Guumays mise gashaanti loo han waynwaynyahay ? W/Q:Maamo Dahabo Xasan Guure

Guumays mise gashaanti loo han waynwaynyahay ?

“Guumays” waa erayga kaliya ee aan oran karo waa hubka loo adeegsado gabdhaha ee gumaada isagoon dhibic dhiiga ka keenin korkeeda. Ha beensan oo bal u fiirso inta ay qalbiyo dhaawacday. Inta gabdhood oo ay noloshooda u horseedday iney galaan nolol iyo qof aan u qalmin iyago ka cararaya erayga (guumays). dhacdadan hoos ku xusan waa tusaale bayaaminaya eraygaan iyo inta ay hadimo gaadhsiisay hablo badan soomaaliyeed ee akhris wanaagsan.

“Waxaan ahay hooyo haysata shan caruura, intii aan reer lahaa waligay farxad kuma seexan kumana soo toosin. Noloshayduna ma noqon mid aan ku nasto iskaba daa inaan helo qodob ka mida wixii aan xaq u lahaa oo ay ugu horreyso inaan ka helo ixtiram iyo qadarin…….”

Xaali ayaa intaas igu tiri xilli aan sheekaysanaynay haddii aanse faahfaahiyo waxay u dhacday sheekadeedu sida tan :

” Marka ay noqoto gabdhaha aan wada dhalannay aniga ayaa curad u ahaa. Waxaan jecla oo aan ku dadaali jiray inaan wax barto. Waxa aan lahaa riyooyin badan oo ay ugu horreysay inaan naftayda iyo tan waalidkayba wax taro; inaan noqdo qof nolosha wax ku soo kordhiya ee aan cidna culays kaga dhigin noloshayda oo isku filan.

Qoyska aan ka soo jeedo gabdhahoodu waxay ahaayeen kuwo yaraan loogu wada guuriyay ama ku guursaday. Kuma jirin gabar dhammaysatay xattaa dugsi dhexe kulligood yaraan bey reer ku yeesheen; kaligey baa ka noqday gabadha kaliya ee gaarta dugsi sare. Waxaa ii bilawday waayo cusub oo culayskooda wata.

Maalinkii la soo sheego iney reerku leeyihiin xaflad aroos oo gabdhaha gabadh ka mid ah la guursanayo aniga waxaa la ii miisi jiray dhaga hadal iyo erayo duurxula oo la iigu muujinayo inaan ahay guumays gablan ciirsan doonta haddii aanan fadhiga ka kicin oo aanan guursan sida ay u guursanayaan gabdhaha kale xigtada ila ah. Waxaan xasuusta maalin la guursanayay gabadh ah ina abtiday ahayd in ay hooyaday inta ay caag saliid cadday ka dhamaatay soo qaadatay oo ay garaacday igu tiri ‘Gabadh gabadhii ka yarayd ay guursatooy garaad la’…………….. iyo hadalo ay ka mid ahaayeen naa fadhiga ka kac oo guurso ha dul fadhin digsigayga oo intaad leef leefaysid qaadadayda yaan waqtigu kugu dhammaan.

Waa guurso aan caynad kaloo raacsan aysan jirin. Hadalka mar walba dhagta la iigu shubi jiray wuxuu ahaa naa soo ma ogid in uu waqti kugu socdo aad leedahay da’ cayiman oo aadan ku dhali karin berri. Talo la isiiyo iska daaye waxa aan noqday qof xilli walba laga tuqaantuqinayo guriga oo loo tusinayo iney tahay culays in la iska fogeeyo mooye aan garasho ay ku dhaqaaqdo kale lahayn.
Nolosha la igu eryayo wax talo iyo tusaale ah la igama siiyo. Waayo aragnimo kale iyo sheeko toona ma maqlo lagu garab wado guubaabada dhagaha kol walbaba la iigu dhibcinayo. Ma aqaan sida nimanka loola sheekaysto oo waxbaro han yeela mooye haasaawe iyo anigu maalinna salaamu calaykum ismaynaan oran.
Waxaan is waydiin jiray habeen walba markaan dhinaca dhulka dhigo xaggee wax ka bilawdaa?. Yaad isku aaminta oo aad noloshaad u dhiibta?. Sidee ula hadasha maxaad waydiisa? . Dookhu yuu ila rabaa xattaa ma garan karo.
Muddo toban sano ku dhaw ayaan wareerkaas iyo isla hadalkaas ku jiray. Waxaan ku gaaray heer jamacadeed laakiin iima suurta galin inaan dhammaystirto, darajada aan keenay waxay noqotay mid hooseysa oo waxa aan ahaa qolof ahaan ruux dadka dhex socota balse, ka dhaawacan maskaxda iyo qalbi oo ah halka laga hago qofka insaanka.

Muddo yar ka dib kolkii aan jaamacadda bilaabay baa waxa la iisoo jeediyay inuu jiro nin isoo doonay waalidkuna go’aansadeen iney igu daraan. Waan xasuusta oo qolka fadhiga ayaa habeenka la ila fariistay iyado la igu qancinayo inaan yeelo ninka la ila rabo.

Markaan arkay sida hadalku u dhacayo oo u badna maanta yaysan kula dhaafin ayaan go’aansaday inaan aqbalo sidii ayaana la iigu guuriyay ninkii isoo doontay. Guur, hanbalayo iyo galbis aanan talo ku lahayn; nin aanan waligay arag iyo nolol aan kaligay wajahayo ayaa ii bilaabantay.

