Guurdoon Mise Goblan Ka Bax? W/Q: Naciima Abwaan Qorane

unnamed

Guurdoon Mise Goblan Ka Bax?

Qof kastoo adduunka guudkiisa ku nool, rag ama dumar kuu dooni ha noqdee, waxaa hubaal ah inuu rabo qof wanaagsan oo ay isku degaan, noloshana dhan uga wada halgamaan, istiiriyaan oo is taakuleeyaan, isla jeerkaasna ay dhalaan ubad baariyiina oo quruxda qoyska bila, waa haddii Allaah siinayee. Shaqsi kastaa intaanu guursan ka hor sawir ayuu maskaxda ku haystaa qurux badan, aasoo uu jecel yahay inuu ku noolaado kuna waaro dhisidda qoys cusub ka gadaal.

Halka dadka qaar iyana ay jiraan qof gaara oo u calaamadsan oo ay xidhiidh lammaane wadaagaan, kaasoo haddii Allaah wax is kugu daro ay ku riyoodaan inay nolosha la qaybsadaan, guurka ka horna la yagleelo xidhiidh qoto dheer oo is faham iyo isla jaanqaadid ku dhisan. Midba midka kale ayuu u geyllamaa siduu u heli lahaa. Riyo iyo mala’awaal ayaa lagu dhisaa nolol macaan badan oo lagu wada nool yahay—waana halka qoys laga unko.

Xikmadda ka dambaysa guurku waa isku xasillidda lammaanaha dareenka jinsiga wadaaga, taasoo Allaah (SWT) yidhi, “Dhexdiinna ayaannu dhignay raxmad iyo naxariis.” Laakiin markaad u fiirsato qoysaska Soomaalida, isla kolkaaba maskaxdaada waxaa ku soo degdegaysa su’aal, taasoo ah: niman yahaw, Soomaalidu, horta, ma guurdoon baa mise waa goblan ka bax?!

Hadda bal aan isku dayo inaan weyddiinta lafteeda yara furfuro anigoo laba qaybood u kala dhigaya, ka dibna aan jawaabtoo kooban ku siiyo.

GuurdoonQofku markuu guurdoon yahay, waa qof ku hammiya siduu ku dhisan lahaa qoys uu ku xasilo kuna dhawrsoonado, isla jeerkaana beera oo kobciya beer qurux badan taasoo maxsuulka iyo midhaha ka soo baxaa ayaga iyo bulshaduba u aydo.

Goblan ka bax: Qofka goblan ka baxa ahi isaga ujeedkiisu taa hore ee ummaddu wada taqaanno waa ka geddisan tahay; waana qof keliya ka fikira baahiyihiisa shahwadeed, hadafka ugu weyn uu guurka ka leeyahayna ay tahay inuu raaxaysto laakiin aan dan iyo heello toonna ka lahayn wixii dhalanaya iyo wixii dhimanaya toonna.

Raxmad iyo kalgacal midna uma guursado, waayo sida orgiga ayuu gabadha u fuulaa isagoo qaylinaya, markuu ka degana is maba yaqaannaan! Iyaduna sidii lax asoollan iyadoo indho iyo dhega toonna lahayn ayay hoos dhigataa, kamana fikirto ayaamaha dambe iyo ubadka soo kordhi doona!

Sidaas darteed jawaabtu waxay noqonaysaa: qoysaska Soomaalidu boqolkiiba shanta nolosha fahamsan mooyaane, boqolkiiba sagaashan iyo shanta kaleba waa goblan ka bax, hadafkooda rasmiga ahina yahay uun inay kacsiga iska damiyaan oo daqiiqado raaxaystaan.

Laakiin inta aynnaan u gudbin waajibaadka lammaanaha laga rabo, aynnu is weyddiinno: maxaa sababay in nolosha qoysaska Soomaalidu aad u hoosayso xagga maxabbada iyo dhaqanka wanaagsan? Ka dibna aynnu u kala qaadno saddex qaybood.

