GUURKA GABDHAHA YARYAR EE QURBAHA XAL MISE XAQIIQ?

download

GUURKA GABDHAHA YARYAR EE QURBAHA XAL MISE XAQIIQ?

 

Bulshooyinka adduunka ku nooli waxay soo mareen marxalado kala gooni ah iyo heerar kala duwan, oo saamaysay noloshooda, mid walbaana ay la jaan-qaaddo hadba duruufta jirta iyo waqtigu sida uu yahay.

Haddaba, bulshadeenna Somaaliyeed iyo guurkooda, waa mid caynkee ah?  Waxaynu leenahay xeerar iyo wadiiqooyin aynu u marnno markay timaaddo in reero ay xididaan. Baahida iyo daruufaha  oo kala duwan dartood, guurku wuu noocyo badnaa.

Marbay gabdhuhu u guursan jireen reerkooda oo cayr ah siday hanti u heli lahaayeen, waxayna raadsan jireen nin aysan jeclayn, balse, ay dhaqaalo ugu xilato. Qaar kale guurkoodu waxuu ahaa mid aabbeheed uu siiyo oday ay saaxiib yihiin oo uu dhaqaale ka qaato. Kuwo waxay naftooda u doorbidi jireen nolosha oo ku xun inay hesho reer ay leedahay, oo ay dhibka kaga nasato. Qaarbaa lays dhaafsan jiray si beelo is laayay colaaddoodu ay u danto, oo halkaasi ay nabad uga dhalato, loo bixin jiray. Sidoo kale guurka qaarkiis waxuu ahaa dumaal ama xiskiisan, balse, waxaa jira qayb si ka wanaagsan intaas isku guursada oo iyagu is calmada, calafka iyo nasiibkoodu u saamaxo nolol farxad leh.

Waqtiga oo is bedelay darteed, waxaa inagu soo siyaaday dhaqammo ka baxsan kuwii ay waalidkeen innagu soo koriyeen. Waxaa dhacay dagaallo iyo qax, waxaynu nimid dhul aad ooga fog halkii aynu ku dhallanay, ee Rabbi inagu beeray, bad-waynta ayaynu dhex hafanaynaa, way midabbo badan tahay oo mowjado ku xoog badan tahay. Mar baynu ku hafannaa hirkeeda marna waynu yara neefsannaa, dhan kastaaba dheelligu wuu inaga jiraa dhaqan iyo diinba. Guurkii is bedal oo ka tag halkii uu ahaa, tobaneeyo sano ka hor, da’dii lagu guursan jiray halkan qurbaha waa ka mamnuuc oo maba laga oggola.

Haddana, saas oy tahay waxaa soo badanaya in gabdhaha yaryar ee ku dhashay ama koray qurbaha ay ku guursadaan da’ yar, marka loo eego waddammada aynu joogno hablaha u dhashay. Waxbarashadii horay uma sii wataan, oo dhex ayay kaga haraan intooda badan, guurkana kuma raagaan, oo si dhaqsaa ayuu reerkii ku dumaa! Miyaan is waydiinnay maxaa sababay arrinkaas, ma ku fikirnay sidaan xal ugu heli lahayn, oo aynu baaritaan u samayn lahayn?.

Mushkiladda ugu wayn ee sababta guurka xalka ay ka raadinayaan gabdhaha yaryar waa waalidka dhalay, sababtuna waxay tahay, dhawr arrimood, oo aynu ku dhaqanno balse, aan la jaan-qaadi karin nolosha dhabtaa ee aynu dhex joogno. Gabadhan yari waxay la kortay mid iyada aynigeeda ah, waxaa lagu koriyaa inay leedahay xuquuq iyo argti ay wax ku doonto waxna ku diido, reerka dhexdiisa waxaa ka jirta caddaalad iyo sinnaan aysan ku kala sarrayn iyada iyo walaalkeed, reerkoodu waa qoys kooban oo ma dhalin carruur tiro badan, waxay heshaa waqti ay ku aaddo hiwaayaddeeda hadba nooca ay iyadu xiisayso.

 

Balse, gabdhan Somaaliyeed hooyadeed waxaa lagu soo koriyay; “Naayaa walaalkaa dharka u dhaq! Naayaa gabar fiican noqo oo hadhow reerkeeda ku filan, ninka ku guursada yuusan igu kaa caayin oo uusan oran; Yaa soo koriyay?”’.

