Gurigii ilmaheyga miyaan dumiyey?!

Gurigii ilmaheyga miyaan dumiyey?!

guriga

Waa farsamayaqaan, ku caan baxay, dhisidda guryaha waaweyn. Waa shaqaale, ka shaqeeya, shirkad ka mida shirkadaha ugu sumcadda iyo dhaqaalaha badan dalkiisa.

Waa baarri, u dhaga fudud maamulkiisa iyo macaamisha shirkaddiisa.
Wuxuu si fiican u bartay shaqaalaha shirkadda, wuxuu yaqaanaa, kan howlkarka ah iyo kan howlfududeysiga shaqadiisa laga garto.

Ka sokow, inuu ka mid yahay shaqaalaha shirkad weyn, oo ka shaqeysa dhismaha guryaha, haddana, waa Iskuduwaha qaabeeye iyo naqshadeeye ay shirkaddiisu ku aaminto shaqooyinkeeda kuwa ugu ballaaran.

Shaqo kasta, oo loo dhiibay nin kaan, waxey ka dhigan tahay, iney tahay shaqooyinka shirkaddu heyso tan ugu culus, tan ugu dhaqaalaha badan, tan ugu shaqaalaha badan, tan la rabo in macmiilkeeda la dhowro ballankiisa, dalabkiisa iyo qaneecadiisaba, sidaas darteed, wuxuu masuul ka yahay, inuu u xulo, shaqaalaha ugu fiican iyo inuu u naqshadeeyo naqshadda ugu fiican, haddii aan macmiilku isagu naqshad iyo dalab u gooni ah wadan.

Sida ugu sharafta badan, ayuu uga soo bixijiray, mar kasta howlaha loo igmado, sanooyin iyo bilo muddadey ku qaadataba,waxaa la gaaray, waqtigii uu shaqada ka fariisan lahaa, sidaas darteed, ayuu warqad u qoray maamulkii shirkadda ugu sarreeyey. Warqadda uu maamulka u qoray, wuxuu ku codsanayey in la gaaray waqtigiisii howlgabnimada, uusanna kareyn, hadda kadib, inuu sii qabtoo shaqooyinkiisi hore iyo shaqo la mid ah.

Maamulkii warqaddii codsiga wuu aqbalay, balse, wuxuu ku xiray hal shardi, oo aheyd; in uu ku soo gabagabeeyo shaqooyinkiisii, hal shaqo oo hadda taagan, shaqadaasna uu leeyahay mid ka mida macaamishii shirkadda soo maray kii ugu qaalisana abid, uusanna maamulku heyn cid kale, oo uu ku aamino shaqadaan, waxuuna maamulku intaas u raaciyey, in macmiilka shaqadaan raba, uusan wadan naqshad u gooni ah, laakiin, uu shirkadda ka codsaday, iney naqshad guri degaan ah, u naqshadeyso, una dhisto.

Shaqaddan uga dambeysa, ee ay shirkaddu u xilsaartay, waa shaqaddi ugu dambeysay, ee uu shirkadda u qabto, sidoo kale, waa shaqadii ugu dambeysay, ee uu macmiil maqan, oo aan kala xisaabtameyn dalabkiisa uu xil gooni ah iska saaro, laakin, wuxuu ku daadaalay inuu sida ugu dhaqsiyaha badan shaqadaan uga baxo, maadaaba ay uga xiran tahay fasixiisi.

Wuxuu qaatay shaqaalaha kuwii waqtigaan la joogo firaaqada ahaa, isagoon uu fiirin, kii shaqada si hufan u qaban jiray iyo kii fadhiid ka ahaa. Wuxuu naqshaddii u boobsiyey sida ugu fudud, ee aan howl badan iyo waqti badan ka qaadaneyn. Wuxuu alaabtii ka soo iibsaday meeshii ugu dhaweed, isagoon u fiirin tayada iyo qiimaha ay joogto, alaabta uu guriga u ibinayo.

Wuxuu shaqadii galiyey sheyba sheyga uu uga fududaa helitaankiisa iyo sameyntiisuba, sidaas ayuuna shaqadii ku soo afjaray, si hal-haleel ah, oo ay ka tahay mar uun gurigii ugu dambeyey ma u dhisay shirkadda iyo macmiilkeeda.
Wuxuu mar kale warqad ugu sheegay maamulka, in uu dhammeeyey howshisii ugu dambeysay, sidaas darteed, loo fududeeyo fasixiisa iyo xaqii uu ku lahaa shirkadda muddadii uu shaqeynaayey.

