Guridda wabiga Shabeelle waa gabagabada Soomaaliya! W/Q: Hodan Sh. Cumar

1012570_1051443924898810_4406501968987463876_n

Guridda wabiga Shabeelle waa gabagabada Soomaaliya!

 

Wax badan, oo badan, ayaa la hadlayay, oo la cabanayay, oo la cargaagtamayay, oo la calaacalayay, oo haddaan ummadda Soomaaliyeed nahay, aan is ku eed sheeganeynay, oon adduunka u eed sheeganeynay, oon middi middi ku taag iyo sagaaro biya waa cabtaa iyo ma cabto aan is ku haysannay, taasine waxba ka ma baddaline, wixii aan ka cabaneynay baddalkeeda cirka ayey is ku sii shareertayba.

Adduunku naga ma qancin cabashada aan ka tirsanno, annaguna is ka ma aannan qancin midda aan is ka tirsanno, waa is marin waa iyo mawaaqif aan is ku milin wali.

Intaas markii aan ku guuldarreysannay, oo aan u ekaannay, xabsi-dowle, Soomaaliya iyo dadkeedana la aamusiyay, si qafiif ahna loogu qanciyay, in maalinba jab yar la ruqsado dalkooda, oo tijaabidaas aan marnay, laguna guuleystay, cadawga Soomaaliyeedna uu leeyahay: “Saca gowrac, Dibigu ha ku quusqaatee” oo horay baddii loo qaatay, ayey hadda soo gaartay wax anigu aan ku tilmaami karo, “GABAGABADII Soomaaliya“!

Wabiga shabeelle, wuxuu ahaa xubin muhiim ah, oo ummadda Soomaaliyeed ku tiirsan tahay, waxaa loogu tiirsanaa wabiga Shabeelle siyaabo badan, oo haddii ay meesha ka baxaan, aan muran iyo shaki ku jirin, in xaalka Soomaaliya soo dhammaanayo, haddii kale ku dhawaanaayo!

Soomaaliya waa waddan ku tiirsan xoolaha ama coodka la dhaqdo, sida ariga, geela, iyo lo’da, sidoo kale, waa waddan ku taxaluqa beeraha, duunyadaas ummadda Soomaaliyeed ku tiirsan tahay, waxay ku sii tiirsan yihiin, biyaha wabiga, ma jirto meel biyood, oo u muhiimsan sida wabiga oo ah hibo RABBI bixiyo, waayo, baddu waa muhiim, balse, biyaheeda la ma cabi karo, maadaama naf badan ay ku tiirsan tahay, ayuu aad u yahay muhiim.

Waxaa wabiga ku tiirsan biya ku noosha wabiga ku dhexnool, ugaarta, duurjoogta ah iyo sidoo kale dugaagga, oo labaduba ah bilicda dalka. Waxaa wabiga ku tiirsan ummad Soomaaliyeed, oo aan ceelna u qodneyn, cidna u maqnayn, haddaan CAADILKU cirka u hoorin, oo aan dhulku is ku baddalin dirgaamo biyaha celiya iyo wabiyaal kale, u masa maleeynayee, intaasba waxaa dhabarjab ku ah, guridda wabiga Shabeelle, kaas oo dabcan cadawga Soomaaliya uu ku hamminayay, in uu mar ku guuleysto, markuu ummadda soomaaliyeed ka wada dhigo, il ku mirrigleyaal, mayd aan dillaacin iyo mid xabaal waayayba!

Markii wabigu guray, xoolihii ku noolaa, waxay soo is taagi doonaan caglo, dadkii ku noolaa waxay soo is taagi doonaan kab bannaan, duurjoogtii oo awalba baytimaashay, oo xabbadi ka la cayrisay, haddii ay ku oomaan dalkooda intii soo hartay, sow wax le’da, iyo wax qaxa noqon maayaan?.

Bal qiyaas, beerihii oo wada qallalay! Bal oddoros xoolihii oo wada aqsoobay! Bal saadaali dadkii oo wada aqday! Bal cabbir dadkii awalba car i taabo ahaa, oo wabigii ay shinsanayeen ka guray! Bal sawiro bilicdii wabigu lahaa, oo meesha ka baxday! Walaal maxaa noo haray? Awooweyaasheen, waddan xor ah ayey nooga tageen, maxaan annagu ubadkeenna uga tageeynaa? Maxaan u wada nahay “Lax dhukani abaar moog?” .12832546_1051443928232143_8845537863295925898_n

Intaasiba markeey meesha ka baxdo, cid maa su’aal ka qabta, in dalkii Soomaaliya la oran jiray, oo Afrika ku oolli jiray, uu soo gabagaboobayo?!

Nin qac ah, baa salaaddii ari la raacshay baa la yiri, markaas ayuu wuxuu yimid fiidkii, dadkii oo gurigii jooga, oo uu saakay kaga tagay, markaas ayuu siduu u soo socday yiri: “Waatan la fafadhiyee, ma arigiibaa la helay?” Hadda walaalahay Soomaaliyeedoow, waatan la fafadhiyee, ma dalka iyo dadka cid noo caymisa ayaan helnay?!

Waxaan wali salaadda ku xirannaa, oo ineey naga baxshaan aan rabnaa, dal iyo dadna ka sugeeynaa, nimankii 26 sano is ku kaaya leynayay, oo cuqdadda na ka la galiyay, waa siyaasiga Soomaaliyeed’e, ma ogtahay, horta siyaasiga, xitaa haddii Soomaaliya la la wareego gabi ahaanteeda, meel uu dago, oo ubadkiisa dagsado, inuusan wayneyn? Waayo, hadda ayuu lasii saaxiibay cadawga Soomaaliyeed, oo dhan, hadda ayuu wixiisa meel sii saartay, hadda ayuu dabaqoodhi iyo dabahilif sii noqday, wuxuu la aamusan yahay, siyaasiga Soomaaliyeed markii dalkeenna la dhaco, waa intaas oo kaliya, nin uu berri duggaashan doono, farta ku ma fiiqayo hadda, markuu kursi rabo iyo markii reerkiisa la taabtana, waakan xawlmariidka bannaanka keena, oo dhiikarka is ku kiciya, waa tuug laba wajiile ah siyaasiga Soomaaliga ihi, qolada war moogta ah, waa ummadda Soomaaliyeed oo afka ay uga hartay uun.

 

W/Q: Hodan Sh. Sumar

SHEEKOOYIN