Waxay guriga hooyadeed ka soo baxday iyadoo aaminsan; Cilmi naageed jikaa u danbayn! Sidii oo kale, waxay billaabaysaa inay ku carbiso gabdhii yarayd, ee ay badda mawjadaha badan ku dhexdhashay; “Naayaa guriga iiga shaqee, gabar baad tahaye! Xaggeed aadday? Yaa ku soo wacay? Cunugga kaa yar sii hay, jikadaas oo aad nal ka dhigtayn aan imaado! (iyadu (hooyada) waxaa laga yaabaa markaa inay maalaa yacni iyo u socoto sheeko baralleey ah carra weelayn!

Ma jirto, wax hiwaayad ah oo ay aadayso aan ka ahayn dugsiga Quraanka iyo iskuulka. Balse, walaalked waxuu u ciyaaraa koox qaali ah aabbe iyo hooyo way ku faraxsan yihiin in uu noloshiisa dhisto illayn waa wiil ee, toddobaadkii dhawr jeer waxuu aadaa cayaar, dabbaal iyo kubbadda, markuu dumarka gaalada kula dabbaalanayo barkadaha dabbaasha wax danbi ah maahan waayo waa wiil!

Gabadhii yarayd markii ay tagto iskuulka waxaa loo aqrinayaa cashar ah in la siman yahay wiil iyo gabar, hawsha guriga, aadista hiwaayadda iyo guud ahaan nolosha oo dhan. Waxay si hoose u waydiinaysaa saaxiibbadeedii ay fasalka wada dhigtaan qaabka ay u nooshahay? Halkaasna waxay ka ogaanaysaa in dulmi uu ka jiro qoyskooda, oo aan loo caddaalad falin, hooyadeed waxay dhashay toddoba ama siddeed carruura iyadaana u wayn ama wiil baa ka wayn.

Waxay ku koraysaa ciil iyo cuqdad. Marwalba waxaa niyaddeeda ku jira mar yaa ka nasta hawshaan iyo buuqa ilmahaan! Goormaad kaligaa taleefashin xor ah daawan doontaa oo aad gurigaan ka tagi doontaa?

Waa suurtogal ah in aysan helin hadal macaan iyo in la tuso jacaylka ay u qabaan waalidkeed, ammaan iyo niyad dhiskuna uu aad u yar yahay. Hooyadeed kama ahan nacayb iyo xummaan midna, balse, dhaqankii iyada lagu soo koriyay ayaa ahaa sidaas. Gabadhan se waa ka duwan tahay dhaqan iyo aragti labadaba, oo waxay aamin san tahay in xaqeedii lagu tuntay, mana doonayso inay waalidkeed ku caasido. Markaas waxaa abuurmay farsamo ah in  gabadhu ay reerkoodii oo jecel samaysato nolol ka fudud middan, kana shiddo yar, oogana nasiino badan, waa maxay? Waa inay ku fekertaa guur iyo inay keensato wiil ay is rabaan runtuna ay tahay; KU NASO! Maahan  guurku xaqiiq waase xal. Muddo yar ka dib wiilki iyo gabadhii yaraa way kala boodeen oo layskumaba sii nagaan.

Haddaba, waalidoow runtu waxay tahay aynnu caddaalad falno, wiilka iyo gabadha aynu isku si ugu qaybinno hawsha, hiwaayadda iyo waxkasta oo noloshooda ku saabsan. Waxii diinteennu aysan oggolayn labada dhanba aynu ku dhiirranno in aynu ka mamnuucno oo aysan noqon dhib malahan waa wiil!

Gabadhaada ku beer jacayl, oo tus qiimaha ay agtaada ka leedahay, si hadhow ay nolosheeda u noqoto mid aan dhalanteed kaaga dhuuman. Gabar iyo wiilba waxay u bahan yihiin in isku si looga dhiso nolosha waayo isba berri aabbe ayuu noqon.

Ha lahaato han ay ku fekerto, nolol rasmi ah iyo heer waxbarasho, in daruuf iyo xanuun yimaado mooyiye, aysan si kale ooga niyad jabin. Ku boorri kuna caawi inay noqoto mid ku qabwayn nolosheeda fahansanna qiimaha guurka ee aysan u arag xal ay kaga tagto gurigan iyo dhibkiisa.

Waan hubaa, in waalid badan oo wanaagsan fahansanna caddaalda ay inagu jiraan, oo dhisa niyadda iyo qalbiga gabadhooda. Haddii ay jirto in aan khaldamay waa aragtidayda ii gaarkaa iyo ogaal badan oo aan qabo, talo iyo tusaale walaal kama maarmo iigu soo dira ciwaankayga.

 

hooyosuuban@gmail.com

W/Q; Nimco Noor 

SHEEKOOYIN