Maamulki waxey u sheegeen, inuu xilligaas yimaado xafiiska Maamulka ugu sarreeya shirkadda, halkaas oo u ku sugayo macmiilkii lahaa shaqada u ku soo afjaray mustaqbalkiisi shaqo iyo maamulka shirkadda ugu sarreeya.

Waqtigii la ballamiyey ayuu yimid xafiiskii maamulka, wuxuuna halkaas ugu yimid maamullihii shirkadda oo sugaya. Maamullihii wuxuu ku yiri:

“Soo dhawoow, waxaad la soo qaadatay shirkaddaan waqti badan, weligaanna shaqo aad qabatay ceebi kama iman, sidaas darteed, ayaan kugu aaminay shaqadii hadda aad dhammeysay, oo aheyd shaqo ay shirkaddu u qabaneysay, macmiilkii ugu qaalisanaa, dhammaan macaamishii shirkaddaani ay u soo adeegtay, kalsooni ay shirkaddu kugu qabto iyo hagrasho la’aantaadi, ayaa lagaaga codsaday waqtigaas dheeraad ka ah iyo inaad qaaddo masuuliyadda shaqadaas, waana rajeynayaa inaad u qabatay shaqadaas sidii caadada ku aheyd”

Maamulihii wuxuu soo bixiyey bokis yar, oo ay ku jiraan fureyaashi guriga uu soo dhammeyey ninkaan hortaagan, gacanta ayuu ka saaray wuxuuna ku yiri;

“Macmiilka shirkaddaan ku weyn, ee ay shaqadiisa ku aamini weysay cid kale maaha,  waa adigaan i hortaagan, shaqada aad soo dhammeysayna shirkaddu adigey kugu abaal gudday, gurigaasna adigaa is ka leh, oo ay shirkaddu ku siisay, sidii aad shaqadaas u qabatay iyo sidii aad dhismahaas u naqshadeysay waxey tusaale iyo gunnaanad u aheyd, sidaad shirkaddan ugu soo halgantay, adiga, qoyskaaga iyo ilmahaagu, waxey leeyihiin gurigaas, waxeyna u isticmaali doonan inta noloshooda ka dhimman, sidii aad ugu dhistay!”

Naqshadeeyihii iyo farsamayaqaankii howlkarka ahaa hal mar ayuu shaqadiisa si taxadar la’aan ah, si hagrasho ku jirtay u qabtay, waana markii, uu guri isagu leeyahay shaqadiisii sidey aheyd uusan u qaban, oo uu u dhisay si uu san naftiisa ugu dhiseen.

Wuxuu ka shallaayey, siduu u maareeyey shaqadaas. Wuxuu ogaa, inuu gurigaas galiyey alaab badan, oo aan tayo laheyn. Wuxuu ogaa, inuu howl badan, oo uu mudnaa gurigaasi fududeystay. Wuxuu ogaa, in xataa ganjeelka guriga laga soo galo uu ahaa kan ugu raqiisan ganjeellada, isagoon lacag ugu naxariisaneyn, ee u xishay dhawaanshaha iyo siduu u heli karay. Wuxuu maanka ku hayey, inuu markuu gurigaas dhisayey, meesha ka saaray, in aan mar dambe shaqo loo dhiibi doonin, sidaas darteed, ay san muhiim aheyn, inuu shaqadaan wanaajiyo iyo inuu xumeeyo, ay sanna mustaqbalkiisa xiriir la laheyn, oo uu shirkaddaan ka tagay, laakin, wuxuu yaqiinsaday, inuu isagu isku sameeyey wixii ugu xumaa, ee cid kasta ku sameyn lahaa.

“Wax kasta ood qabaneyso, dacaadnimo ku billow, kuna dhammeyso!” waa xigmadda qoraalkan ku jirta Sheekadan waxey ku qorantahay buugga la yiraahdo ONE MINUTE MILLIONAIRE ee uu qoray: James Allen

W/D: Maxamed Axmed Cali Royal

Email:Mohamedmidnimo@gmail.com

Business & ICT RESEACHER

 

SHEEKOOYIN