Qaybta 1aad: Cadaadis bulshada kaga yimaadda, tusaale ahaan, haddii ninka iyo gabadha oo dhexda is haysta ay maraan suuqyada magaalada, waxaa la odhanayaa, “Acuudu billaah, waar waxan ciyaala suuqa ahi maxay ahaayeen?!” Haddii ninku gabadhiisa dhunkado, laabta geliyo, cunto afka ugu guro, ama uu hadallo macaan yidhaahdo isaga oo bulshada dhex jooga, waxay u arkayaan nin dhintay, khasiis ah, oo bilaa xishood ah; gabadhana sidoo kale.

Qaybta 2aadCaqabado lammaanaha kaga yimaadda labada dhinac ee ay ka soo kala jeedaan—macnaha labada qoys ee dhalay wiilka iyo gabadha. Haddii gabadhu raalliya ninkeeda u noqoto waxaa la odhanayaa, “Waa mid doqon ah oo ninka ka baqaysa, dee malaha waxa wuu dilaa oo araggiisa ayay ka ashahaadataa.” Dhanka kale, ninku hadduu gabadhiisa jeclaado oo siday diintu tidhi ula dhaqmo, waxaa qoyska kaga yimaadda odhaahyo ay ka mid yihiin, “Ma inuu nool yahay baad u haysataa, naagtaa hoggaamisa, malaha dee way sixirtay, sidaas ayuu uga baqdaa, waa tuu hoogaa waa maqane joooga, iwm.”

Qaybta 3aad: Caqliyaddii xooladhaqatada ayaa weli maskaxdeenna ka guuxaysa, is giijin iyo iska caabbin ayaa innagu jirta. Waxaynnu aaminsannahay ama si toos ah u dhaqangelinaynaa loollankii ragga iyo dumarka ka dhexeeyay ee ahaa wax iska celi iyo guusha yaa aan lagaaga horrayn.

  1. B)Ninku hadduu si kasta u jecel yay gabadha u sheegan maayo, ficilna ku tusi maayo, sababtoo ah ninku wuxuu rumaysan yahay hadduu wax jeclaado inuu ceeboobayo iyo inuu noqonayo nin jilicsan oo liita.
  2. T)Gabadhuna hadday ninkeeda u jajabnaato, jeclaato, maxabaysiiso, dareensiiso ilaa heerka ay jeceshay, waxayba aaminsan tahay inuu ninku kolkuu ogaado nacayo ama u qaadanayo doqon bilaa damiira.

Waxaynu odhan karnaa, waxaa jirta is giijin labada dhinac ah, oo is difaacid iyo is xifaalayn ku calaamadsan. Waxay ku dhaqmaan maahmaah laga soo minguuriyay qarni jaahiligii taasoo ah: “Nin iyo naagtii colna ma aha, nabadna ma aha.” Waa taa sababta nolosha qoyska Soomaaliyeed cakirtay ee cirka geysay!

Haddii aan intaas kaga soo gudbo gogoldhigga qomadayda oon usoo gonda dego dulucda hadalkayga, nolosha wanaagsani waxay ka soo bilaabantaa qoys wanaagsan; qoyska wanaagsanina wuxuu beeraa beer qurux badan oo si fiican loo abqaalay; beerta quruxda badanina waxay soo saartaa midho macaan misana aragga u roon; midhahaasina waxay soo saaraan bulsho dhan walba ka quruxsan; bulshada noocaasina waxay soo saartaa qaran isku dheellitiran oo is jacayl walaaltinnimo iyo wax wadaag ka dhexayso.

Haddii qoyska wanaagsani uu nolosha ummado dhan badbaadiyo is beddelna ku sameeyo, ma odhan karaa, sababta ay Soomaali u degi wayday isuna beddeli wayday waa bilawga qoysaska iyo hab dhaqankooda dayrada ah ee joogtada ah?

Laba qaybood aan u kala qaado hab dhaqanka qalafsan ee midba midka kale kula dhaqmo labada nolosha wadaagtay ee Soomaaliyeed.