Ninku waa nin dhawr dumaro hore soo furay caruurtiisuna ay kala filiqsantahay afarta dacal ee magaalada. Waxaa hortay loo soo diiday gabdho badan balse reerkaygu dagdag bey ku aqbaleen waliba shuruud la’aan iney iigu guurinayaan. Wax badan qisooyinki horay looga soo sheegi jiray ma dhaamin noloshi aan la bilaabay, af xumo, dil iyo handadaad buu ahaa hab dhaqankiisa oo dhan. Waxaan u dhalay shan carruura oo aan sannad buuxa kala wayneen. Ma ashtakayn karo oo halke u soo laabanaysa baa i hor taal. Meel aan ku sii nagaadana ma noqon gurigaygi. Isaga ruuxiisu waa dareensanyahay inaan ahaa qof lasoo tuuray oo aan wax ra’yi ahba waligeed nolosheeda ku yeelan.
Horay waxaan daris ula ahaa niyad jab, dhaga hadal iyo waxbarashadii iyo hanki aan lahaa oo aan hirgalin.
Waalidakay ninkaas ka hor waxay damceen mar iney igu daraan nin xanuunsan oo qurbaha laga keenay, waddankana loo keenay in lagu quraan saaro. Waa qac in lala socdo mooye aan garanayn xatta waddada uu maray kolku ka baxayay guriga . Ninkaas diidmo aan diiday la iigama dayn ee reerka dhexdiisa isku qilaafay oo inti ugu badnayd baa ku yiri waalidkay ka daaya gabadha ninkaas yuusan salfan nafteede “.

Waa xaali iyo waayaheeda nololeed. Kuma koobna xaali oo qudha dhacdooyinka noocaas ah ee gabdho badan baa la qaba in laga kala daadiyo hankooda si la isu dhaafiyo oo meel madaxa loogu gasho. La yaab maleh oo maahmaahyadaan gabdhaha u samaysannaya baa waxaa ka mida “Gabari guri hakaaga jirto ama god”. Haddaba Waxaa is waydiin mudan oo ay tahay iney is waydiiyaan waalidiin badano soomaaliyeed gabadha aad soo korinaysay dhawr iyo toban sano ama labaatan sano oo lagaba yaabay iney dhisato nolol qurux badano ay ku qanacsanatahy iney ugu hadhay muddo kooban iney inta ka hor dhacaan ku tuqaantqeeyaan nolol aysan diyaar u ahayn.

Maxay tahay waxa ay ka dheefayaan iney iyaguna tacabkooda ka dhigaan hal bacaad lagu lisay gabdhahoodana ay ka burburiyaan himmilooyinkoodi ay hiigso islahaayeen.
Muhiimaddu waxay tahay guurku inuu noqdo mid labada qof ee nolosha lala rabo iney wadaagaan ay ku qancsanyihiin, iskana raalli yihiin. Waayo waxa la hagayo beri maahan guri ka kooban qol hurda iyo mid fadhiya ee waxaa la hagayaa oo la dhaqayaa naf iyo ubad berri noqonaya hantidii ay umaddaan ku faani lahayd.

Dabcan waalidiinta oo idil caynka ma wada ahan oo waxaa jira waalidiin fara badan horrayna u jiray illaa hadana jira oo ubadkooda wiilal iyo gabdhaba la jecel horumar iyo iney u noqoto noloshu sida ay rabaan. Gabdhahoodana ku dhiiri galiya haddii aysan helin nolol u qalanta iney joogaan gurigooda ay ku karaamaysanyihiin waalidkeedna ay ku indhakuulanayaa. Waxaa ka mida erayadaan aan hoos ku xusi doono in ay hooyo gabadheeda u tirisay iyadoo tiri :
Gabadhayda yaray
Garbasaaro carwooy
Geel lawaayay wadaay
Gurba wayrixiyaay
Geel haddii aan kugu waayo
Iyo geenyo irmaan
Gurigaaga iska joog
Oo iska guudad xidhnaw

Waxay hooyadaas gabadheeda u tilmaamaysa halka ay la rabto iyo ineysan ahayn qof laga cayrinayo reerka ee ay tahay gabadheedo qaali ku ah qoyskeeda iney la joogtona ay ka door bidayso haddii ay aysan helin qof qaaliyeeya oo qaymeeya.

Waxaan rajaynayaa in waalidiin badan ay dib ugu noqdaan fikradda ay guurka ka haystaan gaar ahaan gabdhahooda ay alle uga baqaan una arkaan iney yeeshaan xorriyad ay ku dooran karaan qofka ay munaasab u arkaan.

Talada iyo nlosha ay la rabaanna ay iyaga saldhig u noqdaan oo ay ogolaadaan. Waayo xilligi nabiga scws gabdh baa u timid iyadoo leh rasuul allaw aabbahay wiil walaalkiis dhalay buu igu daray isagoo danihiisa i dhaafsanaya. Nabigu scws wuxuu yiri [guurkaas waa waxba kama jiraan go’aanka adiga ayaa iska leh]. Markii aabbihi maqlay hadalki nabiga scws oo u yaqiinsaday iney ahayd inuu gabadhiisa uga danbeeyo rabitaankeeda ayey tiri gabadhi ma rabin inaan qilaafo rabitaanka aabbahay ee waxaan rabay inaan baro haweenka in ay xaq u leeyihiin doorashada ruuxa ay nolosha la wadaagayaan aabbayaashuna shaqo ku lahayn xakamaynta dookhooda.

Xadiithku waa saxiix Sunan Ibni Maajah iyo Nisaai ayuuna ku soo arooray.

Maamo Dahabo Xasan Guure

SHEEKOOYIN

Cart
  • No products in the cart.