Guurka iyo Lammaanaha W/Q: Sakariye Cabdixaliim Maxamed

Guurka iyo Lammaanaha

12395526_521197824720381_1925708794_n

 

 

   

 

 

 

 

 

 

 

Waa maxay Guur?

Guurku waa heshiis xeer diineed ku fula oo lammaanaha is cugtey ee is calmaday ku heshiiyaan iney dhidbaan qoys ay wadaag ku yihiin talo iyo tigaad sidoo kale ay beeraan, beer cusub oo laga filan karo ubad iyo ubax dadeed cusub.

Guurka oo siyaabo badan ku yimaada, mar uu labada qof go’aanku ka soo fullo, iyaguna isku afgartaan iyo mar ay dhacdo in laba qoys uu go’aan ka gaaraan heshiisna ka dhigtaan inay isku daraan ubadkooda si ay u xoojiyaan xiriirkooda una dhidbaan qoys ay wadaag ku yihiin labadaa qoys, arrinkani waa mid dhaqamada adduunka qaarkood fallaan mase ah mid ku taxaluqa diinta.

Waxtarka guurka

Guurku waa saldhigga taranka dadka, maxaa yeelay bulshadu waxay ka unkantaa dhismaha qoyska. Qoyskana waxa sida la ogyahay dhidibka u aas aaska ubad ugxan cusub.

Ereyga GUUR markii ay dhagaheena maqlaan waxa ugu horreeya ee maskaxdeena kusoo dhaca waa “ laba lammaane oo is jeclaaday dadkana iska doortay, inay is guursadaanna go’aan ku gaaray”.

Hadaba ANIGA Guur waxaan ku macneeyay inuu yahay “ inay lammaane is jeclaadaan dadkana iska dhex doortaan ka dibna go’aan ku gaaraan inay is guursadaan, muhiimada Guurkoodana maaha kaliya inay iska heleen oo ay baahida Jinsiga kaliya inay isku gutaan, taas badalkeeda Guurku waa inay labada qofood ee is doortay ku fakaraan inay aas aas u noqdaan Qoys dhinac walba ka dhisan ha ahaato dhanka Diinta, Aqoonta, Aqlaaqda, dadnimada, Horumarinta nafeed, Horumarinta Bulsheed iwm.

Waxaa loo baahanyahay inay Lamnaanuhu isku inta aysan qaadan go’aanka kama dambeysta ah ee dhisida qoyska iyo wadaaga nolosha waa inay si weyn oo qotodheer uga baaraandegaan, hayaanka iyo siiyaalka nololeed, waa iney is weydiiyaan, waa kuma qofka aad xulaneysa?

Maahmaah Soomaaliyeed ayaa tiraahda:

“ Dadkuna dabciga ayuu isku afgartaa, Xooluhuna neefta”

Arrinkani waa midka ugu muhiimsan in qofka aad guursaneyso aadan u guursan dareen xiiso iyo laabla kaca, sida inta badan dhacda ama halhayska cusub ee ah:” Meeshuu igu gaaraan ku gaaraya”   waa inuu noqdaa qofka aad xulaneysaa, qof aad 70% isaga eg tihiin dabeecada iyo doorashada, kala duwanaantiinuna ay yartahay, taasoo hadhoow u baahan in kala duwanaanta lagu dabaqo dulqaad iyo tanaasul si uusan u iman ismaandhaaf iyo is afgaraan waa sababa burburka qoyska.

Lammaanuhu markay gelayaan heshiiskan diiniyan iyo dhaqanba waa inaad qofkaa la wadaagtaa duruuf iyo dan kasta oo la soo derista, mid dhaqaale, mid caafimaad iyo mid daneedba.

Waa in dhibaato kasta oo soo wajahdana iyagoo garbaha is haysta ka gudbaan, hadii aan la isku dulqaadan wax hagaagaya ma jiro, qoyskaasina wuxuu ku dambaynaa mid gudan waa xilkii ay gudoonteen.