Dhaqanka qalafsan ee dumarka: Aan in yar is dul taago dhaqammo qalafsan oynnu raggeenna kula dhaqanno haddaynu nahay dumarka Soomaaliyeed een anigu ka mid ahay. Gabdhaha Soomaaliyeed haddaynu nahay, waxaynu ku xun nahay ee mar kasta raggeennu inooga soo cawdaan, ninka niyaddiisana sii jeedisa, maxaa ka mid ah?

Nadaafadda gabadh kastaa markay ay bannaanka taagan tahay ee aan la qabin, gabadh ka qurux badan, ka udgoon badan, ka lebbis qurux badan, oo ka nadaafad badani ma jirto; xataa maalintay meel tegayso haddii aanay haysan dhar qurxoon oy xidhato, waxay raadsanaysaa dhar ammaano ah (toobal caaro), waxayna ku odhanaysaa saxiibaddeed, “Dhar isii dhiib, meel ayaan tegayaaye,” sababtoo ah inay qurux badnaato ayay rabtaa.

Laakiin maalinta la guursado, ilmaha koowaad markay dhasho, ayay is nacaysaa; ilmaha koowaad iska dhaafe maalinta ay walacdo ayaaba nolol ugu dambaysa! gabadha Soomaaliyeed inay is nadiifiso, iska dhigto caruusad imika la soo hooyay, isla jeerkaasna ninkeeda soo jiidato, nafteeda iyo quruxdeedaba u hadiyadayso, waa habeenkii xalay ahaayoo tegay! Habeenka ay toddobada ka baxdo ayaa ugu dambaysa is qurxin, is dhalaalin iyo is nadifiinba.

Dhaqanka qalafsan ee ragga: Raggeennu waxay ku xun yihiin naxariis la’aan joogto ah. Tusaale, isagoo had iyo jeer ku dhunkanin, laabta ku gelinin, kuu sheegin inaad boqorad agtiisa ka tahay, ku ammaanin, wax qurux badan oo qalbigaaga dejiya kuu hadiyadaynin, wakhti fiican ku siinin, banaanka kuu dalxiis gaynin, guriga markuu wakhti hayo kaa caawin shaqadiisa, iyo isagoo kuu arka jaariyad (booyaasad) yaroo guriga u joogta in aad tahay, intuba waxay daliil u yihiin naxariis darrada raggeenna.

Maadaama aynnu soo sheegnay caqabado badan oo haysta nolosha qoysaskeenna, su’aasha mudan in lays waydiiyo waxay tahay: see lagaga gudbi karaa dhibaatooyinkaas? Maxaase xal u noqon kara in la cidhib tiro?

Jawaabtu way fududahay haddii ka go’naani jirto, sidoo kalena labada dhinacba ay heegan u yihiin is beddel nololeed oo jidhku iyo qalbigu ku raaxoobo inay sameeyaan, aad iyo aadna u kobciyaan si xirfadaysan.

Lammaanuhu waa inay marka horeba aaminaan inay iyagu hugii la xidhanayay isku yihiin, isna asturayaan, hadafka loo midoobayna ay tahay isku xasilid, kadib dhegaha ha ka furaystaan wax kasta oo bulshada kaga imanaya kaas oo jacaylkooda iyo wadajirkooda dhaawacaya.

Xalka gabadha: Gabadheey tusaale ayaaan ku siinayaa haddii aad isticmaasho aad ku liibaani doontee, bal hadda isoo yara raac oo wakhti isii. Ninku waa libaax, haddii aad isku soo taagtana wuu ku cuni, haddii aad u jajabnaatana afkiisa ayaad kala soo bixi waxa ku jira. Sidaas daraaddeed gabadhu waa inay ninkeeda isku dhiibtaa; haa,  isku dhiib ninkaaga oo ka samayso wanaag. Heer waxaad gaadhsiin kartaa inuu aamino in aanay jirinba dunidan gabadh kale ilaa adiga mooyaane. Ka bilaw marka horeba inaad quruxdaada, jidhkaaga, qalbigaaga iyo wax kastoo agtaada ku qaaliyaba inaad u hadiyayso.

