Guur waa God Madoow oo Gacanta u rido W/Q: Cabdinoor Cabdulqadir Maxamuud.

14040097_1775744139368209_628150142344622708_n

Guur waa God Madoow oo Gacanta u rido

Waa oraah inta badan aan ka bixin afka dadka soomaalida ah inteena badana ay u maqleen siyaabo kala duwan ee maxaa ka dhab ah.Guurka waa naxariis waa degenaan waa jaceyl iyo kalgacal wuxuuna ubaahanyahay in laga fakaro intaan lagu dhaqaaqin si looga helo arrimaha aan soo sheegay.

Waxaa hubaal ah in guurka uusan ka liidan mashruucyada kala duwan ee la sameeyo kuwa ganacsi iyo kuwa kaleba, waxaana wada ognahay in mashruuc kasta u baahanyahay “Qorshe” oo ogaal lagu galo laguna xusho waxyaabo cad oo la ogyahay.

Dhallinyaro badan ayaan waydiiyay maxaad ku xulanaysaa qofka aad nolosha la wadaageeyso kuligood ama badankood waxay ku jawaabeen arimo ku saabsan tilmaamo qofka ka muuqanaya oo dhammaan kara waqti kadib sida: Qurux, Dherer, Dhumuc, Dhuubnaan ama Buurni, IWM.

Halka tilmaamaha wax ku oolka ah ee qofka shaqsiyadiisu ku dhisantahay islamarkaana aan suulin si sahlan aanay sheegin sida: Aqoon, Karti, Dulqaad, Dadnimo, Daacadnimo, Kalsoon, Jaceyl iyo Diin IWM.

Waxay dhallinyaraadus isku qanciyeen in Guurku God madow yahay oo waxyaabaha qofka shaqsiyadiisa ka hadlaya ama tayadiisa qofeed aan la ogaan karin ee muuqaalka guud uun muhim yahay.

Waxaan nahay bulshada adduunka ugu furriinka badan sidaan filayo hadiiba la arkayo 14 jir iyo 16 jir isasoo furayaan, sababtuna waa in guurka aan Mashruuc laga dhigan oo ujeed iyo macno loo sameeyn oo macnaha ugu ballaaran uu yahay sida xafladiisa loo dhigi lahaa uun ee uusan ahayn “Guri iyo guur nuucee ah ayaan doonayaa yaase ila wadaagi kara?” Oo aan wada dhisan karnaa gurigaas.?*

Waxaa isoo wacay qof aan daris ahayn oo isagu reer ah wuxuu iwaydiiyay ma guursatay markaas baan iri qofkii munaasab ahaa markii aan helo ayaan ka dhigayaa markaasuu yiri: Guur waa God Madow ee Iska guurso waqti yuusan kaa dhicine !!!

Waxaan ku talin lahaa haddii laysku dhiirigalinayo guur halaysku dhiiri galiyo “uur tayeeysan” oo qorshe iyo ogaal lagu galay loona tabaabusheystay si is faham u yimaado reer waaro oo barwaaqo sooran ahna meesha uga dhasho.

Mahadsanidiin

W/Q: Cabdinoor Cabdulqadir Maxamuud

Barta facebook:

SHEEKOOYIN