara meeshii biya laga helayo. Cid walba diyaar garoow ayey ku jirtaa 

Ninkiii beerweyn lahaa, abuurkii ow aburan lahaa gu’ga di’i doona

ayoow gu’cla orod ugu jiraa, si aan aaranka imaan doona u seegin.

Ninkii xoolaalley ahaana agagaf  iyo aroor kalixitaan ayow ku jiraa,

si owsan u seegin gu’ga di’idoona, oo ow u gaarsiiyo, wax nool, oo nafi ku jirto.

Qofkii ganacsade dukaanle ahaane, waxow halgan ugu jiraaa, sidii ow u kasban lahaa, deyn u siin lahaa.

Qolada beeralleydaa, xoolaaleyda ah, si haddii  aaranka iyo barwaaqada la gaari doono  ugu soo gudaan, iyagoo abaal uga haaya, waa ruux beeranaya hawo aan la hubin, ineey hirgali doonto mayee, gu’ aarmi doono, waa kan ugu shallaayga badin doona, haddii gu’gii la filanayay imaan waaayo.

Aqriste, waxba yaanan arar iyo hadal kugu daaline, aan duljoodsado ujeeddada maqaalkeeyga.

Gobaleeysi iyo Gobeyn ayaa lagu jiraa 

Garnaqsi iyo anaa gole leh ayaa lagu jiraa 

Gumeysi iyo is giijin ayaa lagu jiraa 

Gacan haatis iyo anaa gumeeysi kaalmeesti ah ayaa leysugu faanayaa.

Waala guurayaa? 

Xaggee laga guurayaa ? 

Xaggee loo guurayaa? 

Magaran annigu, bal adna!

Waa la wada halgamayaa  ma taqaanid, ruuxii xil hore  soo qabtay sida  madaxweyne, reysul wasaare, wasiir, wasiir xigeen, safiir, guddoomiye gobol, godoomiye degmo iwm.Kii isa soo shaacbixiyay wanaag iyo xumaan, kii hadda isa soo shaacbixin doona, oo waddada soo hayaa, waa leys hardinayaa, nin walba qola ayow shirinayaa, qabiilkiisa iyo qereysanayaal qaabkiiisa u bogaya. Magan.

Waa leysu hardinayaa. Waa gu’ aan la hubin inow di’i doono, misana is ma hubyo, inow yahay hoggaamiye maangal ah, waxaase ow ku hamminayaa, inow yahay, nin laga heybeesto  (Alla yaa u sheega!)

Nin walba ma hoggaamin karo madaxtnimo dawladeed, daleed, ummadeed. Waa astaan haybad gaar ahaaneed ah, oo Rabbi ku mannaystay, in yar oo naga mid ah. Astaamaha hawlwadidda dawladeed, ku ma timaaddo caleemasaar beeshaadu kuu samayso. Ku ma timaaddo dhaqaalaha aad leedahay iyo aqoonta aad kasbatay midna, balse, waa hibo ilaah baxsho. Nin walba waa xusul duubayaa !

Waxa loo halgamayaa, dhaxal adag. Waxa loohalgamayaa, dal aan hanti oollin.Waxa loohalgamayaa, dal aan xafiisyo laheen. Waxa loo halgamayaa, dal wax soo saarkiisii burburay.Waxa loo halgamayaa, dal aan manhaj waxabarasho iyo cilmi baaris laheen.Waxa loo halgamayaa, dal si fudud la is ku gaaleenayo. Waxa loo halgamayaa, dal maamul goboleedyo u ka la qeybsan.Waxa loo halgamaya, dal la is jellaafeynayo.Waxa loo hagamayaa, dal ey hoggaaminayaan ciidamo  shisheeye.Waxa loo halgamayaa, dal la is ku heesto. Waxa loo halgamayaa, dal dakiisii 50 % ey baannaanka uga maqanyihiin. Waxa loo halgamayaa dal gobol kastaahe  madaxweyne leeyahay.Waxa loo halgamayaa  dal ey dowlada shisheeye damac waalan uga jiro. Intaas iyo in kaloo badan dal ey ka jiraan ayaa loo wada halgamayaa, sidii madax looga noqon lahaa, xilna looga qaban lahaa.

Wali ma jiryo masuul is weydiiyay, sideen isaga dul qaadnaa heeryada gumeysi, ee ina dul saaran! Wali ma jiryo, ruux is weydiyay, maxaan is ku heysannaa amaba na lagu hestaa! Ma jiryo masuul u qalab qatay, qola qoleynta ka qoomameeyteda!

Waxaan uga jeeda, inta xildoonka ah, maanta ha joogeen ama ha soo jid hayeene, waddaniyiinta halganka dheer ku jira ku ma jiraan rag iyo dumar sida qalinleeyda, suugaanleyda, diinleydaculimada, qabiirrada aqoonyahanka  iyo in kaloo badan

Waxaan ku soo afmeerayaa; allow soomaali quluubtooda hagaaji, oo xasidka iyo xiqdiga ka saar. Gugan aan filaneynno ioow noo da’i doonana, mid qeyr qaba, nooga dhig (Allahuma aamiin).

W/Q: Xasan Cabdulle Calasow “Shiribmaal”

cuute23@hotmail.com

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.