Nadaafadda gabadhaUgu horrayn is nadiifi oo is qurxi, iska dhig caruusad hadda la soo hooyay, marso cadarrada (barfuunnada) kuwooda jidhka loogu talo galay, kareemo (creams) jidhka loogu talo galay oo carfoon isla jeerkaasna kaa dhigaya jileec ayaa jiree, iyagana marso, uunsiyada kuwa ugu udgoon isku shid, gasho dharka kuwooda ugu khafiifsan ee ninkaaga dareenkiisa shahweed kicin kara, adeegso ereyo macaan oo qalbigiisa dejiya baahi jinsiyeedna ku abuuri kara.

Nadaafadda guriga: Qolkaaga jiifka haw oggolaan inuu qof kale ka shaqeeyo, dharka ninkaagana haw oggolaan inuu qof kale dhaqo ama feereeyo (kaawiyadeeyo), cuntada ninkaagana haw oggolaan inuu qof kale sameeyo.

Lebbiska ninka: Gacantaada ugu lebbis una xidh hadba dharkuu ku soo baxayo, una ducee mar kasta adigoo maqashiinaya ninkaaga, ducadu maaha marka balo dhacdo ee shaqo la’aani hayso inaad u ducayso, laakiin waa mar kastuu kaa baxaayo ama kula joogo. Tusaale, yaa Allaah, ninkayga waan jeclahay ee ii daa oo hayga qaadin, waad ogtahoo kama maarmee; yaa Rabbi, ninkayga ii soo nabad celi, tallaabo kastuu qaadana khayr uga dhig— weliba maqashii.

Xilliga galmada ka hor: U diyaari cunto nafaqo leh ood siiso hadhaw, ogowna ninkaagu wuxuu u baahan yahay inaad tamartiisa kor usoo qaaddo si uu hadhaw si fiican kuugu raaxeeyo, waajib kiisana u guto. Galmada ka dib u ducee ninkaaga una sheeg inuu si fiican kuugu galmooday oo aad faraxsan tahay.

Talo gaara: Gabadheey waxaa iga talo ah, ninkaaga kol walba oo ay hawli ku furan tahay oo inuu ka fekero u baahan yahay, inaad siiso wakhti uu ku fekero, una abuurto jawi uu ka dhalin karo afkaar qurux badan, adiguna talooyinkaaga aad ku biiriso haddii uu kuu idmo.

Sirta ninka: Xafid sirta ninkaaga, waayo adigu waxaad tahay qofka keliyaata ee og wax kasta uu yahay, cidna hala wadaagin ninkaagu goldaloolooyinkuu leeyahay.

Waajibadka ragga: Ninku waa inuu gabadhiisa u muujiyaa kalgacal dheeraad ah isagoo tusinaya inuu jecel yahay, iyada la’aanteedna aanu waxba noqdeen; waa inuu ammaanaa gabadha mar kastana u sheegaa inay jirto sababo ay dumarka kale kaga geddisan tahay oo uu iyada ku soo xushay, wax kastoo wanaagsan oo ay samaysona waa inuu uga mahadnaqaa.  Waa inuu ka farxiyaa oo u hadiyeeyaa waxay jeceshay, u saaraa banaanka markuu wakhti haysto, siiyaa fursad uu kula sheekaysto xaaskiisa, dhunkadaa oo laabta geliyaa, qaadaa kuna yidhaahdaa ereyo kalgacal ka soo burqanaayo, caawiyaa xilliguu guriga joogo, xilliyaday uurka leedahay ama umusho waa inuu daryeelaa.

Mas’uuliyadda qoyska: Ninku isagaa ka mas’uula qoyska;  sidaas awgeed, waa inuu gabadha u noqdaa aabbe, hooyo, walaal iyo qaraabo intaba, sababtoo ah isaga dartiisa ayay intaasba uga timid.

Dhammaad

W/Q:  Naciima  Abwaan Qorane

SHEEKOOYIN