Guud-marka Gaso, Ganuun iyo Gasiin| W/Q: Cali Cabdiraxmaan Maxamuud (Cali Ugaas)

Guud-marka Gaso, Ganuun iyo Gasiin

Sheekada Gaso, Ganuun iyo Gasiin waa sheeko aan weli toban sano jirsan, balse, tartan adag la geli karta sheekooyinka afartan sano jirsaday. Walow aanan sheeko-qore aheyn haddana aad baan uga helaa inaan aqriyo buugaagta qisooyinka ah (Novels) ee la qoro. Ma rabo inaan dhaliilo buugaag ay ammin badan geliyeen qoraalkooda rag iga cilmi badnaan kara ama iga waaya-aragsanaan kara ama ba iiga ga xeeldheer aqoonta afka, waxaanse jecelahay inaan ra’yigeyga cabbiro. Haddaba, buuggaan Gaso ah waxaan kala kulmay wax aanan horay uga baran qaababka ay ummaddeennu wax u qorto ama se isugu gudbiso sheekooyinka. Waayo badanaa dadkeenna wax qora aqristaha kama qeybgaliyaan qaabka loo qaadaadhigayo qeybaha sheekada iskaba daa in sida aad u fikireyso lala ekeysiiyo nuxurka sheeko sheegista e.

Gaso waxaan kala kulmay intii aan aqrinaayey farshaxannimo qoraaleed sarreysa oo uu qoruhu leeyahay, waayo sheekaduba waxay ku billaabaneysaa si iska kadiso ah oo qofka matalayo werinta sheekada ay kula soo dhaceyso eray uu markaas si kadis ah isaga yiri: “waxaan seexday jiif aan juuq iyo jabaq midna laheyn. Jabaq. Allow kuu naxariiso! Ma aqaan waxa hadda i xusuusiyey magac aan muddo dheer maqal ama aan xusuusan”.

Sidoo kale sheekadu waxay la gaar noqotay inay tahay mid aan la sii qiyaasi karin. Tusaale ahaan, aniga billowga sheekada bogagga hore si dhaqsi ah uga ma fahmin, waxaan dhadhansaday mar aan dhoor bog marayo, geesta kale na marna ma filan inay sidaas degdegga ah ku dhammaaneyso, waayo marka Jabaq uu qaarka dambe qaadi waayo, isma laheyn geeridiisa in lagu qoraayo sadarrada xiga. Waxaa laga yaabaa inay saameyn igu lahaayeen sheekooyinkii aan iska sii qiyaasi jiray halka biyadhacoodu yahay. Gaso sidoo kale waxay gooni la tahay in lagu tabinaayo ku dhowaad afar tabiye (inti aan ka fahmay) oo mararka qaar adiga aqristaha ah aad ka mid noqoneyso dadka sheekada tebinteeda wax ka leh.

Waxaa sidoo kale ka muuqata sheekada aadaabta qoraha ama ixtiraamka uu u haayo lahjadaha kala duwan ee dalkeenna looga ga hadlo. Marar badan baad arkeysaa in erayo afmaay ah la adeegsanayo si loo muujiyo qaninimada afkaas, sidoo kale erayo iska fudud oo la iska fahmi karo buu Ustaad Cali isku howlayaa inuu dhowr macne kuugu sheego, dhanka kale na sheekadu waa qaamuus erayo badan oo abaadi raba lagu kaydiyey.

Ma rabo inaan buugga uga hadlo cutub cutub waayo qofkii aan aqrin sheekada waxay ku noqonee bargo’ ay qolooyinka qayila ka sheekeyn jireen, waxaan se jecleystay inaan gorfeyntaan si dul ka xaadis ah uga faalloodo sheekada anigoo soo gudbinaya naqshadda guud ama dariiqa loo jeexay sheekada ama sidi ay u weriyeen qisada Aw-sheekoole iyo midkii warka ka dhuraayey.

Sheekadu mar waxaan kala baxay inay aheyd abaalnaq iyo xus loo sameynayo dad uu ustaadku u arkaayey inay mudan yihiin in la xigto sida Macallin Nuuriyow (Nuuraddiin Faarax), Gobeey Ina Biyow (Meymuun Biyow) iyo Wabarka Wabarrada (Xasan Geeddi Abtow), mar kalena waxaan ka dhadhansan karay inay ibofur u tahay qaab cusub oo loo jideynayo in loo qoro sheekooyinka qisooyinka tebiya. Waxaa se wax walba iga la qiimo badnaa waqtiga kooban ee ay ku dhaceyso sheekada iyo inta bog ee la adeegsaday si loo macaaneeyo xiisaha uu aqristaha u qabi karo daalacashada sheekada.

Toddobo iyo labaatanka qeyb ee sheekada midba midka kale waa ka xiiso iyo xamaasad badan yahay. Waxaa se furaha fahamka sheekada ah taladii uu i siiyey widaaygey Jaabbir Carab taas oo aheyd inaad u dhugyeelato erayada culus ee sii dabargo’aya ee sidii casharka ah oo kale Ustaad Cali noogu meerinaayo. Ani ahaan sheekada waxaan ka dheefay dhowr eray oo maskaxdeydu ii fasirtay ka dib markay ku macneysatay jumladihi ay ku jireen.

Ugu dambeyn waxaan jecelahay inaan Ustaad Cali uga mahadceliyo qorista buuggan qiimaha badan ee uu noo soo gudbiyey. Waxaan aaminsanahay inay sheekadaan jiilasha soo socda u noqoneyso keyd ay wax badan ka dheefaan, kuwa hadda joogana ay u tahay hanti ma guurta ah oo uu u reebay oday garaad badan oo waqti galiyey isku na howlay sheeko aan anigu ku tilmaami karo inay tahay ugu yaraan toban sheeko oo isku dhex jira.

W/Q: Cali Cabdiraxmaan Maxamuud (Cali Ugaas)

Email: shafti1.ry@gmail.com

Naga la soo xariir:

laashin77@gmail.com

admin@laashin.com

 

SHEEKOOYIN