Lammaanuhu waa inay garab isku siiyaan midba midka kale HADAFKIISA siduu ku rumayn lahaa, mid walbana waa in uu ka kale ku dhiiri galiyaa mar walba inuu lahaado HAMI SARE, waa inay labada lammaane nolosha ka lahaadaan Hammi fog.

Lamaanuhu hadii aanay aragtidooda mid ahayn waxaa imaan doona khilaafyo iyo isku dhacyo sababi kara inuu dumo reerkaa, Soomaalidu waxay tiraahdaa waxaa jira maahmaahyo iyo murti badan oo guurka Soomaalidu ka sheegtay haddaan dhawr soo qaaddano:

Guurku waa god madoow oo aad gacanta u ridatey., dulucda maahmaahda ayaa ah, Godkaa madoow inaad ka soo heli karto dahab iyo dheeman noloshaada wax ka beddela iyo in Bahal kaa qaniini karo labadaba ma ogid, ileeyn calafkaa isuma kaa sheegee!

Maahmaah kalena waxay tiraahdaa

Qofku wuxuu ku talo xumoobo guurkaa ugu wanaagsan. Dulucda maahmaahdu waa in haddii aad guursato, aadan ka shalaayin, waxaad noqon laba midkood, mid guuleystay oo gaarey hankiisa iyo himmiladiisa nololeed, mid guuldareystay oo bartey habka iyo hannaanka xulashada kana baaraandega, mararka qaarkoodna waxaaba dhacda in ubad yimaado, taasoo aan la dhihi Karin guurkii fashilmey guud ahaan khasaare ayuu noqdey.

(abada lammaane waxaa sugaya socdaal iyo jiidaal dheer oo ay kala kulmi karaan,   guul iyo guuldarroba, waxaana soo food saari doona,   arrimo badan oo waxtar iyo waxyeeloba yeelan kara.

Haddaba arrinkan ayaa u baahanaya Maareyn iyo maskax hufan in loogu maamulo, haddii la fududeystana keeni kara fadqalalo baahsan iyo fashil.

Sidoo kale Labada lammaane waa inuu yeeshaa dhismaha qoyskoodu siyaasad dhan walba ka dhisan, taasoo ku jiheysan hannaanka nololeed, dhaqaale iyo   ubad loo barbaariyey si wanaagsan loona carbiyey nolosha iyo mustaqbalka dambe, lagana dhisay dhinacayada aqoonta Diinta,mida maadiga, aqlaadka iyo dadnimada, waa inay astaan ku dayasho leh u noqdaan bulshada inteeda kale oo looga daydo qaabka ay ubadkooda u barbaariyeen kana dhiseen dhinac walba.

Qof walba meelo badan ayuu ku fiicanyahay, meelo yar yarna wuu ku xumaan karaa marna qof dhan oo waxqabad leh hal shay oo ka qaldan haku wada nicin, taa badalkeeda meesha uu ka qaldanyahay ka sax ee toosin iyo tusaalayn isugu dar, lammaanahana sidaa inay isku toosiyaan iskuna tusaaleeyaan baa laga doonayaa.

Dhamaanteen waxaa iskula dardaarmaynaa dhalinyarooy kuwa ku tula jira inay Guursadaan qof walbow qofka aad rabto inaad nolosha la wadaagto waa inaad fiiro dheer u yeelataa, waa inaad isku ujeeddo tihiin oo aad dhinacyo badan iska waafaqsan tihiin, haddii kale waxaa dhici doonta sida reero badan ku dumeen maalmo kooban gudahooda ka dib markii qilaafyo iyo is afgaranwaa tira badan hareeyay guurkoodii.

Qormadan waxaan u talo galay dhalinta guurdoonka ah iyo kuwa dhawaan is guursanaya.

W/Q: Sakariye Cabdixaliim Maxamed

https://www.facebook.com/saki.abdihaliim

SHEEKOOYIN